Ilkaha

Kalsooni ku dhoola cadey!

Dheefta oo Kooban

Dheefta Ilkaha ee Carewell SEIU 503 waxay bixisaa ceymis kaas oo bixiya adeegyada ilakaha ee aasaasiga ah oo bilaash kuu ah wuxuu sidoo kalana bixiyaa qayb ka mid ah adeegyada kale ilkaha ee adag.

Dheefta Ilkaha ee Carewell SEIU 503 waxaa ceymiyo Kaiser Permanente.

Kharashyada Khidmada Adeegga Ceymiska ee Xubinta 

Baaritaannada afka, raajooyinka, nadiifinta ilkaha, buuxinta joogtada ah, soo saarista fudud   $0 
Daweeynta xidid dilidda, qalliinka soo saaridda iliga  10% lacagaha haraaga lacag jarista kadib 
Lafaha iliga laga dul galiyo, lafaha ilkaha xiriiriya, ilkaha macmalka ah, bir gelinta iliga  30% lacagaha haraaga lacag jarista kadib 

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan waxa lagu dabaro ceymiskaaga ilkaha ee Kaiser ee 2023, eeg soo koobida dheefaha ilkaha: 

Waxyaabaha Muhiimka ah ee ay Tahay in la Ogaado
  • Dabaridan waxaa loogu talagalay kaliya ceymiska ilkaha, ma ahan ceymiska caafimaadka.
  • Marka aad xaq u yeelato, waxaad ceymis ku heli doontaa ceymiska ilkaha ee Kaiser Permanente. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad ka cusbooneysiiso Carewell SEIU 503 iyo Gobolka magacaaga, jinsigaaga, lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga iyo ciwaankaaga hadda.
  • Dheefta Ilkaha ee Carewell SEIU 503 waa khidmo la’aan — ma jirto wax biil bille ah oo aad bixin doonto.
  • Ma isticmaali kartid Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta si aad ugu bixiso kharash kasta oo la xidhiidha ceymiskaaga ilkaha.

Xaq u yeelashada

Si aad isla markiiba u ogaato xaq u yeelashadaada, ka jawaab dhawr su’aalood oo ku saabsan xog uruurinta xaq u yeelashada. 

Shuruudaha Xaq U Yeelashada

Si aad xaq ugu yeelato dheefaha Ilkaha ee Carewell SEIU 503 waxaa qasab ah:

N

Waa inaad shaqeysaa ugu yaraan 40 saacadood oo ah saacado shaqo oo xaq leh* 2 bilood oo isku xiga si aad xaq ugu yeelato dheefahan. Marka aad ka soo baxdo shuruudan, waxaa jiri doonta muddo 1 bil oo sugitaan ah ka dib marka aad soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushhaharka. Inta lagu jiro muddadan sugitaanka, Gobalka, Acumen ama PPL ayaa u soo gudbin doona saacadahaaga shaqada Carewell SEIU 503. 

Representación gráfica del cronograma de elegibilidad y del período de espera de un mes
N

Si joogta ah u soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushaharka.

N

Ay kaaga fayl gareysan yihiin magacaaga, jinsigaaga, lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga, taariikhdaada dhalashada iyo ciwaankaaga guriga ee haddadan Carewell SEIU 503. Guji halkan si aad u cusbooneysiiso macluumaadkaaga haddadan.

Shuruudahan xaq u yeelashada waa iskuugu mid dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha (DVE). 

* Saacadaha shaqada ee xaq yeelashada

Tirada saacadaha shaqada ee aad u baahan tahay si aad ugu qalanto dheefaha Carewell waa saacadaha shaqada ee ay bixiyaan Acumen, DHS, iyo/ama PPL iyaga oo matalaya macaamiishaada.

Luminta xaq yeelashada

Waxaad lumin kartaa xaq yeelashada dheefaha Carewell SEIU 503 (Ilkaha, Aragga + Maqalka, EAP, iyo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka) haddii aad yeelato 2 bilood oo isku xigta oo aad 0 saacadood shaqaysay. Ka dib 2-daas bilood, waxaa lagu siin doonaa muddo kordhin 1 bil ah ka hor inta aysan dhamaanin dheefahaaga.

Waxaa laguugu soo ogaysiin doonaa boostada inay dhici karto inaad lumiso dheefahaaga. Ogaysiisyadan waxaa sidoo kale ku jiro macluumaad ku saabsan sii wadashada caymisyada Ilkaha, Aragga Iyo Maqalka, iyo EAP ee laga helo COBRA.

Haddii aad go’aansato inaad ku sii jirto dheefaha DVE ee laga helo COBRA, tani waxay ka dhigan tahay inaad hadda bixin doonto khidmadaha caymiska ee bil’laha ah adiga oo ku diraya lacagta Maamulaheena COBRA, Ameriflex.

Waxaad sidoo kale dib ugu heli kartaa xaq u yeelashada inaad buuxiso shuruudaha kor ku qoran.

Diiwaangelinta

Dheefaha Ilkaha, Arragga + Maqal, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha waxaa laguugu hagaajin doonaa si otomaatiga ah marka aad adiga:

  • buuxiso Shuruudaha Xaq U Yeelashada ee kor lagu sharaxay;
  • ka cusboonaysiiso Carewell SEIU 503 iyo Gobolka magacaaga, jinsigaaga, lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga iyo ciwaankaaga guriga ee haddadan.

Xaqiijinta Diiwaangelinta

Haddi ceymiska caafimaadkaaga lagu bixiyo Kaiser

Ma heli doontid kaarka ilkaha Kaiser Permanente oo gaar ah haddii aad ku nooshahay aagga shaqada ee Kaiser oo haddadan aad leedahay ceymiska caafimaadka ee Kaiser Permanente. Waxaad u heli doontaa hal kaar ceymiska caafimaadka iyo ilkaha labaduba.

Kaarka caafimaadka iyo ilkaha ee Kaiser Permanente
Agga adeegga Kaiser dhexdiisa (HMO plan)

Haddi ceymiskaga caafimaadka aan lagaa siinin Kaiser

Waxaad ku heli doontaa kaarka ilkaha ee Kaiser Permanente boostada haddii aadan haysanin ceymiska caafimaadka ee Kaiser. Ogsoonoow kaarkan waxaa loogu talagalay oo kaliya ceymiska ilkaha loogumana talagalin dheef kale. 

Kaarka ceymiska ilkaha ee loogu talagalay dadka ka baxsan aagga adeegga Kaiser
Ka baxsan Agga adeegga Kaiser (PPO plan)

Haddii aad qabtid wax su’aalo ah oo ku saabsan dheefahaaga ilkaha, waxaad ka waci kartaa Adeegyada Xubnaha ee Kaiser Permanente lambarka 1-800-813-2000.

CUSUB! Waxaad hadda fursad u haysataa in macluumaadka dheefta ilkaha ee gaarka ah laguugu soo diro fariinta qoraalka ah. Halkan guji si aad u hesho faahfaahin.

Faahfaahinta Dheefaha

Isticmaal Dheeftan

Ballan qabso

Hubso inaad xaqiijiso in adeeg bixiyahaaga uu la shaqeeyo shirkadda ka hor inta aadan adeeg ka raadsanin oo si taxadar leh dib u eeg dukumiintiga soo koobida dheefta si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kharashyada jaabka laga bixiyo ee suuragalka ah sida haraaga lacag jarista ka dib iyo khidmada adeegga ceymiska. Carewell SEIU 503 kuuma magdhaweyso kharashyada dheeraadka ah umana isticmaali kartid Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta kharashyada ilkaha, marka ka ogoow adeeg bixiyahaaga habraacyada aan si buuxdo loo dhameystirin.

Raadi dhakhtarka ilkaha

Agga adeegga Kaiser dhexdiisa

Si aad dhakhtarka ilkaha uga hesho aagga adeegga ee Kaiser booqo websaydhka Kaiser Permanente kaiserpermanentedentalnw.org/choose/by-area/ ama wac 1-800-813-2000.

Ka baxsan Agga adeegga Kaiser

Si aad u hesho dhakhtarka ilkaha ee ka qayqaato, tag kaiserpermanentedentalnw.org/choose/search-dental-choice-ppo-network/ ama wac 1-800-813-2000.

Dhawr Dheeftan

‎‏Uma baahnid inaad dib u codsatid ama dib iskuugu diiwaangelisid ilaa iyo inta aadan ahaanaynin shaqo la’aan 2 bilood oo isku xigta — ama aadan yeelanaynin saacado shaqo oo 0 ah, waxaad xaq u sii lahaan doontaa dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha. Ma heli doontid kaar cusub sanad walba.

Eeg qaybta Xaq U Yeelashada ee kore si aad u ogaato tallaabooyinka aad u baahan tahay inaad qaado haddii aad weydo xaq u yeelashada. 

Ka Bax

Haddii aad rabto inaad ka baxdo dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha waxaad buuxin kartaa foomka ka dhaafitaanka.

Foomka Ka-dhaafitaanka Dheefaha (onleen)

Carewell SEIU 503

1-844-503-7348

Sababaha lola xiriiro Carewell SEIU 503:

  • Su’aalaha ku saabsan xaq u yeeleshada dheeftan
  • Waxaad heli wayday kaarkaaga ilkaha
  • Kaiser ayaa kaa wayday nidaamkeeda
  • Si aad u ogaato haddii aad ku jirto ama aad ka baxsan tahay aagga adeegga ee Kaiser
Adeegga Macaamiisha ee Kaiser Permanente Dental

1-800-813-2000

Sababaha loola xiriiro Adeegga Macaamiisha ee Kaiser Permanente Dental:

  • Su’aalaha ku saabsan dhakhtarka ilkaha ee aad tagi karto
  • Su’aalaha ku saabsan kharashyada adeegyada ilkaha
  • Waxaad u baahan tahay kaarka ilkaha oo cusub
  • Qabso ballanta ilkaha

Su’aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo

Akhri su’aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan dheefta Ilkaha ee Carewell. Arag Su’aalaha Badanaa La Isweydiiyo wixii macluumaad dheeraad ah.

Miyaan haystaa ikhtiyaaro aan ahayn Kaiser Permanente Dental?

Carewell SEIU 503 kuma bixiso ikhtiyaaro kale caymiskaaga ilkaha. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad degan tahay meel ka baxsan aagga adeegga Kaiser, waxaa laguugu qori doonaa Qorshaha Kaiser Permanente’s Dental Choice PPO plan. Sida ku cad KP Dental Choice PPO, waxaad awoodi doontaa inaad booqato dhakhtar ilkeed oo ruqsad haysta. Sikastaba ha ahaatee, waxaad bixin doontaa lacag yar haddii aad booqato dhakhtar ilko oo la shaqeeya kuna jira shabakada Kaiser’s PPO. Si aad u xaqiijso haddii aad dagan tahay Aagga Adeegga Kaiser dhexdiisa ama meel ka baxsan, kala xiriir Carewell SEIU 503 lambarka 1-844-503-7348.

Waxaan horey u lahaa qorshe ilkeed. Laba ma heli karaa?

Wixii su’aalo ah ee khuseeya iskuduwidda dheefaha, fadlan la xiriir Adeegga Macmiilka ee Kaiser Permanente.

Waxaan horay u lahaa dhakhtarka ilkaha kaas oo aan jeclahay. Miyaan sii wadi karaa inaan utago dhakhtarkan ilkaha?

Haddii aad degan tahay meel ka baxsan aagga adeegga Kaiser oo aad leedahay adeeg bixiyaha ilkaha oo gaar ah oo aan ku jirin ama la shaqaynin shirkadda:

Weydii dhakhtarkaaga ilkaha haddii ay rajaynayaan in laga aqoonsado Kaiser Permanente si ay qayb uga noqdaan shabakadda.

Haddii aad degan tahay aagga adeegga Kaiser dhexdiisa oo aad leedahay adeeg bixiyaha ilkaha oo gaar ah oo aan ku jirin ama la shaqaynin shirkadda:

Ma heli doontid caymiska adeeg kasta oo uu sameeyo dhakhtarka ilkaha ee ka baxsan shabakadda.

Miyaan ku darsan karaa xaaskeyga/seygeyga ama xubnaha kale ee qoyska?

Maya. dheefaha Carewell SEIU 503 waxaa heli karo kaliya shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ee xaqa u leh.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir