Learn & Connect (Baro & Ku Xidho)
Taageerooyinka iyo waxbarashada ee dheefaha Carewell SEIU 503
Baro wax ku saabsan oona faham adduunka Dheefaha Carewell.
Nagula soo biir kulanka Dheefaha Carewell: Learn & Connect (Baro & Ku Xidho)!
Inta lagu jiro sanadka oo dhan, waxaan bixinnaa kullamo xog-isweydaarsi oo onlaynka ka dhaca oo aadna uga qaybqaadan karto adigoo ku sugan raaxada gurigaaga. Sidoo kale, inta lagu jiro xilliga Open Enrollment (taasoo guud ahaan dhacda inta u dhaxaysa Noofembar 1 – Janaayo 15), kooxdayada iyo la-hawlgalayaasha dheefaha waxay u safraan magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Oregon si ay u bixiyaan waxbarasho fool ka fool ah iyo taageero loogu talagalay bixiyeyaasha daryeelka ee doorbida xiriir fool-ka-fool ah.
La xiriir kooxda Dheefaha iyo bixiyeyaasha kale ee daryeelka!
Xog-isweydaarsiyadan sida onlaynka ah ku dhaca iyo dhacdooyinkani waxay bixiyaan fursado wanaagsan oo aad:
- Ku barato dheefaha kala duwan ee ay Carewell bixiso
- Ugu hesho jawaabo su’aalahaaga ku saabsan dheefaha Carewell iyo in dhibaatooyinka lagu xalliyo si fool ka fool ah
- Kula xiriirto bixiyeyaasha kale ee daryeelka
- Ku hesho tababar iyo taageero ku saabsan isticmaalka qalabkeenna iyo foomamka onlaynka ah
Hubi inaad si joogto ah u booqato boggan si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyay!
Miyaad raadinaysaa siyaabo kale oo aad wax uga barato mowduucyada la xiriira shaqada, dheefaha, iyo tababarka?
Kuwani waa kulammo bille ah oo hal saac soconaya oo ay martigeliso Oregon Home Care Commission (OHCC) iyadoo kaashanaysa Carewell SEIU 503. Isku-diiwaangeli inaad ka qeybgasho mid ka mid ah dhacdooyinka si aad u maqasho wargelinno muhiim ah, u hesho kheyraad, una weydiiso su’aalahaaga.
Ma loo baahan yahay Kulamada Waxbarashada Waxtarka leh ee Halka Saac soconaya?
Maya. Kulamada Waxbarashada Waxtarka leh ee Halka Saac ma aha tababar qasab ah, ka qaybqaadashaduna laguma xisaabinayo wax shuruudo tababar ah.
Ma la igu mushahar siinayaa haddii aan ka qaybqaato Kulanka Waxbarashada Waxtarka leh ee Halka Saac?
Maya.
Sideen u hagaajiyaa setinka luqadda?
Waxaa jira tilmaamo ku saabsan sida loo hagaajisto setinka luqadda oo ku qoran Ingiriisi, iyadoo turjubaan la heli karo, bilowga kulan kasta.
Maxaa dhacaya haddii aanan ka qaybqaadan karin dhacdada aan xiisaynayo?
Wax duubitaannada dhacdooyinka Kulanka Waxbarashada Waxtarka leh ee Halka Saac oo ayna la socdaan nuqullada soo-bandhigyada waxaa la soo geliyaa bogga OHCC dhowr toddobaad kadib dhacdada. Eeg boggan si aad u hesho agabyo. Fadlan ogow in duubista lagu heli karo oo keliya Ingiriisi.