Tabbabarka Shaqaalaha Cusub
Tabbabarka Shaqaalaha Cusub ee saddexda qayb ah wuxuu ka caawiyaa daryeel bixiyeyaasha cusub ee adiga oo kale ah inaad bartaan doorkiina ah shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed. Tabbabarka wuxuu sidoo kale horudhac kaa siinayaa inaad siiso adeegyo badqab ah, tayo saro leh macmiilkaaga.
Waxaad ku bilaabi doontaa Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub oo 6 saacdood ah, qof ahaanta loo xaadiro, kaas oo ay qasab tahay inaad dhameysto ka hor inta aan laguu oggolaanin inaad shaqeyso.
Tabbabarka shaqada waxaa ku xigi doona 8 saacdood oo ah Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub, ee onleenka ah, ee qofka asaga isa siiyo. Waxaad u baahan doontaa inaad ku dhameystirto Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub 120-ka maalmood ugu horeysa gudahooda ka dib markaad hesho lambarkaaga adeeg bixiyaha.
Waxaad u baahan doontaa inaad samayso qiimayn ka dib qayb walbo oo tabbabarka ka mid ah.

Hubso inaad dirto codsi ka hor inta aadan bilaabin tabbabarashada. Codsiyada waxaa laga heli karaa bogga codsiga ee Shaqaalaha Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon (Oregon Home Care Commission, OHCC).
Diyaar ma u tahay inaad bilowdo Tabbabarka Shaqaalaha Cusub?
Horay miyaad isku diiwaangelisay?
Tabbabarkaaga wuxuu ku baxayaa saddex qaybood:
1: Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub
Qaab
Qof Ahaan Loo Xaadiro*, Uu Daadihiyo Tabbabaraha
*Iyada oo ku xiran heerarka bulshada deegaanka ee COVID-19, waxaa lagu bixin karaa qaab aqoon isweydaarsi onleen ah baddelki qof ahaan loo xaadiri lahaa
Muddada
6 saacadood
(ay la socoto 30 daqiiqo oo ikhtiyaari ah oo lagu samaynayo qiimaynta)
Goormaa
Ka hor shaqaalaysiinta, 45 maalmood gudahooda ka dib markaad gudbiso codsiga
Qiimaynta?
Haa. Waa inaad ku gudubto 75% ama ka badan 3 isku day gudahooda.
Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay
Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub waxaa lagu bartaa assaaska daryeel bixinta iyo sida loo bixiyo adeegyada ku saleysan shakhsiga. Mawduucyada waxaa kamid ah:
- Xuquuqda macamiisha iyo qarsoodida
- Bixinta adeegyada baaxadda leh
- Sharciyadda, qaynuunada, iyo sida loo helo mushaharka
- Maareynta daawada
- Warbixinta qasabka ah iyo ka hortagga xadgudubyada
- Badqabka
- Faa'iidadaada
2: Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 1
Qaab
Onleen, Qofka Asagaa Iswado
Muddada
4 saacadood
Goormaa
120 maalmood gudahooda marki la helo lambarka bixiyaha
Qiimaynta?
Haa. Waa inaad ku gudubto 75% ama ka badan 3 isku day gudahooda.
Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay
Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 1 wuxuu siyaado ku yahay Tabbabarka Shaqada. Mawduucyada waxaa kamid ah:
- Fikradaha taageera adeegyada ku saleysan shakhsiga
- Badbaadada daryeel bixiyayaha
- Badbaadada macmiilka
- Nafaqada
- Kor u qaadida dhaqamada nadaafada caafimaadka leh
- Kor u qaadida ka qaybgelinta bulshada
3: Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 2
Qaab
Onleen, Qofka Asagaa Iswado
Muddada
4 saacadood
Goormaa
120 maalmood gudahooda marki la helo lambarka bixiyaha
Qiimaynta?
Haa. Waa inaad ku gudubto 75% ama ka badan 3 isku day gudahooda.
Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay
Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 2 waxaa diirada lagu saaraa xoojinta wada xiriirka iyo xirfadaha dhibaato xalinta. Mawduucyada waxaa kamid ah:
- Fahamitaanka qaabka isgaarsiinta
- Dhisida xirfadaha wada-xiriirka
- Dhagaysiga wanaagsan
- Daalka naxariistu keento
- Is-daryeelidda
Macluumaadka Gunnada
Ma inaan bixiyaa kharashka tabbabarka?
Maya. Tabbabarku waa u bilaash dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed.
Miyaa la igu siin doonaa lacag gunno ah tabbbabarka aan qaato?
Haa. Waxaa lagu siin doonaa $144 gunno ah markaad bogto dhammaan tabbabarka shaqaalaha cusub ($72 oo ah Tabbabarka Aasaasiga ah Qaybta 1 iyo $72 Tabbabarka Aasaasiga ah Qaybta 2). Wax gunno ah ma lahan xaadirida Tabbabarka Shaqada. Si aad xaq ugu yeelato lacagta gunnada ah, dhammaan koorsooyinka tabbabarka shaqaalaha cusub waa in lagu bogaa 120 maalmood gudahooda ka dib marka lambarka adeeg bixiyaha laga helo Gobalka Oregon.
Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka.
Sideen ku helaa gunnada?
Markaad si guul leh u dhammaystirto dhammaan tabbabarkaaga, waxaad heli doontaa iimayl ka socda Bogga Intarnetka Waxbarashada ee Carewell kaasoo ku bari doona Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta. Dhowr toddobaad gudahooda ka dib, waa inaad ka heshaa iimayl Routable kaasoo kuu soo diri doona linki aad ku buuxiso xoogaa macluumaadka ah. Haddii aadan arkin iimaylka Routable, fadlan ka eeg galkaaga spam-ka.
- Waxay marka hore ku waydiin doontaa inaad buuxiso waxyaabaha la xidhiidha cashuurta sida ciwaankaada iyo lambarka Soshiyaal Sekiyuuritiga.
-
- Xaqiiji inaad dooratid “individual”oo aanad dooran “business” marka ay ku waydiiso midka aad tahay.
- Guji “Kaydi oo sii soco” si aad ugu gudubto tallaabada xigta.
- Marka xigta waxay ku weydiin doontaa inaad jeclaan lahayd inaad gunnada ku hesho debaaji toos ah ama jeeg.
-
- Haddii aad doorato lacag wareejinta elektrooniga ah, waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso macluumaadka akoonkaaga bangiga si aad u hagaajiso lacag-bixinta.
Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda.
Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka.
Macluumaadka Gelidda iyo Bogga Intarnetka Barashada
Sideen dib ugu baddelaa lambar sireedkayga?
Tag bogga gelitaanka. Meeshaas markaa joogto, haddii aadan aqoonin lambar sireedkaaga, waxaad gujin kartaa Forgot Password (Lambar Sireedka Ayaan Iloobay) taas oo markaas iimayl kuugu soo diri doonta xiriiriye aa ku saxato lambar sireedkaaga. Haddii aadan arkin iimaylka sixida lambar sireedka isla markaaba, fadlan ka eeg sanduuqaaga spam.
Ka waran haddii aan xusuusanin magacayga adeegsadaha?
Magacaaga adeegsadaha waa inuu ahaado cinwaankaaga iimaylka. Isku day inaad midkaas ku gasho. Haddii ay midan kuu shaqayn waydo, naga soo wac 844-503-7348 ama noogu soo dir iimayl CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.
Waxaan ka helayaa fariin cilad ama waxaan dhib ku qabaa bogga intarnetka ee barashada. Maxaan sameeyaa?
Haddii aad la kulanto dhib xaga bogga intarnetka barashada ah, sida farriin cilad, shaashad cadiin ku soo kacda, ciladaha maqalka, i.w.m., waa kuwan tallaabooyin aad isku dayi karto.
- Fiiri intarnetkaaga shaqayntiisa.
- Ka tir cookies birowsarka. Haddii aadan hubin sida loo sameeyo midaas, ka raadi google sida cookies-ka looga tirtiro birowsarka.
- Dib u kici aaladaada (laptop, desktop, tablet, ama taleefon).
- Isku day biraawsar cusub (Google Chrome, Mozilla Firefox, Microsoft Edge, Apple Safari) – Bogga tabbabarka aad uguma shaqaynayo Apple Safari marka loo barbar dhigo birowsarada kale.
- Xir boggaga iyo barnaamijyada kale inta aad ku shaqaynaysid bogga intarnetka ee barashada.
- Iimayl inoo soo dir waxaan ku siin karnaa taageero. Fadlan soo raaci macluumaadka soo socda haddii aad la soo xirrito kooxdeena taageerada:
- Nooca aalada aad isticmaalayso? (kombuyuutar, teleefanka gacanta, tablet-ka)
- Nooca birowsarka aad isticmaalayso? (Google Chrome, Mozilla Firefox, Microsoft Edge, Apple Safari)
- Dhibaatooyin noocee ah ayaad qabtaa? (ku dhagan magaca qaybta cashirka, boggag/hawl/muuqaal gaar ah, faahfaahinta ku saabsan dhibaatada, fariinta cillada, dhibaatooyinka maqalka)
Waxaan ku xayiranahay mid ka mid ah qaybaha tababarka mana awoodo inaan horay u socdo. Maxaan sameeyaa?
Fadlan xaqiiji inaad dhammaystirtay dhammaan hawlaha ku jiraan qaybata. Dib uga eeg qaybta walxaha shaashadda saaran ee laga yaabo inaan weli la dooran. Marka dhammaan hawlaha la dhammeeyo, badhanka "Next" waa inuu soo muuqdaa.
Haddii aadan weli awoodin inaad horay u socoto, fadlan kala xiriir Carewell taleefoonka 1-844-503-7348 ama iimayl u dir CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.
Waxaan kala kulmayaa dhib in aan ka galo bogga intarnetka barashada ee Carewell aaladaheyga IOS-ka (Apple) (sida iPhone-ka, iPad-ka, ama MacBook-ga). Maxaan sameeyaa?
Fadlan isku day inaad gasho bogga intarnetka barashada adoo isticmaalaya mid ka mid ah linkiyada soo socda:
- Wax bartayaasha cusub: https://seiu503.myabsorb.com/#/public-dashboard
- Wax bartayaasha soo laabanaya: https://seiu503.myabsorb.com/#/login.
Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub
Diyaar maad u tahay inaad bilowdo? Booqo Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell) si aad isku diiwaangeliso maanta!
Fadlan eeg hagahaan si lagaaga caawiyo boggaga diiwaangelinta haddii luuqadda aad doorbideyso aysan haayn Ingiriis.