Kheyraadka COVID-19

Maadaama uu COVID-19 sii wado dhibaatada uu ku hayo bulshooyinkayaga, waxaan raadineynaa qaabab aan nafis fiicaan ku siino inta la awoodi karo shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed. Guddiga Maamulka waxay isla qaateen horumarinta dheefaha ee soo socota.

Dheefaha Wakhtiga Fasaxa Mushaharka Leh ee COVID-19.

Ilaa iyo 80 saacadood oo ah dheefaha PTO ee 2022 oo la siinayo shaqaalaha xaqa u leh.

Tallaalka COVID-19

Ilaali naftaada, ilaa dadka kale, oo naga caawi inaan soo af-jarno saf-markan.

Dheefta Baaritaanka COVID-19 ee Bilaashka ah

Ka hel baritaanada COVID oo bilaash ah USPS. Haddii aad xirmo baaritaan ka heshay Carewell, ogoow sida aad wali u sii isticmaali karto.

Warqadda Shaqaalaha Lagama Maarmaanka ah

Shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed badankood ayaa raadiyay qaab ay ku cadeyni karaan inay yihiin daryeel bixiyeyaal, sidaas awgeedna ay yihiin shaqaalaha lagama maarmaanka ah.

Dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh ee COVID-19

Dheeftan waxaa loo cusboonaysiiyay 2022. Iyada oo loo marayo dheefta PTO ee COVID-19, shaqaalaha xaqa u leh waxay heli karaan ilaa iyo 80 saacadood oo ah wakhtiga fasaxa lacagta leh ee 2022. Waxaad codsan kartaa inta jeer ee ugu badan ee aad u baahan tahay inta aad buuxinayso shuruudaha xaq u yeelashada.

Xaq ayaad u yeelan kartaa haddii:

  1. aad saacado lumisay ka dib Janaayo 1, 2021, iyada oo ay ugu wacan tahay mid ka mid ah shanta sababood ee xaq yeelashada ee la xiriira COVID-19;
  2. aad shaqeysay ugu yaraan 40 saacadood oo ah saacadaha shaqada xaqa leh (sidoo kale loo yaqaano saacadaha kooxda gorgortanka), mid ka mid ah saddexda bilood ee ka horeeya muddada waqtiga aad lumisay saacadahaas; iyo
  3. haddii uu Form W-9 (Foom W-9) kuugu jiro fayl yaala Benefits Administrative Office (Xafiiska Maamulka Dheefaha).

Dheeftan way sii jiri doontaa ilaa iyo sanduuqa lacagta la wada isticmaalo. Waxaan kugu dhiirigelineynaa inaad codsato sida ugu dhakhsaha badan isla marka aad xaq u yeelataba.

Xaq u yeelashada

Si aad xaq ugu yeelato dheeftan, waa:

  1. Inaad lumisay saacadaha shaqada xaqa leh ee la dabaro iyada oo ay ugu wacan tahay mid ka mid ah shanta sababood ee hoose; iyo
  2. Inaad ka shaqeysay ugu yaraan 40 saacadood oo la dabaro mid ka mid ah saddexda bilood ee ka horeysa bisha aad lumisay saacadaha la dabaro mid ka mid ah sababaha hoose aawadood; iyo
  3. Inuu Form W-9 (Foom W-9) kuugu jiro fayl yaala Benefits Administrative Office (Xafiiska Maamulka Dheefaha).

Shuruuda 1-aad: Inaad lumisay saacado shaqo iyada oo ay ugu wacan tahay mid ka mid ah sababaha hoose:

  1. Waxaa kugu dhacay COVID-19 oo la xaqiijiyay;
  2. Waxaa kugula taliyay xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh* inaad is karantiisho iyada oo ay ugu wacan tahay beylah noqosho macquul ah oo aad u beylah noqotay COVID-19;
  3. Waxaad leedahay calaamadaha COVID-19 waxaadna ku hawlan tahay raadinta baaritaan caafimaad oo aad ka hesho xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh;
  4. Waxaad daryeel siineysaa shaqsi, kaas oo sharci ahaan aad mas’uul ka tahay ama aad la nooshahay, oo haddana ku jira karantiil ama go’doomin uu amray xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh*; iyo/ama
  5. Waxaad daryeeleysaa ilmo kaas oo sharci ahaan aad mas’uul ka tahay oo haddana dugsigiisa ama xaruntiisa daryeelka xannaanada loo xiray taxaddarada COVID-19 aawadeed haddana aysan jirin shaqsiyaad kale oo la heli karo oo u qalma*** inay daryeelaan limahaaga (carruurtaada).

Xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh waa bixiyaha daryeelka caafimaad ee shatiyeysan loona tabbabaray inuu bixiyo adeegyo caafimaad. Tani waxaa ka mid ah dhakhaatiiirta, kaaliyeyaasha dhakhaatiirta, kaalkaaliyaha tabbabaranaya, kaalkaaliyaha diiwaangashan. Ujeeddada dheeftan aawadeed, Raadraacayaasha la shaqeynaya maaumalada caafimaadka fayo-dhworka ee deegaanka—sida Oregon Health Authority (Maamulka Caafimaadka ee Oregon) — waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin xirfadleyaal caafimaad oo aqoonsi leh.

** Qof u qalma daryeelka ilmaha waa qof wayn oo shatiyeysan ama aan shatiyeysnayn oo aad ku aaminto inuu daryeel ammaan leh siiiyo ilmahaaga. Tani waxaa ka mid noqon kara daryeel bixiyaha ilmahaaga ee joogtada ah, xarun daryeel oo shatiyeysan, ama xubin qoys.

Ka eeg qaybta Su’aalaha iyo Jawaabaha wixii macluumaa dheeraad ah ee ku saabsan sababaha loo lumiyo saacadaha shaqada.

Shuruuda 2-aad: Inaad ka shaqeysay ugu yaraan 40 saacadood oo la dabaro mid ka mid ah saddexda bilood ee ka horeysa bisha aad lumisay saacadaha la dabaro ee sabab la oggolyahay aawadeed.

Si aad xaq ugu yeelato dheeftan, waxaad u baahan tahay inaad shaqeysay ugu yaraan 40 saacadood mid ka mid ah saddexda bilood ee ka horeeya muddada waqtiga ee aad lumisay saacadahaas.

Tusaale ahaan, haddii aad saacado lumiso Febraayo 2021, waxaad u baahan tahay inaad ka shaqeysay ugu yaraan 40 saacadood Janaayo 2021, Diseembar 2020, ama Noofeembar 2020 si aad xaq ugu yeelato.

Shuruuda 3-aad: Inuu Form W-9 (Foom W-9) kuugu jiro fayl yaala Benefits Administrative Office (Xafiiska Maamulka Dheefaha).

Dheefaha PTO (Waqtiga Fasaxa Mushaharka Leh) ee COVID-19 waa la canshuuraa; sidaas darteed, waxaad u baahan tahay inuu Form W-9 (Foom W-9) kuugu jiro fayl yaala Benefits Administrative Office (Xafiiska Maamulka Dheefaha). Haddii aadan hubin inuu foomka W-9 kuu yaalo Benefits Administrative Office (Xafiiska Maamulka Dheefaha) waxaan kugula talineynaa inaad mid buuxiso si uu kaaga caawiyo inaad iska ilaaliso inay kaa soo daahdo lacag bixinta dheefta.

Su’aalo iyo Jawaabo

Akhri su’aalaha ugu badan ee ku saabsan Wakhtiga Fasaxa Mushaharka Leh ee COVID-19.

Maxay yihiin "saacadaha la dabaro?"

Saacadaha la dabaro (sidoo kale loo yaqaano saacadaha shaqada xaqa leh ama saacadaha kooxda gorgortanka) waa saacadaha aad u shaqeyso macmiilkaaga oo ay mushahar kugu siiyaan Acumen, DHS iyo/ama PPL iyaga oo matalaya macmiilka.

Imisa saacadood oo ah saacadaha dheefta PTO ee COVID-19 ayaan xaq u leeyahay?

Haddii aad buuxiso shuruudaha xaq u yeelashada, waxaad heli kartaa ilaa iyo 80 saacadood oo ah dheefaha PTO sanadka 2022.

Miyaan codsan karaa dheefta PTO ee COVID-19 wax ka badan hal mar?

Haa! Waxaad codsan kartaa inta jeer ee ugu badan ee aad u baahan tahay, inta aad buuxinayso shuruudaha xaq u yeelashada, ilaa iyo 80 saacadood oo ah PTO sanadka 2022.

Miyaan codsan karaa saacadaha aan lumiyay 2021.

Haa! Sanadki 2021, shaqaalaha xaqa u leh waxay heli kareen ilaa iyo 40 saacadood oo ah PTO ee COVID-19.

Miyaan xaq u leeyahay dheeftan haddii aan yeeshay calaamadaha COVID-19 oo aan go'aan ku gaaray inaan guriga joogo oo shaqada ka joogo?

Maya. Si aad xaq ugu yeelato, xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh ama Raadraacaha Oregon Health Authority (Maamulka Caafimaadka ee Oregon) waa inuu ku faray inaad is karantiisho. Haddii aad adiga shaqsi ahaantaada u go’aansatay inaad is karantiisho oo aysan ahayn amar ama talo kaaga timid xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh, xaq uma yeelan doontid dheeftan.

Miyaan xaq u leeyaahay dheeftan haddii xarunta bixiyaha daryeelka ilmahayga ay furneed/la heli karay balse aan aniga go'aan ku gaaray inaan guriga ku hayo iyada oo ay ugu wacan tahay walaacyada aan ka qabay COVID-19?

Maya. Si aad xaq ugu yeelato, waa inaadan lahayn daryeel carruur oo kugu filan oo aad heli karto. Haddii aad adiga shaqsi ahaantaada u go’aansatay inaad ilmahaaga guriga ku reebto oo aysan ahayn amar ama talo kaaga timid xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh, xaq uma yeelan doontid dheeftan.

Ka waran haddii macmiilkayga uu halis badan ku jiro oo uu diidayo saacadaha shaqada?

Si aad xaq ugu yeelato dheeftan xaaladan, waa inaad saacado lumisay iyada oo ay ugu wacan tahay in macmiilkaaga la faray inuu is karantiilo oo uu faray xirfadle caafimaad. Xaq uma yeelan doontid dheeftan haddii uu macmiilka go’aanka iskiis u qaatay inuu is karantiilo.

Waa maxay xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh?

Xirfadle caafimaad oo aqoonsi leh waa bixiyaha daryeelka caafimaad ee shatiyeysan loona tabbabaray inuu bixiyo adeegyo caafimaad. Tani waxaa ka mid ah dhakhaatiiirta, kaaliyeyaasha dhakhaatiirta, kaalkaaliyaha tabbabaranaya, kaalkaaliyaha diiwaangashan. Ujeeddada dheeftan aawadeed, Raadraacayaasha la shaqeynaya maamulada caafimaadka fayo-dhowrka ee deegaanka — sida Oregon Health Authority (Maamulka Caafimaadka ee Oregon) — waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin xirfadleyaal caafimaad oo aqoonsi leh.

Waa maxay "qof la aqoonsan yahay" marka laga hadlo daryeelka ilamaha?

Qof la aqoonsan yahay waa qof wayn oo shatiyeysan ama aan shatiyeysnayn oo aad ku aaminto inuu daryeel ammaan leh siiiyo ilmahaaga. Tani waxaa ka mid noqon kara dugsiga ilmahaaga, daryeel bixiyahooda joogtada ah, xarun daryeel oo shatiyeysan, ama xubin qoys.

Imisa ayaa la isiin doonaa?

Dheefta PTO ee COVID-19 waxaa loo xisaabaa isla sida caadiga ah ee loo xisaabo Wakhtiga Fasaxa Mushaharka Leh ee COVID-19. Dheefahaaga PTO waxaa lagu go’aamiyaa iyada oo lagu saleynayo mushaharada aad hesho bisha koowaad ee aad xaqa yeelato — xaaladan, horaanta bisha November 2020. Daryeel bixiyeyaasha badankood, tani waxay ahayd $15.77 halki saac. Laga bilaabo Janaayo, 2022, sicirka daryeel bixiyeyaasha badankood waa $16.67 saacadiiba.

Haddii aan sheegto dheefaha PTO ee COVID-19, miyaan wali sheegan karaa noocyada kale ee dheefaha PTO sida PTO-da joogtada ah?

Haa! Waa inaad (oo waa qasab) codsato dhammaan dheefaha PTO ee Carewell SEIU 503 ee ad xaqa u leedahay, oo ay ku jirto PTO-ga joogtada ah.

Dukumiinti noocee ah ayaan u baahanahay inaan diro si aan u cadeeyo inaan saacado lumiyay iyada oo ay ugu wacan tahay mid kamid ah shanta shuruud ee xaq u yeelashada?

Uma baahnid inaad soo dirto dukumiintiyo dheeraad ah. Waxa kaliya oo aad u baahan tahay inaad caddayso (si kale haddii loo dhigo, inaad ku dhaarato) xaqiiqda ah inaad lumisay saacado shaqo oo la dabaro iyada oo ay ugu wacan tahay sababta aad ku sheegtay foomkaaga codsiga dheefta. Lumintaada saacadaha la dabaro waxaa markaas xaqiijin doona Administrative Office (Xafiiska Maamulka Dheefaha) iyo Oregon Home Care Commission (Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon) iyaga oo eegaya warqadaada saacadaha la shaqeeyay/foojarkaaga.

Maxaa dhacaya haddii Administrative Office (Xafiiska Maamulka Dheefaha) iyo Oregon Home Care Commission (Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon) aysan xaqiijinin saacaheyga lumay ee la dabaro?

Haddii midkoodna saacadaha la dabaro ee aad shaqeysay ama saacadaha la dabaro ee aad seegtay aan la xaqiijin karin, shaqaalaha Administrative Office (Xafiiska Maamulka Dheefaha) ayaa kula soo xiriiri doona si ay iskuugu dayaan oo ay u xaliyaan kala duwanaanshaha. Haddii saacadaha la dabaro ee lumay aan la xisaabin karin, qofka dheefta helayo ayaa mas’uul ka noqon kara inuu dib u soo celiyo dheefta.

Tallaalka COVID-19

Ilaali naftaada, ilaa dadka kale, oo naga caawi inaan soo af-jarno saf-markan.

Tallaalka ayay hadda heli karaan dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee Oregon Si aad u qabsato booski aad ku heli lahayd kuurahaaga koowaad ee COVID-19, fadlan ku qabso balantaada tallaalka sida ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah!

Tallaalada COVID-19 waxaa si taxadar leh loogu qiimeeyay tijaabooyinka caafimaad waxaana ansixiyay FDA sababta oo ah waxay aad u yareynayaan inuu kugu dhaco COVID-19. Isku geynta inaad tallaal qaadato iyo inaad raacdo talooyinka CDC si aad naftaada u ilaaliso iyo dadka kale ayaa ilaalada ugu fiican ka bixineyso COVID-19 oo naga caawineyso inaan ka guuleysano xanuunkan.

Ma jiraan wax amarro ah oo kugu qasbaya inaad qaadato tallaalka. Balse midowgeena wuxuu taageeraa shaqaalaha daryeelka caafimaadka, shaqaalaha lagama maarmaarka ah, iyo dadweynaha guud ee qaadanaya tallaalka si loo dabar gooyo COVID-19 oo loo bilaabo geeddi-socodka dib looga soo kabsanayo safmarkan.

Baaritaanada COVID-19 ee Bilaashka ah

Ka hel baaritaanadaada bilaashka ah United States Postal Service

Guji halkan hoose si aad u dirsato dalabkaaga Baaritaanada COVID-19 ee Guriga ee Bilaashka ah. Ogoow: kani waa barnaamijka federaalka, ma ahan dheefta Carewell. Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto midan, fadlan la xiriir USPS.

Dheefta Baaritaanka COVID-19 ee Carewell

Laga bilaabo Seteembar 1, 2021, dheefta Baaritaanka COVID-19 ee Carewell lama sii heli karo. Tani waxay ka dhigan tahay inaadan xirmada baaritaanka ku sii codsan karin dheeftan. Sikastaba ha ahaatee, haddii aad xirmada baaritaanka ka hesho Innovare, wali waad isticmaali kartaa waxaadna u diri kartaa Innovare si looga shaqeeyo.

Sidee ayaan baaritaanka ugu diri karaa Innovare si ay uga shaqeeyaan?

    • Dhameytir baaritaanka laguu soo diray si aad iskaga qaado.
    • Ku celi baaritaanka sheybaarka adiga oo ku diraya warqada cinwaanka boostada wadata ee lagu siiyay.

Macluumaad Lagala Soo Xiriiro Innovare

Waxaad kala xiriiri Khadka Caawinta Innovare lambarka 631-403-0062.

Xagee ayaan ka heli karaa baaritaanka COVID-19?

Warqadda Shaqaalaha Lagama Maarmaanka ah

Shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed badankood ayaa raadiyay qaab ay ku cadeyni karaan inay yihiin daryeel bixiyeyaal, sidaas awgeedna ay yihiin shaqaalaha lagama maarmaanka ah. Halkan guji oo dhameystir foomka, waxaana si toos ah iimayl laguugu soo diri doonaa warqad caddeneysa inaad tahay shaqaale lagama maarmaan ah.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir