Ka isticmaal dheefahaaga markaad u baahataba barta MyCarewell503

Daryeel bixiyeyaasha waxay hadda awood u leeyihiin inay maareeyaan dheefahooda oo ay ku heli karaan onleen ahaan, 24 saacadood maalinti.

Waxay inoo sheegeen boqolaal daryeel bixiyeyaal ah inay aad muhiim ugu ahaan lahayd inay ku isticmaali karaan dheefahooda onleen ahaan. Waxaan diyaarinay agabkeena onleenka ah ee cusub, MyCarewell503, inuu noqdo hal goob:

Bidix u jiid si aad wax badan u aragto

Table Plugin

Waxaan rajaynaynaa inuu kuu noqdo agabkan onleenka ah ee cusub mid habboon oo kuu sahlan inaad isticmaasho. Dabcan, waad na soo wici kartaa ama waxaad inoogu soo diri kartaa iimayl wixii su’aalo ah ama haddii aad u baahato taageero. Nagala soo xiriir lambarka 1-844-503-7348, Isniin – Jimce, 8am – 6 pm PST ama iimayl noogu soo dir CarewellSEIU503Benefits@RISEpartnership.com.

Eeg boggan FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) haddii aad diyaar u tahay inaad sahmiso habkan cusub ee xiisaha badan si aad u hesho macluumaadkaaga Carewell SEIU 503.

Sideen iskuugu diiwaangeliyaa MyCarewell503?

Gal MyCarewell503.org oo raac tallaabooyinka hoose
1:    Guji Register as a New User (Isku Diiwaangeli Adeegsade Cusub Ahaan). 
2.    Raac fariimaha shaashada soo koraya si aad u hagaajisato akoonkaaga. Geli lambarkaaga SSN oo riix Xiga. 
3.    Xaqiiji in lambarkaaga SSN uu saxan yahay. Waxaad sidoo kale arki doontaa magacaaga. Geli ZIP Code-kaaga iyo Taariikhdaada Dhalashada kadibna riix Xiga. 
4.    Akhri Qodobadda iyo Shuruudaha. Hoos u bax oo haddii aad oggoshahay, dooro “Waan Aqbalay Qodobadda iyo Shuruudaha” oo riix Xiga. 
5.    Sameyso oo xaqiiji lambar sireed, kadibna geli cinwaanka iimaylkaaga. Dooro su’aalo iyo jawaabo kuu gaar ah. Kadibna riix Xiga. 
6.    Ka dibna waxaa lagu waydiin doonaa inaad geliso lambarka taleefonkaaga, cinwaanka iimaylka iyo nooca wada-xiriirka ee aad doorbidayso. Markaad bogto, riix Save Communication (Kaydi Wada-xiriirka) ama Continue Later (Sii Wad Hadhoow). 
7.    Sifada astuurnaanta waxay u sahlaysaa adeegsadaha inuu doorto haddii uu rabo ama uusan rabin inuu la wadaago macluumaadkiisa dadka kale ee ku jira qorshihiisa caymis. Inaad furtid meeshan ayaa tilmaamayso inaadan rabin inaad macluumaadkaaga la wadaagto xubnaha kale ee ku jira qorshahaaga caymis. Riix Save Privacy (Kaydi Astuurnaanta) ama Continue Later (Sii Wad Hadhoow).
Inaad doorato Save Privacy (Kaydi Astuurnaanta) ayaa soo gabagabayn doonta hannaanka diiwaangelinta.

*Ogoow: Xusuuso inaad meel ammaan ah ku kaydsato magacaaga adeegsadaha iyo lambar sireedkaaga si aad uga tixraacdo haddii aad iloowdo!

Talo! Waxaad ciinwaanka iimaylkaaga u isticmaali kartaa inaad ka dhigato magacaaga adeegsadaha, si ay kuugu fududaato inaad xasuusato.

Si aad u qoto dheer ugu ogaato waxyaabaha aad ka samayn karto MyCarewell503, fadlan eeg Hagahan Adeegsadaha.

Waxaan had iyo jeer raadinaynaa habab aan kaga caawino shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed inay si fudud u isticmaalaan dheefahooda, waxaana filaynaa in MyCarewell503 ay tahay tallaabo muhiim ah oo dhinacaas loo qaaday. Waxaan ku faraxsanahay inaan ku siino agabkan cusub ee habboon oo si toos ah kuugu xiraya dheefahaaga Carewell SEIU 503!

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir