Tallaalada COVID-19 ee lagu bixiyo Kaiser Permanente

Shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ayaa awoodi karo inay tallaalka COVID ka helaan Kaiser, haddii aad xubin ka tahay Kaiser Permanente iyo haddii aadan ka ahaynba. Si aad tallaalka COVID-19 uga hesho Kaiser Permanente markuu diyaar noqdo, waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso su’aalaha xog uruurinta ee Liiska Sugida Tallaalka COVID-19. Halkan guji si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah. Fariintan soo socota waxay ka timid Kaiser Permanente: Iyada oo ku saleysan heerka shaqadaada, waxaad xaq u yeelan kartaa tallaalka COVID-19. Tallaalka waxaa haddadan la siiyaa dadka buuxiya xaq u yeelashada Phase 1a sida ay qeexeen Oregon Health Authority (Maamulka Caafimaadka ee Oregon). Shaqsiyaadka ku jira Phase 1a waxaa ka mid ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka, dadka degan xarumaha xannaanada ee xirfadleyda iyo falceliyaasha koowaad. Kaiser Permanente NW waxaa loo oggolaaday inay ka mid noqoto bixiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee faraha badan ee deegaankeena waxayna ka shaqeyneysaa inay bixiso tallaalada iyada oo raceeysa hannaanka wajiyada leh ee gobalka. Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan ka eeg Qorshaha Kala Horraysiinta Tallaalka ee Oregon.

WAXA AY TAHAY INAAD SANEYSO

Si aad u qabsato booski aad ku heli lahayd kuurahaaga koowaad ee COVID-19, fadlan ku qabso ballantaada tallaalka sida ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah adiga oo galaya kp.org/appointmentsoo dooranayo "COVID-19 Vaccine" ("Tallaalka COVID-19") ama wacaya 1-800-813-2000 (TTY 711), Isniin ilaa iyo Jimce, laga bilaabo 6 a.m. ilaa iyo 7 p.m. Iyyada oo ay ugu wacan tahay tirada yar ee tallaalka ee laga helay maamullada caafimaadka fayo-dhowrka, tirada ballamaha la heli karo aad bey u yaryihiin. Haddii aad ballan heli weydo waqtigan la joogo, waxaa kuu furan labo wado:

  1. Waxaad isku dayi kartaa markale maalin kale adiga oo galaya kp.org/appointments ama wacaya 1-800-813-2000 (TTY 711). Tallaalo dheeraad ah ayaa si joogto ah loogu daraa.
  2. Waxaad ka heli kartaa tallaalka bixiyaha kale ee tallaalka COVID-19 oo uu ansixiyay gobbalka.

Haddii aad ballan qabsato, balse aadan tagi karin, fadlan jooji ballantaada si markaas qof kale oo mudnaan leh loo tallaalo isla waqtigaas.

ISKU DIYAARINTA TALLAALKAAGA

Marka aad isku diyaarineyso ballanta tallaalkaaga, fadlan dib u eeg tilmaamaha iyo macluumaadka muhiimka ah ee soo socda:

  • Ballan ayaa loo baahan yahay si aad tallaal u hesho.
  • La imoow warqadaada mushahar bixinta ama foomka shaqaale lagama maarmaan ah oo buuxa, iyo sidoo kale lambarkaaga diiwaanka caafimaadka ee Kaiser Permanente iyo sawirka Aqoonsiga gobalka ee ballantaada.
  • Waqti sii si aad u sii joogto goobta tallaalka waqtiga hubinta oo ah 15 daqiiqo tallaalka ka dib. Haddii aad horay u lahayd taariikhda xasaasiyad daran oo ad ugu qabtay wax un, waxaad u baahan tahay in lagula socdo 30 daqiiqo goobta tallaalka. Haddii aadan haynin waqti aad ku sugto, waxaad u baahan doontaa inaad baddesho ballantaada.
  • Waxaa lagu fari doonaa inaad buuxiso Warqadda Tallaalka Hortiisa: Tallaalka COVID-19. Haddii aad buuxin karto warqadda tallaalka hortiisa ee halkan ku lifaaqan ka hor inta aadan u imaanin ballantaada, aad ayay waxtar u lahaan kartaa.
  • Ma awoodi doontid inaad doorato soo saaraha tallaalka. Iyada oo ku xiran nooca tallaalka aad qaadaneyso, tallaalak wuxuu u baahan yahay labo kuure, oo isku jira midkood 21 ama 28 maalmood. Ballanta kuuraha labaad waxaa la sii qaban doonaa ballanta kuurahaaga koowaad. Haddii aad kolhoraba qaadatay kuuraha koowaad, fadlan wac 1-800-813-2000 (TTY 711) si laguu caawiyo.
  • Haddii lagu faro inad guriga joogto iyada oo ay ugu wacan tahay caabuqa COVID-19 ama u beylah noqosho, fadlan sug ilaa muddooyinka waqtiyadan ay ka gabagaboobayaan si aad u qabsato ballantaada.
  • Haddii aad leedahay qandho ka badan 100 digrii, adiga oo aan qaadanin daawo qandho-jabin ah, 24 saacadood ka hor ballantaada, fadlan dib uga baddelo ballantaada barta kp.org ama wac 1-800-813-2000.
  • Ha qaadanin wax tallaal kale ah ilaa iyo 14 maalmood ka hor iyo ka dib marka aad qaadato tallaalka COVID-19.
  • Tallaalka si buuxda looguma daraaseynin dadka habka difaaca jidhkoodu uu daciifka yahay, balse weli way awoodaan inay qaataan tallaalka.
  • Waxaa jira xog kooban oo ku saabsan haweenka uurka leh ama naas nuujinaya, balse iyada oo ku salaysan bayoolajiga tallaallada hadda jira, waxaa la filayaa inay badqab yeeshaan. Macluumaadka hadda la hayo ayaa soo jeedinaya in dheefaha uu u leeyahay tallaalka COVID-19 haweenka uurka ah, naas nuujinaya ama isku dayaya inay uur yeeshaan ay ka miisaan badan yihiin halista. Baaritaanka uurka looma baahna kahor bixinta tallaalka. Naasnuujintu uma baahna in la joojiyo ama la hakiyo ka dib marka la qaato tallaalka.
  • Xitaa tallaalka ka dib, fadlan sii wad inaad fogaato dadka kale, iska ilaali isku imaatinka, xiro maaskaro oo gacmahaaga si joogto ah u dhaq ilaa iyo talooyinka caafimaadka fayodhowrka ay isbedelaan.
  • Si aad u hesho macluumaadka ugu danbeeyay ee ku saabsan COVID-19, oo ay ku jiraan hagidda daryeelka, qabsashada baaritaanka COVID-19, iyo warbixinada tallaalka, gal kp.org/coronavirus. Waxaad sidoo kale iimayl u diri kartaa kooxdaada daryeelka ee fariinta kp.org si aad jawaabo ugu hesho su’aalaha gaarka ah.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir