Waqtiyada kama dambeyska ah ee tabbabarka xirfadaha cusub ayaa wakhtiga loo kordhiyay ilaa iyo Juun 30. Qorshe samayso si aad u dhamaystirto maanta!

Kheyraadka COVID-19

Maadaama uu COVID-19 sii wado dhibaatada uu ku hayo bulshooyinkayaga, waxaan raadineynaa qaabab aan nafis fiicaan ku siino inta la awoodi karo shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed. Guddiga Maamulka waxay isla qaateen horumarinta dheefaha ee soo socota.

Tallaalka COVID-19

Ilaali naftaada, ilaa dadka kale, oo naga caawi inaan soo af-jarno saf-markan.

Dheefta Baaritaanka COVID-19 ee Bilaashka ah

Ka hel baritaanada COVID oo bilaash ah USPS. Haddii aad xirmo baaritaan ka heshay Carewell, ogoow sida aad wali u sii isticmaali karto.

Warqadda Shaqaalaha Lagama Maarmaanka ah

Shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed badankood ayaa raadiyay qaab ay ku cadeyni karaan inay yihiin daryeel bixiyeyaal, sidaas awgeedna ay yihiin shaqaalaha lagama maarmaanka ah.

Dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh ee COVID-19

Dheefta COVID-19 ee PTO ee ku meel gaadhka ah waxay dhamaatay Maajo 31, 2022.

Carewell SEIU 503 waxay bilowday inay bixiso dheeftan bisha Maarso 2020 markuu safmarka kow bilowday si taageero loo siiyo daryeel bixiyeyaasha wakhtiyada dhibaatada ay jirto. Lacag ka badan $2,500,000 ayaa loo qaybiyay in ka badan 6,000 oo daryeel bixiyeyaal ah oo ku sugan Oregon!

Waxaan ka mahadcelinaynaa dadaalada wadajirka ah ee dad badan oo ka mid ah reer Oregon, Oregon Health Authority (Maamulka Caafimaadka ee Oregon) waxay ku dhawaaqeen in amarka Xaalada Gargaarka Degdegga ah ee Caafimaadka Fayadhowrka la qaaday. Waxaan dadaalkeena u wareejin doonaa dheefaha kale ee Carewell ee loo baahan yahay.

Haddii aad wali u baahan tahay dheeftan oo aad buuxiso shuruuda xaq u yeelashada (hoos eeg), fadlan codso hadda ka hor inta aysan dhammaanin dheeftan ku meel gaadhka ah marki la gaadho Maajo 31, 2022.

Haddii aad gudbiso codsiga PTO ee COVID-19 ka dib Maajo 31, 2022, lagama shaqayn doono mana heli doontid wax lacag ah. Wixii codsi ah ee la gudbiyay ka hor Maajo 31, 2022, waxaad filan kartaa inaad lacag ku hesho ku dhawaad afar toddobaad gudahooda.

Tallaalka COVID-19

Ilaali naftaada, ilaali dadka kale, oo naga caawi inaan soo af-jarno saf-markan.

Tallaalka ayay hadda heli karaan dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee Oregon Si aad u qabsato booski aad ku heli lahayd kuurahaaga koowaad ee COVID-19, fadlan ku qabso balantaada tallaalka sida ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah!

Tallaalada COVID-19 waxaa si taxadar leh loogu qiimeeyay tijaabooyinka caafimaad waxaana ansixiyay FDA sababta oo ah waxay aad u yareynayaan inuu kugu dhaco COVID-19. Isku geynta inaad tallaal qaadato iyo inaad raacdo talooyinka CDC si aad naftaada u ilaaliso iyo dadka kale ayaa ilaalada ugu fiican ka bixineyso COVID-19 oo naga caawineyso inaan ka guuleysano xanuunkan.

Ma jiraan wax amarro ah oo kugu qasbaya inaad qaadato tallaalka. Balse midowgeena wuxuu taageeraa shaqaalaha daryeelka caafimaadka, shaqaalaha lagama maarmaarka ah, iyo dadweynaha guud ee qaadanaya tallaalka si loo dabar gooyo COVID-19 oo loo bilaabo geeddi-socodka dib looga soo kabsanayo safmarkan.

Baaritaanada COVID-19 ee Bilaashka ah

Ka hel baaritaanadaada bilaashka ah United States Postal Service

Guji halkan hoose si aad u dirsato dalabkaaga Baaritaanada COVID-19 ee Guriga ee Bilaashka ah. Ogoow: kani waa barnaamijka federaalka, ma ahan dheefta Carewell. Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto midan, fadlan la xiriir USPS.

Dheefta Baaritaanka COVID-19 ee Carewell

Laga bilaabo Seteembar 1, 2021, dheefta Baaritaanka COVID-19 ee Carewell lama sii heli karo. Tani waxay ka dhigan tahay inaadan xirmada baaritaanka ku sii codsan karin dheeftan. Sikastaba ha ahaatee, haddii aad xirmada baaritaanka ka hesho Innovare, wali waad isticmaali kartaa waxaadna u diri kartaa Innovare si looga shaqeeyo.

Sidee ayaan baaritaanka ugu diri karaa Innovare si ay uga shaqeeyaan?

    • Dhameytir baaritaanka laguu soo diray si aad iskaga qaado.
    • Ku celi baaritaanka sheybaarka adiga oo ku diraya warqada cinwaanka boostada wadata ee lagu siiyay.

Macluumaad Lagala Soo Xiriiro Innovare

Waxaad kala xiriiri Khadka Caawinta Innovare lambarka 631-403-0062.

Xagee ayaan ka heli karaa baaritaanka COVID-19?

Warqadda Shaqaalaha Lagama Maarmaanka ah

Shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed badankood ayaa raadiyay qaab ay ku cadeyni karaan inay yihiin daryeel bixiyeyaal, sidaas awgeedna ay yihiin shaqaalaha lagama maarmaanka ah. Halkan guji oo dhameystir foomka, waxaana si toos ah iimayl laguugu soo diri doonaa warqad caddeneysa inaad tahay shaqaale lagama maarmaan ah.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir