Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Waawayn)

Dhammaan bixiyeyaasha daryeelka waa inay dhammaystiraan 12 saacadood oo continuing education (waxbarashada dadka waaweyn, CE) ah oo qayb ka ah cusboonaysiinta lambarkooda adeeg-bixiyaha. 

Continuing education (Waxbarashadda dadka waawayn):

  • Waxeey kaa yagleeleysaa inaad la socoto dhaqamada ugu fiican ee shaqadaada.
  • Waxa ay kaa caawinaysaa inaad kobciso xirfadaha aad ka siyaadsato wakhti ka dib shaqadaada.
  • Waxaa ka mid ah 12 saacadood oo ah tabbabar ay tahay inaad qaadato 2-dii sanoba si aad dib shahaado aqoonsi ugu hesho ka shaqaalaha daryeelka guriga, shaqaalaha taageerada shaqsiga, ama bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ahaan.
  • Marka aad dhammaystirto, waxaad heli doontaa gunno $279 ah, waxaadna u qalmi doontaa joog kabo bilaash ah oo simbiriirixashada-ka-hortagga oo ay bixiso Carewell Kicks.

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo continuing education (waxbarashadda dadka waawayn)?

Ma rabtaa inaad wax badan ka ogaato koorsooyinka la kala dooran karo ee aad ka qaadan karto continuing education (waxbarashadda dadka waawayn)?

Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Waawayn)

Qaab

Onleen ah

}

Muddada

Way kala duwan yihiin iyada oo la tixgelinaayo daraasada

Goormaa

12 saacadood 2 sano kasta

Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay

Continuing education (Waxbarashadda dadka waawayn) waxay ka kooban tahay 4 saacadood oo ah tabbabarka la isfaro iyo 8 saacadood oo tabbabarka la kala doorto ah. Waxaa jira koorsooyin kala duwan oo aad kala dooran karto si aad u hesho tabbabarka sida ugu wanaagsan ugu habboon baahiyahaaga iyo danahaaga.  

Waxaa jira 1 saac oo ah tabbabarka la is faro oo loo gooni yeelay: 

  • Xuduudaha xirfadeed 
  • Soo Wargelinta xadgudubka iyo dayacaada 
  • Khayaanada Medicaid 

Waxaa sidoo kale jira 3 saacadood oo ah koorsooyinka la is faro ee tabbabarka aqoonta dhaqameed oo ka kooban: 

  • Wacyigelinta dhaqaneed (aqoon kororsi onleen ah)
  • Xirfadaha dhaqameed 

Waxaa jira noocya badan oo ah koorsooyinka la doorto oo ay tahay in lagu dhamaystiro 8-da saacadood ee hartay ee continuing education (waxbarashadda dadka waawayn). Qaar ka mid ah xulashooyinka la heli karo waxaa ka mid ah: 

  • Badqabka cuntada 
  • Wax ka barashada cudur ogaanshaha I/DD ee caadiga ah 
  • Dhaqamada ugu wanaagsan ee guri hagaajinta 
  • Kor wax u qaadida iyo qaab-joogsiga 
  • Wareejinta iyo qalabyada caawinta 
  • Maaraynta walbahaarka ee daryeel bixiyeyaasha 
  • Waa maxay aqoonsigu? 
  • Waa maxay isku-darka qeybaha aqoonsiga ee qofka? 
  • Xirashada iyo iska bixinta PPE 
  • Si xun u isticmaalida daawada dhakhtarku qoro 
  • Eray bixinta caafimaadka ee daryeel bixiyeyaasha 
  • Nidaamyada jirka 1 iyo 2 
  • La shaqaynta macaamiisha aanan hadlin 
  • Bixinta adeegyada awoodda ku salaysan

Waxaad sidoo kale ka eegi kartaa daliil-hayaha koorsada halkaan

FAQ-yada (Su’aalaha Inta Badan La Iska Isweydiiyo) Continuing education (Waxbarashadda dadka waawayn)

Goormee ayaan u baahanahay inaan bogo continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn)? Sideen ku ogaan karaa taariikhdayda kama danbaysta ah ee continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn)?

Muddada kama dambaysta ah ee ay tahay in lagu dhamaystiro continuing education (waxbarashada dadka waaweyn) waxay la jaanqaadaysaa taariikhda uu dhacayo baaritaanka sal-taariikheedkaaga. Haddii aad heysato lambaro adeeg-bixiyeyaal oo badan, muddada kama dambaysta ahi waxay la mid noqon doontaa taariikhda uu dhacayo baaritaanka sal-taariikheedka ee lambar-ka adeeg bixiyaha aad muddada ugu dheer haysatay.

  • Shaqaalaha daryeelka ku bixiya guryaha iyo kaaliyayaasha daryeelka shaqsi ahaaneed waxay taariikhdan ku heli karaan warbixinnada xawillaada lacagahooda marka la mushaar-siiyo. Waxeey sidoo kale kasoo muuqataa gudaha ogeysiisyada xusuusinta ee ay ka helaan gobolka 120, 90, iyo 60 maalmood ka hor inta aan lambarka adeeg-bixiyahooda uu dhicin.
  • Shaqaalaha taageerada shaqsi ahaaneed waxay taariikhdan ka heli karaan gudaha eXPRS. Shaqaalaha taageerada shaqsi ahaaneed waxa kale oo ay heli doonaan ogeysiisyo iimayl ah ka hor inta uusan lambarka adeeg-bixiyahooda uusan dhicin.
Waxaan u shaqeeyaa ka ahaan wax ka badan 1 nooc adeeg-bixiye. Meeqo saac oo continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn) ah ayeey tahay inaan qaato? Waa maxay taariikhdeyda kama danbeysta ah?

Waa inaad qaadataa wadarta 12 saacadood oo continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn) ah 2-dii sanaba mar. Uma baahnid inaad qaadato wax ka badan 12 saacadood 2-dii sanaba mar xitaa haddii aad u shaqeyso wax ka badan 1 nooc oo adeeg-bixiye ah. Taariikhda kama danbeysta ah ee taada ah continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn) waxeey ku saleysan tahay lambarka adeeg-bixiyaha ee aad haysatay waqtiga ugu dheer.

Sidee ayay dhibcaha/wakhtiga u shaqeeyaan?

Halki dhibicba waxay u dhigantaa 1 saac oo wakhtiga koorsada ah. Marka haddii koorsada ay tahay 1.5 saacadood, taasi waxay ka dhigan tahay inaad heli doonto 1.5 dhibcood. Waxaad u baahan tahay inaad qaadato guud ahaan 12 saacadood (ama dhibcood) oo tabbabar ah si aad uga soo baxdo shuruudaada continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn).

Halkeen ka eegi karaa faahfaahinta fasalka?

Waxaad wax badan ka ogaan kartaa koorso walbo adiga oo gujinaya koorsada bogga intarnetka ee barashada dhexdiisa. Waxaad sidoo kale ka eegi kartaa daliil-hayaha koorsada halkaan.

Miyay jiraan ka reebitaano loogu talagalay continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn)?

Haddii aad haysato shahaado aqoonsi oo shaqeynaysa oo aad ka heshay gobalka oo aad qorshaynayso inay kuu sii shaqayso, waxaa ka reeban tahay shuraada continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn). Tusaalooyinka shahaadooyinka aqoonsiga ee ka reeban:

  • Shahaadada Horumarinta Xirfada (Professional Development Certification, PDC)
  • Shahaadada Daryeel Lagu Bixiyo Guriga oo La Hormariyay (Enhanced Homecare) ama Shahaadada Shaqaalaha Taageerada Shakhsiyeed (Personal Support Worker)
  • Shahaadada Gaarka ah ee Daryeel Lagu Bixiyo Guriga (Exceptional Homecare) ama Shahaadada Shaqaalaha Taageerada Shakhsiyeed (Personal Support Worker)
  • Shahaadada Naafadda Afar-adimoodka Dhaqdhaqaaq ee Ku Tiirsan Hawo-siiyaha (Ventilator Dependent Quadriplegia, VDQ)
  • Shahaadada Shaqaalaha Caafimaadka ee Dhaqameed (Traditional Health Worker)

Waxaad wax badan ka baran kartaa oo ku saabsan shaadeynta OHCC halkan.

Haddii aan dhammaystiro continuing education (waxbarashada dadka waaweyn) ka hor taariikhda kama dambaysta ah, weli ma lagu xisaabinayaa cusboonaysiintayda? Goorma ayay dib u bilaabataa shuruuddayda CE?

Shuruuddaada continuing education (waxbarashada dadka waaweyn) waxay raacdaa wareegga cusboonaysiinta lambarkaaga adeeg-bixiyaha. Markaad dhammaystirto CE, waxaa lagu dabaqayaa marka ugu horreysa ee aad cusboonaysiiso laga bilaabo ama ka dib Maarso 31, 2026. Kadibna waxaad u baahan doontaa inaad mar kale dhammaystirto CE cusboonaysiin kasta oo dhacda 2-dii sanoba mar.

Hoos waxaa ku yaal tusaalooyin muujinaya sida shuruudahaaga CE u ekaan karaan haddii aad dhammaysay tababarka CE ka hor inta shuruuddu dhaqan gelin Maarso 31, 2026.

Tusaale: Waxaad dhammaystirtay CE gudaha Oktoobar 2025, taariikhdaada cusboonaysiinta ee xigtana waa Abriil 2026. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha dib u cusbooneysiintaada Abriil 2026. Waxaad ugu baahan doontaa inaad mar kale u dhameystirto tabbabarka CE cusbooneysiintaada Abriil 2028.

TusaaleWaxaad dhammaystireysaa Diseembar 2024 taariikhdaada cusboonaysiinta ee xigtana waa Janaayo 2025. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha cusboonaysiintaada ee xigta Janaayo 2027. Waxaad ugu baahan doontaa inaad mar kale u dhameystirto tabbabarka CE cusbooneysiintaada Janaayo 2029.

TusaaleWaxaad dhammaystirtay CE gudaha Febraayo 2026, taariikhdaada cusboonaysiinta ee xigtana waa Maarso 2026. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha dib u cusbooneysiintaada Maarso 2026. Waxaad ugu baahan doontaa inaad mar kale u dhameystirto tabbabarka CE cusbooneysiintaada Maarso 2028.

Tusaale: Waxaad dhammaystirtay CE gudaha Maarso 2026, taariikhdaada cusboonaysiinta ee xigtana waa Juun 2026. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha dib u cusbooneysiintaada Juun 2026. Waxaad ugu baahan doontaa inaad mar kale u dhameystirto tabbabarka CE cusbooneysiintaada Juun 2028.

Miyaan tabbabarka ku qaadan karaa offleen ahaan? Waa maxay luuqadaha la heli karo?

Haa. Continuing education (Waxbarashada dadka waaweyn) waxaa sidoo kale lagu heli karaa nooc ofleen ahaan ah oo ku qoran Ingiriisi, Carabi, Mandarin, Af-Ruush, Af-Isbaanish, iyo Af-Fiitnaamiis. Si aad u codsato nooca ofleenka ah ee CE (Continuing education, Waxbarashada dadka waaweyn), kala xiriir Carewell adigoo wacaya 1-844-503-7348, Isniin- Jimce, 8 AM – 6 PM PT, ama iimayl ugu dir CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com.

Haddii aad u baahato intarnet misa kumbiyuutar aad isticmaasho, waxaan ku talinaa inaad tagto maktabad ama xarunta WorkSource si aad u dhamaystirto tabbabarka. Haddii aad u baahato in lagaa caawiyo inaad goob hesho, waxaad naga soo wici karaa lambarka 1-844-503-7348.

Ma khasab baa inaan qaato dhammaan cutubyada ku qoran learning portal (bogga Intarnetka barashada)?

Maya. Waxaad u baahan tahay inaad bogto 12 saacadood oo tabbabar ah oo ka kooban 4 saacadood oo ah tabbabarka la isfaro iyo 8 saacadood oo kuwa la doorto ah.

FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) ee Gunnada

Ma inaan bixiyaa kharashka tabbabarka?

Maya. Tabbabarku waa u bilaash dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed.

Miyaa la igu siin doonaa lacag gunno ah tabbbabarka aan qaato?

Haa. Waxaa lagu siin doonaa gunno u dhiganta cadad ahaan sicirka tallaabada 3 ee mushaharka doorkaada shaqada ee 12 saacadood oo shaqada koorsada ah, loona wareejiyay cadadka doolarka buuxa ee ugu dhaw. Si aad u ogaato waxa uu yahay kala sicirka mushaharka doorkaada shaqada, fadlan eeg Heshiiska Gorgortanka Lagu Galay ee Shaqaalaha Daryeelka Guriga ee Oregon.

  • Tusaale ahaan, haddii sicirka tallaabada 3 ee mushaharka doorkaada shaqada uu yahay $23.25, gunnadaada waxay noqon doontaa $23.25 x 12 saacadood= $279.

Gunnada waxaa lagu soo diraa lacag wareejinta elektrooniga ah ee Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta.

  • Haddii aad ku rabto jeeg ahaan gunnadaada, fadlan kula xidhiidh iimayl ahaan ama wicitaan telefoonka: studentsupportstipend@RISEpartnership.com ama 1-844-503-7348 (Isniin-Jimce, 8 AM – 6 PM PT).
  • Ku dar magacaaga sharciga ah iyo ciwaankaada boostada gudaha iimaylka.
    Fadlan la soco in doorashada jeega ay dib u dhigi doonto inay ku soo gaarto gunnadaada 2-3 toddobaad.

Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka.

Sideen ku helaa gunnada?

Markaad dhammaystirto dhammaan tabbabarkaaga continuing education (waxbarashadda dadka waaweyn), waxaad heli doontaa iimayl ka socda Bogga Intarnetka Waxbarashada ee Carewell kaasoo ku bari doona Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta. Ku dhawaad 2 toddobaad ka dib, waa inaad ka heshaa iimayl Routable kaasoo kuu soo diri doona gujo-raac aad ku buuxiso xoogaa macluumaadka ah. Haddii aadan arkin iimaylka Routable, fadlan ka eeg galkaaga spam-ka.

  • Waxay marka hore ku waydiin doontaa inaad buuxiso waxyaabaha la xidhiidha cashuurta sida ciwaankaada iyo lambarka Soshiyaal Sekiyuuritiga.
    • Guji “Save and continue” si aad ugu gudubto tallaabada xigta.
    • Xaqiiji inaad dooratid “individual”oo aanad dooran “business” marka ay ku waydiiso midka aad tahay.
  • Waxay marka xigta ku weydiin doontaa inaad buuxiso macluumaadka akoonkaaga bangiga si aad u hagaajisato lacag wareejinta elektrooniga ah.
    • Inaad gasho nidaamka onleenka ah ee bangigaaga waa habka ugu fudud ee midan loo hagaajisto.

Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda.

Haddii aad ku rabto jeeg ahaan gunnadaada, fadlan kula xidhiidh iimayl ahaan ama wicitaan telefoonka: studentsupportstipend@RISEpartnership.com ama 1-844-503-7348 (Isniin-Jimce, 8 AM – 6 PM PT).

  • Ku dar magacaaga sharciga ah iyo ciwaankaaga boostada iimaylka.
  • Fadlan la soco in doorashada jeega ay dib u dhigi doonto inay ku soo gaarto gunnadaada 2-3 toddobaad.

Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda.

Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka.

Waxaan ogaysiis ka helay Carewell SEIU 503 kaas oo ku saabsan hanti aan la sheegan. Maxeey taasi ka macno tahay?

Diiwaanadeena waxay muujiyeen inaan lacag-bixinta gunnada kuu soo dirnay, balse aanan wali la soo sheegan. Marka jeega aan lacag cadaan ah lagu baddelanin ka dib muddo cayiman, wuxuu noqonayaa jeeg aan la sheeganin, ama jeeg “raagay lix bilood ka badan”. Waxaa na looga baahan yahay inaan u soo gudbino jeegaga aan la sheeganin Khasnadda Gobolka Oregon.

Waa maxay hantida aan la sheegan?

Hantida aan la sheegan waa qadar kasta oo lacag ah oo aan la siin ama aan dib loogu celin shakhsi.

Caadi ahaan, hantida aan la sheegan waxay dhacdaa marka:

  • Uu qofka lumiyo ama ilooba inuu lacageesto jeeg.
  • Ciwaanka qofka uu is beddelo oo boosta ku diristu ay dhammaato.
  • Qofka akoonka leh uusan la sameyn wax macaamilo lacageed ah ama xidhiidh bangigooda ugu yaraan 2 sano, gaar ahaan dhigaalada tooska ah.

    Sharciga gobolku wuxuu u baahan yahay inay Carewell SEIU 503 si joogto ah ugu wargeliso Khasnajiga Gobolka Oregon wixii hanti ah ee aan la soo sheegan, oo ay ku jiraan jeegaga aan lacagtooda la bixinin ama dhigaalada tooska ah.

    • Wixii ah tallaabooyinka ku saabsan sida loo sheegto hanti aan la sheegan, halkan guji.
    • Haddii aad qabto su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan hantida aan la sheegan, halkan guji.
    • Si aad u eegto xaalka sheegashadaada, halkan guji.

      Haddii aadan lacag-bixintaada helin, waxaad kala xiriir kartaa Carewell lambarka 1-844-503-7348, Isniin-Jimce, 8 AM – 6 PM PT, ama iimayl inoogu soo dir: CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com. Haddii aad jeega haysato, fadlan lacag cadaan ah u baddelo ama gasho akoonkaaga bangiga.