Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka
Hel daryeelka aad u baahan tahay si aad u noolaato.
Dheefta oo Kooban
Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 waxay ka dhigaan qorshayaasha ceymiska gaarka ah kuwo ay awoodi karaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee Oregon kuwaas oo aan qaab kale ceymis ku heli karin. Tusalayaasha qaababka kale waxaa ka mid ah Oregon Health Plan, ceymiska loo-shaqeeyaha, ama xaaska/seyga ee kale.
Dheeftan waxaa heli kara shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee leh Medicare ama iska diiwaangeliyay ceymis la aqoonsan yahay iyaga oo ka haley Goob-suuqeedka Ceymiska Caafimaadka. Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka waxay dabartaa ilaa iyo $6,900 oo ah kharashyada jeebka laga bixiyo ee caafimaadka ee sheegashooyinka ay dabarto Medicare ama ceymiskaaga Goob-suuqeedka la ansixiyay ee 2023. Waxay sidoo kale dabartaa 100% kharashka khidmadaada ceymiska ee bil'laha ah ee ceymiskaaga Goob-suuqeedka gaarka ah, ama qayb ka mid ah khidmadahaaga Medicare.
Haddii aad xaq u leedahay Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, waxaad heli doontaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta (kaarka dukameysiga ee Mastercard) si aad ugu bixiso khidmadahaaga bil'laha ah (inaad Medicare leedahay ma ahane) iyo kharashyada caafimaadka jeebka laga bixiyo ee ceymiska leh. Kaarku waxa uu ka iman doonaa Ameriflex (Maamulaha Habboon ee Faa'iidooyinka).
Macluumaadka dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee shaqaalaha taageerada
Waxyaabaha Muhiimka ah ee ay Tahay in la Ogaado
- Dheeftan ayaa bixineysa khidmadaada bil'laha ee saafiga ah (tusaale, khidmadaada ka dib marka canshuuraha laga jaro) ee ceymisyada shaqsiyadeed ee xaqa leh ee laga iibsaday Goob-suuqeedka ama Medicare. Waxay sido kale ka dabartaa ilaa iyo $6,900 sanadka 2023 kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee sheegashooyinka ay dabaraan ceymiskaaga gaarka ah ee la aqoonsan yahay ama Medicare. Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 ma ahan mid uu kafaalo qaado loo-shaqeeyaha ama ceymis kooxeed.
- Si aad uga faa'iideysato dheeftan, waxaad u baahan doontaa inaad iska diiwaangeliso ceymiska la aqoonsan yahay ee Goob-suuqeedka Ceymiska Caafimaadka ama Medicare. Naga soo wac — 1-844-503-7348 — waxaan halkan u joognaa inaan kaa caawino inaan ku fahansiino hannaanka!
- Xaaladaha badankood, waxaad u baahan tahay inaad sugto ilaa iyo Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka si aad isku diiwaangeliso. Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) ee Goob-Suuqeedka federaalka waxay u dhaxaysaa sida caadiga ah Noofeembar 1 iyo Janaayo 15 ee sanadka soo socda. Waxaa jira waxyaabo ka reeban oo xaq kuugu yeeli kara inaad iska diiwaangeliso Muddo Diiwaangelin oo Qaas ah. Arag Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
Eeg Xaq u Yelashada
Si aad isla markiiba u ogaato xaq u yeelashadaada, ka jawaab dhawr su'aalood oo ku saabsan xog uruurinta xaq u yeelashada.
Fadlan u akhri si taxadar leh shuruudaha xaq u yeelashada ee hoose.
Shuruudaha Xaq U Yeelashada
Waxaa suuragal ah inaad xaq u yeelato dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka haddii aad:
Shaqeysay 40 saacadood ama ka badan bishii oo ah saacadaha shaqada ee xaqa leh — sidoo kale loo yaqaano saacadaha kooxda gorgortanka — 2 bilood oo xiriir ah. Ka dibna waxaa jirta 1 bil oo muddo sugitaan ah inta saacadahaaga loo gudbinayo Carewell SEIU 503.
Si joogta ah u soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushaharka.
Macluumaadkaaga shaqsi ahaan ee aasaasiga ah hakaaga fayl gareysnaadaan Carewell SEIU 503. Guji halkan si aad u cusbooneysiiso macluumaadkaaga haddadan.
Ku hel ceymiska caafimaadka Medicare ama ceymiska Goob-suuqeedka la aqoonsan yahay. Ka eeg FAQ wixii macluumaad dheeraad ah.
Saacadaha shaqada xaq leh
Tirada saacadaha shaqada xaqa lehee aad u baahan tahay si aad xaq ugu yeelato dheefaha Carewell waa saacadaha shaqada ee ay bixiyaan Acumen, DHS, iyo/ama eXPRS iyaga oo matalayo macmiilkaaga.
Luminta xaq yeelashada
Haddii ay ku moodo 2 bilood oo xidhiidh ah adiga oo aan shaqayn saacado shaqo oo xaq leh —ama haddii soo sheegto saacadaha shaqada oo eber (0) ah, ka dib muddo kordhin 1 bil ah xaq uma sii lahaan doontid dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Si aad dib ugu hesho xaq u yeelashadaada dheefaha Carewell SEIU 503 waa inaad dhameystirto tallaabooyinka kore.
Haddi aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan xaq u yeelashadaada dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, fadlan wac lambarka 1-844-503-7348.
Ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ay dabarto Medicare
Wax badan ka baro Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ay dabarto Medicare.
Loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee leh ceymisyada la ansixiyay
Wax badan ka baro Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ka qaatay ceymisyada caafimaadka shaqsiyadeed ee la ansixiyay Goob-suuqeedyada Caymiska Caafimaadka.