Xeerarka u-qalmitaanka waxey is-beddelayaan markey tahay 1-da Oktoobar. Ogaaw waxey tan kaaga dhigan tahay.

Carewell SEIU 503 Guide to Training and Benefits (Hagaha Tabbabarka iyo Dheefaha ee Carewell SEIU 503) ee 2025 ee la cusboonaysiiyay ayaa hadda diyaar kuu ah!

Daryeel bixiyeyaasha ayaa dadaal ku bixyo, maalin kasta, inay taageeraan oo daryeelaan dadka kale. Carewell SEIU 503 ayaa halkan diyaar kuugu ah inay ku taageerto! Qoyska tabbabarka iyo dheefaha ay sida adag u hanteen daryeel bixiyeyaasha SEIU 503 ayaa koray 7-ti sano ee la soo dhaafay.

Marka, waxaan diyaarinay Hagahan cusub oo leh macluumaad muhiim ah oo ku saabsan dheefahaaga iyo tabbabarkaaga. Adeegyadan waxaa loo bixiyaa si cad oo la isku halleyn karo si ay kaaga caawiyaan inay ku siiyaan xasilloonida, caafimaadka, xirfadaha, iyo tabbabarka aad u qalanto.

Hagaha la cusbooneysiiyay waxaa ka mid ah macluumaad ku saabsan:

  • Carewell Kicks, dheef cusub oo siinaysa daryeel-bixiyayaasha kabo cusub oo bilaash ah oo simbirixada reeba ka dib markey bogaan shuruudooda tabbabarka.
  • Xeerka u-qalmitaanka dheefaha cusub waxa uu dhaqangalayaa Oktoobar 1, 2025.
  • Faahfaahinta ku saabsan dheefaha Wakhtiga Fasaxa ee Lacagta leh (PTO) sida habka loo codsado iyo goorta la filasho.
An image of the 2025 Somali version of the Carewell SEIU 503 Guide.

Gudaha Hagaha, waxaad kaloo ku arki doontaa Ogeysiisyada Soo koobida Dheefaha iyo Asturnaanta. Waxaa lagu heli karaa Ingiriis, Isbaanish, Ruush, Fiyatnaamiis, Shiinees La fududeeyay, Soomaali, Kuuriyaan, iyo Carabi.

Sida loo helo Hagaha:

Waxaad kula soo degi kartaa oo aad ku eegi kartaa onleen ahaan:

Haddii aad u baahan tahay in nuqul daabacan boostada laguugu soo diro, fadlan buuxi foomkan codsiga ah:

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir