Aragga + Maqalka

Noloshaada ku dar cadayn.

Dheefta oo Kooban

Dheefaha Aragga + Maqalka ee Carewell SEIU 503 waxa ay bixisa helida aragga iyo adeegyada maqalka oo aan lahayn wax lacag ah bishii.

Aragga

Dheefaha aragga waxaa caymis siiya Ameritas iyada oo loo sii marayo Shabakadda Kala doorashada VSP. Ma jiro wax lacag ah oo baaris sanadle ah haddii aad isticmaasho kuwa ku bixiya gudaha shabakad iyo xarun. Haddii bixiyaha uusan si toos ah ugu dalicin biilka Ameritas, waxaad u baahan doontaa inaad lacag hormaris ah oo aad dalbato magdhaw. Dib u eeg koobnanta dheefaha wixii macluumaad dheeraad ah.

Hel muraayadaha indhaha ama dhalada isha la dul saaro oo cusub! 

Marka aad ballan ka qabsato adeeg bixiyaha VSP Choice: 

  • Kharashka baaritaanka hal il ayaa si buuxda loo dabarayaa
  • Waxaad heli kartaa fareemyada ama dhalada isha la dul saaro oo cusub (oo gaaraya ilaa iyo $500 oo la isticmaalayo ka hor Diseembar 31, 2024)
  • Waxaadna helaysaa hal xabo oo ah dhalada isha la dul saaro oo si buuxda loo dabaro laga bilaabo hadda ilaa iyo Diseembar 31, 2024 – tani kuma jiraan muraayadaha weeyneesada ah, ee leh lacagta kharashyada lacagaha haraaga lacag jarista kadib, iyo hagaajinta muraayadaha sida lagu qoray halkan. 

Fadlan ogoow: Haddii aad doorato adeeg bixiye ka baxsan VSP Choice Network, waxaad lacagta jaabka laga bixiyo oo badan ku bixin doontaa baaritaankaaga isha, dhalada isha, fareemyada, iyo dhalada isha la dul saaro. 

Waxaad kaar Aqoonsi cusub ka heli doontaa Ameritas, marka fadlan la soco iimaylkaaga. La soco uma baahnid inaad sugto inaad hesho kaarka si aad adeegyo u hesho. 

Haddii aad ku nooshahay meel 25 mayl ka badan u jirta shabakada VSP, la xiriir xarunta wicitaanka ee CSP oo u sheeg in adeeg bixiyeyaal aysan joogin goobtaada. Xarunta wicitaanka ee VSP ayaa sharaxi doonta sida loogu gudbiyo sheegashada aragga VSP si loo magdhawo. Markaas ka dib waxaad ballaan ka qabsan kartaa adeeg bixiye kasta oo dookhaaga ah, VSP ayaa kuugu magdhawi doonta sidi adiga oo u tagay adeeg bixiye shabakada ku jira. 

Maqalka

Dheefaha maqalka waxaa laga heli karaa Ameritas SoundCare. SoundCare kuma xidhna shabakad. Waxaad u tagi kartaa bixiye kasta. Waxaad u qalantaa ilaa $75 gunno 12-kii biloodba si aad u hesho baaris maqal oo dhamaystiran. Waxaad u baahan doontaa inaad lacagta hormaris u bixiso adeegyada oo aad dalbato magdhaw. Dib u eeg koobnanta dheefaha wixii macluumaad dheeraad ah.

LASIK

DHeefaha LASIK waxaa laga heli karaa Ameritas LASIK Advantage. LASIK Advantage kuma xidhna shabakad. Waxaad u tagi kartaa bixiye kasta. Faa’iidada nolosha ee ugu badan ee aad xaq u leedahay in aad hesho il kasta waa $500. Waxaad u baahan doontaa inaad lacagta hormaris u bixiso adeegyada oo aad dalbato magdhaw. Dib u eeg koobnanta dheefaha wixii macluumaad dheeraad ah.

Waxyaabaha Muhiimka ah ee ay Tahay in la Ogaado
  • Dheefaha aragga, maqalka, iyo LASIK ee Carewell SEIU 503 waa mid khidmo la’aan u ah shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ma jirto wax biil bille ah oo aad bixinayso.
  • Markaad u qalanto, waxaad ka heli doontaa caymiska Ameritas.
  • Xubnaha qoyska laguma dari karo qorshahan.
  • Ma isticmaali kartid Kaarka Deynta ee Khidmadaha Dheefta si aad iskaga bixiso kharash kasta oo la xidhiidha dheefaha Araga + Maqalka.

Xaq u yeelashada 

Si aad isla markiiba u ogaato xaq u yeelashadaada, ka jawaab dhawr su’aalood oo ku saabsan xog uruurinta xaq u yeelashada. 

Shuruudaha Xaq U Yeelashada

Si aad xaq ugu yeelato dheefaha Aragga + Maqalka ee Carewell SEIU 503 waxaa qasab ah:

N

Waa inaad shaqeysaa ugu yaraan 40 saacadood oo ah saacado shaqo oo xaq leh* 2 bilood oo isku xiga si aad xaq ugu yeelato dheefahan. Marka aad ka soo baxdo shuruudan, waxaa jiri doonta muddo 1 bil oo sugitaan ah ka dib marka aad soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushhaharka. Inta lagu jiro muddadan sugitaanka, Gobalka, Acumen ama PPL ayaa u soo gudbin doona saacadahaaga shaqada Carewell SEIU 503. 

Representación gráfica del cronograma de elegibilidad y del período de espera de un mes
N

Si joogta ah u soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushaharka.

N

Hakaaga fayl gareysnaadaan magacaaga, jinsigaaga, lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga, taariikhdaada dhalashada iyo ciwaankaaga guriga ee haddadan Carewell SEIU 503. Guji halkan si aad u cusbooneysiiso macluumaadkaaga haddadan.

Shuruudahan xaq u yeelashada waa iskuugu mid dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha (DVE). 

* Saacadaha shaqada ee xaq yeelashada

Tirada saacadaha shaqada ee aad u baahan tahay si aad ugu qalanto dheefaha Carewell waa saacadaha shaqada ee ay bixiyaan Acumen, DHS, iyo/ama PPL iyaga oo matalaya macaamiishaada.

 

Luminta xaq yeelashada

Waxaad lumin kartaa xaq yeelashada dheefaha Carewell SEIU 503 (Ilkaha, Aragga + Maqalka, EAP, iyo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka) haddii aad yeelato 2 bilood oo isku xigta oo aad 0 saacadood shaqaysay. Ka dib 2-daas bilood, waxaa lagu siin doonaa muddo kordhin 1 bil ah ka hor inta aysan dhamaanin dheefahaaga.

Warqado ayaa boostada loogu diiri doonaa daryeel bixiyeyaasha iyada oo loo sheegayo inay lumin karaan dheefahooda. Ogaysiisyadan waxaa sidoo kale ku jiro macluumaad ku saabsan sii wadashada caymisyada Ilkaha, Aragga Iyo Maqalka, iyo EAP ee laga helo COBRA.

Haddii aad go’aansato inaad ku sii jirto dheefaha DVE ee laga helo COBRA, tani waxay ka dhigan tahay inaad hadda bixin doonto khidmadaha caymiska ee bil’laha ah adiga oo ku diraya lacagta Maamulaheena COBRA, Ameriflex.

Waxaad sidoo kale dib ugu heli kartaa xaq u yeelashada inaad buuxiso shuruudaha kor ku qoran.

Diiwaangelinta

Dheefaha Ilkaha, Arragga + Maqal, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha waxaa laguugu hagaajin doonaa si otomaatiga ah marka aad adiga: 

  • buuxiso Shuruudaha Xaq U Yeelashada ee kor lagu sharaxay
  • ka cusboonaysiiso Carewell SEIU 503 iyo Gobolka magacaaga, jinsigaaga, lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga iyo ciwaankaaga guriga ee haddadan.

Xaqiijinta Diiwaangelinta

Marka aad u qalanto dheefaha Aragga + Maqalka ee Carewell SEIU 503, waxaa laguu soo diri doona aragga, maqalka, iyo kaararka LASIK oo ku jira, baqshad cad.

Aragga: Shabakadda La Doortay ee VSP
Kaarka caymiska maqalka ee Ameritas
Maqalka: Kuma xidhna shabakad
Kaarka caymiska maqalka ee Ameritas
LASIK: Kuma xidhna shabakad
Kaarka caymiska maqalka ee Ameritas

Faahfaahinta Dheefaha

Isticmaal Dheeftan

Ballan qabso

Hubi inaad xaqiijiso in bixiyahaaga aragga iyo xarumaha uu ka tirsan yahay shabakad ka hor intaadan raadin adeegyada oo si taxadar leh dib u eeg macluumaadka dheefaha oo kooban kuna saabsan kharashyada jeebka laga bixiyo ee suurtogalka ah sida lacagta lagu kordhiyo caymiska iyo lacagta go’an ee jeebka laga bixiyo. Carewell SEIU 503 kuguma soo celinayso kharashyo dheeri ah mana u isticmaali kartid Kaarka Deynta ee Khidmadaha Dheefta wixii ku saabssan aragga ama maqalka, markaa ka hubi bixiyahaaga wixii ah nidaamyada aan si buuxda loo daboolin.

Hel adeeg bixiye

Aragga

Ka hel bixiye Shabakadda VSP ee la Doortay adiga oo aadaya websaydka VSP ee vsp.com/eye-doctor ama wacaya 1-800-877-7195. 

Maqalka

Waxaad u tagi kartaa bixiye kasta ama xarun kasta oo bixisa adeegyada maqalka! Ma jiro shabakad loo gooyay dheefaha maqalka. Waxaad u baahan doontaa inaad lacagta hormaris u bixiso oo aad dalbato magdhaw.

LASIK

Waxaad u tagi kartaa bixiye kasta ama xarun kasta oo bixisa adeegyada LASIK! Ma jiro shabakad loo gooyay dheefaha LASIK. Waxaad u baahan doontaa inaad lacagta hormaris u bixiso oo aad dalbato magdhaw.

Dhawr Dheeftan

‎‏Uma baahnid inaad dib u codsatid ama dib isku diiwaangelisid ilaa iyo inta aysan kugu dhaafin 2 bilood oo isku xigta adigoon shaqaynin saacado shaqo oo xaq leh — ama aadan soo gudbinin saacado shaqo oo 0 ah, waxaad xaq u sii lahaan doontaa dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha. Ma heli doontid kaarar cusub sanad walba.

Eeg qaybta Xaq U Yeelashada ee kore si aad u ogaato tallaabooyinka aad u baahan tahay inaad qaado haddii aad weydo xaq u yeelashada. 

 

 

Magdhawyo
Aragga

Haddii aad u tagto bixiye ka baxsan Shabakadda VSP ee La Doortay waxaad u baahan doontaa inaad bixiso lacag hormaris ah oo aad dalbato magdhaw. Waxaad ku codsan kartaa magdhaw si elegtroonig ah adigoo u maraya bogga VSP vsp.com (marka hore waa inaad samaysataa akoon). Fadlan si taxadar leh u eeg dheefta kooban si aad u aragto heerarka dheefaha markaad u socoto bixiye arag oo ka baxsan shabakada.

Maqalka

Waxaad u baahan doontaa inaad lacagta hormaris ku bixiso adeegyada maqalka oo aad dalbato magdhaw.

Foomka Dacwadda Magdhawga Maqalka ee Ameritas (PDF)

LASIK

Waxaad u baahan doontaa inaad lacag hormaris ah ku bixiso adeegyada LASIK oo aad dalbato magdhaw. Ogsoonow in foomkan loogu talagalay kaliya adeegyada LASIK, ma aha adeegyada kale ee aragga sida baaritaanka indhaha ee sannadlaha ah, muraayadaha, ama fareemyada.

Aragtida Ameritas (LASIK kaliya) Foomka Dacwadda Magdhawga (PDF)

Ka Bax

Haddii aad rabto inaad ka baxdo dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha waxaad buuxin kartaa foomka ka dhaafitaanka.

Foomka Ka-dhaafitaanka Dheefaha (onleen)

Carewell SEIU 503

1-844-503-7348

Sababaha lola xiriiro Carewell SEIU 503:

  • Su’aalaha ku saabsan xaq u yeelashada dheefaha Aragga + Maqalka
  • Ma aadan helin kaadhkaaga aragga, LASIK, ama kaadhadhka maqalka
Ameritas

1-800-255-4931

Sababaha loola xiriiri karo Ameritas:

  • Raadi dhakhtarka indhaha oo kuu dhow
  • Su’aalaha ku saabsan adeegyada/qalabka hoos yimaada qorshahan
  • Waxaad u baahan tahay kaar cusub
VSP

Websaydhka: vsp.com Kadibna guji Gal / Furo Akoon oo jirta dhinaca midig ee kore si aad u isticmaasho bogga intarnetka ee VSP.

Taleefonka: 1-800-877-7195

Sababaha loola xiriiri karo VSP:

  • Su’aalaha ku saabsan dheefaha aragtida ama sheegashooyinka
  • Raadi bixiye aragga kuu dhow
SoundCare

800-487-5553

Sababaha loola xiriiri karo SoundCare:

  • Su’aalaha ku saabsan dheefaha maqalka
  • Si taageero loogu helo raadinta adeeg bixiye

Su’aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo

Akhri su’aalaha caadiga ah ee ku saabsan dheefaha Araga + Maqalka ee Carewell. Arag Su’aalaha Badanaa La Isweydiiyo wixii macluumaad dheeraad ah.

Halkeen ka heli karaa haddii bixiyaha aragga uu ku jiro shabakadda La xusho ee VSP?

Waxaad ka booqan kartaa websaydhka VSP barta vsp.com/eye-doctor ama wac 1-800-877-7195.

Waqti intee le'eg ayay tahay in aan kusoo gudbiyo magdhawga lacag-celinta?

Waa inaad ku soo gudbisaa foomka magdhawga 90 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda adeegga. Tusaale ahaan, haddii aad ka iibsatay muraayadaha indhaha bixiye ka baxsan shabakadda waxaad haysan doontaa 90 maalmood si aad u soo gudbiso Foomka Sheegashada Magdhawga Xubinta VSP. Ka wac Ameritas 1-800-255-4931 si aad u ogaato wax badan oo ku saabsan inta lagugu soo celin doono haddii aad u tagto bixiye shabakad ka baxsan.

Miyaan ku darsan karaa xaaskeyga/seygeyga ama xubnaha kale ee qoyska?

Maya. Dheefaha aragga, maqalka, iyo LASIK ee Carewell SEIU 503 waxaa heli karo kaliya shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ee xaqa u leh.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir