Luminta Xaq Yeelashada

Sida aad ku lumin karto xaq yeelashada

Waxaad lumin kartaa xaq yeelashada dheefaha Carewell SEIU 503 (Ilkaha, Aragga + Maqalka, EAP, iyo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka) haddii aad yeelato 2 bilood oo aadan wax saacado ah ka shaqaynin. Ka dib 2-daas bilood, waxaa lagu siin doonaa muddo kordhin 1 bil ah ka hor inta aysan dhamaanin dheefahaaga. 

Warqado ayaa boostada loogu diiri doonaa daryeel bixiyeyaasha iyada oo loo sheegayo inay lumin karaan dheefahooda. Ogaysiisyadan waxaa sidoo kale ku jiro macluumaad ku saabsan sii wadashada caymisyada Ilkaha, Aragga Iyo Maqalka, iyo EAP ee laga helo COBRA.

Maxaa dhacaya markay dheefaha go'aan?

Dheefaha Ilkaha, Aragga, Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha (EAP)

Dheefahaaga Ilkaha, Aragga iyo Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha, ama DVE, waxay go'ayaan maalinka ugu danbaysa ee bisha muddo kordhinta laguu sameeyay. Si kastaba ha ahaatee, waxaad dooran kartaa inaad ku sii jirto qorshayaasha caymiska Ilkaha ee Kaiser Permanente, caymiska Aragga iyo Maqalka ee Ameritas, iyo EAP ee laga helo COBRA.  

Haddii aad go'aansato inaad ku sii jirto dheefaha DVE ee laga helo COBRA, tani waxay ka dhigan tahay inaad hadda bixin doonto khidmadaha caymiska ee bil'laha ah adiga oo ku diraya lacagta Carewell SEIU 503. Sanadka 2023, khidmadaha caymiska ee bil'laha ah ee lagu sii wadanayo caymiska Ilkaha, Aragga, Maqalka, iyo EAP waxaa $41.03 bishiiba.

Haddii aad lumiso xaq u yeelashada dheefaha, waxaa boostada laguugu soo diri doonaa Ogaysiiska Xulashada COBRA, kaa oo wata foom aad iskuugu diiwaangeliso COBRA.

Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka (HCA)

Inaad lumiso dheefaha Carewell SEIU 503 kama dhigno inaad luminayso ceymiskaaga caafimaadka! Balse dhamaadka bishaada muddo kordhinta, Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta (BCC) ayaa la xiri doonaa waxaadna bilaabi doontaa inaad iskaa u bixiso khidmadahaaga caymiska ee bil'laha iyo kharashyada caafimaadka ee jaabka laga bixiyo.  

Ha tuurin kaarkaaga BCC!  Haddii aad xaq u yeelato Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka mar labaad, waxaad awoodi doontaa inaad mar kale isticmaasho kaarkaaga. 

Xusuusnoow! Haddii aad ka hagaajisatay lacag bixinta tooska ah shirkadaada caymiska, waxaad u baahan doontaa inaad la xiriirto shirkadaada si aad u cusboonaysiiso macluumaadkaaga lacag bixinta.  Guji halkan si aad u hesho macluumaadka meesha lagala xidhiidho (sida Kaiser Permanente, Moda, ama Providence). 

Haddii aad caymis ka haysato caymiska Goob-Suuqeedka: 

    • Ku bixi lacagaha khidmadaada caymiska bil'laha ah wakhtiga saxda ah, ama waxaad caymiska ku wayn kartaa inaadan lacagta bixinin. Luminta xaq yeelashada Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ma ahan Dhacdo Nololeed Muteysi Leh, marka waxaad u baahan kartaa inaad sugto ilaa iyo laga gaaro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) ee xigta si aad iskaga diiwaangeliso caymiska caafimaadka.  
    • Cusboonaysii codsigaaga Goob-suuqeedka haddii dakhligaaga uu isbaddelay. 
    • Haddii dakhligaaga uu hooseeyo inaad lumisay saacado shaqo aawadeed, waxaad xaq u yeelan kartaa caymiska Goob-suuqeedka. Waxaad codsan kartaa wakhti walbo sanadka: 
      • Oregon Health Plan (OHP) ee Oregon — guji halkan si aad u gasho websaydhka 
      • Apple Health in Washington — guji halkan si aad u gasho websaydhka 

Dheefaha Wakhtiga Fasaxa ee Lacagta leh (PTO)

Xaq u lahaanshaha dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh waxay ku salaysan tahay shuruudo kala duwan. Xittaa hadii aad lumisay xaq u lahaanshaha dheefaha Carewell SEIU 503, waxaad wali u qalantaa dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh haddii aad shaqaysay tirada saacadaha ee loo baahan yahay. 

Ogoow si aad xaq ugu yeelato PTO, waa inaad sidoo kale buuxiso oo aad u soo gudbiso W-9 form (foom W-9) Carewell SEIU 503. 

Tag halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dheefaha PTO. 

Dib ma u heli kartaa xaq u yeelashada dheefaha Carewell SEIU 503?

Haa! Haddii aad dib u biloowdo shaqada, oo aad shaqayso ugu yaraan 40 saacadood 2 bilood oo isku xiga, waxaad markale xaq u yeelan kartaa dheefaha Ilkaha, Aragga iyo Maqalka, EAP, iyo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503. Ka dib 2-daada bilood ee 40-ka saacadood, waxaa jira 1 bil oo ah muddo sugitaan ka hor intaysan dib u bilaabanin dheefaha.  

Caymiskaaga Ilkaha, Aragga iyo Maqalka, iyo EAP wuxuu bilaaban doonaa maalinta koowaad ee bisha isla markay dhamaato muddadaada sugitaanka. 

Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka markaad dib u hesho xaq u yeelashadaada

Haddii aad ku jirto Medicare

Haddii aad ku jirto Medicare, waa inaad bilowdo inaad hesho magdhawga khidmadahaaga caymiska bil'laha ah oo dhan isla cadadki aad horay u heli jirtay. Haddii aad HCA ku heli jirtay Medicare sanadki la soo dhaafay (ma ahan sanadka lagu jiro) oo khidmadahaaga bil'laha ah ama macluumaad kasta oo kale uu isbaddelay, waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso warqadaha HCA ee Medicare iyo Foomka Sheegashada Magdhawga Khidmada Caymiska Bil'laha ah ee Medicare (gal halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo aad u buuxiso foomamka). Marka dukumiintiyadaada laga shaqeeyo, waxaa kuu bilaaban doona inaad hesho magdhawga khidmadaha bil'laha ah waxaadna awoodi doontaa inaad u isticmaasho kaarka BCC kharashyada aad jaabkaaga ka bixiso.  

  • Haddii aad kaydsatay kaarkaaga BCC, waxaad wali awood u lahaan doontaa inaad isticmaasho, marka laga reebo in la dhaafay taariikhda dhicitaanka ee korka kaga qoran. Fadlan ogoow in Ameriflex, maamulaha BCC, ay qaybisay kaarar cusub Luuliyo 2022. Haddii aad heshay kaarkaaga BCC ka hor taariikhdaas, ma sii shaqaynayo, iyada oo aan loo eegaynin taariikhda ay dhacayso.
  • Haddii aadan haysanin kaarka BCC oo ansax ah, ka wac Carewell SEIU 503 lambarka 1-844-503-7348 si aad dalbato kaar cusub.
    Haddii aad haysato caymiska Goob-Suuqeedka

    Haddii aad leedahay caymiska Goob-Suuqeedka, waxaad buuxin doontaa Foomka Macluumaadka Diiwaangelinta si aad inoogu sheegto qorshahaaga caymiska iyo khidmadahaaga bil'laha ah. Waxaan sidoo kale kuu soo jeedinaynaa inaad wacdo 1-844-503-7348 si aad u xaqiijiso in dheefahaaga HCA ay dib u bilowdaan habsan la'aan. Ka akhri wax badan oo ku saabsan Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Ceymisyada La Ansixiyay halkan. 

    Haddii aadan haysanin caymiska caafimaad

    Haddii aadan haysanin caymis caafimaad, ma awoodi doontid inaad isku diiwaangeliso qorshaha caymiska caafimaad ee ku jira Goob-suuqeedka Caymiska Daryeelka Caafimaadka ilaa iyo laga gaaro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka), marka laga reebo inaad xaq u leedahay Muddada Diiwaangelinta Gaarka ah. Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) waxay sida caadiga ah bilaabataa Noofeembar 1 ee caymiska sanadka soo socda. Ilaa iyo aad iska diiwaangeliso qorshaha caymis ee Goob-Suuqeedka caymiska, ma awoodi doontid inaad hesho dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawinno: wac 1-844-503-7348 si aad ula hadasho Xarunta Caawinta Xubnaha oo aan kaaga caawino inaad isdiiwaangeliso sida ugu dhakhsaha badan.  

    Su'aalaha ku saabsan xaq u yeelashadaada dheefaha Carewell SEIU 503? Ma haysataa saacado shaqo oo aad soo gudbiso? 

    Bil walbo, gobalka wuxuu soo gudbiyaa saacadaha aad shaqaysay si loo qiimeeyo haddii aad xaq u leedahay inay dheefaha kaaga sii socdaan Carewell SEIU 503. Haddii aad aaminsan tahay in diiwaanadeena ay qaldan yihiin, fadlan isla markaaba nagala soo xiriir 1-844-503-7348.

    Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

    Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

    Xir