Waxbarashadda Dadka Wawayn

Laga bilaabo Maarso 1, 2023, dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga, shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed waxay u baahan doonaan inay qaataan 12 saacadood oo waxbarashadda dadka wawayn ah si ay u cusboonaysiiyaan lambarkooda daryeel bixinta. Tabbabarka waxbarashadda dadka wawayn ayaa hadda la heli karaa si aad markaas bilow wanaagsan ugu hesho shuruudaada dib u cusboonaysiinta! 

Waxbarshada dadka wawayn waxay kaa caawinaysaa inaad la socoto dhaqamada ugu fiican ee shaqadaada. Waxay kaa caawinaysaa inaad sii wadato inaad kobciso xirfadaha aad ka siyaadsato wakhti ka dib shaqadaada. Waxaad u baahan doontaa inaad qaadato 12 saacadood oo waxbarashadda dadka wawayn ah 2-di sanaba mar si aad dib shahaado aqoonsi ugu hesho shaqaalaha daryeelka guriga, shaqaalaha taageerada shaqsiga, ama bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ahaan. Waxa jira koorsooyin badan oo aad kala dooran karto marka aad dhammaynayso waxbarashaddaada dadka wawayn. 

Oo markaad hesho Carewell Kicks, dheef cusub oo laga helo Carewell SEIU 503, waxaad xaq u yeelan doontaa kabo cusub oo simbirixada reeba oo bilaash ah kadib markaad dhamaystirto waxbarashadda dadka wawayn ah.

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo waxbarashadda dadka wawayn?

Waxbarashadda Dadka Wawayn

Qaab

Onleen ah

}

Muddada

Way kala duwan yihiin iyada oo la tixgelinaayo daraasada

Goormaa

12 saacadood 2 sano kasta

Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay

Waxbarashadda dadka wawayn waxay ka kooban tahay 4 saacadood oo ah tabbabarka la isfaro iyo 8 saacadood oo kuwa la doorto ah. Waxaa jira koorsooyin kala duwan oo aad kala dooran karto si aad u hesho tabbabarka sida ugu wanaagsan ugu habboon baahiyahaaga iyo danahaaga.  

Waxaa jira 1 saac oo ah tabbabarka la is faro oo loo gooni yeelay: 

  • Xuduudaha xirfadeed 
  • Soo Wargelinta xadgudubka iyo dayacaada 
  • Khayaanaada Medicaid iyo Medicare 

Waxaa sidoo kale jira 3 saacadood oo ah koorsooyinka la is faro ee tabbabarka aqoonta dhaqameed oo ka kooban: 

  • Ka warqabida kala duwanaanshaha dhaqanka 
  • Ka doodidda ka warqabida kala duwanaanshaha dhaqanka (aqoon kororsi onleen ah) 
  • Xirfadaha dhaqameed 

Waxaa jira noocya badan oo ah koorsooyinka la doorto oo ay tahay in lagu dhamaystiro 8-da saacadood ee hartay ee waxbarashadda dadka wawayn. Waa kuwan qaar ka mid ah noocyada la heli karo: 

  • Badqabka cuntada 
  • Wax ka barashada cudur ogaanshaha I/DD ee caadiga ah 
  • Dhaqamada ugu wanaagsan ee guri hagaajinta 
  • Kor wax u qaadida iyo qaab-joogsiga 
  • Wareejinta iyo qalabyada caawinta 
  • Maaraynta walbahaarka ee daryeel bixiyeyaasha 
  • Waa maxay aqoonsigu? 
  • Waa maxay is-dhexgalka noocyada bulshada iyo nidaamyada? 
  • Xirashada iyo iska bixinta PPE 
  • Si xun u isticmaalida daawada dhakhtarku qoro 
  • Eray bixinta caafimaadka ee daryeel bixiyeyaasha 
  • Nidaamyada jirka 1 iyo 2 
  • La shaqaynta macaamiisha aanan hadlin 
  • Bixinta adeegyada awoodda ku salaysan

Waxaad sidoo kale ka eegi kartaa daliil-hayaha koorsada halkaan

FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) ee Waxbarashadda Dadka Wawayn

Goormee ayaan u baahanahay inaan bogo waxbarashadda dadka wawayn? Sideen ku ogaan karaa taariikhdayda kama danbaysta ah ee waxbarashadda dadka wawayn?

Laga bilaabo Maarso 1, 2026, waxbarashadda dadka wawayn ayaa loo baahan yahay si aad u hesho 2-da sano ee cusboonaysiinta ee lambarkaaga adeeg bixiyaha. Taariikhdaada kama danbaysta ee gaarka ah waxay noqon kartaa ka gadaal Maarso 1, 2026 iyadoo ku xiran goorta aad shaqada bilowday.  

Waxaad kala xiriiri kartaa laanta xiriirada adeeg bixiyeyaasha si aad u ogaato taariikhdaada kama danbaysta ee gaarka ah lambarka 1-800-241-3013. 

    Sidee ayay dhibcaha/wakhtiga u shaqeeyaan?

    Halki dhibicba waxay u dhigantaa 1 saac oo wakhtiga koorsada ah. Marka haddii koorsada ay tahay 1.5 saacadood, taasi waxay ka dhigan tahay inaad heli doonto 1.5 dhibcood. Waxaad u baahan tahay inaad hesho guud ahaan 12 saacadood (ama dhibcood) oo tabbabar ah si aad uga soo baxdo shuruudaada waxbarashadda dadka wawayn.

    Halkeen ka eegi karaa faahfaahinta fasalka?

    Waxaad wax badan ka ogaan kartaa koorso walbo adiga oo gujinaya koorsada bogga intarnetka ee barashada dhexdiisa. Waxaad sidoo kale ka eegi kartaa daliil-hayaha koorsada halkaan

    Miyaan u baahanahay inaan sameeyo dhammaan 29-ka qaybood ee koorsada?

    Maya. Waxaad u baahan tahay inaad bogto 12 saacadood oo tabbabar ah oo ka kooban 4 saacadood oo ah tabbabarka la isfaro iyo 8 saacadood oo kuwa la doorto ah.

    Miyay jiraan ka reebitaano loogu talagalay waxbarashadda dadka wawayn?

    Haddii aad haysato shahaado aqoonsi oo shaqeynaysa oo aad ka heshay gobalka oo aad qorshaynayso inay kuu sii shaqayso, waxaa ka reeban tahay shuraada waxbarashadda dadka wawayn. Tusaalooyinka shahaadooyinka aqoonsiga ee ka reeban:

      • Professional Development Certification (PDC) 
      • Enhanced Homecare or Personal Support Worker 
      • Exceptional Personal Support Worker 
      • Ventilator Dependent Quadriplegia (VDQ) 
      • Traditional Health Worker

    FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) ee Gunnada

    Ma inaan bixiyaa kharashka tabbabarka?

    Maya. Tabbabarku waa u bilaash dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed.

    Miyaa la igu siin doonaa lacag gunno ah tabbbabarka aan qaato?

    Haa. Waxaa lagu siin doonaa gunno u dhiganta cadad ahaan sicirka aasaasiga ah ee mushaharka ee 12 saacadood oo shaqada koorsada ah, loona wareejiyay cadadka doolarka buuxa ee ugu dhaw. Si aad u ogaato waxa uu yahay sicirka mushaharkaaga, fadlan hubi Heshiiska Gorgortanka Lagu Galay ee Shaqaalaha Daryeelka Guriga ee Oregon.  

    • Tusaale ahaan, sicirka aasaasiga ah ee mushaharkaaga uu yahay $17.77, gunnadaada waxay noqon doontaa $17.77 x 12 saacadood= $213.24. Marki loo wareejiyo cadadka doolarka ee ugu dhaw, wadartu waxay noqon doontaa $214.  

    Gunnada waxaa lagu soo diraa lacag wareejinta elektrooniga ah ee Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta.    

    Haddii aad ku rabto jeeg ahaan gunnadaada, fadlan kula xidhiidh iimaylka ama wicitaanka telefoonka: studentsupportstipend@RISEpartnership.com ama 1-844-503-7348 (Isniin-Jimce, 8am-6pm PST. 

    • Ku dar magacaaga sharciga ah iyo ciwaankaaga boostada iimaylka.  
    • Fadlan la soco in doorashada jeega ay dib u dhigi doonto inay ku soo gaarto gunnadaada 2-3 toddobaad.  

    Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka. 

     

    Sideen ku helaa gunnada?

    Markaad dhammaystirto dhammaan tabbabarkaaga waxbarashadda dadka wawayn, waxaad heli doontaa iimayl ka socda Bogga Intarnetka Waxbarashada ee Carewell kaasoo ku bari doona Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta. Ku dhawaad 2 toddobaad ka dib, waa inaad ka heshaa iimayl Routable kaasoo kuu soo diri doona gujo-raac aad ku buuxiso xoogaa macluumaadka ah. Haddii aadan arkin iimaylka Routable, fadlan ka eeg galkaaga spam-ka.  

    • Waxay marka hore ku waydiin doontaa inaad buuxiso waxyaabaha la xidhiidha cashuurta sida ciwaankaada iyo lambarka Soshiyaal Sekiyuuritiga.  
        • Xaqiiji inaad dooratid “individual”oo aanad dooran “business” marka ay ku waydiiso midka aad tahay.   
        • Guji “Kaydi oo sii soco” si aad ugu gudubto tallaabada xigta.  
    • Waxay marka xigta ku weydiin doontaa inaad buuxiso macluumaadka akoonkaaga bangiga si aad u hagaajisato lacag wareejinta elektrooniga ah.
        • Inaad gasho nidaamka onleenka ah ee bangigaaga waa habka ugu fudud ee midan loo hagaajisto.

    Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda.  

    Haddii aad ku rabto jeeg ahaan gunnadaada, fadlan kula xidhiidh iimaylka ama wicitaanka telefoonka: studentsupportstipend@RISEpartnership.com ama 1-844-503-7348 (Isniin-Jimce, 8am-6pm PST. 

      • Ku dar magacaaga sharciga ah iyo ciwaankaaga boostada iimaylka.  
      • Fadlan la soco in doorashada jeega ay dib u dhigi doonto inay ku soo gaarto gunnadaada 2-3 toddobaad.   

    Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda.  

    Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka. 

    Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

    Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

    Xir