Isticmaalka Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta
Dulmarka

Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta (BCC) waa kaarka dukameysiga ee Mastercard, kaas oo ay kuu soo diraan ayna maamumlaan Ameriflex.
Kaarkaaga BCC wuxuu u shaqeeyaa sida kaarka dukaameysiga caadiga ah, marka laag reebo in:
- Isticmaalka kaarkaaga uu xadiddan yahay, taas oo ka dhigan inaad kaliya u isticmaali karto kharashyada la dabaro ee hoos ku qoran. Fadlan la soco inaadan u isticmaali karin BBC kharashka qofka jaabkiisa laga bixiyo ee ceymiska ilkaha,aragga, iyo/ama adeedyada maqalka.
- Kuma isticmaali kartid kaarkaaga ATM ama inaad baaqi ku soo ceshato marka aad wax iibsaneyso.
Waxaad u isticmaali kartaa kaarkaaga inaad ku xirto lacag bixinta tooska ah oo aad xaqiijiso in khidmadaada caymiska ee bil'laha ah aad bixiso wakhtiga saxda ah bil walbo.
La xidhiidh shirkadaada caymiska si aad ugu hagaajiso lacag bixinta tooska ah ee Kaarkaaga Dukaamaysiga ee Dheefta:
- Kaysar: Booqo bogga intarnetka ee Kaiser Permanente.
- PacificSource: Booqo bogga intarnetka ee PacificSource.
- Moda: Ka wac adeegga macaamiisha Moda 1-503-243-3962 ama bilaashka ah 1-877-605-3229, u sheeg inaad tahay shaqaale guri, oo u sheeg inaad rabto inaad dejiso lacag-bixinno toos ah oo soo noqnoqoto.
- Providence: Ka wac biilasha Providence lambarka 1-503-574-5791 ama ku bixi khidamadaada bil'laha ee caymiska onleen ahaan — ee lacag bixinta khidmada ee ugu koowaad, isticmaal gujo-raacan oo dooro codsadayaasha shaqsiga iyo qoyska ee Cusub.
- Regence: Adeegga Macaamiisha 1-888-675-6570 / Bogga intarnetka ee Regence / Si aad akoon u furato, tag www.regence.com/member/registration.
Wixii lacag bixin ah, waxaan kugula talinaynaa inaad u isticmaasho kaarkaaga sida kaarka amaahda ee dukaamaysiga baddelka sidi kaarka dukaamaysiga ee caadig ah.
Maxaad u isticmaali kartaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta?
Khidmada ceymiska ee bil'laha ah |
Kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyo |
|
---|---|---|
Ceymiska Suuqa Iibsiga Ceymisyada ee La Oggalyahay |
Khidmada ceymiska ee bil'laha ahHAA! [Waxyaabo ayaa ka reebanaan karo, hoos eeg] La xiriir shirakadaada ceymiska si aad u diyaariso kaarkaaga oo aad u sameyso bixinta khidmada ceymiska ee tooska ah. |
Kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyoHAA! Kharashyada caafimaadka ee la dabaro (ilaa iyo gunnada BCC ee sanadlaha ah): – Lacag jaristaada ceymiska Suuqa Iibsiga Ceymisyada ee la oggalyahay – Khidmada ceymiska iyo lacagaha haraaga lacag jarista kadib, oo ay ku jiraan daawada dhakhtarka uu qoro ee ceymsika leh
|
Medicare |
Khidmada ceymiska ee bil'laha ahMAYA. Waxaad u baahan doontaa inaad isticmaasho hannaanka magdhawga ee khidmadahaaga ceymiska ee Medicare. Guji halkan si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah. |
Kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyoHAA! Kharashyada caafimaadka ee la dabaro (ilaa iyo gunnada BCC ee sanadlaha ah): – Lacag jarista ceymiskaaaga Medicare – Khidmada ceymiska iyo lacagaha haraaga lacag jarista kadib, oo ay ku jiraan daawada dhakhtarka uu qoro ee ceymsika leh |
Waxa ka reeban
- Haddii qoyskaagu uu ku jiro siyaasadaada ceymiska caafimaadka, ama
- Haddii aad hesho magdhawga khidmada ceymiska ee celceliska ah
Labada xaaladoodba, waxaad wali BCC u isticmaali kartaa kharashyada jaabka laga bixiyo ee ceymiska leh. Sikastaba ha ahaatee, waa inaad si toos ah u siisaa khidmadaada caymiska ee bil'laha ah shirkadaada ceymiska adiga oo isticmaalayo lacagahaada gaarka ah kadibna u gudbinaya foomka magdhawga Carewell SEIU 503.
Waxaa lagaa dalban karaa inaad keento cadeynta kharashyada jaabka laga bixiyo ee la dabaro, marka hubso inaad heysato dhammaan Dukumiintigaaga Sharaxaadaha Dheefaha (EOB) iyo rasiidhyada (gaar ahaan rasiidhyadaada qoraalka daawada, maadaama kharashyada daawada dhakhtarku qoro aysan ka muuqanin EOB-yada uu bixiyo shrikadaada ceymiska.
Meeqo ayaa ku jirto BCC?
Waxa ku jira labo akoon oo kala gaar ah BCC-gaaga: mid lagu bixinayo khidmadahaaga ceymiska (haddii ay jiraan), iyo mid kale oo loogu talagalay kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyo ee la dabaro.
Shaxdan waxay muujineysaa lacagta loo heli karo gunnada BCC (annual BCC allowance) ee sanadlaha ah ee kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyo ee la dabaro ilaa iyo bilowga barnaamijkan.
U soo gudbi codsi magdhaw ah Ameriflex (Maamulaha BCC)
U soo gudbi codsi magdhaw ah Ameriflex:
-
- Kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee caymiska leh haddii aad ka bixisay jeebkaaga
- Kharashyada Medicare ee jeebka laga bixiyo ee caymiska leh haddii aad ka bixisay jeebkaaga
- Khidmada Caymiska Bil'laha ah ee Caafimaadka – khidmada caymiska bil'laha ah ee saafiga ah ee ceymiska gaarka ah ee la aqoonsan yahay ee laga soo gato Goob-Suuqeedka Caymiska (ma ahan qorshaha caymiska qoyska, ma ahan magdhawga khidmadaha ceymiska ee bil'laha ah ee celceliska ah)
- Wixii ah magdhawga adeegyo aad qaadatay sanad hore, u gudbi foomka magdhawga Ameriflex adeegyada aad heshay ilaa iyo 12 bilood ee la soo dhaafay, haddii aad xaq u lahayd dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka.
Ku xirnoow Ameriflex!
Maareynta Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta ee ay bixisay Carewell SEIU 503 ayaa hadda fududaatay! Dhammaan adeeg kala baddelashadaada Ameriflex, waxaan aad ugu talinaa inaan akoon ka furato bogga Ameriflex. Waxaad isticmaali kartaa bogga intarnetka Ameriflex ee barta ameriflex.wealthcareportal.com si aad:
-
- u eegto haraaga ku jira Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta (BCC)
- u eegto taariikhdaada lacag bixinta
- ugu diro sheegashooyinka onleen ahaan
- aragto xaalada magdhawga
- u dalbato kaar baddel ah
3 tallaabo oo lagu fududeeyo maaraynta lacag bixinta BCC-gaaga
Furo Akoon
Ka furo akoonkaaga barta ameriflex.wealthcareportal.com.
Hagaajiso oo isticmaal MyPlanConnect.
Haddii aad isticmaasho BCC-gaaga MyPlanConnect ayaa si toos ah u soo qaban doonta Dukumiintiga Sharaxaadaha Dheefaha (EOB) ee adeeg kala baddelashadaada, mana u baahan doontid inaa dukumiinti dheeraad ah dirto.
Ka eeg faahfaahin iyo tilmaamo barta https://myameriflex.crunch.help/participants/Setting-Up-and-Using-MyPlanConnect.
Soo Dejiso App-ka
Marka aad hagaajisato akoonkaaga, kala soo deg app-ka MyAmeriflex barta myameriflex.com/participants/the-ameriflex-difference/mobile-app. App-ka Ameriflex wuxuu kuu oggolaanayaa inaad isticmaasho oo aad maamusho akoonkaaga isla markaasba!
Khayraadka Ameriflex
Isticmaalka bogga intarnetka ee Ameriflex iyo MyPlanConnect
Isticmaalka App-ka Taleefobnka ee Ameriflex
Khayraadka Kle ee Ameriflex
La xiriir Ameriflex
Wakiilada Ameriflex ayaa sidoo kale diyaar u ah inay kaa caawiyaan wicitaanka telefoonka Isniinta ilaa iyo Jimcaha 5am ilaa 6pm, iyo Sabtida 7am ilaa iyo 11am (PST) 1-888-868-3539.