Su’aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo

Xullo qayb si aad u aragto Su’aalaha Inta Badan La isweeydiiyo

Tabbabar
Ilkaha
Aragga + Maqalka
Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha
Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka

Wixii ah Qorshooyinka Loo ansixiyay
Medicare

Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh
MyCarewell503

Tabbabar

Shuruudaha Tababarka iyo Wakhtiyada kama dambaysta

Waa maxay shuruudaha tababarka?

Tababarka Shaqaalaha Cusub:
Shaqaalaha daryeelka guriga, shaqaalaha taageerada shakhsiyeed, iyo kalkaaliyayaasha daryeelka gaarka ah ee bilaabay shaqada ka dib Seteembar 1, 2021 waxay u baahan yihiin inay dhamaystiraan tababarka shaqaalaha cusub. Tababarka shaqaalaha cusub waxa ka mid ah tabbabarka shaqada — kaas oo ay qasab tahay inaad qaadato ka hor inta aan laguu oggolaanin inaad shaqeyso, iyo tababarka aasaasiga ah — oo ay qasab tahay in lagu dhameeyo 120 maalmood gudahooda ka dib markaad hesho nambarka adeeg bixiyaha.

Waxbarashda Dadka Wawayn:
Laga bilaabo Maarso 1, 2026, dhammaan daryeel bixiyeyaasha waa inay sidoo kale dhammaystiraan 12 saacadood oo waxbarashadda dadka wawayn ah 2 sanaba mar ka hor inta aan dib shahaado aqoonsi laguu siinin.

Muxuu tabbabarku muhiim u yahay?

Tabbabarku wuxuu kaa hubinayaa inaad haysato qalabka iyo kalsoonida si aad u siiso badbaado iyo daryeel tayo sare leh macaamiisha aad la shaqeyso. Tabbabarku wuxuu sidoo kale kaa caawinayaa inaad barato xirfado cusub, xoojiso xirfadihii aad hore u lahayd, oo wuxuu ku siinayaa fursad horumar shaqo.

Sideen ku ogaan karaa tabbabarada aan horay u soo dhamastay?

Tabbabarrada ay bixiso qaybta tabbarka ee Carewell SEIU 503, waxaad ka heli kartaa macluumaad dhammaystiran ee tabbabarkaada iyada oo loo marayo Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell). Waxaad sidoo kale nagula soo xiriiri kartaa inaad naga soo wacdo 1-844-503-7348 ama iimayl inoogu soo dirto CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.

Tabbabarrada iyo shahaadooyinka ay bixiyaan Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon, la xiriir OHCC adiga oo wacaya (877) 867-0077 ama iimayl noogu soo dir Certifications.OHCC@dhsoha.state.or.us.

Qofkee go'aaminaya nooca tabbabarka ee loo baahan yahay?

SEIU 503 iyo Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon waxay soo saareen kooxda shaqada tabbabarka si ay u dejiyaan heerarka tababarka ugu yar ee bixiyeyaasha daryeelka. Kooxda shaqadu waxay ka kooban tahay wadahawlgalayaasha bulshada, daneeyayaasha, kooxaha u doodista, ururka matala shaqaalaha xoogsatada ah (SEIU), shaqaalaha daryeelka guriga ama taageerada shaqsiyeed, macaamiisha, iyo wakiilada Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Oregon. Kooxda shaqadu waxay aqoonsatay mowduucyo badan oo muhiim ah in lagu daro taas oo dheef u leh macaamiisha iyo bixiyeyaasha daryeelka.

Waxbarashadda Dadka Wawayn

Goormee ayaan u baahanahay inaan bogo waxbarashadda dadka wawayn? Sideen ku ogaan karaa taariikhdayda kama danbaysta ah ee waxbarashadda dadka wawayn?

Laga bilaabo Maarso 1, 2026, waxbarashadda dadka wawayn ayaa loo baahan yahay si aad u hesho 2-da sano ee cusboonaysiinta ee lambarkaaga adeeg bixiyaha. Taariikhdaada kama danbaysta ee gaarka ah waxay noqon kartaa ka gadaal Maarso 1, 2026 iyadoo ku xiran goorta aad shaqada bilowday.  

Waxaad kala xiriiri kartaa laanta xiriirada adeeg bixiyeyaasha si aad u ogaato taariikhdaada kama danbaysta ee gaarka ah lambarka 1-800-241-3013. 

    Sidee ayay dhibcaha/wakhtiga u shaqeeyaan?

    Halki dhibicba waxay u dhigantaa 1 saac oo wakhtiga koorsada ah. Marka haddii koorsada ay tahay 1.5 saacadood, taasi waxay ka dhigan tahay inaad heli doonto 1.5 dhibcood. Waxaad u baahan tahay inaad hesho guud ahaan 12 saacadood (ama dhibcood) oo tabbabar ah si aad uga soo baxdo shuruudaada waxbarashadda dadka wawayn.

    Miyaan ku heli doonaa lacag gunno ah waxbarashadda dadka wawayn? Waa immisaa?

    Haa. Waxaa lagu siin doonaa gunno u dhiganta cadad ahaan sicirka aasaasiga ah ee mushaharka ee 12 saacadood oo shaqada koorsada ah, loona wareejiyay cadadka doolarka buuxa ee ugu dhaw. Si aad u ogaato waxa uu yahay sicirka mushaharkaaga, fadlan hubi Heshiiska Gorgortanka Lagu Galay ee Shaqaalaha Daryeelka Guriga ee Oregon.  

    • Tusaale ahaan, sicirka aasaasiga ah ee mushaharkaaga uu yahay $17.77, gunnadaada waxay noqon doontaa $17.77 x 12 saacadood= $213.24. Marki loo wareejiyo cadadka doolarka ee ugu dhaw, wadartu waxay noqon doontaa $214. 

    Gunnada waxaa lagu soo diraa lacag wareejinta elektrooniga ah ee Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta.   

    Haddii aad ku rabto jeeg ahaan gunnadaada, fadlan kula xidhiidh iimaylka ama wicitaanka telefoonka: studentsupportstipend@RISEpartnership.com ama 1-844-503-7348 (Isniin-Jimce, 8am-6pm PST. 

    • Ku dar magacaaga sharciga ah iyo ciwaankaaga boostada iimaylka.  
    • Fadlan la soco in doorashada jeega ay dib u dhigi doonto inay ku soo gaarto gunnadaada 2-3 toddobaad. 

    Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka. 

    Halkeen ka eegi karaa faahfaahinta fasalka?

    Waxaad wax badan ka ogaan kartaa koorso walbo adiga oo gujinaya koorsada bogga intarnetka ee barashada dhexdiisa. Waxaad sidoo kale ka eegi kartaa daliil-hayaha koorsada halkaan

    Miyaan u baahanahay inaan sameeyo dhammaan 29-ka qaybood ee koorsada?

    Maya. Waxaad u baahan tahay inaad bogto 12 saacadood oo tabbabar ah oo ka kooban 4 saacadood oo ah tabbabarka la isfaro iyo 8 saacadood oo kuwa la doorto ah.

    Miyaan ku qaadan karaa waxbarashadda dadka wawayn luuqadda aan rabo? Waa maxay luuqadaha la heli karo?

    Haa. Qaybaha waxbarashadda dadka wawayn ee qofka uu isa siiyo waxaa lagu heli karaa luuqadaha soo socda: 

    • Isbaanish 
    • Ruush 
    • Fiyatnaamiis 
    • Simplified Chinese (codadka duuban Mandarin) 
    • Carabi 

    Wakhti xaadirkaan, koorsoooyinka uu daadihiyo macalinka (sida Ka Wada-hadlida Ka Warqabida Kala Duwanaanshaha Dhaqanka) waxaa lagu heli karaa in la qaato iyada oo turjubaan uu joogo. Haddii tabbabarka aan lagu heli karin luuqadda aad doorbidayso, nala soo xiriir waxaana kaa caawin doonaa inaan kula raadino qaab adiga kuu habbooon.

    Miyaan tabbabarka ku qaadan karaa offleen ahaan? Waa maxay luuqadaha la heli karo?

    Haddadaan ma hayno noocyada tabbabarka ee offleenka lagu barto. Haddii aad u baahato intarnet misa kumbiyuutar aad isticmaasho, waxaan ku talinaa inaad tagto maktabad ama xarunta WorkSource si aad u dhamaystirto tabbabarka. Haddii aad u baahato in lagaa caawiyo inaad goob hesho, waxaad naga soo wici karaa lambarka 1-844-503-7348.

    Miyay jiraan ka reebitaano loogu talagalay waxbarashadda dadka wawayn?

    Haddii aad haysato shahaado aqoonsi oo shaqeynaysa oo aad ka heshay gobalka oo aad qorshaynayso inay kuu sii shaqayso, waxaa ka reeban tahay shuraada waxbarashadda dadka wawayn. Tusaalooyinka shahaadooyinka aqoonsiga ee ka reeban:

      • Professional Development Certification (PDC) 
      • Enhanced Homecare or Personal Support Worker 
      • Exceptional Personal Support Worker 
      • Ventilator Dependent Quadriplegia (VDQ) 
      • Traditional Health Worker

    Ka-dhaafitaanka Tababarka

    Miyaa la iiga baahan yahay inaan qaato tabbabar haddii aan ahay bixiye daryeel qoys?

    Haa. Dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shakhsi ahaaneed ee lagu magdhabay iyada oo loo marayo Medicaid ama Barnaamijka Dadka Waayeelka ah ee Oregon Lagu Taageero — xitaa kuwa u shaqeeya oo keliya xubnaha qoyska ─ waxaa looga baahan yahay inay buuxiyaan shuruudaha tabbabarka.

    Miyaa la iiga baahan yahay inaan qaato tabbabarka haddii aan u shaqeeyo xarun, hay'ad, ama si toos ah macaamilka?

    Waxaa lagaa rabaa inaad tababarka qaadato haddii aad tahay shaqaalaha daryeelka guriga ama taageerada shaqsiyeed kaas oo si toos ah ugu shaqeeya macmiisha. Lagaagama baahna inaad tabbabarka qaadato haddii aad ka shaqeyso goob sida guri korinta, guri kooxeed, xarun daryeel degaan, xarun nololeed oo la caawiyey, ama xarunta kalkaalinta. Waxaa jira shuruudo kala duwan oo ay tahay inaad raacdo. Sidoo kale uma baahnid inaad qaadato tabbabarka haddii aad la shaqeyso hay’adaha guriga ama hay’adaha bixiyayaasha. Lagaagama baahna inaad tababarka qaadato haddii aad qayb ka tahay Barnaamijka Xulashada Madaxbanaan (ICP), laakiin waxaad qaadan kartaa tabbabarka haddii aad rabto.

    Miyaa la iiga baahan yahay inaan sameeyo waxbarashadda dadka wawayn haddii aan shahaado aqoonsi ka haysto gobalka?

    Haddii aad haysato shahaado aqoonsi oo shaqeynaysa oo aad ka heshay gobalka oo aad qorshaynayso inay kuu sii shaqayso, waxaa ka reeban tahay shuraada waxbarashadda dadka wawayn. Tusaalooyinka shahaadooyinka aqoonsiga ee ka reeban:

      • Professional Development Certification (PDC) 
      • Enhanced Homecare or Personal Support Worker 
      • Exceptional Personal Support Worker 
      • Ventilator Dependent Quadriplegia (VDQ) 
      • Traditional Health Worker

    Tabbabarka uu Qofka Shaqsi Ahaan U Xaadiro

    Halkee lagu qaban doonaa tabbabarka?

    Taariikhaha iyo goobaha Tabbabarka Shaqada ee qof ahaanta loo xaadiro waxaa la soo dhigaa Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell). Waxaad heli kartaa ka dib markaad isku diiwaangeliso tabbabarka shaqaalaha cusub.

    Maxaa dhacaya haddii aan welwel ka qabo ka qaybgalka fasalka qof ahaaneed?

    Haddii aad qabto walaac gelitaaneed ama caafimaadeed oo ku saabsan ka qaybgalka fasalka qof ahaanta loo xaadiro, fadlan nala soo xiriir waxaanan kaa caawin doonaa ka shaqeynta fursadahaaga. Naga soo wac 1-844-503-7348 ama iimayl inoogu soo dir CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com

    Taageero Luuqad

    Tabbabarka ma lagu bixiyaa luuqado aan Ingiriisi ahayn?

    Kooxda Carewell SEIU 503 Training ayaa tabbabaro ku bixiso luuqado kala duwan oo ay ku jiraan Carabi, Isbaanish, Ruush, Fiyatnaamiis, Mandarin (cod-duuban), iyo Shiinees la fududeeyay (qoraal), iyo Soomaali. Haddii tabbabarka aan hadda lagu bixinin luqadda aad doorbidayso, Kooxda Tababarka bixiso ee Carewell SEIU 503 ayaa kula shaqayn doona sidii aad u ballansan lahayd turjumaan koorsooyinka aad dhigato. Si aad u codsato turjumaan u dir emayl carewellseiu503training@risepartnership.com ama wac 1-844-503-7348.

    Taageero farsamo

    Sideen ku heli karaa xiisadaha onlaynka ah?

    Kadib markaad iska diiwaangeliso Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell), waa inaad awood u yeelataa inaad xullato oo aad isku qorto koorso kasta oo onlaynka ah oo aad heli karto. Waxaad u baahan doontaa qalab leh helitaanka internetka sida taleefannada casriga ah, tabletka, ama kombayutarka si aad u hesho xiisaddaha onlaynka ah.

    Maxaa dhacaya haddii ay igu adag tahay helitaanka internetka?

    Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawinno! Waxaan haynaa ikhtiyaaro waxbarasho oo kala duwan. Fadlan nala soo xiriir si aan u helno ikhtiyaar si fiican kuugu shaqeeya. Naga soo wac 1-844-503-7348 ama iimayl inoogu soo dir CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.

    Maxaa dhacaya haddii aanan heli karin kombuyuutar?

    Haddii aadan heli karin kombuyuutar, waxaad sidoo kale isticmaali kartaa taleefankaada casriga ama tabletkaaga si aad u hesho tabbabarka.

    Ma haysatid helitaanka taleefanka casriga ah ama tabletka? Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawinno! Waxaan haynaa ikhtiyaaro waxbarasho oo kala duwan. Fadlan nala soo xiriir si aan u helno ikhtiyaar si fiican kuugu shaqeeya. Naga soo wac 1-844-503-7348 ama iimayl inoogu soo dir CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.

    Sideen dib ugu baddelaa lambar sireedkayga?

    Tag bogga gelitaanka. Meeshaas markaa joogto, haddii aadan aqoonin lambar sireedkaaga, waxaad gujin kartaa "Forgot Password (Lambar Sireedka Ayaan Iloobay)" taas oo markaas iimayl kuugu soo diri doonta xiriiriye aa ku saxato lambar sireedkaaga. Haddii aadan arkin iimaylka sixida lambar sireedka isla markaaba, fadlan ka eeg sanduuqaaga spam.

    Ka waran haddii aan xusuusanin magacayga adeegsadaha?

    Magacaaga adeegsadaha waa inuu ahaado cinwaankaaga iimaylka. Isku day inaad midkaas ku gasho. Haddii ay midan kuu shaqayn waydo, naga soo wac 1-844-503-7348 ama noogu soo dir iimayl CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.

    Waxaan ka helayaa fariin cilad ama waxaan dhib ku qabaa bogga intarnetka ee barashada. Maxaan sameeyaa?

    Haddii aad la kulanto dhib xaga bogga intarnetka barashada ah, sida farriin cilad, shaashad cadiin ku soo kacda, ciladaha maqalka, i.w.m., waa kuwan tallaabooyin aad isku dayi karto: 

     

      1. Fiiri intarnetkaaga shaqayntiisa.
      2. Ka tir cookies birowsarka. Haddii aadan hubin sida loo sameeyo midaas, ka raadi google sida cookies-ka looga tirtiro birowsarka.
      3. Dib u kici aaladaada (laptop, desktop, tablet, ama taleefon).
      4. Isku day birowsar cusub (Google Chrome, Mozilla Firefox, Microsoft Edge, Apple Safari) – La soco: bogga tabbabarka si wanaagsan uguma shaqeeyo Apple Safari.
      5. Xir boggaga iyo barnaamijyada kale inta aad ku shaqaynaysid bogga intarnetka ee barashada.
      6. Iimayl inoo soo dir waxaan ku siin karnaa taageero. Fadlan soo raaci macluumaadka soo socda haddii aad la soo xirrito kooxdeena taageerada:
        1. Nooca aalada aad isticmaalayso? (kombuyuutar, teleefanka gacanta, tablet-ka)
        2. Nooca birowsarka aad isticmaalayso? (Google Chrome, Mozilla Firefox, Microsoft Edge, Apple Safari)
        3. Dhibaatooyin noocee ah ayaad qabtaa? (ku dhagan magaca qaybta cashirka, boggag/hawl/muuqaal gaar ah, faahfaahinta ku saabsan dhibaatada, fariinta cillada, dhibaatooyinka maqalka)
    Waxaan ku xayiranahay mid ka mid ah qaybaha tababarka mana awoodo inaan horay u socdo. Maxaan sameeyaa?

    Fadlan xaqiiji inaad dhammaystirtay dhammaan hawlaha ku jiraan qaybata. Dib uga eeg qaybta walxaha shaashadda saaran ee laga yaabo inaan weli la dooran. Marka dhammaan hawlaha la dhammeeyo, badhanka "Next" waa inuu soo muuqdaa.  

    Haddii aadan weli awoodin inaad horay u socoto, fadlan kala xiriir Carewell taleefoonka 1-844-503-7348 ama iimayl u dir CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.

    Waxaan kala kulmayaa dhib in aan ka galo bogga intarnetka barashada ee Carewell aaladaheyga IOS-ka (Apple) (sida iPhone-ka, iPad-ka, ama MacBook-ga). Maxaan sameeyaa?

    Fadlan isku day inaad gasho bogga intarnetka barashada adoo isticmaalaya mid ka mid ah linkiyada soo socda: 

    Bixinta lacagaha iyo gunnooyinka

    Ma inaan bixiyaa kharashka tabbabarka?

    Maya. Tabbabarku waa u bilaash dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shakhsi ahaaneed.

    Mala isiin doonaa gunno kusaabsan tabbabarka aan qaato?

    Haa. Kuwa dalbanaya inay noqdaan shaqaalaha daryeelka guriga ama taageerada shaqsiyeed ama bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed waxaa la siin doonaa gunno u dhiganta cadad ahaan sicirka aasaasiga ah ee mushaharka ee 14 saacadood oo shaqada koorsada ah. Si xaq loogu yeesho lacagta gunnada ah, dhammaan koorsooyinka tabbabarka shaqaalaha cusub waa in lagu bogaa 120 maalmood gudahooda ka dib marka lambarka adeeg bixiyaha laga helo Gobalka Oregon.

    • Tusaale ahaan, sicirka aasaasiga ah ee mushaharkaaga uu yahay $17.77, gunnadaada waxay noqon doontaa $17.77 x 14 saacadood= $248.78. Marki loo wareejiyo cadadka doolarka ee ugu dhaw, wadartu waxay noqon doontaa $249.  

    Kuwa qaadanaya waxbarshada dadka wawayn waxay heli donaan gunno u dhiganta cadad ahaan sicirka aasaasiga ah ee mushaharka ee 12 saacadood oo shaqada koorsada ah markay bogaan dhammaan 12-ka saacadood ee la is-faro. Adeeg bixiyeyaasha ayaa hal mar oo kaliya heli doona gunnada koorsooyinka tabbabarka shaqaalaha cusub muddo xilleed walbo oo shahaadao siin.

    • Tusaale ahaan, sicirka aasaasiga ah ee mushaharkaaga uu yahay $17.77, gunnadaada waxay noqon doontaa $17.77 x 12 saacadood= $213.24. Marki loo wareejiyo cadadka doolarka ee ugu dhaw, wadartu waxay noqon doontaa $214.  

    Haddii aadan bogin tabbabarka loo baahan yahay ka hor wakhtiga kama danbayska ah, xaq uma yeelan doontid gunno. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan eeg Qaanuunka Gunnada. 

    Sideen ku helaa gunnada?

    Markaad si guul leh u dhammaystirto tabbabarkaaga, waxaad heli doontaa iimayl ka socda Bogga Intarnetka Waxbarashada ee Carewell kaasoo ku bari doona Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta. Ku dhawaad 2 toddobaad ka dib, waa inaad ka heshaa iimayl Routable kaasoo kuu soo diri doona gujo-raac aad ku buuxiso xoogaa macluumaadka ah. Haddii aadan arkin iimaylka Routable, fadlan ka eeg galkaaga spam-ka. 

    • Iimaylka Routable wuxuu marka hore ku waydiin doonaa inaad buuxiso waxyaabaha la xidhiidha cashuurta sida ciwaankaaga guriga iyo lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga.  
        • Xaqiiji inaad dooratid “individual”oo aanad dooran “business” marka ay ku waydiiso midka aad tahay.
        • Guji “Kaydi oo sii soco” si aad ugu gudubto tallaabada xigta. 
    • Waxay marka xigta ku weydiin doontaa inaad buuxiso macluumaadka akoonkaaga bangiga si aad u hagaajisato lacag wareejinta elektrooniga ah. 
        • Inaad gasho nidaamka onleenka ah ee bangigaaga waa habka ugu fudud ee midan loo hagaajisto.

    Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda. 

    Haddii aad ku rabto jeeg ahaan gunnadaada, fadlan kula xidhiidh iimaylka ama wicitaanka telefoonka: studentsupportstipend@RISEpartnership.com ama 1-844-503-7348 (Isniin-Jimce, 8am-6pm PST. 

      • Ku dar magacaaga sharciga ah iyo ciwaankaaga boostada iimaylka.
      • Fadlan la soco in doorashada jeega ay dib u dhigi doonto inay ku soo gaarto gunnadaada 2-3 toddobaad. 

    Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka. 

    Halkee ayaan ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo bixiyo lacagta shaqada aan qabto sida shaqaalaha daryeelka guriga ama shaqaale taageero shakhsi?

    Haddii aad tahay shaqaalaha daryeelka guriga ama bixiyaha daryeelka shaqsiyadeed, si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo gudbiyo saacadahaaga, fadlan booqo bogga Oregon Provider Time Capture (Waqti Qorista Adeeg Bixiyaha ee Oregon) websaydhka DHS.

    Haddii aad tahay shaqaale taageero shakhsi ah, si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo isticmaalo eXPRS fadlan booqo bogga kheyraaka shaqaalaha taageerada shakhsi ahaaneed ee websaytka ODDS.

    Carewell Kicks

    Sidee ayaan xaq ugu yeelan karaa Carewell Kicks?

    Shaqaalaha xaqa u leh:

    1. Waxay bogeen tabbabarka shaqaalaha cusub kadib Janaayo 1, 2024 ama
    2. Waxay bogeen waxbarashadda dadka wawayn* ama
    3. Waxay haystaan shahaado aqoonsi oo ka reebaysa waxbarashadda dadka wawayn, sida Professional Development Certification (PDC). 

    * Ka eeg xaalada dhamaystirka tabbabarkaaga Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell).

    Carewell ayaa kuu soo diri doonta iimayl wata gujo-raac aad ka doorato joog kaba ah markaad xaq u yeelato.

    Waa maxay shahaadooyinka aqoonsiga ee ka dhaafitaanada?
    Shahaadooyinka aqoonsiga ee ka dhaafitaanada waa inay shaqeynayaan (oo aysan dhicin). Waxaa ka mid ah:
    • Professional Development Certification (PDC)
    • Enhanced Homecare or Personal Support Worker
    • Exceptional Personal Support Worker
    • Ventilator Dependent Quadriplegia (VDQ)
    • Traditional Health Worker
    CPR ma ahan shahaadooyinka aqoonsiga ee ka dhaafitaanada.
    Ma inaan bixiyaa kharashka kabaha?

    Maya. Caregiver Kicks waxay ku heli karaan si bilaash ah daryeel bixiyeyaasha dhamaystiray shuruudaha.

    Sideen u dalbadaa kabahayga?

    Waxaad iimayl ka heli doontaa Carewell markaad xaq u yeelato kabaha Carewell Kicks. Raac tilmaamaha iimaylka si aad u gasho, kadibna aad uga doorato joog kabo ah daliil-hayaha onleenka ah si aad u bilowdo hannaanka dalabka.

    Kabo noocee ah ayaa la heli karaa?

    Waxaa jira in ka badan 70 nooc oo kabo ah oo la heli karo si loo kala doorto kuwaas oo ay ku jiraan shirkadaha sida Reebok iyo Sketchers. Noocyada kabaha waxaa kamid ah kabo isboorti, kabo buud, kabaha hoosta alwaaxa ka ah, buudka aan xariga lahayn, iyo kuwa kale oo badan.

    Sidee ayay u shaqeeyaan kabo celinta iyo kabo baddelashada?

    Haddii sabab kastaba ay ku anfici waayaan kabaha aad soo qaadatay, waxaad ku soo celin kartaa si bilaash ah waxaadna dooran kartaa kuwa kale.

    Kabahaaga waxay la imaan doonaan sumadda soo celinta FedEx oo aad u isticmaali karto inaad ku celiso kabaha. Haddii aad lumiso sumadaas, waxaad la xidhiidhi kartaa SR Max waxayna kuu soo diri doonaan mid cusub. Waxaad kala xidhiidhi kartaa lambarka 1-833-599-9621 ama info@srmax.com.

    Sideen kula xidhiidhaa si la iiga taageero dalabkayga?

    Wixii su’aalo ah ee khuseeya xaq u yeelashada, ka wac ama iimayl ugu dir Carewell lambarka 1-844-503-7348 ama CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com.

    Wixii su’aalo ah ee khuseeya dalbashada ama isticmaalka websaydhka Carewell Kicks, kala xidhiidh SR Max lambarka 1-833-599-9621 ama info@srmax.com.

    Intaan tago miyaan ka soo qaadan karaa kabahayga tukaanka?

    Maya. Hannaanka dalbashada ee Carewell Kicks gebi ahaanba waa onleen. Haddii aad kala kulanto cillado cabbirka ama la eekaanshaha, waad celin kartaa kabaha waxaadna dooran kartaa kabo kale si bilaash ah.

    Kabahaaga waxay la imaan doonaan sumadda soo celinta FedEx oo aad u isticmaali karto inaad ku celiso kabaha. Haddii aad lumiso sumadaas, waxaad la xidhiidhi kartaa SR Max waxayna kuu soo diri doonaan mid cusub. Waxaad kala xidhiidhi kartaa lambarka 1-833-599-9621 ama info@srmax.com.

    Ilkaha

    Sideen ku heli karaa caymiska ilkaha?

    Waxaad caymis ku yeelan doontaa iyada oo loo marayo qorshaha ilkaha ee Kaiser Permanente mar haddii aad u qalanto dheefaha ilkaha ee Carewell SEIU 503. Si aad xaq ugu yeelato, waa inaad shaqeysaa 40 ama ka badan oo ah saacadaha shaqada ee xaqa leh — oo sidoo kale loo yaqaan saacadaha kooxda gorgortanka — 2 bilood oo isku xigta. Markaa waxaad u baahan tahay inaad sugto bil dheeraad ah inta saacadahaaga loo gudbinayo Carewell SEIU 503. Wax badan oo ku saabsan u qalmitaanka ka akhri bogga Ilkaha.

    Ma u isticmaali karaa Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta kharashyada Ilkaha?

    Maya, Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta looma isticmaali karo kharashyada Ilkaha, Aragga+Maqalka, ama Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha.

    Miyaan haystaa ikhtiyaaro aan ahayn Kaiser Permanente Dental?

    Carewell SEIU 503 kuma bixiso ikhtiyaaro kale caymiskaaga ilkaha. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad degan tahay meel ka baxsan Aagga Adeegga Kaiser, waxaa laguugu qori doonaa Qorshaha Kaiser Permanente’s Dental Choice PPO plan. Sida ku cad KP Dental Choice PPO, waxaad awoodi doontaa inaad booqato dhakhtar ilkeed oo ruqsad haysta. Sikastaba ha ahaatee, waxaad bixin doontaa lacag yar haddii aad booqato dhakhtar ilko oo la shaqeeya kuna jira shabakada Kaiser’s PPO. Si aad u xaqiijso haddii aad dagan tahay Aagga Adeegga Kaiser dhexdiisa ama meel ka baxsan, kala xiriir Carewell SEIU 503 lambarka 1-844-503-7348.

    Waxaan horey u lahaa qorshe ilkeed. Laba ma heli karaa?

    Wixii su’aalo ah ee khuseeya iskuduwidda dheefaha, fadlan la xiriir Adeegga Macmiilka ee Kaiser Permanente.

    Waxaan horay u lahaa dhakhtarka ilkaha kaas oo aan jeclahay. Miyaan sii wadi karaa inaan utago dhakhtarkan ilkaha?

    Haddii aad degan tahay meel ka baxsan aagga adeegga Kaiser oo aad leedahay adeeg bixiyaha ilkaha oo gaar ah oo aan ku jirin ama la shaqaynin shirkadda:

    Weydii dhakhtarkaaga ilkaha haddii ay rajaynayaan in laga aqoonsado Kaiser Permanente si ay qayb uga noqdaan shabakadda.

    Haddii aad degan tahay aagga adeegga Kaiser dhexdiisa oo aad leedahay adeeg bixiyaha ilkaha oo gaar ah oo aan ku jirin ama la shaqaynin shirkadda:

    Ma heli doontid caymiska adeeg kasta oo uu sameeyo dhakhtarka ilkaha ee ka baxsan shabakadda.

    Miyaan ku darsan karaa xaaskeyga/seygeyga ama xubnaha kale ee qoyska?

    Maya. dheefaha Carewell SEIU 503 waxaa heli karo kaliya shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha taageerada shaqsiyadeed ee xaqa u leh.

    Ma ka bixi karaa Ilkaha, Aragga + Maqalka, ama dheefaha Barnaamijka Caawinta Shaqaalaha?

    Haa. Waxaad buuxin kartaa Foomka Ka-dhaafitaanka waxaadna u soo gudbin kartaa Carewell SEIU 503.
    Foomka Ka-dhaafitaanka Dheefaha (onleen)

    Aragga+Maqalka

    Sideen ku heli karaa caymiska Aragga + Maqalka?

    Waxaad caymis ku yeelan doontaa iyada oo loo marayo qorshaha Ameritas kaas oo bixiya dheefaha aragga, maqalka, iyo LASIK marka aad u qalanto dheefaha aragga + maqalka ee Carewell SEIU 503. Si aad xaq ugu yeelato, waa inaad shaqeysaa 40 ama ka badan oo ah saacadaha shaqada ee xaqa leh — oo sidoo kale loo yaqaan saacadaha kooxda gorgortanka — 2 bilood oo isku xigta. Markaa waxaad u baahan tahay inaad sugto bil dheeraad ah inta saacadahaaga loo gudbinayo Carewell SEIU 503. Wax badan oo ku saabsan u qalmitaanka ka akhri bogga Aragtida + Maqalka.

    Man u isticmaali karaa Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta kharashaadka Aragga + Maqalka?

    Maya, Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta looma isticmaali karo kharashyada Ilkaha, Aragga+Maqalka, ama Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha.

    Halkeen ka heli karaa haddii bixiyaha aragga uu ku jiro shabakadda La xusho ee VSP?

    Waxaad ka booqan kartaa websaydhka VSP barta vsp.com/eye-doctor ama wac 1-800-877-7195.

    Waqti intee le'eg ayay tahay in aan kusoo gudbiyo magdhawga lacag-celinta?

    Waa inaad ku soo gudbisaa foomka magdhawga 90 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda adeegga. Tusaale ahaan, haddii aad ka iibsatay muraayadaha indhaha bixiye ka baxsan shabakadda, waxaad haysan doontaa 90 maalmood si aad u soo gudbiso Foomka Sheegashada Magdhawga Xubinta VSP. Ka wac Ameritas 1-800-255-4931 si aad u ogaato wax badan oo ku saabsan inta lagugu soo celin doono haddii aad u tagto bixiye shabakad ka baxsan.

    Miyaan ku darsan karaa xaaskeyga/seygeyga ama xubnaha kale ee qoyska?

    Maya. dheefaha Carewell SEIU 503 waxaa heli kara oo keliya shaqaalaha bixiyo daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee u qalma.

    Ma ka bixi karaa Ilkaha, Aragga + Maqalka, ama dheefaha Barnaamijka Caawinta Shaqaalaha?

    Haa. Waxaad buuxin kartaa Foomka Ka-dhaafitaanka waxaadna u soo gudbin kartaa Carewell SEIU 503.

    Foomka Ka-dhaafitaanka Dheefaha (Onleen)

    Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha

    Sideen ku helaa dheefaha barnaamijka kaalmada shaqaalaha?

    Waxaad caymis ka heli doontaa Uprise Health marka aad xaq u yeelato dheefaha EAP ee Carewell SEIU 503. Si aad xaq ugu yeelato, waa inaad shaqeysaa 40 ama ka badan oo ah saacadaha shaqada ee xaqa leh — oo sidoo kale loo yaqaan saacadaha kooxda gorgortanka — 2 bilood oo isku xigta. Markaa waxaad u baahan tahay inaad sugto bil dheeraad ah inta saacadahaaga loo gudbinayo Carewell SEIU 503. Ka akhri wax badan oo ku saabsan xaq u yeelashada bogga Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha.

    Man u isticmaali karaa Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta kharashyada EAP?

    Maya, Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta looma isticmaali karo kharashyada Ilkaha, Aragga+Maqalka, ama Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha.

    Sideen u isticmaalaa dheefaha Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha, sida latalinta iyo qorsheynta maaliyadeed?

    Waxaad ku heli kartaa adeegyada inaad booqato uprisehealth.com ama aad wacdo 1-800-395-1616. Koodhka gelitaankaagu waa OHWBT.

    Miyaan ku darsan karaa xaaskeyga/seygeyga ama xubnaha kale ee qoyska?

    Maya. dheefaha Carewell SEIU 503 waxaa heli kara oo keliya shaqaalaha bixiyo daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee u qalma.

    Ma ka bixi karaa Ilkaha, Aragga + Maqalka, ama dheefaha Barnaamijka Caawinta Shaqaalaha?

    Haa. Waxaad buuxin kartaa Foomka Ka-dhaafitaanka waxaadna u soo gudbin kartaa Carewell SEIU 503.

    Foomka Ka-dhaafitaanka Dheefaha (Onleen)

    Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka

    Wixii ah Qorshayaasha La ansixiyay

    Waa maxay Muddada Qorista Gaarka ah oo anigu miyaan u qalmaa mid?

    Muddada Diiwaangelinta Gaarka ah ("SEP") ayaa kuu oggolaanaysa inaad iska qorto qorshe caymis caafimaad oo ka baxsan muddada Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) (Nofeembar 1 – Diseembar 15). Waxaa laga yaabaa inaad u qalanto SEP haddii aad la kulantay isbeddelo nololeed, sida inaad lumiso caymis ku salaysan shaqo, ama isbeddel dakhli oo kaa dhigaya inaadan u qalmin Medicaid.

    Haddii SEP-gaaga uu ansixiyay Caymiska Goobta Suuqa, waxaad iskaqori kartaa Qorshaha Goobta Suuqa laakiin waxaad haysataa waqti xaddidan oo aad iskuqorto, badanaa 60 maalmood laga bilaabo taariikhda dhacdo nololeedkaaga muteysiga leh. Goobta suuqu waxay sidoo kale u baahan doontaa caddaynta inaad u qalanto Muddada Qorista Gaarka ah, markaa waxaad u baahan tahay inaad soo ururiso macluumaadkaas sida ugu dhakhsaha badan si aad u dhammaystirto qoritaankaada. Wixii kaalmo ah, wac 1-844-503-7348.

    Miyaan u baahanahay inaan soo gudbiyo Foomka Codsashada Dhefta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka sanad walbo?

    Haa. Si aad u hesho dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, waxaa qasab ah inaad codsato dheeftan sanad walbo oo aad xaq u leedahay. Waa inaad noo soo dirto caddaynta Ogaysiiskaaga Xaq U Yeelashada Goob-suuqeedka iyo biilkaaga khidmada caymiska ee bil’laha ah ama bogga Qorshayaashayda Caymiska iyo Barnaamijyadeyda ee akoonkaaga healthcare.gov adiga oo buuxinaya Foomka Codsashada Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. 

    Waxa Ku Soo Kordhay Shuruudaha Dheefaha HCA 

    Sharciyada la cusboonaysiiyay ee hay’adda ayaa kaaga baahan inaad keento caddaynta qorshahaaga caymiska Goob-suuqeedka adiga oo soo gudbinaya Ogaysiiskaaga Xaq U Yeelashada Goob-suuqeedka iyo biilkaaga khidmada caymiska ee bil’laha ah ama bogga Qorshayaashayda Caymiska iyo Barnaamijyadeyda ee akoonkaaga Healthcare.gov. Haddii aadan keenin dukumiintiyadan taageerada ah ka gadaal Maajo 31, 2024, Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta ayaa la gelin doonaa "xiritaanka ku-meel-gaarka ah" ilaa aad ka soo gudbiso dukumiintiyada loo baahan yahay. Haddii aad isku diiwaangeliso ama aad cusboonaysiiso qorshaha ceymis ee la oggolyahay, ama aad dakhligaaga cusboonaysiiso adiga oo taageera ka helaya Valley Insurance Professionals, lagaagama baahna inaad soo gudbiso caddaynta qorshahaaga caymiska Goob-suuqeedka adiga oo soo gudbinaya Ogaysiiskaaga Xaq U Yeelashada Goob-suuqeedka iyo biilkaaga khidmada caymiska ee bil’laha ah ama bogga Qorshayaashayda Caymiska iyo Barnaamijyadeyda ee akoonkaaga healthcare.gov. Valley Insurance Professionals ayaa gudbin doonta macluumaadkan iyaga oo ku matalaya adiga.

    Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, halkan guji.

    Ma jiraan wax ka reeban shuruudaha xaq u yeelashada ee Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka?

    Haddii aad u qalanto ceymiska caafimaadka iyada oo loo marayo qofkaad isqabtaan, laakiin aad dooratid inaadan iska qorin caymiskaas, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto Caawimada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503. Wac 1-844-503-7348 wixii macluumaad dheeraad ah.

    Man isticmaali karaa wakiilkayga caymiska intii aan isticmaali lahaa Valley Insurance Professionals?

    Haa, balse waxaan si weyn kugula talinaynaa inaad isticmaasho adeegyada Valley Insurance. Waxay leeyihiin sannado waayo aragnimo oo ah la shaqaynta barnaamijka dheefaha Carewell, ka caawinta adeeg bixiyeyaasha daryeelka isqorista ee qorshayaasha goobaha Suuqa ee la ansixiyey, iyo hubinta bixiyayaasha daryeelka inay heli karaan Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Haddii aad isticmaasho wakiilkaaga caymiska ee gaarka ah, ma ahan inaad buuxiso foomka Wakiilka Diiwaanka ee ku jira waraaqaha shaqada sanadlaha ah. Sikastaba ha ahaatee, fadlan wac 1-844-503-7348 si aad inoo ogaysiiso inaad isticmaalayso wakiilkaaga gaarka ah oo aad buuxinaynin foomka Wakiilka Diiwaanka.

    Miyaan xaq u leeyahay Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee ku-meel-gaadhka ah?

    Waxaa laga yaabaa inaad xaq u yeelato Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee ku-meel-gaadhka ah haddii aad xaq u leedahay dheefaha Carewell SEIU 503 ka dib dhammaadka Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee u dambeysay oo aad iska qortay qorshaha aan la ansixinin ee Goob-Suuqeedka Caymiska Caafimaadka. Xaaladaan, waxaad heli doontaa Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta si aad ugu bixiso kharashyada jaabka aad ka bixiso ee caymiska leh. Waxaad sidoo kale xaq u yeelan kartaa magdhawga khidmadahaaga ceymiska bil’laha ah oo ku-meel-gaadh ah.

    Si aad u sii wadato helitaanka Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ka dib dhamaadka sanadka, waa inaad iska qortaa qorshe ceymis oo la oggolyahay sida ugu dhakhsaha badan ee aad awoodo oo aan ka danbaynin Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) (inta u dhaxaysa Nofeembar 1 iyo Diseembar 15). Haddii kale, Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadku waxay joogsan doontaa dhammaadka sanadka.

    Si aad u hubiso haddii aad xaq u leedahay dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee ku-meel-gaadhka ah, wac 1-844-503-7348.

    Waa maxay khidmadaha caymiska caafimaadkayga saafiga ah?

    Khidmada caymiskaaga saafiga ah waa qaddarka bishii ee ay tahay inaad siiso shirkaddaada caymiska si aad u ilaaliso caymiskaaga. Tusaale ahaan, haddii lacagta khidmada caymiska bil’laha ah ee guud (qiimaha dhamaystiran ee khidmada caymiska ee bil’laha ah ee shirkadaada) ay tahay $500 bishii iyo haddii Canshuur Celintaada Khidmadaha ee Hormariska ah ama APTC (gargaarka maaliyadeed ee ay bixiso dowldada federaalka ah) ay tahay $200 bishii, khidmadaada caymiska bil’laha ah ee saafiga ah ayaa noqon doona $300 bishii.

    Waxaan racfaan ka qaatay sannadkii hore waxaana la ii oggolaaday in aan xusho qorshe kale oo la ansixiyay oo aan ahayn kan degaankayga. Maxaan sameeyaa haddii aan rabo inaan sii wado helitaanka Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka?

    Haddii qorshaha aad iskuqortay uu weli yahay qorshe la ansixiyey sannadka soo socda, go’aanka racfaankaagu weli wuu taagan yahay. Inta lagu jiro Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah, waxaad u baahan doontaa inaad dib u eegto macluumaadka Bogga qorshaha la ansixiyay ee Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka si aad u xaqiijiso inaad si guul leh u cusboonaysiiso caymiskaaga caafimaad oo aad u sii wadato helitaanka Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Waxa kale oo lagugu dhiirigelinayaa inaad dib u eegto soo koobida qorshaha cusub iyo shabakadaha bixiyayaasha si aad u hubiso in ikhtiyaarkani wali kuu shaqaynayo.

    Waxaan ku noolahay Degmada Lane ama aagga adeegga Kaiser ee Degmada Linn oo waxaan kuqornaa qorshaha Providence tan iyo 2018. Miyaan u baahanahay inaad baddelo qorsheyaasha?

    Maya, uma baahnid inaad bedesho qorshayaasha. Waxaad u baddelan kartaa qorshaha 2024 ee la ansixiyay ee KP Silver 3000/40 haddii aad jeceshahay, ama waxaad ku sii jiri kartaa qorshaha Providence ee la ansixiyay. Marka aad u gudubto qorshaha Kaiser ee la ansixisay, qorshaha Kaiser ayaa noqon doontaa qorshahaaga la ansixiyay inta ka harsan sanadka. Ma sii lahaan doontid dookha aad ku hesho dheefaha Carewell SEIU 503 ee qorshaha Providence ka dib markaad u wareegto qorshaha Kaiser.

    Waxaan ku noolahay Degmada Lane ama aagga adeegga Kaiser ee Degmada Linn oo waxaan iska qorayaa markii ugu horreysay dheefaha Carewell SEIU 503. Ma iska qori karaa qorshaha Providence ee la ansixiyay?

    Maya, haddii aad ku nooshahay Degmada Lane ama aagga adeega Kaiser ee Degmada Linn oo aad dhawaan iska qortay dheefaha Carewell SEIU 503 ee 2024, qorshahaaga la ansixiyay waa qorshaha Kaiser KP Silver 3000/40.

    Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta

    Maxaan u isticmaali karaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta in aan ku bixiyo?
    • Biilkaaga saafiga ah ee khidmadaha billaha ah ee qorshaha goobta Suuqa ee la ansixiyay.
    • Lacagta laga jarayo ee lagu dabaqi karo qorshahaaga goobta Suuqa ee la ansixiyay. Lacagta laga jari karo waa cadadka ay tahay inaad ku bixiso adeegyada uu qorshahaaga caymisku daboolayo ka hor inta aanu caymisku bilaabin inuu bixiyo.
    • Khidmada ceymiska ee adeegyada caafimaadka iyo daawoyinka uu daboolay qorshahaaga goobta Suuqa ee la ansixiyay. Khidmada ceymiska (ama qayb bixinta) waa qaddar go’an oo qorshahaaga caymisku kaaga baahan karo inaad bixiso, oo badanaa waxay ku beegan tahay wakhtiga aad hesho adeegga ama warqadda daawada.
    • Caymiska adeegyada caafimaadka iyo daawoyinka uu daboolay qorshahaaga goobta Suuqa ee la ansixiyay. Lacagaha haraaga lacag jarista kadib waa boqolkiiba kharashyada ay tahay inaad bixiso adeegyada uu daboolo qorshahaaga caymiska. Tusaale ahaan, haddii qorshahaaga caymisku leeyahay 80/20 qabanqaabada lacagaha haraaga lacag jarista kadib, tani waxay la macno tahay, ka dib markaad bixiso wax kasta oo laga jari karo, shirkaddaada caymisku waxay bixin doontaa 80% qiimaha kharashka caafimaadka ee la daboolay oo waa inaad bixiso 20% soo hadhay.
    Sideen u isticmaalaa Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta?

    Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta wuxuu u shaqeeyaa sida kiridhit kaadhka caadiga ah, oo leh laba farqi oo muhiim ah:

    1. Kaarkaagu isticmaalkiisu wuu xaddidan yahay, taasoo la macno ah inaad kaliya u isticmaali karto kharashyada la daboolay ee ku hoos qoran "Maxaan u isticmaali karaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta inaan ku bixiyo?"

    2. Kaarkaga kuma isticmaali kartid ATM-ka ama inaad dib u hesho lacag caddaan ah markaad wax iibsanayso.

    Immisa lacag ah ayaa ku jirta Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta?

    Waxa ku jira 2 akoon Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta. Hal akoon ayaa hore loogu sii shubay lacagta sannadlaha ah ee lagu bixinayo khidmadaha adegga ceymiska ee caafimaadka iyo daawooyinka dhakhtarku qoro, lacgaha la jaro, iyo kharashyada lacagaha haraaga lacag jarista kadib ee adeegyada caymiska leh iyo dawooyinka dhakhtarku qoray. Sanadka 2024, lacagtani waa $7,165, laakiin tani way isbedeli kartaa sanadba sanadka ka dambeeya. Akoonka kale waxa lagu sii shubay qaddarka lagama maarmaanka u ah in lagu bixiyo khidmadaha saafiga ah ee bilaha ah: qaybta khidamada ceymiska caafimaadkaaga gaarka ah ee aan lagu dabarin canshuur celinta khidmadaha ee hormariska ah ee federaalka (APTC).

    Miyuu Hadhaagayga haray u wareegayaa qaddarka lacagta sanadka soo socda?

    Maya. Qadarka ugu badan ee laguu soo celin karo kharashyada la daboolay ee galay sanad kasta waa qadar go’an ee sanadkaas. Qayb kasta oo aan la isticmaalin sanadkan laguma wareejin karo kharashaadka la galay sanadka soo socda.

    Goorma ayuu Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta dhacayaa?

    Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta wuxuu dhacayaa taariikhda aadan u sii qalmin dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 , ama bisha iyo sanadka kaga qoran bogga hore ee kaadhka, taariikhda ay doontaba ha ahaatee. Ameriflex waxay kuu soo diri doontaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta oo cusub bil ka hor taariikhda dhicitaanka kaadhkaaga hadda haddii aad weli u qalanto dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka wakhtigaas. Haddii aad qabtid wax su’aalo ah oo ku saabsan midaan, ka wac Ameriflex lambarka 1-888-868-3539.

    Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta ma uusan shaqaynin si aan ugu bixiyo khidmadayda caymiska ee bil'laha ah. Maxaan sameeyaa?

    Ka hubi hadhaagaaga Ameriflex, maamulaha Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta, app-kaaga taleefonka ee MyAmeriflex ama akoonkaaga onleenka ah ee Ameriflex. Waxaad sidoo kale wici kartaa lambarka 1-888-868-3539. Haddii ay jirto lacag ku filan oo lagu bixiyo khidmadaha, weydii sidahaaga caymiska inuu mar kale isku dayo. Hadii aysan kaarkaaga ku jirin lacag ku filan oo aad ku bixiso khidmada caymiska ee bil’laha ah, fadlan wac 1-844-503-7348 isla markaasba.

    Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta ma uusan shaqaynin si aan ugu bixiyo kharashyadeeda jeebka laga bixiyo. Maxaan sameeyaa?

    Ka wac Ameriflex, maamulaha Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta, lambarka 1-888-868-3539. Isku tilmaam inaad tahay shaqaale daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyadeed oo hayso kuwan soo socda diyaarna hakuu ahaadaan wakhtiga wicitaankaaga: Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta, taariikhda iyo nooca adeegga aad isku dayday inaad bixiso, iyo sharraxaadda arrinta aad la kulantay.

    Waxaan haystaa biilasha caafimaadka ee sannadkii hore. Ma ku bixin karaa Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta?

    Waxa kaliya oo aad isticmaali kartaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta si aad ugu bixiso adeegyada la daboolay ee la helay isla sanadkaas. Haddii aad ka hesho sheegashooyinka sannadkii hore ee kharashyada jeebka laga bixiyo ee la xiriira adeeg caymis leh, waxaad u baahan doontaa inaad isticmaasho hannaanka magdhawga.

    Lacagta Cashuurta Hormariska ah (APTC)

    Waa maxay Lacagta Cashuurta Hormariska ah (APTC)?

    Lacagta Cashuurta Hormariska ah (APTC) waa canshuur celin ay bixiso dawlada dhexe oo aad isticmaali karto si aad hoos ugu dhigto bixinta caymiskaaga billaha ah (loo yaqaano "khidmad") markaad iskaqorto qorshaha goobta Suuqa Caymiska Caafimaadka. Canshuuur cellintaadu waxay ku salaysan tahay qiyaasta dakhliga iyo macluumaadka qoyska ee aad ku dhejisay codsigaaga goobta Suuqa. Haddii dakhligaaga lagu qiyaasay inuu u dhexeeyo boqolkiiba 100% iyo 400% ee Khadka Saboolnimada Federaalka, waxaad u qalantaa khidmada canshuur cellinta.

    Sidee APTC u khusaysaa Kaalmadayda Kharashka Daryeelka Caafimaadka?

    Si aad ugu qalanto Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee bixinta khidmadaha qorshaha goobta suuqa ee la ansixiyay iyo kharashyada jeebka ka baxsan, waa in aad codsatid qaddarka buuxa ee Kaalmada canshuur cellin kasta oo Lacagta Hormariska ah (APTC) ee aad u qalanto xagga khidmadaha qorshahaaga. Haddii aad hoos u dhigto dakhliga qoyskaaga sannadlaha ah, oo aad hesho APTC ka sarreeya intii ay ahayd inaad hesho, oo sidaas darteed, IRS ay kugu yeelato kharashka iswaafajintanta marka aad xaraynayso cashuurta sannadlaha ah, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto magdhawga khidmadda iswaafajintanta ee Carewell SEIU 503 Benefits. Wac 1-844-503-7348.

    Sidee u beddelaa APTC-gayga?

    Marka aad ka codsato caynsanaanta goobta Suuqa Caymiska Caafimaadka, waxaad ogaan doontaa haddii aad u qalanto Lacagta Cashuurta cellinta Hormariska ah ee ku salaysan waxa aad ku qiyaastay dakhligaaga iyo tirada qoyskaaga. Si kastaba ha ahaatee, haddii dakhligaagu is beddelo, ama haddii aad ku darto ama lumiso xubnaha qoyskaaga, Lacagta Cashuuraha cellinta ee Caymiska ah sidoo kale way isbedelaysaa. Aad bay muhiim u tahay in dakhliga iyo qoyska isbeddelka lagaaga soo warbixiyo goobta Suuqa sida ugu dhakhsaha badan. Wixii kaalmo ah, kala xiriir Valley Insurance Professionals 1-503-974-8471.

    Waxaan xaq u leeyahay Medicaid (ama caymis kale). Miyaan sii haysan karaa qorshaha goobta Suuqa, APTC, iyo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka?

    Maya. haddii aad xaq u yeelato Medicaid, xaq uma yeelan doontid dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503. Sidoo kale xaq uma lihid Canshuur Celinta Khidmadaha ee Hormariska ah ama Dhimista Saamiga Qiimaha Goobta Suuqa. Haddii aad u qalanto Medicaid oo aad hadda ku jirto qorshaha goobta Suuqa, fadlan wac 1-844-503-7348 sida ugu dhakhsaha badan.

    Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Medicaid iyo qorshaha ceymiska ee Goob-suuqeedka, ka tixraac healthcare.gov/medicaid-chip/cancelling-marketplace-plan/. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caymis kale iyo qorshaha goobta Suuqa ka tixraac healthcare.gov/have-job-based-coverage/options/.

    Maxaan u baahanahay inaan ka ogaado APTC ee xarayntayda cashuurta?

    Haddii qof ka mid ah qoyskaaga uu leeyahay qorshe goobta Suuqa, waa inaad heshaa Foomka 1095-A, Warbixinta Goobta Caymiska Caafimaadka ee cashuurahaaga. Foomamka 1095 waxa la soo diraa Janaayo-Febraayo caymiska sanadka hore. Waxa ku jira macluumaadka ku saabsan qorshayaasha goobta Suuqa kaas oo qof kasta oo qoyskaaga ka tirsan uu hoostiisa ku lahaa caymis. Waxay ka timaadaa goobta Suuqa, maaha IRS. Waa inaad ku heshaa boostada ama akoonkaaga Goobta Suuqa ee onlaynka ah.

    Adiga ama diyaariyahaaga cashuurta waxaad u baahan doontaan Foomka 1095 si aad u buuxiso foomka IRS 8962, kaas oo u baahan in sanad walba lagu xareeyo cashuurahaaga si aad isu waafajiso Canshuur Celinta Khidmadaha ee Hormariska ah. Wax badan ka baro Foomka 1095 healthcare.gov/tax-form-1095/. Haddii aadan helin 1095-A, waxaad nuqul ka soo dejisan kartaa akoonkaaga goobta Suuqa ama waxaad si toos ah ula xiriiri kartaa goobta Suuqa Caymiska Caafimaadka 1-800-318-2596.

    Waxaan aad u badiyay qiyaasta dakhligayga waxaana helay APTC aad u yar. Maxaan sameeyaa?

    Haddii dakhliga aad ku soo gudbisay Goob-suuqeedka caymiska uu ka badan yahay dakhligaaga saxda ah, waxay noqon kartaa inay lacag kuu soo celiso IRS. Tani waxaa ugu wacan waxaad heshay Canshuur Dhimista Khidmadaha ee Hormariska ah oo aad u yar oo ku salaysan cadadka dakhliga ee khaldan. Lacagta ay soo celisay IRS waa lacag bixinta siyaadada ah ee dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee la bixiyay iyadoo ku salaysan dakhligaaga la qiyaasay. Maadaama dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ay dabaraan khidmadaada caymiska bil’laha ah ee saafiga ah, lacagtan la soo celiyay waa in dib loogu celiyo Carewell SEIU 503 taas oo ka dhigan dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee siyaadada ah ee lagaa bixiyay. Lacagtaas waa in dib loo celiyo adigoo jeeg ahaan ku siinaya Oregon Homecare Workers Supplemental Trust (Hay’adda Kaalmada Dheefaha Caafimaad ee Shaqaalaha Daryeelka Guriga) oo boostada u dhigaya Carewell SEIU 503, Attention: Finance, 1600 Stewart Ave., Suite 700, Westbury, NY 11590.

    U soo gudbi Foomka Sixitaanka ee Canshuur Dhimista Khidmada Caymiska ee Hormariska ah oo ay la socdaan foomamkaaga canshuurta 1040, 1095A iyo 8962 Carewell SEIU 503.

    Ka wac Carewell SEIU 503 lambarka 1-844-503-7348 haddii aad qabto su’aalo.

    Waxaan aad hoos ugu dhigay qiyaasta dakhligayga waxaana helay APTC aad u badan. Maxaan sameeyaa?

    Haddii qiyaasta dakhliga aad ku soo gudbisay Goob-suuqeedka caymiska uu ka yar yahay dakhligaaga saxda ah, waxay noqon kartaa inay lacag kugu yeelato IRS. Tani waxaa ugu wacan waxaad heshay Canshuur Dhimista Khidmadaha ee Hormariska ah oo aad u badan oo ku salaysan cadadka dakhliga ee khaldan. Maadaama dheeftaada Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ay dabarto khidmadaada caymiska bil’laha ah ee saafiga ah, waxaad xaq u yeelan kartaa lacago dheeraad ah oo aad ka hesho Hay’adda oo kaa caawiya lacagta aad u celinayso IRS. Haddii dakhliga aad soo gudbisay uu sax ahaan lahaa, dheefta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ayaa dabari lahayd cadadka khidmada caymiska bil’laha ah ee siyaadada ah ee ka dhalatay cadadka Canshuur Dhimista Khidmadaha ee Hormariska ah ee hooseysa. Carewell SEIU 503 ayaa kuu soo diri doonta lacagtaas si aad u bixiso canshuurahan. Waxaad u baahan tahay inaad u dirto nuqullada foomamkaaga canshuurta 1040, 1095A iyo 8962 Carewell SEIU 503, oo uu la socdo Foomka Sixitaanka ee Canshuur Dhimista Khidmada Caymiska ee Hormariska ah.

    Ka wac Carewell SEIU 503 lambarka 1-844-503-7348 haddii aad qabto su’aalo.

    Maxaa dhacaya haddii aanan u qalmin APTC?

    Haddii aad lumiso u qalmitaanka APTC sababtoo ah goobta Suuqa ayaa go’aaminaya tirada qoysaskaaga iyo/ama dakhliga kuu diidaya inaad hesho canshuur cellin, waxaad weli u qalmi doontaa dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 ee la xiriira qorshaha Goobta suuqa ee la ansixiyay. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad lumisay xaq u yeelashada APTC sababtoo ah kamaadan jawaabin codsiga macluumaadka, ama haddii kale aad ku guuldareysatid inaad qaadatid wax tallaabo ah oo loo baahan yahay si loo sii wado APTC, kaliya waxaad xaq u yeelan doontaa inaad hesho faa’iidada kaalmada caymiska ee la bixin lahaa haddii APTC kaaga lama joojin. Adiga ayaa mas’uul ka noqon doona farqiga u dhexeeya khidmada caymiska.

    Sideen dib ugu heli karaa u qalmitaankayga APTC haddii aan lumiyay sababtoo ah kama jawaabin ama ku guuldareystay in aan qaado tallaabo aan ku ilaalinayo APTC?

    Haddii aad lumisay u qalmitaanka APTC sababtoo ah kamaadan jawaabin codsiga macluumaadka ee goobta Suuqa, ama haddii kale aad ku guuldareysatay inaad qaado tallaabo kasta oo loo baahan yahay si aad u ilaaliso APTC, waxaad u baahan tahay inaad soo gudbiso macluumaadka goobta Suuqa uu codsanayo oo aad isku daydo inaad soo celiso canshuur cellintaada ama dib loo go’aamiyo cashuur cellin. Adiga ayaa mas’uul ka noqon doona kala duwanaanshaha khidmadaha ilaa goobta Suuqa uu dib u go’aamiyo waxa, haddii ay wax jiraan, APTC aad u qalanto.

    Wac 1-844-503-7348 wixii su’aalo ah ama Valley Insurance Professionals 1-503-974-8471 si aad u hesho kaalmo aad ku soo ceshato APTC kaaga.

    Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka

    Wixii ah Medicare

    Macluumaadka dadka u gudbaya Medicare

    Haddii aad hadda ku jirto qorshaha goobta Suuqa, waxaad u baahan doontaa inaad qaado tillaabooyin aad ku joojinayso qorshahaaga goobta Suuqa maalin ka hor inta uusan qorshahaaga Medicare bilaabin. Wakiilada jooga Valley Insurance Professionals ayaa laga yaabaa inay ka caawiyaan taas – wac 1-844-503-7348 si aad u hesho kaalmo. Sidoo kale, haddii aad hore u haysatay Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta, fadlan yuusan kaa fakanin. Waxaad sii wadi doontaa inaad u isticmaasho lacagta lagaa jaro, khidmadaha adegga ceymiska, kharashyada lacagaha haraaga lacag jarista kadib, iyo daawoyinka dhakhtarku qoro ee Medicare inta aad u sii qalanto Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Sikastaba ha ahaatee, uma isticmaali kartid Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta khidmadahaaga Medicare.

    Maxaan u isticmaali karaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta in aan ku bixiyo?
    • Lacagta lagaa jarayo ee lagu dabaqi karo qorshahaaga Medicare. Wax lagaa jari karo waa qaddarka ay tahay inaad ku bixiso adeegyada uu qorshahaaga Medicare daboolo ka hor inta uusan Medicare bilaabin inuu bixiyo.
    • Khidmadaha ceymiska ee adeegyada caafimaadka iyo daawoyinka uu daboolay qorshahaaga Medicare. Khidmada ceymiska (ama qayb bixinta) waa lacag go’an oo qorshahaaga caymisku Medicare kaaga baahan karo inaad bixiso, oo badanaa waxay ku beegan tahay wakhtiga aad hesho adeegga ama warqadda daawada.
    • Lacagaha haraaga lacag jarista kadib ee adeegyada caafimaadka iyo daawoyinka uu daboolay qorshahaaga Medicare. Lacagaha haraaga lacag jarista kadib waa boqolkiiba kharashyada ay tahay inaad bixiso adeegyada uu daboolo qorshahaaga Medicare. Wadaagista kharashku waxay u dhaxayn kartaa boqolkiiba 20% ilaa 50% ee adeega la daboolay, iyadoo ku xidhan qorshahaaga Medicare. Tusaale ahaan, haddii qorshahaaga Medicare uu leeyahay habayn lacagaha haraaga lacag jarista kadib oo ah "80/20", tani waxay la macno tahay, ka dib markaad bixiso wax kasta oo lagaa jari karo, qorshahaaga Medicare wuxuu bixin doonaa boqolkiiba 80% qiimaha kharashka caafimaadka ee la daboolay waana inaad bixisaa boqolkiiba 20% soo hadhay.
    Immisa lacag ah ayaa ku jirta Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta?

    Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta waxa hore loogu sii shubay lacagta sannadlaha ah ee lagu bixinayo khidmadaha adegga ceymiska ee caafimaadka iyo daawooyinka dhakhtarku qoro, lacgaha la jaro, iyo kharashyada lacagaha haraaga lacag jarista kadib ee adeegyada caymiska leh iyo dawooyinka dhakhtarku qoray. Sanadka 2024, lacagtaasi waa $7,165, laakiin tani way isbedeli kartaa sanadba sanadka ka dambeeya.

    Miyuu Hadhaagayga haray u wareegayaa qaddarka lacagta sanadka soo socda?

    Maya. Qadarka ugu badan ee laguu soo celin karo kharashyada la daboolay ee galay sanad kasta waa qadar go’an ee sanadkaas. Qayb kasta oo aan la isticmaalin sanadkan laguma wareejin karo kharashaadka la galay sanadka soo socda.

    Goorma ayuu Kaarkayga Dukaameysiga ee Dheefta dhacayaa?

    Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta waxa uu dhacayaa taariikhda aadan u sii qalmin dheefaha Carewell SEIU 503, ama bisha iyo sanadka ku qoran bogga hore ee kaadhka, taariikhda ay doontaba ha ahaatee. Ameriflex waxay kuu soo diri doontaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta oo cusub bil ka hor taariikhda dhicitaanka kaadhkaaga hadda haddii aad weli u qalanto dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka wakhtigaas. Haddii aad qabtid wax su’aalo ah oo ku saabsan midaan, waxaad ka waci kartaa Ameriflex lambarka 1-888-868-3539.

    Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh

    Helitaanka PTO

    Maxaa dhacaya haddii aan shaqeeyo wax ka yar 20 saacadood bishi?

    Haddii aad shaqayso wax ka yar 20 saacadood bishi, ma heli doontid dheefta. Waxaad heli doontaa PTO bil walbo oo aad ka shaqayso ugu yaraan 20 saacadood.

    Haddii aan shaqeeyo wax ka yar 20 saacadood bishi, miyay saacadahan wareegayaan oo lagu darayaa saacadaha bisha soo socota si aan u helo PTO?

    Maya, saacadaha ma wareegaan loomana gayn karo kuwa bil kale.

    Sicirka mushahar bixinta intee la'eg ayaa lagu bixin doonaa saacadahayga PTO?

    Sicirka mushahar bixinta waxaa lagu xisaabi doonaa sicirka mushahar bixinta hadda jira ee shirkadaada mushahar bixinta isticmaasho ee ka muuqda nidaamkeena mana lagu xisaabayo midka jiray markaad kasbatay.  

    Tusaale ahaan, aynu dhahno waxaad kasbatay 12 saacadood oo PTO ah adiga oo shaqaynayay 80 saacadood bil walbo bilaha Agoosto, Seteembar, iyo Oktoobar ee 2023. Markay ahayd Janaayo 1, 2024, waxaad heshay mushahar kordhin ay u gorgortameen midowgaaga. Waxaad go’aansatay inaad wakhti fasax ah qaadato si aad u booqato qoyska bisha Febraayo. Inkasta oo aad kasbatay saacadaha dheefta PTO ka hor mushahar kordhintaada, waxaa lacagta laguugu siin doonaa mushahar koreeya sababta oo ah waxaad dheefta codsatay ka dib markuu dhaqangalay mushahar kordhintaada. 

    Maxaa dhacaya haddii aan joojiyo inaan shaqeeyo oo aan haysto wax ka yar 8 saacadood oo aan kasbaday?

    Haddii aad joojiso inaad shaqayso, saacadahaaga dheefta PTO ee haray ayaa lagu siin doonaa haddii aan kaa hayno Form W-9 (Foomka W-9) oo noo fayl garaysan.

    Isticmaal MyCarewell503 si aad u buuxiso Form W-9 (Foomka W-9)

    Waxaan shaqeeyaa 120 saacadood bishi, marka maxaanse u helin 6 saacadood oo PTO ah bishiiba?

    Daryeel bixiyeyaasha ayaa heli kara ilaa iyo 4 saacadood oo PTO ah bil walbo marka loo eego wada xaajoodka heshiiska SEIU. Barnaamijkaan PTO ee cusub waxaa loo qaabeeyay in lagu siiyo saacadaha PTO ee ugu badan ee macquulka ah tirada ugu badan ee daryeel bixiyeyaasha ah. Kuwa horay u heli jiray 40 saacadood halki sanaba ayaa hadda heli doona 48 saacadood sanadkiiba.

    Maxay tahay sababta aan ugu kasban karo wax yar barnaamija PTO ee cusub oo ka yar wixi aan ku kasban jiray barnaamijki PTO ee hore?

    Barnaamijkaan PTO ee cusub waxaa loo qaabeeyay in lagu siiyo saacadaha PTO ee ugu badan ee macquulka ah tirada ugu badan ee daryeel bixiyeyaasha ah. 

    Sida Loo Codsado Dheefaha PTO

    Maxaa dhacaya haddii aan soo gudbinin Form W-9 (Foomka W-9)?

    Ma awoodi doontid inaad hesho lacagaha saacadahaaga PTO ee aad kasbatay sababta oo ah dheeftan waa dakhli la canshuuro.

    Maxaa dhacaya haddii aan waligay soo gudbinin foomka W-9 oo aan sii wado inaan shaqeeyo?

    Saacadaha PTO ee la kasbaday ayaa kaliya sii wadi kara inay isku biiraan ilaa 12 bilood haddii aan la haynin Form W-9 (Foomka W-9). Haddii Carewell aysan ku helin Form W-9 (Foomkaaga W-9) oo buuxa 12 bilood gudahooda oo ka soo bilaabata marka ugu koowaad ee aad hesho saacad dheefta PTO ah, saacadahaaga Dheefta PTO ayaa bilaabi doona inay ku dhacaan sida ay u soo kala horeeyeen.

    Tani waxay ka dhigan tahay in wixii saacadaha dheefta PTO ah ee aad heshay waxa ka badan 12 bilood ka hor inta aan la helin Form W-9 (Foomkaaga W-9) ay si aan ka soo laabad lahayn u lumi doonaa.

    Miyaan dooran karaa inaan qaato wax ka yar tirada guud ee saacadaha ee dheefahayga PTO ee ii uruuray?

    Haa, waa dookhaaga ka dib markaad ka soo baxdo shuruuda ugu yar ee 8-da saacadood ah.

    Maxaa dhacaya hadii aan joojiyo inaan shaqeeyo oo aanan codsanin dheefahayga PTO?

    Ilaa inta lagaa hayo faylka foomka W-9, waxaa si toos ah laguu siin doonaa lacagaha ka dib 6 bilood oo aad 0 saacadood ka shaqaysay. Lacagaha ayaa lagu soo diri doonaa lacag wareejinta elektrooniga ah ama jeeg ahaan cinwaanka faylka inoogu jiro.

    Su’aalaha Kale Ee Ku Saabsan PTO

    Waxaan ogaysiis ka helay Carewell SEIU 503 Benefit kaas oo ku saabsan dheefaha PTO oo an la codsanin?

    Diiwaanadeena waxay muujiyeen inaan lacag kuu soo dirnay, balse aysan ka bixin bangigeena. Marka jeega aan lacag cadaan ah lagu baddelanin ka dib muddo cayiman, wuxuu noqonayaa jeeg aan la sheeganin, ama jeeg "raagay 6 bilood ka badan". Waxaa na looga baahan yahay inaan u soo gudbino jeegaga aan la sheeganin Khasnadda Oregon.

    Haddii aadan lacagtaada helin, waxaad kala xiriir kartaa Carewell Benefits lambarka 1-844-503-7348, Isniin–Jimce, 8 am–6 pm PST, ama iimayl inoogu soo dir: CarewellSEIU503Benefits@RISEpartnership.com. Haddii aad jeega haysato, fadlan lacag cadaan ah u baddelo ama gasho akoonkaaga bangiga.

    Sideen ku ogaan karaa baaqigeyga dheefta PTO?

    Waxaad ka wici kartaa Carewell SEIU 503 Benefits lambarka 1-844-503-7348. Ama waxaad isticmaali kartaa MyCarewell503, agabka dheefaha ee onleenka ah ee cusub.

    Maxaan u buuxinayaa Foomka Magacaabista Ka faa'iidaystaha?

    Foomkan waxa uu hubinayaa in haddii ay dhacdo inaad dhimato, qofka aad dooratay inuu helo hadhaaga dheeftaada PTO ee aad kasbatay.

    Buuxi Foomka Magacaabista Ka-faa’iidaystaha.

    Sideen ugu heli karaa daryeel bixiye ibaddela macmiilkeyga inta lagu jiro wakhtigayga fasaxa?

    Ma ahan mas’uuliyadaada inaad raadiso qof ku baddela markaad qaadato fasaxa lacagta leh. Macaamilka ayaa leh mas’uuliyadda koowaad ee xulashada iyo shaqaaleysiinta bixiyayaasha.

    Fasaxa lacagta leh waa inuu oggolaado macaamilka ka hor inta aadan fasax ka qaadanin shaqada, gargaar waa in la helaa haddii loo baahdo, oo macaamilka waa in uu ogeysiiyaa hay’adda ku habboon si loo oggolaado saacadaha shaqada ee shaqaalaha beddelka u ah. Mararka qaarkood macmiilku waxa uu u baahan doonaa kaalmo Laga soo bilaabo maareeyaha kiiska/wakiilka gaarka ah/iskuduwaha adeegga si loo helo bixiye ku habboon beddelka.

    Miyaan u baahanahay inaan u soo sheego maalmaha ama saacadaha aan fasaxa uga maqanahay macaamilkayga Carewell SEIU 503 Benefits?

    Maya, uma baahnid inaad wakhtigaaga fasaxa u soo sheegto Carewell SEIU 503 Benefits.

    Waa maxay faraqa u dhaxeeya Barnaamijka Fasaxa Lacagta Leh ee Orego iyo barnaamijka dheefta Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh ee Carewell?

    Paid Leave Oregon (Barnaamijka Fasaxa Lacagta Leh ee Oregon) 

    Barnaamijka Fasaxa Lacagta Leh ee Oregon waa barnaamij cusub oo u oggolaanaya shaqaalaha Oregon inay fasax lacag leh u qaataan wakhtiyada noolasha ee muhiimka ah badankood. Tan waxaa ka mid ah:

    • Fasax Qoyska: si aad u daryeesho xubin qoyska ka tirsan oo leh xanuun misa dhaawac daran, ama si aad isku oggolaysiiso ilmo cusub ka dib markuu dhasho, markaad korsanayso, ama la geeyo xanaanada korriinka.
    • Fasaxa Caafimaadka: inta lagu jiro xaalada caafimaad ee daran ee gaarka kuu ah.
    • Fasaxa Badqabka: ee loogu talagalay dadka ka badbaaday faraxumaynta galmada, rabshadaha qoyska, dhibaataynta, ama dabagalida qofka.

    Ogoow: tani waxaa maareeya gobalka, ma ahan Carewell SEIU 503 Benefits.

    Sida ku cad Barnaamijka Fasaxa Lacagta Leh ee Oregon, shaqaale walbo, iyada oo aan loo eegaynin tirada saacadaha uu shaqeeyay, oo helay ugu yaraan $1000 sanadka ka horeeyay inta uusan codsanin fasaxa lacagta leh ayaa xaq u yeelan kara. Tani waxaa ku jira daryeel bixiyeyaasha iyo shaqaalo walbo oo laga yaabo inuu isticmaalo Taxpayer Identification Number (Lambarka Aqoonsiga Canshuur-bixiyaha ee Shaqsiga ah) si uu ugu xareeyo canshuurihiisa. Dawladaha qabaa’ilka, kuwa iskood u shaqeysta, iyo qandaraaslayaasha madaxa bannaan ayaa dooran kara inay ka qaybqaataan balse lama faro inay sidaas sameeyaan.

    Si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah, tag Bogga intarnetka ee Barnaamijka Fasaxa Lacagta Leh ee Oregon.

    Barnaamijka Dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh ee Carewell

    Barnaamijka dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh ee Carewell wuxuu gaar u yahay daryeel bixiyeyaasha. Ujeeddada dheeftan waa inaad wakhti fasax ah qaadan karto markaad u baahato, haddii uu yahay fasax dalxiis ama wakhti kuu gaar ah oo aad isku daryeesho. Daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh waxay heli karaan ilaa iyo 48 saacadood oo ah dheefaha wakhtiga fasax lacag leh (PTO) sanadkiiba.

    Si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah iyo dhigaalada ku saabsan dheefta PTO, tag bogga intarnetka ee PTO.

    MyCarewell503

    Waa maxay MyCarewell503?

    Daryeel bixiyeyaasha waxay hadda awood u leeyihiin inay maareeyaan dheefahooda oo ay ku heli karaan onleen ahaan, 24 saacadood maalinti.

    Carewell SEIU 503 waxay bixisaa agab uu qofka iskiis u isticmaalo si gacanta loogu galiyo daryeel bixiyeyaasha awoodda maaraynta! Waxay inoo sheegeen boqolaal daryeel bixiyeyaal ah inay aad muhiim ugu ahaan lahayd inay ku isticmaali karaan dheefahooda onleen ahaan. Wixii faahfaahin dheeraad, guji halkan.

    Waa maxay faa'iidooyinka isticmaalka MyCarewell503?

    Markaad isticmaasho MyCarewell503, waxaad ku maarayn kartaa dheefahaaga adiga jadwalkaaga!

    MyCarewell503 waxay fududeysaa:

    • Ka codsan kartaa dheefahaaga Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh (PTO)
    • Inaad eegto saacadaha aad shaqeeysay
    • Ka eegi kartaa xaaladaada lacag bixinta
    • Ka eegi kartaa dheefahaaga PTO ee aad kasbatay
    • Inaad buuxiso Form W-9 (Foomka W-9)
    • Ka buuxin kartaa foomka Lacag Wareejinta Elektrooniga ah

    Guji halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah iyo tallaabooyin faahfaahsan oo ku saabsan sida loo helo adeegyadaan.

    *Ogoow: kama gudbin kartid ama wax kama baddeli kartid saacadaha aad shaqaysay barta MyCarewell503 dhexdeeda. Waa inaad wali isticmaasho Oregon Provider Time Capture (OR PTC DCI) iyo/ama PPL si aad u soo xarayso ama wax uga baddesho saacadaha aad shaqaysay.

    Sideen iskuugu diiwaangeliyaa MyCarewell503?

    Gal MyCarewell503.org oo raac tallaabooyinka hoose:
    1.    Guji Register as a New User (Isku Diiwaangeli Adeegsade Cusub Ahaan). 
    2.    Raac fariimaha shaashada soo koraya si aad u hagaajisato akoonkaaga. Geli Lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga oo riix Xiga. 
    3.    Xaqiiji in Lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga uu saxan yahay. Waxaad sidoo kale arki doontaa magacaaga. Geli ZIP Code-kaaga iyo Taariikhdaada Dhalashada kadibna riix Xiga. 
    4.    Akhri Qodobadda iyo Shuruudaha. Hoos u bax oo haddii aad oggoshahay, dooro “Waan Aqbalay Qodobadda iyo Shuruudaha” oo riix Xiga. 
    5.    Sameyso oo xaqiiji lambar sireed, kadibna geli cinwaanka iimaylkaaga. Dooro su’aasha ammaanka & jawaab. Kadibna riix Xiga. 
    6.    Ka dibna waxaa lagu waydiin doonaa inaad geliso lambarka taleefonkaaga, cinwaanka iimaylka, iyo nooca wada-xiriirka ee aad doorbidayso. Markaad bogto, riix Save Communication (Kaydi Wada-xiriirka) ama Continue Later (Sii Wad Hadhoow). 
    7.    Sifada astuurnaanta waxay u sahlaysaa adeegsadaha inuu doorto haddii uu rabo ama uusan rabin inuu la wadaago macluumaadkiisa dadka kale ee ku jira qorshihiisa caymis. Inaad furtid meeshan ayaa tilmaamayso inaadan rabin inaad macluumaadkaaga la wadaagto xubnaha kale ee ku jira qorshahaaga caymis. Riix Save Privacy (Kaydi Astuurnaanta) ama Continue Later (Sii Wad Hadhoow).
    Inaad doorato Save Privacy (Kaydi Astuurnaanta) ayaa soo gabagabayn doonta hannaanka diiwaangelinta.

    *Ogoow: xusuuso inaad meel ammaan ah ku kaydsato magacaaga adeegsadaha iyo lambar sireedkaaga si aad uga tixraacdo haddii aad iloowdo!

    Talo! Waxaad ciinwaanka iimaylkaaga u isticmaali kartaa inaad ka dhigato magacaaga adeegsadaha, si ay kuugu fududaato inaad xasuusato.

    Waxaan iloobay lambar sireedkayga iyo/ama magacayga adeegsadaha maxay tahay inaan sameeyo?

    Miyaad Iloowday Lambar Sireedka 
    Bogga intarnetka ee gelitaanka ee MyCarewell503, ka guji gujo-raaca hoose “Miyaad Iloowday Lambar Sireedka?” Raac tilmaamaha bogga xiga si aad u geliso magacaaga adeegsadaha iyo cinwaanka iimaylka. Kadibna waxaad u baahan doontaa inaad geliso 4-ta lambar ugu danbeeya ee lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga, zip code-ka, oo geli lambar sireedkaaga cusub. Gujo-raaca aad ku saxdo lambar sireedkaaga ayaa laguugu soo diri doonaa cinwanka iimaylka ee aan kaa hayno.

    Miyaad Iloowday Magaca Adeegsadaha 
    Bogga intarnetka ee gelitaanka ee MyCarewell503, ka guji gujo-raaca hoose “Miyaad Iloowday Magaca Adeegsadaha?” Wuxuu ku gayn doonaa bog kale halkaas oo aad gelin karto 4-ta lambar ugu danbeeya ee lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga, taariikhdaada dhalashada, iyo zip code-kaaga si ay u xaqiijiyaan qofkaa tahay. Kadibna waxaa lagu waydiin doonaa inaad ka jawaabto su’aashaada ammaanka. Magacaaga adeegsadaha ayaa lagu tusi doonaa.

    Yaan la xiriiraa haddii aan qabo su'aalo ku saabsan MyCarewell503?

    Naga soo wac lambarka 1-844-503-7348 ama iimayl inoogu soo dir CarewellSEIU503Benefits@RISEpartnership.com wixii arrin ah ee aad kala kulanto MyCarewell503.

    Waxaa nala heli karaa Isniin – Jimce, 8am – 6 pm PST.

    Miyaan u isticmaali karaa taleefonkagya inaan ka galo MyCarewell503?

    Haa! Waxaad isticmaali kartaa gujo-raacan si aad taleefonkaaga casriga ah uga gashid MyCarewell503: MyCarewell503.org ama kula soo deg app-ka taleefonka ee MyCarewell503 taleefonkaaha si aad u maarayso dheefahaaga PTO isla markaasba!

    Ka hel App-ka iOS (Apple) 

    Ka hel App-ka Android 

    Ogoow: MyCarewell503 waxay adeegsataa Create Technology si laguugu sameeyo bog aad gasho oo aad ka isticmaasho dheefahaaga CarewellSEIU503. MyCarewell503 waxaa lagu heli karaa Ingiriis wakhti xaadirkan. 

     

    Hagaha Adeegsadaha ee MyCarewell503

    Si aad u qoto dheer ugu ogaato waxyaabaha aad ka samayn karto MyCarewell503, fadlan eeg Hagahan Adeegsadaha.

    Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

    Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

    Xir