Carewell SEIU 503 Guide to Training and Benefits (Hagaha Tabbabarka iyo Dheefaha ee Carewell SEIU 503) ee la cusboonaysiiyay ayaa la heli karaa!

Daryeel bixiyeyaasha ayaa dadaal ku bixyo, maalin kasta, inay taageeraan oo daryeelaan dadka kale. Carewell SEIU 503 ayaa halkan diyaar kuugu ah inay ku taageerto! Qoyska tabbabarka iyo dheefaha ay sida adag u hanteen daryeel bixiyeyaasha SEIU 503 ayaa sii waday inuu koro.

Marka, waxaan diyaarinay Hagahan cusub oo leh macluumaad muhiim ah oo ku saabsan dheefahaaga iyo tabbabarkaaga. Adeegyadan waxaa loo bixiyaa si cad oo la isku halleyn karo si ay kaaga caawiyaan inay ku siiyaan xasilloonida, caafimaadka, xirfadaha, iyo tabbabarka aad u qalanto.

Hagaha la cusboonaysiiyay waxaa ka muuqan doono macluumaad ku saabsan khayraad cusub, oo ay ku jiraan:  

  • MyCarewell503, agab awood u siinaya daryeel bixiyeyaasha inay maareeyaan dheefahooda, 24/7 onleen ahaan
  • Carina, adeegga isku beega daryeelka ee isticmaalka fudud ee loogu talagalay adeeg bixiyeyaasha daryeelka guriga dhexdiisa ah ee Oregon
  • Koorsooyinka Waxbarashadda Dadka Wawayn, ee ay heli karaan daryeel bixiyeyaasha ee ka caawiya inay la socdaan dhaqamada wanaagsan ee ugu danbeeyay iyo inay dhisaan xirfadahooda

Hagaha waxaa sidoo kale ku jira Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha, Sharciyada Xaq U Yeelashada, iyo Ogeysiisyada Asturnaanta. Waxaa lagu heli karaa Ingiriis, Isbaanish, Ruush, Fiyatnaamiis, Simplified Chinese, Carabi, Kuuriyaan, iyo Soomaali.

Sida loo helo Hagaha:

Waxaad kula soo degi kartaa oo aad ku eegi kartaa onleen ahaan:

Haddii aad u baahan tahay in nuqul daabacan boostada laguugu soo diro, fadlan buuxi foomkan codsiga ah:

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir