Carewell SEIU 503 Kaiser Permanente Dental – Aalada Wada Xiriirka ee Dijitaalka ah
Waxa laga yaabaa inaad ku hesho fariin qoraal ah taleefonkaaga gacanta oo aad ka hesho Carewell Kaiser Permanente Dental kaas oo sidan u eg.
Tani ma ahan khiyaano! Waxaan rabnaa inaan hubinno in qof walba uu ogyahay dheefahooda ilkahaha, sidaas darteed waxaan isku dayeynaa habkan cusub ee wada xiriirka qoraalka ah si aan uga dhigno dhammaan macluumaadka ku saabsan ceymiskaaga Carewell Kaiser Permanente Dental mid aad isla markaaba heli karto!
Waa maxay?
Farriinta ayaa ku siinaysa ikhtiyaarka aad ku heli karto fariimaha qoraalka ah ee socda oo wata macluumaad shaqsiga loogu talagalay oo gaar ah oo la xidhiidha dheefta.
Markaad hesho fariin qoraal, gujinta xiriiriyaha ayaa kuu furi doonta akhbaaraatka shaqsiyan kuu gaarka ah ee leh:
- Warbixinada iyo xasuusinta ku saabsan ceymiskaaga ilkaha;
- Macluumaadka ku saabsan sida loo helo bixiyeyaasha Kaiser Permanente Dental ee gudaha iyo dibadda Aagga Adeegga Kaiser;
- Macluumaadka ku saabsan sida loo qabsado ballamaha;
- Macluumaadka ku saabsan sida loo helo magdhawyada;
- Fariimaha gaaban ee waxbarashada oo ku saabsan daryeelka ilkaha.
Looma baahna in la soo dejiyo app marka aad ayay u fududahay in la barto dhammaan wax kasta oo ku saabsan dheeftaada ilkaha!

Maxaad filan kartaa?
Meesha hadda la joogo, waxaan kaliya soo diraynaa wararka iyo warbixinada ku saabsan dheeftaada Carewell SEIU 503 Kaiser Permanente Dental, mana u isticmaalno kanaalkan inaynu soo dhigno macluumaadka ku saabsan dheefooyinka kale ee Carewell SEIU 503 sida PTO ama Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan dhammaan dheefaha Carewell, ka booqo waybsaydhkeena barta CarewellSEIU503.org. Waxaan balan qaadaynaa inaynu kaa badinin fariimaha qoraalka ah! Waxaad filan kartaa inaad hesho 2-3 fariimo qoraal ah bishii. Marnaba kuguma weydiin doonno macluumaadka shakhsiyeed (sida lambarka Sooshiyaal Sekuuritiga) kanaalkan dhexdiisa.
Fariimaha qoraalka ammaan ma yihiin oo ma iska xiri kartaa mustaqbalka?
Haa, qalabka wada xiriirka dhijitaalka ah waa ammaan wayna fududahay in la isticmaalo; wax app ah ama soo dejinta looma baahna waxaadna iska xiri kartaa wakhti kasta. Si loo hubiyo in macluumaadkaagu yahay mid badbaado ah, fariimaha helaya macluumaadka gaarka ah ee dheefaha la xiriira waxay kaaga baahan doonaan inaad u sameyso oo aad geliso lambar sireed.
Wax su'aalo ah maqabtaa?
Haddii aad qabtid wax su'aalo oo la xiriira qalabkeena wada xiriirka dhijitaalka ah ee cusub, fadlan nagala soo xiriir1-844-503-7348.