Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh
Waxay kaa caawinaysaa inaad fasax ka qaadato shaqada marka aad u baahan tahay.
Dheefta oo Kooban
Dheefta Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh (PTO) ee Carewell SEIU 503 waxay kaa caawineysaa inaad waqti fasax ah ka qaadato shaqada markaad u baahato.
Inaad awoodo inaad fasax qaadato caafimaadkaaga oo keliya muhiim uma ahan, balse sidoo kale caafimaadka macaamiishaada. Carewell SEIU 503 waxay siisaa ilaa 40 saacadood oo ah dheefaha wakhtiga fasax lacag leh (PTO) sanadkiiba bixiyeyaasha daryeelka xaqa u leh.
Barnaamijka Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh oo Wax Laga Baddelay Ayaa Soo Socda Goor Dhaw!
Laga bilaabo 2023, tirada daryeel bixiyeyaasha ee xaqa u yeelan doona dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh (PTO) ayaa laba laab noqon doonta — oo daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh ayaa awood u yeelan doona inay dalbadaan xitaa PTO dheeraad ah.
Dheefta Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh (PTO) ayaa ah dheefta Carewell SEIU 503 ee loogu isticmaal badan yahay. Waxay u oggolaataa daryeel bixiyeyaasha sida adiga oo kale inaad waqti fasax ah ka qadataan shaqada markaad u baaahataan. Inaad awoodo inaad fasax qaadato waxay muhiim u tahay caafimaadkaaga oo keliya maahan, laakiin sidoo kale caafimaadka macaamiishaada.
Sida Uu U Shaqeeyo
Dheefta PTO ee cusub waxay siisaa ilaa 48 saacadood oo ah dheefaha wakhtiga fasaxa lacagta leh sanad walbo daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh. Laga bilaabo 2023, waxaad heli kartaa hal (1) saac oo PTO ah 20 saacadood oo kasta oo aad shaqayso. Waxaad heli kartaa ilaa iyo ugu badnaan afar (4) saacadood oo ah saacadaha dheefta PTO bil walbo.
Barnaamijkan PTO ee Cusub Wuxuu Ka Dhigan Yahay:
- Suurtogalnimada in la helo saacadaha dheefta PTO oo dheeraad ah. Adeeg bixiyeyaasha xaqa u leh waxay heli karaan ilaa iyo 48 saacadood sanad walbo, baddelki 40.
- Daryeel bixiyeyaal badan ayaa heli doona dheefaha PTO. Waxaan qiyaasaynaa in tirada daryeel bixiyeyaasha ee heli doona dheefaha PTO ay labo laab noqon doonaan barnaamijkaan.
- Dabacsanaan badan oo xaga helida iyo isticmaalida PTO ah. Halkii ay heli lahaayeen dheefaha PTO laba jeer oo kaliya sannadkii, daryeel bixiyeyaasha waxay hadda ku heli doonaan saacadaha PTO qaab bil walbo ah.
Si aan iskuugu diyaarino barnaamijka PTO ee cusub, waxaan u baahanahay inaan siino lacagahooda daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh ee aanan ku helin dheefahooda PTO barnaamijki hore si aan u xirno. Bisha Febraayo 2023, daryeel bixiyeyaasha ku hantay dheefaha PTO barnaamijki hore ayaa la siin doonaa dhammaan saacadaha ay hanteen. Haddii aad hanatay dheefaha PTO sanadka 2022, xaqiiji inaan kaa hayno faylka W-9 form (foomkaaga W-9). Haddii aadan wali soo gudbinin W-9 (foomka W-9), fadlan buuxi oo dhamaystir haddadaan: CarewellSEIU503.org/w9.
Waxyaabaha Muhiimka ah ee ay Tahay in la Ogaado
- Waa inaad buuxisaa Form W-9 (Foomka W-9) si aad xaq ugu yeelato dheefahaaga PTO. Haddii Carewell SEIU 503 Benefits aysan haynin faylkaaga W-9, ma heli doontid dheefta PTO.
- Ma ahan mas'uuliyadaada inaad raadiso qof ku baddela markaad ka qaadato fasaxa lacaga leh macmiilkaaga loo-shaqeeyaha ah.
- Wakhtiga fasaxa lacagta leh waa dakhli la canshuuri karo waana sababta aad u buuxineyso Foomka W-9. Haddii aad hesho $600 ama in ka badan oo ah dheefahaaga wakhtiga fasaxa lacagta leh hal sano gudaheed waxaad ka heli doontaa Form 1099 (Foomka 1099) boostada. Dheefaha weli waa dakhli la canshuuri karo xitaa haddii aadan helin Form 1099 (Foomka 1099).
- Laga bilaabo 2023, daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh waxay heli doonaan dheefaha PTObil walbo! Kala soco iimayladeena iyo boostadeena wixii macluumaad dheerad ah. Waxaan siin doonaa daryeel bixiyeyaasha xaq u leh dhammaan lacagaha dheefaha PTO ee ay hanteen 2022 si toos ah jeeg ahaan ama lacag wareejintaada elektarooniga ah bisha Febraayo, ilaa iyo inta aan ka hayno faylashooda W-9 form (foom W-9). Si aad u hesho lacagaha dheefahaaga PTO ee aad hanatay, waa inaad inoo soo dirto Form W-9 (Foomkaaga W-9) marki la gaadho ama ka hor Febraayo 28, 2023.. Buuxi Form W-9 (Foomka W-9) haddadaan..
Xaq U Yeelashada Dheefaha PTO
Hoos ka akhri shuruudaha si aad u ogaato wax badan oo ku saabsan xaq u yeelashada dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh ee Carewell SEIU 503.
Shuruudaha Xaq U Yeelashada
Si aad xaq ugu yeelato dheefaha wakhtiga fasaxa lacagta leh ee Carewell SEIU 503 waa inaad:
Shaqeyso 80 ama ka badan saacadaha shaqada ee xaqa leh — oo sidoo kale loo yaqaan saacadaha kooxda gorgortanka — mid ka mid ah bilaha xaq yeelashada:
- Si aad u kasbato 20 saacadood oo dheefaha PTO ah Febraayo, waa inaad shaqeyso 80 saacadood ama in ka badan Oktoobar, Noofembar ama Disembar ee sannadka la soo dhaafay.
- Si aad u kasbato 20 saacadood oo dheefaha PTO ah Luulyo, waa inaad shaqeyso 80 saacadood ama in ka badan Maarso, Abriil ama Maajo ee isla sanadkaas.
Buuxi oo u dir Form 1099 (Foom 1099) Carewell SEIU 503 Benefits.
Form W-9 (Foomka W-9) (Dijital)
Saacadaha shaqada xaq leh
Markaan ka hadalno tirada "saacadaha shaqada" ee aad u baahan tahay si aad u xaq ugu yeelato dheefaha Carewell, taasi ka dhigan tahay saacadaha ay mushaharka ku bixiyeen Acumen, DHS, iyo/ama eXPRS iyagoo matalaya macaamiishaada.
Haddi aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan xaq u yeelashadaada Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh, nala soo xiriir, Carewell SEIU 503 Benefits, adiga oo soo wacaya 1-844-503-7348 ama iimayl inoogu soo dir carewellSEIU503benefits@risepartnership.com.
Sida Loo Codsado PTO
Haddii aad shaqeysay tirada saacadaha loo baahan yahay si aad u kasbato dheefaha PTO, waxaad ogaysiis ka heli doontaa Carewell SEIU 503 Benefits boostada ama iimayl ahaan.
Si aad u codsato lacag bixinta dheefahaaga PTO, soo gudbi codsiga Xirmada Dheefta PTO ee dhijitaalka ah ee hoose – tani waa sida ugu dhakhsaha badan uguna fudud ee aad ku dalban karto dheefta PTO!
Faahfaahinta Dheefaha
Isticmaal Dheeftan
Hel lacagaha
Si aad u hesho dheefahaaga PTO, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso W-9 form (foomka W-9) haddii aadan horay u buuxinin. Haddii aadan buuxinin, wax lacag ah laguma siin doono maadaama dheeftan la canshuuri karo. Waxaad ku heli doontaa lacagtaada jeeg boostada laguugu soo diro ilaa aad doorato in si toos ah laguugu shubo akoonkaaga bangiga mooyee. Si aad lacagta ugu hesho sidan, si fudud u buuxi Foomka Lacag Wareejinta Elektrooniga ah oo sii jeeg maran. (Ma isticmaali kartid lacag wareejinta elektrooniga ah haddii aanad lahayn akoon bangi.) Ku qaadashada lacag bixintaada jeeg boostada guud ahaan waxay qaadataa waqti ka badan lacag wareejinta elektrooniga ah.
Foomka Lacag Wareejinta Elektrooniga ah
Dheefahan, waxaanu kugu boorinaynaa inaad buuxiso Foomka Magacaabista Ka-faa'iidaystaha si qofka aad doorato u helo lacagtaada PTO ee aadan sheegan haddii ay dhacdo geeridaada.
Buuxi Foomka Magacaabista Ka-faa'iidaystaha.
Jadwalka lacag bixinta
Hadii aad buuxisay W-9 form (foomkaaga W-9) oo aad inoo soo dirtay, waxaad filan kartaa inaad lacagta ku hesho qiyaas ahaan 15-20 maalmood oo shaqo gudahooda..
Macluumaadka Meesha Lagala Xidhiidho
Carewell SEIU 503 Benefits
1-844-503-7348
Sababaha lola xiriiro SEIU 503 Benefits:
- Codso baaqigaaga PTO (inta saacadood ee kuu hartay)
- Waxaad aaminsantahay in jeegaga PTO ee aad heshay ay tahay lacag khaldan
- Ma aadan helin ogaysiis ku saabsan xaq u yeelashadaada PTO balse waxaad aaminsan tahay iny ahayd inaad hesho
Dhammaan su'aalaha kale ee ku saabsan dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh, wac 1-844-503-7348, 8 am ilaa 6 pm, Isniin-Jimce
Su'aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo
Akhri su'aalaha guud ee ku saabsan dheefta Carewell PTO. Arag Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo wixii macluumaad dheeraad ah.
Sidee loo xisaabiyaa dheeftayda Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh?
Dheefahaaga Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh waxa lagu go'aamiyaa iyadoo lagu salaynayo mushaharka aad qaadatay bishii ugu horaysay ee aad xaqa u yeelatay. Daryeel bixiyeyaasha badankood tani waa $17.77 saacaddii oo ah mushaharka aasaasiga ah, laga bilaabo Janaayo, 1, 2023.
Sideen ku ogaan karaa baaqigeyga dheefta PTO?
Waxaad ka wici kartaa Carewell SEIU 503 Benefits lambarka 1-844-503-7348.
Maxaan u buuxinayaa Foomka Magacaabista Ka-faa'iidaystaha?
Foomkan waxa uu hubinayaa in haddii ay dhacdo inaad dhimato, qofka aad dooratay inuu helo hadhaaga dheeftaada PTO ee aad kasbatay. Haddii mid ka mid ah kuwan soo socdaa run yahay, hadhaaga PTO waxa la siin doonaa qofka ku dhaxlaya:
- Ma dooran ka-faa'iideyste;
- Qofka aad u doorato inuu noqdo ka-faa'iidayste markuu dhinto adiga hortaa;
- Qofka aad u doorato inuu noqdo ka-faa'iidayste aan la heli karin meesha uu jooga.
Sideen ugu heli karaa adeeg bixiyahayga daryeelka kaydinta inta lagu jiro wakhtiga fasaxa?
Ma ahan mas'uuliyadaada inaad raadiso qof ku baddela markaad qaadato fasaxa lacaga leh. Macaamilka ayaa leh mas'uuliyadda koowaad ee xulashada iyo shaqaaleysiinta bixiyayaasha. Fasaxa lacagta leh waa inuu hore u oggolaado macaamilka, gargaarka waa in la helaa haddii loo baahdo, oo macaamilka waa in uu ogeysiiyaa hay'adda ku habboon si loo oggolaado saacadaha shaqada ee shaqaalaha beddelka u ah. Mararka qaarkood macmiilku waxa uu u baahan doonaa kaalmo Laga soo bilaabo maareeyaha kiiska/wakiilka gaarka ah/iskuduwaha adeegga si loo helo bixiye ku habboon beddelka.
Miyaan u baahanahay inaan u soo sheego maalmaha ama saacadaha aan fasaxa uga maqanahay macaamilkayga Carewell SEIU 503 Benefits?
Maya, uma baahnid inaad wakhtigaaga fasaxa u soo sheegto Carewell SEIU 503 Benefits.