Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka

Hel daryeelka aad u baahan tahay si aad u noolaato.

Dheefta oo Kooban

Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 waxay ka dhigaan qorshayaasha ceymiska caafimaadka ee gaarka ah (caafimaadka) kuwo ay awoodi karaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee Oregon kuwaas oo aan qaab kale ceymis ku heli karin. Tusalayaasha qaababka kale waxaa ka mid ah Oregon Health Plan, ceymiska loo-shaqeeyaha, ama xaaska/seyga ee kale.

Dheeftan waxaa heli kara shaqaalaha daryeelka guriga iyo kuwa taageerada shaqsiyeed ee u qalma, kuwaas oo iska diiwaangeliya qorshe uu ansixiyay Carewell iyagoo ka maraya Goob-suuqeedka Caymiska Caafimaadka, Medicare, ama caymis caafimaad oo Ku Xiriirsan Militariga. Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka waxay dabartaa ilaa iyo $8,000 oo ah kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee sheegashooyinka ay dabarto qorshahaaga Goob-suuqeedka ee la ansixiyay ee 2026, Medicare, ama Dheefaha La Xidhiidha Militariga. Waxay sidoo kale dabartaa 100% kharashka khidmadaada ceymiska ee bil’laha ah ee ceymiskaaga Goob-suuqeedka gaarka ah ee la ansixiyay, ama qayb ka mid ah khidmadahaaga Medicare.

Haddii aad xaq u leedahay Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, waxaad heleysaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta (kiridhit kaarka Mastercard) si aad ugu bixiso khidmadahaaga caymiska bil’ laha ah (inaad Medicare leedahay ma ahane ama aad hesho Dheefaha Qofk La Xidhiidha Militariga) iyo kharashyada caafimaadka jeebka laga bixiyo ee ceymiska leh. Kaarka waxaa boosto ahaan kuugu soo direysa Ameriflex, oo ah maamulaha Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta.

Macluumaadka dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee shaqaalaha daryeelka lagu bixiyo guriga iyo kuwa bixiya taageerada shaqsiyeed

  • ee ka diiwaangashan ceymisyada Goob-suuqeedka ee ay Carewell ansixisay ayaa laga heli karaa halkan.
  • ee ka diiwaangashan Medicare ayaa laga heli karaa halkan.
  • ee ka diiwaangashan Dheefaha La Xidhiidha Militariga ayaa laga heli karaa halkan.
Waxyaabaha Muhiimka ah ee ay Tahay in la Ogaado
  • Dheeftan ayaa bixineysa khidmadaada bil’laha ee saafiga ah ( khidmadaada ka dib marka canshuuraha laga jaro) ee qorshaha ceymiska shaqsiyadeed ee ay ansixisay Carewell ee laga iibsaday Goob-suuqeedka ama qeyb ka mid ah khidmadahaaga caymiska billaha ah ee Medicare. Waxay sido kale ka dabartaa ilaa iyo $8,000 sanadka 2026 kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo iyadoo lagu daboolayo qorshahaaga shaqsiyeed ee Goob-suuqeedka ee uu ansixiyay Carewell, ama Medicare, ama qorshahaaga caafimaad ee Ku Xidhiidhsan Militariga. Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 ma ahan mid uu kafaalo qaado loo-shaqeeyaha ama ceymis kooxeed.
  • Si aad uga faa’iideysato dheeftan, waxaad u baahan doontaa inaad iska diiwaangeliso ceymiska la aqoonsan yahay ee Goob-suuqeedka Ceymiska Caafimaadka, Medicare, Dheefaha VA, CHAMPVA, ama TRICARE. Naga soo wac — 1-844-503-7348 — waxaan halkan u joognaa inaan kaa caawino inaan ku fahansiino hannaanka!
  • Xaaladaha badankood, waxaad u baahan tahay inaad sugto ilaa iyo Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Caymiska Caafimaadka) si aad iskaga diiwaangeliso Goob-suuqeedka ama qorshaha caafimaadka ee TRICARE. Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) ee Goob-Suuqeedka federaalka waxay u dhaxaysaa sida caadiga ah Noofeembar 1 iyo Diseembar 15 ee sanadka soo socda. Xilliga Diiwaangelinta ee TRICARE badanaa wuxuu socdaa laga bilaabo horraanta Noofeembar ilaa horraanta Diseembar ee sannadka xiga. Waxaa jira waxyaabo ka reeban oo xaq kuugu yeeli kara inaad iska diiwaangeliso Muddo Diiwaangelin oo Qaas ah. Arag Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Xaq u yeelashada

Si aad isla markiiba u ogaato xaq u yeelashadaada, ka jawaab dhawr su’aalood oo ku saabsan xog uruurinta xaq u yeelashada. 

Fadlan u akhri si taxadar leh shuruudaha xaq u yeelashada ee hoose.

Shuruudaha Xaq U Yeelashada

Waxaa suuragal ah inaad xaq u yeelato dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka haddii aad:

N

Shaqeysay ugu yaraan 40 saacadaha shaqada ee xaq yeelashada* 2 bilood oo isku xiga. Marka aad ka soo baxdo shuruudan, waxaa jira muddo 1 bil oo sugitaan ah ka dib marka aad soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushhaharka. Inta lagu jiro muddadan sugitaanka, Gobalka, Acumen ama PPL ayaa ugu soo warbixineysa saacadahaaga shaqada Carewell SEIU 503.

N

Si joogta ah u soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojaradaada mushaharka wakhtigooda xilli mushahareed walbo.

N

Ay kaaga fayl gareysan yihiin magacaaga, jinsigaaga, lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga, taariikhdaada dhalashada iyo ciwaankaaga guriga ee haddadan Carewell SEIU 503.

N

Hayso caymis caafimaad adoo u maraaya qorshe Goob-suuqeed oo uu ansixiyay Carewell, ama Medicare, ama Dheefaha VA, CHAMPVA, ama TRICARE. Ka eeg Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo wixii macluumaad dheeraad ah.

Shuruudahan xaq u yeelashada waa iskuugu mid dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha (DVE).

* Saacadaha shaqada ee xaq yeelashada

Tirada saacadaha shaqada ee aad u baahan tahay si aad ugu qalanto dheefaha Carewell waa saacadaha shaqada ee ay bixiyaan Acumen, DHS, iyo/ama PPL iyaga oo matalaya macmiilkaada.

 

Luminta xaq yeelashada

Waxaad lumin kartaa xaq yeelashada dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 haddii aad yeelato 2 bilood oo isku xigta oo aad wax ka yar 40 saacadood shaqaysay. Ka dib 2-daas bilood, waxaa lagu siin doonaa muddada sugitaanka oo 1 bil ah oo dheeraad ah inta aysan dhamaanin dheefahaaga, oona hawada laga bixinin Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta (BCC). Markaad lumiso u-qalmitaanka dheefaha ilkaha, aragga, maqalka, iyo barnaamijka caawinta shaqaalaha, waxaad dooran kartaa inaad sii wadato dheefahan adigoo dooranaya COBRA. Waxaad dib u heli kartaa u-qalmitaanka dheefaha Carewell SEIU 503 adiga oo buuxinaya shuruudaha kor ku xusan. 

Ha tuurin kaarkaaga BCC! Haddii aad xaq u yeelato Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka mar labaad, waxaad awoodi doontaa inaad isticmaasho kaarkaaga.

Loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee leh qorshaha kujira Goob-suuqeedka

Wax badan ka baro Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ka qaatay ceymisyada caafimaadka (caafimaad) shaqsiyadeed ee ay Carewell ansixiyay ee kujira Goob-suuqeedyada Caymiska Caafimaadka.

Ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ay dabarto Medicare

Wax badan ka baro Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ay dabarto Medicare.

Ee shaqaalaha u-qalma ee heysta Dheefaha La Xidhiidha Militariga

Wax badan ka baro Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee heysta dheefaha VA, CHAMPVA, ama caymiska caafimaadka ee TRICARE.