Carewell SEIU 503 Training

Ku Soo Dhawoow Tabbabarkaaga Carewell

Tabbabarka Carewell SEIU 503 wuxuu siiyaa shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed tabbabar heersare ah si laguu siiyo agabka iyo kalsoonida aad u baahan tahay si aad u siiso macmiilkaaga taageerada iyo daryeelka ugu saameynta badan—ugu degdegga badan—ee suuragalka ah.

Kooxda Tabbabarka Carewell SEIU 503 waxay u jajaban tahay tabbabarka iyo kobcinta daryeel bixiyayaasha bixiya taageerada guriga dhexdiisa ee loogu talagalay dadka wawayn iyo dadka qaba naafanimada jirka, xiska, ama koriinka. Si guud, tabbabaradan waxay bixiyaan agabka iyo xirfadaha aad u baahan tahay daryeel bixiye ahaan si aad u xaqiijso baqabkaaga shaqada, iyo sidoo kale baqdabka macmiilkaaga.

Yaa loogu talagalay tabbabarka?

  • Dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ee cusub ayaa looga baahan yahay inay qaataan Tabbabarka Shaqaalaha Cusub.
  • Shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ee hadda shaqeeya waxaa looga baahan doonaa inay sameeyaan Tabbabarka Waxbarashadda Dadka Wawayn labadooda sano ee cusboonaysiinta.

Kuwani waa waxyaabo ka reeban qofka looga baahan yahay inuu qaato tabbabarka. Arag FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) ee Tabbabarka wixii macluumaad dheeraad ah.

Horay akoon ma u lahayd?

Shaqaalaha Cusub

Tabbabarkan saddexda qayb ah wuxuu kaa caawin doonaa inaad wax ka barato doorkaaga cusub ee daryeel bixiye ahaanta ah wuxuuna kuu bidhaamin doonaa inaad siiso adeegyo badqab ah, tayo sare leh macmiilkaaga.

Waxbarashadda Dadka Wawayn

Koorsooyinka waxbarashadda dadka wawayn waxay ka hadli doonaan mawduucyo kala duwan oo aad kala dooran karto si aad u buuxiso baahiyahaaga tabbabarka inta sare u qaadeyso xirfadaada shaqo waqti ka dib.

Mawduucyada Lagu Qaato Tabbarka

Shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo macmiil da' yar

Tabbabarka isdhexgalka leh ee Carewell SEIU 503 waxaa loo qaabeeyay in lagula tacamulo dadka wawayn ee ardayda ah ee ka kala socda dhaqamada kala duwan.

Qaar ka mid ah mawduucyada lagu qaato tabbabarka waxaa ka mid ah:

  • Xuquuqda macamiisha iyo qarsoodida
  • Sharciyadda, qaynuunada, iyo sida loo helo mushaharka
  • Kahortagga xadgudubka iyo dayacaada
  • Dookhyada kobcinta xirfada
  • Faa’iidadaada
  • Falsafada qofka ku saleysan
  • Badbaadada daryeel bixiyayaha
  • Badbaadada macmiilka
  • Nafaqada
  • Kor u qaadida dhaqamada nadaafada caafimaadka leh
  • Fayo-qabka jir ahaaneed iyo maskax ahaaneed
  • Xirfadaha wada xiriirka
  • Dhibaato xalinta
  • Daalka naxariistu keento
  • Is-daryeelidda

Noocyada Tabbabarka

Koorsooyinka Tabbabarka Carewell SEIU 503 waxaa lagu bixin doonaa mid uu qofka xaadiro iyo onleen ahaan labaduba.

Tabbabarka uu Qofka Shaqsi Ahaan U Xaadiro
Ku baro inaad qof ahaan u xaadirto

Carewell SEIU 503 Training waxay ka bixin doontaa tabbabaro qofka uu xaadiro guud ahaan Oregon. Waxaad ka heli kartaa macluumaadka ku saabsan kulamada tabbabarka ee kuu dhow Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell) ka dib marka aad isdiiwaangeliso. Kooxda Carewell SEIU 503 Training waxay u jajaban tahay inay ka dhigto tabbabarka mid ay heli karaan dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee Oregon, Marka daryeel bixiyeyaasha badankood ma noqon doonaan kuwo safra wax ka badan 30 mayl si ay u gaaraan goob tabbabar.

Waxa lala imaanayo

Waxaad u baahan tahay inaad la timaado taleefon casri ah, tablet, ama laptop tabbabarka. Haddii aadan haysanin mid ka mid ah aaladahan, kooxda Carewell SEIU 503 Training ayaa diyaar doona aalado kooban oo aad amaahan karto oo lagu bixinayo sida loogu soo kala hormaro. Waxaad u baahan doonaa inaad u isticmaasho aalada inaad ku dhameystirto qaybo ka mid ah tabbabarka sida aqoon hubinta.

Taageero Luuqad

Ma jirtaa luuqad kale oo aad doorbideyso oo aan ka ahayn Ingiriis? Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawino. Waxaan kuu diyaarin karnaa turjubaan inuu kugula soo biiro tabbabarka. Na soo wac ama iimayl inoogu soo dir codsigaaga luuqadda la xiriira. Waxaan goordhaw bixin doonaa tabbabaro ku baxa Carabi, Isbaanish, Ruush, Fiitnaam, Mandarin (cod duuban) , iyo simplified Chinese (qoraal ahaan).

Daryeel baddel u noqda macmiilkaaga

Haddii aad xaadireyso tababar waqtigaaga saacadaha shaqada caadiga ah ee macmiilka, xaqiiji inaad ogeysiiso macmiilkaaga ama maamulaha kiiskaaga si ay markaas daryeel kale u raadiyaan.

Tabbabarka Onleenka ah
Onleen ahaan ku baro

Qaar ka mid ah tabbabarka loo baahan yahay ayaa onleen noqon doona. Si aad u hesho tabbabarka, waxaad u baahan doontaa inaad booqato Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell). Halkaas, waxaad iskaga diiwaangelin doontaa koorsooyinka, ka dhameystiri doontaa cashirada tabbabarka, waxaadna isku isbaran doontaan macalimiinta iyo daryeel bixiyeyaasha kale kulamada doodda.

Samee bog cinwaan

Waxaad u baahan doontaa inaad cinwaan ka samesyato Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell) si aad u biklowdo. Si aad u sameyso midan waxaad u baahan tahay cinwaan iimayl oo ansax ah. Waxaad ka geli kartaa bogga aalad walbo oo leh intarnet sida taleefonada casriga ah, tablet, ama kumbiyuutar. Hadii aad isticmaaleyso taleefan casri ah, ku xiro WiFi si aad uga fogaato inaad isticmaasho intarnetka lafta oo aad u badan.

La soo dag Carewell SEIU 503 Training Registration & User Guide (Diiwaangelinta iyo Hagaha Adeegsadaha ee Tabbabarka Carewell SEIU 503) si aad uga hesho tilmaamo isdaba joog ah oo ku saabsan isku diiwaangelinta iyo billaabida isticmaalka Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell).

Carewell SEIU 503 Training Registration & User Guide (Diiwaangelinta iyo Hagaha Adeegsadaha ee Tabbabarka Carewell SEIU 503) (PDF)

Isku diiwaangeli koorso

Ka dib marka aad cinwaan ka sameysato Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell), waxaad dooran kartaa oo isku diiwaangelin kartaa koorso. Marka aad isku diiwaangeliso koorso onleen ah, waxaad ku dhameystiri kartaa cashirada sida awoodaada ah. Ma ahan inaad koorsada dhammaan hal mar dhameyso, horusocodkaagana waa la keydin doonaa cashir kasta oo aad bogto.

Su'aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo

Ma qabtaa wax su’aalo dheerada ah? Eeg Su’aalaha Inta Badan La Isweeydiiyo (FAQ) ee Carewell SEIU 503 Training.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir