Isticmaalka Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta
Dulmarka
Dheefaha Kharashka Daryeelka Caafimaadku waxay daboolaan 100% khidmadaha caymiska ee saafiga ah ee billaha ah ee qorshahaaga caymiska, ama qayb kamid ah khidmadahaaga Medicare. Dheefahani waxay sidoo kale bixiyaan lacag loogu talagalay kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee codsiyada kharashka ay daboosho qorshahaaga caymiska Goob-suuqeedka ee la ansixiyay, Medicare, dheefaha VA, CHAMPVA, ama TRICARE.
Waxaad ku maamushaa dheefahan Kaarkaaga Haboonaanta Dheefaha (BCC). BCC waa kaarka daynta oo Mastercard ah, oo laguu soo diray boostada waxaana maamula Ameriflex.
Kaarkaaga BCC wuxuu u shaqeeyaa sida kiridhit kaarka caadiga ah, marka laag reebo in:
- Kaarkaagu wuxuu ku kooban yahay isticmaalka lacagaha khidmadaha billaha ah ee ceymiska Goob-suuqeedka iyo kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee loogu talagalay qorshaha Goob-suuqeedka ee ay Carewell ansixisay, Medicare, dheefaha VA, CHAMPVA, ama TRICARE. Kharashyada caafimaadka ee la daboolay waxaa kamid ah kuwa lacagaha laga jari karo mushaharkaaha, lacag bixinada wadaaga ah, iyo kharashyada caymiska wadaaga ah, sida daawooyinka la daboolay.
- Maadaama BCC kaliya loogu talagalay kharashyada caafimaadka la daboolay, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad muujiso cadaynta kharashyadaada jeebka laga bixiyo. Fadlan hayso Sharaxaada Dheefaha (EOBs) iyo rasiidhada. Waa muhiim inaad hayso rasiidhadaada rijeetada aad shey-yeysatay maadaama kharashyada daawo qoristu laga yaabo ineysan kasoo muuqan EOB-yada shirkaddaada caymiska.
BCC looma isticmaali karo: Waxaa laga yaabaa inaad mas'uul ka noqoto dhaqaale ahaan dib u bixinta lacagaha Carewell SEIU 503 haddii kaarkaaga loo isticmaalo kharashyada aan la daboolin kharashyada caafimaadka.
Xusuus-qor Muhiim ah: Isha xaqiiqda ee dhammaan xeerarka iyo tilmaamaha Carewell—oo ay ku jiraan tilmaamaha sida loo isticmaalo BCC-gaaga—waxaa lagu sharaxay gudaha Hagaha Tabbabarka iyo Dheefaha Carewell. Haddii la ogaado farqi u dhexeeya tilmaamaha Carewell iyo kuwa la-hawlgalayaasha adeeg bixiyeyaasha ee Carewell (Ameriflex), tilmaamaha Carewell ayaa ka sarreyn doona xeerarka iibiyaha.
Mid kamid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee ku saabsan BCC ayaa ah haddii aad ka diiwaangashan tahay qorshaha shakhsiga ee Goob-suuqeedka, waxaad dejisan kartaa lacag-bixinta otomaatigga ah oo aadna xaqiijin kartaa in khidmadaada caymiska ee billaha ah loo bixiyo wakhtigii loogu talagalay bil kasta.
La xiriir shirkadaada caymiska Goob-suuqeedka si aad ugu hagaajiso lacag bixinta tooska ah Kaarkaaga Dukaamaysiga ee Dheefta:
- Kaiser: Booqo bogga intarnetka ee Kaiser Permanente.
- PacificSource: Booqo bogga intarnetka ee PacificSource.
- Providence: Ka wac biilasha Providence lambarka 1-503-574-5791 ama ku bixi khidmadaada bil’laha ee caymiska onleen ahaan — ee lacag bixinta khidmada ee ugu koowaad, isticmaal gujo-raacan oo dooro codsadayaasha shaqsiga iyo qoyska ee Cusub.
- Regence: Adeegga Macaamiisha 1-888-675-6570 / websaydka Regence / Si aad akoon u furato, tag www.regence.com/member/registration.
Maxaad u isticmaali kartaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta?
Haddii aad isticmaaleyso taleefoon, bidix u riix shaashada si aad u eegto qeybaha kale ee miiska.
| Khidmada ceymiska ee bil'laha ah | Kharashka uu qofka jeebkiisa ka sii bixiyo* | |
| Qorshaha Goob-suuqeedka ee La Anxisiyay Guji halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. | HAA! [Ka reebitaano ayaan ku dabaqmi kara, hoos eeg] La xiriir shirkadaada caymiska si aad ugu hagaajiso lacag bixinta tooska ah ee khidmadaha caymiska ee billaha ah kaarkaaga. | HAA! Kharashyada caafimaadka ee la dabaro (ilaa iyo gunnada BCC ee sanadlaha ah): – Lacag ka jarista qorshahaaga caymiska Goob-Suuqeedka ee la ansaxiyay – Kharashaadka ceymis wadaaga go'an iyo ka caymis wadaaga boqolleyda, oo ay ku jiraan daawo qoritaanada dhakhtareed ee uu ceymsiku daboolo |
| Medicare Guji halkan wixii macluumaad dheeraad ah. | MAYA. Waxaad u baahan doontaa inaad isticmaasho hannaanka magdhawga ee khidmadahaaga ceymiska ee Medicare. | HAA! Kharashyada caafimaadka ee la dabaro (ilaa iyo gunnada BCC ee sanadlaha ah): – Lacag ka jarista qorshahaaga caymiska Medicare – Kharashaadka ceymis wadaaga go'an iyo ka caymis wadaaga boqolleyda ee Medicare, oo ay ku jiraan daawo qoritaanada dhakhtareed ee uu ceymsiku daboolo |
| VA Benefits, CHAMPVA, TRICARE Guji halkan wixii macluumaad dheeraad ah. | MAYA. Khidmadaha caymiska ee billaha ah ee dheefaha VA, CHAMPVA, iyo TRICARE lama daboolo sida hoos imaata HCA. | HAA! Kharashyada caafimaadka ee la dabaro (ilaa iyo gunnada BCC ee sanadlaha ah): – Lacag ka jarista qorshahaaga caymiska ee La Xidhiidha Militariga – Kharashaadka ceymis wadaaga go'an iyo ka caymis wadaaga boqolleyda ee qorshaha caymiska ee Dadka La Xidhiidha Militariga, oo ay ku jiraan daawo qoritaanada dhakhtareed ee uu ceymisku daboolo |
*Akoonka BCC ee lacagta uu qofku jeebka ka baxiyo waxa kaliya oo loo isticmaali karaa shayada kor ku taxan. Sababtoo ah BCC-gaagu waxa uu daboolaa oo kaliya kharashaadka caafimaadka ee u-qalma, liiskani waxa uu ka duwanaan karaa isticmaalka kaadhka ee ku qoran websaydka Ameriflex ama ogeysiiska aad ka hesho Ameriflex marka aad hesho kaarkaaga. Tusaale ahaan, BCC looma isticmaali karo Bakhaarka FSA ama kharashaad kasta oo caafimaad oo aanu daboolin qorshahaaga caymiska. Haddii aad u isticmaasho BCC kharashaad kasta oo aan la oggolaanin, waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad dib ugu soo gudo Carewell SEIU 503 kharashaadkan.
Ka-reebitaannada Goob-suuqeedka
- Haddii qoyskaagu uu ku jiro qorshahaaga ceymiska caafimaadka, ama
- Haddii aad hesho dheefta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka
Labada xaaladoodba, waxaad wali BCC u isticmaali kartaa kharashyadaada shakhsi ahaaneed ee aad jeebka ka bixiso ee la daboolay. Sikastaba ha ahaatee, waa inaad si toos ah u siiso khidmadaada caymiska ee bil’laha ah shirkadaada ceymiska adiga oo isticmaalayo lacagahaaga gaarka ah kadibna aad Carewell SEIU 503 u gudbsio Foomka Sheegashada Magdhawga Khidmada Caymiska Bil’laha ah ee Caafimaadka. Marka laga shaqeeyo codsigaaga magdhawga, waxaa laguu soo diri doonaa jeeg wata cadadka khidmadaada caymiska ee bil’laha ah.
Meeqo lacag ah ayaa ku jirto BCC?
Waxaa jira 2 akoon oo kala duwan oo ku jira BCC-gaaga: 1 mid waxaa loogu talagalay bixinta lacagaha khidmadaha billaha ah ee caymiska (haddii ay ku khusayso), 1 mid kalena waxaa loogu talagalay kharashaadka caafimaad ee jeebka laga bixiyo ee la daboolay.
Shaxdan waxay muujineysaa lacagta loo heli karo gunnada BCC (annual BCC allowance) ee sanadlaha ah ee kharashka caafimaadka ee uu qofka jaabkiisa ka bixiyo ee la dabaro ilaa iyo bilowga barnaamijkan.
U soo gudbi codsi magdhaw ah Ameriflex (Maamulaha BCC)
U soo gudbi codsi magdhaw ah Ameriflex ee loogu talagalay:
- Kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee caymiska leh haddii aad ka bixisay jeebkaaga.
- Kharashyada Medicare ee jeebka laga bixiyo ee caymiska leh haddii aad ka bixisay jeebkaaga.
- Kharashaadka jeebka laga bixiyo ee la daboolay ee Dheefaha VA, CHAMPVA, ama TRICARE haddii aad ku bixisay lacagtaada (lacag celin dib uga bilaabanaysa Janaayo 1, 2026, HADDII aad waqtigaas u qalantay Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka).
- Khidmada caymiska billaha ah ee caafimaadka ee saafiga ah ee qorshayaasha shaqsiyeed ee la ansixiyay ee laga iibsaday Goob-suuqeedka oo aad adigu bixisay (ma aha qorshe qoys, mana aha lacag celin ku meel gaar ah oo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ah).
- Adeegyadii la helay sannadkii hore, u gudbi foomka magdhawga Ameriflex adeegyada aad heshay ilaa iyo 12 bilood ee la soo dhaafay, haddii aad xaq u lahayd dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. (Kuma jirto Dheefaha VA, CHAMPVA, ama TRICARE ee 2026)
Wixii ah dhamaan kharashaadka BCC, waa inaad u soo gudbiso caddayn Ameriflex. Fadlan hayso Sharaxaada Dheefaha (EOBs). Waa sidoo kale muhiim ah inaad hayso rasiidhadaada rijeetada aad shey-yeysatay maadaama kharashyada daawo qoristu laga yaabo ineysan kasoo muuqan EOB-yada shirkaddaada caymiska. Haddii aadan u soo gudbinin cadeynta dhamaan kharashaad BCC Ameriflex, waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad dib ugu soo gudo Carewell SEIU 503 kharashaadkan.
Ku xirnoow Ameriflex!
Maareynta Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta waa mid fudud!
Waxaa jira Linki Degdeg ah oo ku yaal koontadaada Ameriflex gudaha dhashboodkaaga MyCarewell503.
Haddii aadan horeyba ka gelin koontadaada MyCarewell503, raac linkigan:
-
- Markaad gasho, dhinaca midig ee dhashboodhkaaga, guji Ameriflex oo ku hoos taal QUICK LINKS (LINKIYADA DEGDEGA AH).
- Waxaad si toos ah ugu gudbaysaa koontadaada gaarka ah ee Ameriflex adigoo ka maraya dhashboodhkaaga MyCarewell503.
- Dhammaan macluumaadka dejinta Ameriflex ayaa si degdeg ah u diyaar ah si loogu xiriiriyo Ameriflex.
Waxaad isticmaali kartaa bogga intarnetka Ameriflex si aad:
-
- u eegto haraaga ku jira Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta (BCC)
- ugu xiriiriso akoonkaada qorshaha caafimaadka
- MyPlanConnect ayaa si otomaatig ah u meeleeya Sharaxaadda Dheefaha (EOB) ee macaamilkaada si uu u bixiyo dukumeentiga loo baahan yahay ee khidmaha Ameriflex
- u eegto taariikhdaada lacag bixinta
- ugu dirto sheegashooyinka onleen ahaan
- aad u cusbooneysiiso habkaaga lacag magdhawida
- u aragto xaalada magdhawga
- u dalbato kaar baddel ah
3 tallaabo oo lagu fududeeyo maaraynta lacag bixinta BCC-gaaga
Furo Akoon
Ka furo akoonkaaga barta myameriflex.com.
Hagaajiso oo isticmaal MyPlanConnect.
Haddii aad isticmaasho BCC-gaaga, MyPlanConnect ayaa si toos ah u soo qabanaya Dukumiintiga Sharaxaadaha Dheefaha (EOB) ee adeeg kala baddelashadaada, mana u baahan doontid inaa dukumiinti dheeraad ah dirto.
Ka eeg faahfaahin iyo tilmaamo barta https://myameriflex.crunch.help/participants/Setting-Up-and-Using-MyPlanConnect.
Soo Dejiso App-ka
Marka aad hagaajisato akoonkaaga, kala soo deg app-ka MyAmeriflex barta myameriflex.com/participants/the-ameriflex-difference/mobile-app. App-ka Ameriflex wuxuu kuu oggolaanayaa inaad isticmaasho oo aad maamusho akoonkaaga isla markaasba!
Khayraadka Ameriflex
Isticmaalka bogga intarnetka ee Ameriflex iyo MyPlanConnect
Isticmaalka App-ka Taleefobnka ee Ameriflex
Khayraadka Kale ee Ameriflex
La xiriir Ameriflex
Wakiilada Ameriflex ayaa sidoo kale diyaar u ah inay kaa caawiyaan wicitaanka telefoonka Isniinta ilaa iyo Jimcaha 5am ilaa 6pm, iyo Sabtida 7am ilaa iyo 11am (PST) 1-888-868-3539.
