Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka

Ceymisyada La Ansaxiyay

Caafimaad qab, caymis hel.

Dheefta oo Kooban

Carewell SEIU 503 Caawinta Kharashka Daryeelka Caafimaadka waxay caawisaa shaqaalaha xaqa u leh ee ku jiran kuwa caymiska ee caafimaadka ee la ansixiyay ee qorshayaasha suuqa:

  • Kharashka saafiga ah ee khidmadaada caymiskabil'laha ah (ka eeg FAQ sharaaxada).
  • Kharashyada jeebkada laga bixiyo sida kuwa lagaa jarayo, khidmada ceymiska iyo lacagaha haraaga lacag jarista kadib iyo kharashyada daawada dhaktarku qoro ee adeegyada lagu dabaro qorshahaagaceymiska ee la oggolaaday. Ilaa iyo $6,900 oo ah kharashka qofka jaabkiisa ka bixiyo ayaa la dabaraa 2023.

Dheeftan waxay shaqaynaysaa oo kaliya haddii aad ka diiwaangashan tahay caymiska Goob-suuqeedka la oggalyahay (eeg qorshayaasha caymisyada la oggalyahay ee 2023.)

Sikastaba ha ahaatee, haddii 

    1. aad xaq u yeelatay dheefaha Carewell SEIU 503 (sida Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha) ka dib markay dhamaatay Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee ugu danbaysay, iyo 
    2. aad ka diiwaanshan tahay caymis aan la oggolayn oo aad ka heshay Goob-suuqeedka caymiska caafimaadka,  

waxaad heli kartaa Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka oo ku meel gaadh ah si lagaaga caawiyo kharashyadaada khidmada bil'laha ah iyo kharashyada jaabka laga bixiyo ee caymiskaaga caafimaadka ee hadda jira. Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa FAQ-yadan. 

Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaad waxaa kaliya oo heli kara shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqalaha shakhsiga, ee ma helaan xubnaha qoyska. Haddii qoyskaaga lagu daro siyaasaddaada caymiska caafimaadka, Caawinta Kharashka Daryeelka Caafimaadka waxa ay dabooli doontaa oo keliya qaybta khidmadaha bisha ee khuseeya caymiskaaga gaarka ah. Macluumaad intaas ka badan waxaa laga heli karaa qaybta Isticmaal Dheeftan ee hoose. 

Haddii aad u qalanto Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, waxaad heli doontaa Kaarka Dheefta kuwu habboon (kaarka deynta Mastercard) si aad isaga bixiso khidmadahaaga bisha iyo kharashyada jeebka ka baxsan. Kaarku waxa uu ka iman doonaa Ameriflex (Maamulaha Habboon ee Faa'iidooyinka). Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta iyo sida loo isticmaalo, guji halkan.  

Waxyaabaha Muhiimka ah ee ay Tahay in la Ogaado
  • Faa'iidonka waxay bixisaa khidmadaha saafiga ah ee bilaha ah ee u qalmida qorshayaasha shakhsi ahaaneed ee lagu soo gato Suuqa. Waxay kale oo ay ka dabooshaa ilaa $6,900 kharashaadka caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee sheegashooyinka uu daboolay qorshahaaga shaqsiga 2023 ee la ansixiyay. Carewell SEIU 503 Faa'iidooyinka Caawinta Kharashka Daryeelka Caafimaad maaha kuwo shaqalaha-kafaala qaaday ama kooxda caymiska caafimaadka.
  • Markaad isdiiwaangeliso Suuqa Caymiska Caafimaadka ayaa ku siin doona qorshayaal dhowr ah oo aad ka doorato. Waxaad dooran kartaa qorshe kasta oo aad rabto, laakiin si aad u hesho dheefaha, Caawinta Kharashka Daryeelka Caafimaad, waa inaad iska diiwaan gelisaa qorshaha la ansixiyay ee degaankaaga.
  • Ameriflex ayaa boostada kuugu soo diri doonta Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta oo aad u isticmaali karto inaad ku bixiso khidmadahaaga caymiska bil'laha ah. Waxaad sidoo kale u isticmaali kartaa inaad ku bixiso kharashyadaada khidmadaha adegga ceymiska, kharashyada lacagaha haraaga lacag jarista kadib, iyo daawoyinka dhakhtarku qoro ee aad xaqa u leedahay.

Eeg Xaq u Yelashada

Macluumaadkan waxaa loogu talagalay dadka u qalma oo u baahan inay iska diiwaangeliyaan qorshe la oggolaaday oo ku saabsan Goob-Suuqeedka Caymiska Caafimaadka.

Si aad u aragto haddii aad u qalanto, fadlan buuxi su'aalahan u-qalmitaanka.

Xog-uruurinta xaq u yeelashada Carewell oo saaran shaashada taleefonka gacanta

Diiwaangelinta

Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Caymiska Caafimaadka)

Haddii aad iska diiwaangelinayso caymiska Goob-suuqeedka markii ugu horreysay, waxay u badan tahay inaad sugto ilaa inta Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) si aad isku diwaangeliso. Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) waxay inta badan u dhaxaysa Noofembar 1 iyo Diseembar 15 sanad walba caymiska bilaabanayo Janaayo 1-da soo socota. Waxaa jira duruufo gaar ah oo kuu ogolaanaya inaad isdiiwaangeliso muddo ka baxsan muddadan; eeg FAQs wixii macluumaad dheeraad ah. 

Muddada Isdiiwaangelinta Gaarka ah (SEP)

Diiwaangelinta Furan ee ka baxsan, waxaa jira waxyaabo ka reeban oo xaddidan oo kuu ogolaanaya inaad isdiiwaangeliso inta lagu jiro Muddada Diiwaangelinta Gaarka ah. Tusaale ahaan, haddii aad iska lumisay caymiskaaga qorshaha lammaanahaaga ama loo-shaqeeyaha kale, ama aad lumisay caymiska Medicaid, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto inaad iska diwaangeliso meel ka baxsan Diiwaangelinta Furan. Xilliyada Isdiiwaangelinta Gaarka ah waxay ku eg tahay 60 maalmood oo keliya laga bilaabo taariikhda dhacdada u qalmidda (sida joojinta caymiska), markaa haddii aad aaminsan tahay inaad u qalanto SEP, wac 1-844-503-7348 isla markaaba. Fiiri Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Xilliyada Diiwaangelinta Gaarka ah.

Tallaabooyinka Isdiiwaangelinta 2023

Fadlan ogoow: Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) ee 2023 waxay dhamaatay Janaayo 15. Caymiska caafimaadka ee Goob-suuqeedka waxaa dib loo cusboonaysiiyaa inta lagu jiro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka).

Haddii aad haddadaan ka diiwaangashan tahay caymiska Goob-suuqeedka la oggalyahay, oo aadan wax ballan ah ka qabsanin Valley Insurance Professionals (VIP) inta lagu jiray Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka), waxaa muhiim ah inaad cusboonaysiiso dakhligaaga.

Markay ahayd Janaayo 1, 2023, daryeel bixiyayaasha waxay heleen mushahar kordhin, taas oo kor u qaaday mushaharka sacadiiba ee aassaasiga ah oo ahaa $16.67 oo noqday $17.77 saacadiiba. Iyada oo ay ugu wacan tahay isbaddelkan ku yimid dakhligaaga, waxaa kuu wanaagsan inaad ka cusboonaysiiso macluumaadka dakhligaaga Goob-suuqeedka caymiska si aad iskaga ilaaliso wax kadis kugu noqda canshuurta.

Markaad caymiska caafimaadka ka codsato Goob-suuqeedka caymiska caafimaadka, waxaa lagu waydiin doonaa inaad qiyaasto dakhligaaga sanadka soo socda oo aad soo gudbiso isbaddel kasta oo ku yimaada dakhligaaga sanadka oo dhan. Iyada oo ku salaysan macluumaadka dadka ee aad bixisay, Goob-suuqeedka caymiska ayaa go'aan ka gaara cadadka kabida ee aad heli doonto, wuxuuna go'aamiyaa khidmada caymiskaaga ee bil'laha ah iyo Canshuur Celinta Khidmadaha ee Hormariska ah.  

Haddii qiyaasta dakhliga ee codsigaaga Goob-suuqeedka caymiska ay qaldan tahay, markaas cadadka aad u hesho Canshuur Celinta Khidmadaha ee Hormariska ah ayaa sidoo kale qalad noqon kara. Markaad xarayso canshuur celintaada sanadlaha ah, Hay'adda Adeegga Dhakhliga Gudaha ayaa is-barbardhigi doonta cadadka Canshuur Celinta ee aad heshay sanadkaas iyo cadadka Canshuur Celinta ee aad heli lahayd iyada oo ku salaysan dakhligaaga.  

Haddii aad ka haysato caymis caafimaad caymiska Goob-suuqeedka, waxaan si xoog leh kugula talinaynaa inaad macluumaadka dakhligaaga ka cusboonaysiiso Goob-suuqeedka. Hay'addaha caymiska ee nala-hawlgalo ee Valley Insurance Professionals ayaa ku caawin kara: wac 1-844-503-7348 si aad ballan u qabsato ama aad u isticmaasho xiriiriyeyaasha hoose si aad dakhligaaga uga cusboonaysiiso onleenka.

 

  • Ku wada buuxi warqadaha sannadlaha ah ee 2023 iyo Foomka Macluumaadka Diiwaangelinta (EIF) si wada jira ah adiga oo halmar gujinaya halkan!
  • Buuxi kaliya EIF (haddii aad kol hore buuxisay warqadaha sannadlaha ah ee 2023) guji halkan.

Halkee ka heli kartaa macluumaadkan?

  • Ka gal codsigaaga Goob-suuqeedka caymiska barta healthcare.gov.
  • Weydii shirkaddaada caymiska caafimaadka (sida Kaiser ama Providence) — waxaa laga yaabaa in macluumaadkaas ay kuugu soo direen boostada, ama waxaa laga yaabaa in laga heli karo boggaaga internetka. Sidoo kale waxaad wici kartaa – lambarada shirkaddaha waxaa laga heli karaa halkan.

Tallaabooyinka la iskuugu diiwaangeliyo dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka marka kuugu koowaad

Muhiim ah! Waa inaad bogto tallaabo walbo si aad iskaga diiwaangeliso dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka.

1. Buuxi warqadaha sannadlaha ah: foomamkani waxay oggolaansho u siinayaan kooxda Carewell SEIU 503 Benefits iyo la-hawlgalayaasheeda inay kaa caawiyaan diiwaangelinta iyo ilaalinta caymiskaaga daryeelka caafimaadka.

2. Wax badan ka ogoow caymisyada la oggolaaday ee deegaankaaga:

a. Si aad u hesho dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, waa inaad iska diiwaan gelisaa qorshaha la ansixiyay ee degaankaaga. Eeg liiska caymisyada la ansaxiyay.

b. Akhri Soo Koobida Dheefaha Caymiska si aad u ogaato waxa ku habboon baahiyahaaga caafimaad: Fiiri Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska.

3. Ka wac Carewell SEIU 503 lambarka 1-844-503-7348. Waxay kaa caawin karaan inaad ballanta isdiiwaangelinta ka qabsato hay'addaha caymiska ee nala-hawlgalo ee Valley Insurance Professionals.

4. Bixi khidmadaada caymiska ee bil'laha ah ka hor taariikhda lagaa rabo ugu danbayn. Haddii aadan ku bixinin khidmadaada caymiska ee bil'laha ah wakhtiga saxda ah, caymiskaaga ma shaqayn doono waxaadna is arki doontaa adiga oo caymis la'aan ah sanadka 2023 oo dhan.

Sida ay u shaqayso bixinta lacagaha khidmada caymiska ee bil'laha ah

Waxaad Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta ka heli doontaa Ameriflex, kaas oo aad u adeegsan karto inaad ku bixiso khidmadahaaga ceymiska ee bil'laha ah iyo kharashyada caafimaadka ee caymiska leh ee qofka uu jaabkiisa ka bixiyo.

Sikastaba ha ahaatee, Kaarkan Dukaameysiga ee Dheefta waxaa laga yaabaa inaad wakhti hore helin si aad ugu bixiso khidmadaada caymiska ee bil'laha ah ee ugu horaysa maalinka koowaad ee bisha. Haddii ay dhacdo midaas, waa inaad ka bixiso khidmadaada caymiska ee bil'laha ah jaabkaaga ka hor taariikhda kama danbayska ah. Carewell SEIU 503 ayaa kuu soo diri doona jeeg si uu kuugu magdhawo khidmada caymiska ee bil'laha ah ee koowaad.

Si aad magdhawga degdeg ugu hesho, waxaad isku diiwaangelin kartaa Lacag Wareejinta Elektrooniga ah.

Wax badan ka ogoow Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta.

5. Hubso inaad akhriso oo aad ka jawaabto codsiyada xogta ee Goob-suuqeedka caymiska. Haddii aadan ka jawaabin codsiga macluumaadka Goob-suuqeedka caymiska, waxaa laga yaabaa inaad lumiso caymiskaaga, Dhibcaha Canshuur Celinta Khidmadaha ee Hormariska ah, iyo/ama Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka.

Waxaad ogaan doontaa inaad isku diiwaangelisay dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka markaad hesho jeegga magdhawga ee khidmadaada caymiska ee bil'laha ah ee ugu koowaad, kadibna aad boostada ku hesho Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta (BCC). Laga bilaabo maalinta aad isdiiwaangelisay, waxay qaadan kartaa ilaa iyo 20 maalmood oo shaqo inaad boostada ku hesho BCC. Sidoo kale waa inaad hesho magdhawga khidmadaada caymiska ee bil'laha ah ee ugu koowaad, oo aad ku hesho midkood jeeg ama lacag wareejinta elektrooniga ah, 20 maalmood oo shaqo gudahooda markaad isdiiwaangeliso.

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan diiwaangelinta ama helidda dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, fadlan wac 1-844-503-7348.

  

Faahfaahinta Dheefaha

Isticmaal Dheeftan

Isticmaal kaadhkaaga waxtarka leh si aad ugu bixiso caymiskaaga:

  • Khidmadaha caafimaad
  • Kharashyada jeebka laga bixiyo ( lacagaha la jaro, khidmada ceymiska, lacagaha haraaga lacag jarista kadib iyo daawada dhaktarku qoro)

Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo wa inaad muujiso caddaynta kharashyadaada, markaa hayso Sharaxaadda Faa'iidooyinka aad ka heshay side caymiskaaga iyo dhammaan rasiidhada.

Kaarka looma isticmaali karo:

  • daryeelka ilkaha ama adeegyada aragga iyo maqalka;
  • kharashka xaaskaaga ama kuwa kugu tiirsan;
  • kharashyada adeegyada qorshahaaga caymiska caafimaad uusan dabarin;
  • kharashyada la galay inta aanad u qalmin Caawimada Kharashka Daryeelka Caafimaadka;
  • kharashyada daawaynta ee laga soo bilaabo kallandarka hore. Ka eeg tabkan Lacag-celinta wixii macluumaad dheeraad ah.

Haddii qoyskaagu uu ku jiro siyaasadda caymiskaaga caafimaadka, ma awoodi doontid inaad u isticmaasho Kaarka lacag-bixintaada caymiska. Waxaad u baahan doontaa inaad bixiso lacagta caymiskaaga adigoo isticmaalaya lacagahaaga ka dibna aad codsato lacag celin bil kasta. Ka eeg tabka Lacag-celinta wixii macluumaad dheeraad ah.

Ka hagaajiso lacag bixintaada tooska ah shirkadaada caymiska

Hubi in lacagta caymiskaaga lagu bixiyo waqtigii loogu talagalay bil kasta! La xidhiidh shirkadaada caymiska si aad ugu hagaajiso lacag bixinta tooska ah ee Kaarkaaga Dukaamaysiga ee Dheefta:

Ballan qabso

Kahor intaadan ballan la qabsaneen bixiye caafimaad, hubi inay ku jiraan shabakada bixiyaha caymiskaaga. Haddii aad adeegyo ka hesho bixiyeyaasha shabakadaha ka baxsan, waxaad geli doontaa kharashyo jeebka ka baxsan oo aad uga sarreeya.

Xafidi Dheeftaada

Si loo hubiyo inaad sii wadato helitaanka Caawinta Kharashka Daryeelka Caafimaadka, fadlan xasuuso inaad:

  • Si joogta ah u soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushaharka.
  • Iska ilaaliso inaad soo diiwaangeliso eber (0) saacadood oo ah kuwa shaqo 2 bilood oo isku xigta. Inaad 2 bilood oo isku xigta shaqo la'aan ahaato waxay kuu horseedi kartaa inaad lumiso dheefahaaga Carewell SEIU 503, oo ay ku jirto Caawinta Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Xaaladdaan, waxaad weli sii haysan doontaa qorshahaaga caymiska Goob-Suuqeedka, laakiin waa inaad adigu bilowdaa inaad iska bixiso khidmadaha ama aad raadsato caymis kale sida Oregon Health Plan.
  • Ka dhigto tii ugu danbeeyay xogtaada khaaska ee ay hayaan Carewell SEIU 503 iyo loo-shaqeeyahaaga.
  • Ku siiso khidmadahaaga caymiska bil'laha ah shirkada caymiska waqtigii loogu talagalay, oo aad la socoto lacagahaaga khidmada ceymiska ee bil'laha ah. Shirkadaada caymiska ayaa joojin karta qorshahaaga caymsika haddii lacagaha la bixin waayo.
  • Ugu soo gudbiso Goob-Suuqeedka Isbeddel kasta oo ku yimaadda macluumaadkaaga 60 maalmood gudahood. Waxaan diyaar u nahay inaan kaa caawino midaan. Wac oo kaliya 1-844-503-7348 si aad u hesho caawin.
  • Inaad la socoto xaraynta cashuurtaada.
Magdhawyo

Sida ugu dhakhsiyaha badan ee aad ku heli karto lacag celintaada waa adiga oo buuxiya foomamka soo socda onlayn!

Foomka Sheegashada Lacag-celinta Caafimaadka

Foomka Sheegashada Magdhawga Caafimaadka (Digital)

U isticmaal Foomka Sheegashada Lacag-celinta Caafimaadka ee:

  • Lacag-celinta qaddarka ah haddii aad ka diiwaangashan tahay xubnaha qoyska ee qorshahaaga. Waxa kaliya oo aad sheegan kartaa qaybta lacagta caymiska ee u dhiganta caymiskaaga gaarka ah. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo xisaabinta qaddarka khidmadaha gaarka ah, la xidhiidh Suuqa (1-800-318-2596), sidahaaga caymiska, ama Xirfadlayaasha Caymiska Dooxada (1-844-507-7554, doorashada 2). Fadlan soo gudbi foomkan iyo koobiga lacagta caymiska bil kasta.
  • Dalbashada lacag celinta wixii ka dambeeya Maarso 31 ee kharashaadka u qalma laga soo bilaabo taariikhdii hore.

Foomka Lacag-celinta ee Ameriflex

Foomka Lacag-celinta Ameriflex (Digital)

Isticmaal Foomka Lacag-celinta Ameriflex si aad u dalbato lacag celin:

  • Marka aad jaabkaaga ka bixiso kharash xaq leh baddelki aad isticmaali lahayd Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta. Tusaale ahaan, haddii aad jaabkaaga ka bixisay daawada dhaktarku uu qoro adigaa oo aan wadanin Kaarkaaga wakhtigaas.
  • Dalbashada lacag celinta ilaa iyo 31-ka Maarso ee kharashaadka u qalma laga soo bilaabo sanad dugsiyeedkii hore.

Si aad ballan uga qabsato Valley Insurance Professionals, fadlan wac 1-844-503-7348, ama iimayl u dir carewellseiu503benefits@risepartnership.com.

Waxaad sidoo kale wici kartaa lambarkaas ama wax u diri kartaa iimaylkaas sababaha soo socda awgood:

  • Kaalmada lagu go'aaminayo dariiqada la iskuugu diiwaangeliyo caymiska caafimaadka
  • Kaalmada codsiyada OHP
  • Caawimada aasaasiga ah ee dheefaha Carewell SEIU 503
Valley Insurance Professionals

1-503-974-8471

hcwenroll@valleyinsurancepro.com

Sababaha loola xidhiidho Valley Insurance Professionals:

  • Su'aalaha ku saabsan goobta isdiiwaangelinta ama kaalmada telefoonka
  • Si loo sameeyo mid ka mid ah isbeddellada soo socda ee Suuqa:
    • Sax wixii macluumaad shakhsi ahaaneed (magaca, taariikhda dhalashada, dakhliga ama ciwaanka)
    • Ku dar ama ka saar kuwa kuugu tiirsan iyada oo ay sabab u tahay uurka, dhalashada, korsashada, guurka, furiinka ama dhimashada
    • Beddel heerkaaga (naafanimada, canshuur celinta, dhalashada, qabiilka, xabsiga)
    • Isbeddelka caymiska caafimaadka (tusaale ahaan, haddii caynsanaanta lagugu soo bandhigay shaqo ama aad ka bilawday Medicaid)
  • Kaalmada soo gudbinta dukumentiyada ay codsatay Marketplace

Ogoow: Ha wicin Valley Insurance Professionals si aad ballan ula sameysato. Taa beddelkeeda, fadlan wac 1-844-503-7348, ama iimayl u dir carewellseiu503benefits@risepartnership.com.

Suuqa Federaalka

1-800-318-2596

healthcare.gov

Sababaha loola xiriiro Goob-Suuqeedka federaalka:

  • Soo hel qaddarka kiridhityada canshuurta ee laga yaabo inaad hesho, iyo sidoo kale guud iyo khidmadaha caymiska caafimaadka saafiga ah
  • Codso nuqullada foomkaaga 1095 ee sannadlaha ah

Ogoow: Isdiiwaan gelinta iyo isbeddelada nolosha, waxaanu kugula talinaynaa inaad is-diiwaangeliso oo aad soo wargeliso isbeddellada nolosha Valley Insurance Professionals si loo hubiyo in macluumaadkaaga sidoo kale loo gudbiyo Carewell SEIU 503.

Bixiyaha Caymiska

Sababaha loola xidhiidho bixiyaha caymiska:

  • Samee lacag bixin toos ah
  • Hel kaadhadhka aqoonsiga caymiska cusub
  • Su'aalaha ku saabsan biilasha
  • Xaqiiji haddii dhakhtarkaaga ama nidaam gaar ah la daboolay

Adeegga macaamiisha
Kaiser Permanente: 1-800-813-2000
kp.org

Adeegga macaamiisha
MODA Medical: 1-877-605-3229
Macluumaadka xiriirka ee Moda Health

Adeegga macaamiisha
PacificSource (Oregon): 1-888-977-9299
pacificsource.com

Adeegga macaamiisha
Providence: 1-888-816-1300
providence.org

Ameriflex

1-888-868-3539

Markaad soo wacayso, fadlan isu sheeg inaad tahay shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee helaya dheefaha Carewell SEIU 503, oo sidoo kale hayso Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta.

Bogga onlaynka ah ee Ameriflex

Halkan riix si aad waxbadan uga ogaato ablikeeshinka mobeelka ee Ameriflex

Sababaha loola xiriiri karo Ameriflex:

  • Hubi hadhaaga kaadhkaaga Dheefta, dib u eeg taariikhda lacag bixinta, dalbo kaadhka beddelka, iwm.
  • Haddii kaadhkaagii ku haboona ee dheefaha la diiday oo aanad awoodin inaad lacag bixiso
  • Sheegashooyinka magdhawga caymiska caafimaadka ama kharashyada caafimaadka ee loo gudbiyay Ameriflex

Su'aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo

Akhri su'aalaha caadiga ah ee ku saabsan dheefaha Caawimada Kharashka Daryeelka Caafimaadka Carewell ee qorshayaasha la ansixiyay. Arag Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo wixii macluumaad dheeraad ah.

Waa maxay Muddada Qorista Gaarka ah oo anigu miyaan u qalmaa mid?

Muddada Qoritsa Gaarka ah ("SEP") ayaa kuu oggolaanaysa inaad iskaqorto qorshe caymis caafimaad oo ka baxsan Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee caadiga ah (Nof. 1 – Jan. 15 ee caymiska 2023). Waxaa laga yaabaa inaad u qalanto SEP haddii aad la kulantay isbeddelo nololeed, sida inaad lumiso caymis ku salaysan shaqo, ama isbeddel dakhli oo kaa dhigaya inaadan u qalmin Medicaid.

Haddii SEP-gaaga uu ansixiyay Caymiska Goobta Suuqa, waxaad iskaqori kartaa Qorshaha Goobta Suuqa laakiin waxaad haysataa waqti xaddidan oo aad iskuqorto, badanaa 60 maalmood laga bilaabo taariikhda dhacdo nololeedkaaga muteysiga leh. Goobta suuqu waxay sidoo kale u baahan doontaa caddaynta inaad u qalanto Muddada Qorista Gaarka ah, markaa waxaad u baahan tahay inaad soo ururiso macluumaadkaas sida ugu dhakhsaha badan si aad u dhammaystirto qoritaankaada. Wixii kaalmo ah, wac 1-844-503-7348.

Miyaan u qalmaa celceliska magdhawga khidmadaha caymiska?

Waxaa laga yaabaa inaad xaq u leedahay Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka haddii aad xaq u leedahay dheefaha Carewell SEIU 503 ka dib dhammaadka Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee u dambeysay oo aad iska qortay qorshaha aan la ansixinin ee Goob-Suuqeedka Caymiska Caafimaadka. Xaaladan, waxaad heli doontaa Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta si aad ugu bixiso kharashkyada jaabka aad ka bixiso ee caymiska leh. Waxaad sidoo kale xaq u yeelan doontaa magdhawga kharashyada khidmadaada caymiska ee ilaa iyo midkood

  • midka yar khidmadahaaga caymiska dhabta ah, ama
  • lacagta khidmada celceliska ah ee ay heleen adeeg bixiyeyaasha u qalma iyada oo loo marayo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka.

Si aad u sii wadato helitaanka Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ka dib dhamaadka sanadka, waa inaad iska qortaa qorshe ceymis oo la oggolyahay sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah oo aan ka danbaynin Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) (oo inta badan u dhaxaysa Noofeembar 1 and Janaayo 15 ee caymiska sanadka soo socda). Haddii kale, Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadku waxay joogsan doontaa dhammaadka sanadka.

Guji halkan si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah. Si aad u hubiso haddii aad xaq u leedahay celceliska magdhawyada khidmadaha caymiska, wac 1-844-503-7348.

Waa maxay khidmadaha caymiska caafimaadkayga saafiga ah?

Khidmada caymiskaaga saafiga ah waa qaddarka bishii ee ay tahay inaad siiso shirkaddaada caymiska si aad u ilaaliso caymiskaaga. Tusaale ahaan, haddii lacagta caymiska guud (qiimaha buuxa ee khidmadaha caymis sidahaaga) ay tahay $500 bishii iyo Caymiskaaga canshuurta daynta ee hore ama APTC (gargaarka maaliyadeed ee Dowladda Federaalka) ay tahay $200 bishii, khidmadahaaga saafiga ah ayaa noqon doona $300 bishii.

Sideen u isticmaalaa Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta?

Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta wuxuu u shaqeeyaa sida kaadhka deynta caadiga ah, oo leh laba farqi oo muhiim ah:

1. Kaarkaagu isticmaalkiisu wuu xaddidan yahay, taasoo la macno ah inaad kaliya u isticmaali karto kharashyada la daboolay ee ku hoos qoran "Maxaan u isticmaali karaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta inaan ku bixiyo?"

2. Kaarkaga kuma isticmaali kartid ATM-ka ama inaad dib u hesho lacag caddaan ah markaad wax iibsanayso.

Immisa lacag ah ayaa ku jirta Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta?

Waxa ku jira labo akoon Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta. Hal akoon ayaa hore loogu sii shubay lacagta sannadlaha ah ee lagu bixinayo khidmadaha adegga ceymiska ee caafimaadka iyo daawooyinka dhakhtarku qoro, lacgaha la jaro, iyo kharashyada lacagaha haraaga lacag jarista kadib ee adeegyada caymiska leh iyo dawooyinka dhakhtarku qoray. Sanadka 2023, lacagtaasi waa $6,900, laakiin tani way isbedeli kartaa sanadba sanadka ka dambeeya. Akoonka kale waxa lagu sii shubay qaddarka lagama maarmaanka u ah in lagu bixiyo khidmadaha saafiga ah ee bilaha ah: qaybta khidamada ceymiska caafimaadkaaga gaarka ah ee aan lagu dabarin canshuur celintaada khidmadaha ee hormariska ah ee federaalka (APTC).

Maxaan u isticmaali karaa Kaarka Dheefta habboon in aan ku bixiyo?
  • Lacagta lagaa jarayo ee lagu dabaqi karo qorshahaaga Medicare. Wax lagaa jari karo waa qaddarka ay tahay inaad ku bixiso adeegyada uu qorshahaaga Medicare daboolo ka hor inta uusan Medicare bilaabin inuu bixiyo. 
  • Khidmadaha ceymiska ee adeegyada caafimaadka iyo daawoyinka uu daboolay qorshahaaga Medicare. Khidmada ceymiska (ama qayb bixinta) waa lacag go'an oo qorshahaaga caymisku Medicare kaaga baahan karo inaad bixiso, oo badanaa waxay ku beegan tahay wakhtiga aad hesho adeegga ama warqadda daawada. 
  • Lacagaha haraaga lacag jarista kadib ee adeegyada caafimaadka iyo daawoyinka uu daboolay qorshahaaga Medicare. Lacagaha haraaga lacag jarista kadib waa boqolkiiba kharashyada ay tahay inaad bixiso adeegyada uu daboolo qorshahaaga Medicare. Wadaagista kharashku waxay u dhaxayn kartaa boqolkiiba 20% ilaa 50% ee adeega la daboolay, iyadoo ku xidhan qorshahaaga Medicare. Tusaale ahaan, haddii qorshahaaga Medicare uu leeyahay habayn lacagaha haraaga lacag jarista kadib oo ah "80/20", tani waxay la macno tahay, ka dib markaad bixiso wax kasta oo lagaa jari karo, qorshahaaga Medicare wuxuu bixin doonaa boqolkiiba 80% qiimaha kharashka caafimaadka ee la daboolay waana inaad bixisaa boqolkiiba 20% soo hadhay. 
Waa maxay Lacagta Cashuurta Hormariska ah (APTC)?

Lacagta Cashuurta Hormariska ah (APTC) waa canshuur celin ay bixiso dawlada dhexe oo aad isticmaali karto si aad hoos ugu dhigto bixinta caymiskaaga billaha ah (loo yaqaano "khidmad") markaad iskaqorto qorshaha goobta Suuqa Caymiska Caafimaadka. Canshuuur cellintaadu waxay ku salaysan tahay qiyaasta dakhliga iyo macluumaadka qoyska ee aad ku dhejisay codsigaaga goobta Suuqa. Haddii dakhligaaga lagu qiyaasay inuu u dhexeeyo boqolkiiba 100% iyo 400% ee Khadka Saboolnimada Federaalka, waxaad u qalantaa khidmada canshuur cellinta.

Qorshayaasha la ansixiyay ee 2023

Waxaad iska qori kartaa qorshe kasta oo caymis caafimaad oo aad ka rabto Goobta Suuqa. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad u qalanto Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, waa inaad doorataa qorshe la oggolaaday si aad caawimo uga hesho Carewell SEIU 503 bixinta khidmadahaaga caymiska iyo kharashka caafimaadka ee jeebka laga bixiyo.

Sida qorshayaasha la ansixiyay loo go'aamiyo, halkan ayaa lagu qori doonaa. La cusbooneysiiyay: Noofeembar 18, 2022.

 

CUSUB: Laga bilaabo Maajo 2022, guddiga wuxuu ansixiyay qorshe caymis caafimaad oo cusub oo loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha dagan meel ka baxsan Agga adeegga Kaiser. Caymiskan cusub, ee diiwaangelinta cusub laga samayn karo Muddada Diiwaangelinta Gaarka ah, waa Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network – EPO (aqoonsiga Caymiska: 77969OR5290001). Qorshahan caymiska Regence waxaa la heli karaa inta lagu jiro Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee caymiska 2023.

Oregon

Soo dejiso PDF-ta caymisyada Oregon ee 2023 oo degmo ahaan ah

Soo dejiso PDF-ta caymisyada Oregon ee 2022 oo degmo ahaan ah

Washington

Soo dejiso PDF-ta caymisyada Washington ee 2023 oo degmo ahaan ah

Soo dejiso PDF-ta caymisyada Washington ee 2022 oo degmo ahaan ah

California

Anthem Silver 70 EPO
BlueShield of California Silver 70 PPO

Idaho

PacificSource Navigator SILVER HSA 3500

 

Waxaad ka heli kartaa Soo Koobida Dheefaha iyo Caymiska qorshayaasha la oggolaaday halkaan.

 

Raadi Degmadaada, Raadi Qorshahaaga Caymiska:

Qorshaha loo ansixiyay Multnomah County

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha Loo ansixiyay Asotin County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha Loo ansixiyay Washington County

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha loo ansixiyay Lane County (gudaha aagga adeegga Kaiser)

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha loo ansixiyay Lane County (dibada aagga adeegga Kaiser)

Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshayaasha Loo ansixiyay Baker County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha loo ansixiyay Benton County (gudaha aagga adeegga Kaiser – OR)

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha loo ansixiyay Benton County (dibada aagga adeegga Kaiser – OR)

Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Benton County (WA)

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha loo ansixiyay Clackamas County (gudaha aagga adeegga Kaiser)

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha loo ansixiyay Clackamas County (dibada aagga adeegga Kaiser)

PacificSource OR Standard Silver Plan NAV Aqoonsiga Qorshaha 10091OR0750013

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Clark County

Kaiser Permanente Cascade Silver (WA) Aqoonsiga Qorshaha 87718WA2170014

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha Loo ansixiyay Clatsop County

Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Columbia County

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha Loo ansixiyay Coos County

Moda Health Beacon Silver 3000 Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1600002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Moda Health Oregon Standard Silver (Beacon) Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1610002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Cowlitz County

Kaiser Permanente Cascade Silver (WA) Aqoonsiga Qorshaha 87718WA2170014

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha Loo ansixiyay Crook County

PacificSource OR Standard Silver Plan NAV Aqoonsiga Qorshaha 10091OR0750013

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Curry County

Moda Health Beacon Silver 3000 Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1600002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Moda Health Oregon Standard Silver (Beacon) Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1610002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshayaasha Loo ansixiyay Deschutes County

PacificSource OR Standard Silver Plan NAV Aqoonsiga Qorshaha 10091OR0750013

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshayaasha Loo ansixiyay Douglas County

Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Franklin County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha Loo ansixiyay Gilliam County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshayaasha Loo ansixiyay Grant County (OR)

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Grant County (WA)

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha Loo ansixiyay Harney County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Grays Harbor County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha loo ansixiyay Hood River County (gudaha aagga adeegga Kaiser)

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha loo ansixiyay Hood River County (dibada aagga adeegga Kaiser)

Moda Health Beacon Silver 3000 Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1600002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Moda Health Oregon Standard Silver (Beacon) Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1610002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Island County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha Loo ansixiyay Jackson County

Moda Health Beacon Silver 3000 Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1600002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Moda Health Oregon Standard Silver (Beacon) Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1610002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshayaasha Loo ansixiyay Jefferson County

PacificSource OR Standard Silver Plan NAV Aqoonsiga Qorshaha 10091OR0750013

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Josephine County

Moda Health Beacon Silver 3000 Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1600002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Moda Health Oregon Standard Silver (Beacon) Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1610002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay King County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha Loo ansixiyay Kitsap County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha Loo ansixiyay Klamath County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Klickitat County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha Loo ansixiyay Lake County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Lewis County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha La ansixiyay Lincoln County

Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo Ansixiyay Linn County (gudaha aagga adeegga Kaiser)

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha loo ansixiyay Linn County (dibada aagga adeegga Kaiser)

Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshayaasha La ansixiyay Malheur County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo Ansixiyay Marion County (gudaha aagga adeegga Kaiser)

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha loo ansixiyay Marion County (dibada aagga adeegga Kaiser)

Providence Oregon Standard Silver - Choice Network Aqoonsiga Qorshaha 56707OR1330004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha La ansixiyay Morrow County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha La ansixiyay Pierce County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha La ansixiyay Pacific County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha La ansixiyay Polk County

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha La ansixiyay Sherman County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha La ansixiyay Skamania County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha La ansixiyay Snohomish County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha La ansixiyay Spokane County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha La ansixiyay Thurston County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha Loo ansixiyay Tillamook County

Moda Health Beacon Silver 3000 Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1600002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Moda Health Oregon Standard Silver (Beacon) Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1610002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshayaasha Loo ansixiyay Umatilla County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshayaasha Loo ansixiyay Union County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Walla Walla County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshaha Loo ansixiyay Wahkiakum County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha Loo ansixiyay Wallowa County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Wasco County

Moda Health Beacon Silver 3000 Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1600002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Moda Health Oregon Standard Silver (Beacon) Aqoonsiga Qorshaha 39424OR1610002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Whatcom County

Regence Cascade Silver Individual and Family Network (WA) Aqoonsiga Qorshaha 23371WA1940002

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Qorshayaasha Loo ansixiyay Wheeler County

Providence Oregon Standard Silver - Signature Network Aqoonsiga Qorshahas 56707OR1360004

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Regence Standard Silver Plan Individual and Family Network - EPO, Aqoonsiga Qorshaha 77969OR5290001

Soo dejiso dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska ( PDF)


Qorshaha Loo ansixiyay Yamhill County

Kaiser Permanente Oregon Silver 3500/40 Aqoonsiga Qorshaha 71287OR0420011

Soo dejiso Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha iyo Ceymiska


Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir