Xeerarka u-qalmitaanka waxey is-beddelayaan markey tahay 1-da Oktoobar. Ogaaw waxey tan kaaga dhigan tahay.

Carewell Kicks

Carewell Kicks: Kabo bilaash ah oo loogu talagalay Daryeel Bixiyeyaasha

Shaqada aad qabato waxay aad muhiim ugu tahay bulshadeena, waxaadna mudan tahay inaad badqab iyo raaxo ku hesho shaqada. Kabaha habboon waxay muhiim u yihiin ka hortagida simbirixada, ku fitaanka, iyo dhacitaanada shaqada. Kabaha wanaagsan waxay sidoo kale keenaan raaxo waxayna yareeyaan daalka ka dhasha taagnida badan ee shaqada. 

Carewell Kicks waa dheef cusub oo ku siinaysa kabo cusub oo simbirixada reeba ka dib markaad bogto shuruuda tabbabarkaaga.

Carewell Kicks: 

  • Waxay 100% bilaash u yihiin daryeel bixiyeyaasha dhamaystira shuruudooda tabbabarka shaqaalaha cusub ama waxbarashadda dadka wawayn (ama haysta shahaado shaqeynaysa). 
  • Waxay kugu ilaalinayaan shaqada waana kabo raaxo leh oo simbirixada reeba.  
  • Waxay u muuqdaan kuwa fiican waxaana lagu heli karaa 70 nooc ka badan oo ay soo saareen shirkado caan ah sida Reebok iyo Skechers. 

FAQs (Su’aalaha Inta Badan La Iska Waydiiso) ee Xaq U Yeelashada

Sidee ayaan xaq ugu yeelan karaa Carewell Kicks?

Shaqaalaha xaqa u leh:

  1. Waxay bogeen tabbabarka shaqaalaha cusub kadib Janaayo 1, 2024 ama
  2. Waxay bogeen waxbarashadda dadka wawayn* ama
  3. Waxay haystaan shahaado aqoonsi oo ka reebaysa waxbarashadda dadka wawayn, sida Shahaadada Hormarinta Xirfadda (Professional Development Certification, PDC).

* Ka eeg xaalada dhamaystirka tabbabarkaaga Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell).

Carewell ayaa kuu soo diri doonta iimayl wata gujo-raac aad ka doorato joog kaba ah markaad xaq u yeelato.

Waa maxay shahaadooyinka aqoonsiga ee ka dhaafitaanada?
Shahaadooyinka aqoonsiga ee ka dhaafitaanada waa inay shaqeynayaan (oo aysan dhicin). Waxaa ka mid ah:
  • Shahaadada Horumarinta Xirfada (Professional Development Certification, PDC) 
  • Shahaadada Daryeel Lagu Bixiyo Guriga oo La Hormariyay (Enhanced Homecare) ama Shahaadada Shaqaalaha Taageerada Shakhsiyeed (Personal Support Worker) 
  • Shahaadada Shaqaalaha Taageerada Shakhsiyeed ee Gaarka ah (Exceptional Personal Support Worker) 
  • Shahaadada Naafadda Afar-adimoodka Dhaqdhaqaaq ee Ku Tiirsan Hawo-siiyaha (Ventilator Dependent Quadriplegia, VDQ) 
  • Shahaadada Shaqaalaha Caafimaadka ee Dhaqameed (Traditional Health Worker)
CPR ma ahan shahaadooyinka aqoonsiga ee ka dhaafitaanada. 
Ma inaan bixiyaa kharashka kabaha?

Maya. Caregiver Kicks waxay ku heli karaan si bilaash ah daryeel bixiyeyaasha dhamaystiray shuruudaha.

Goormaan dalban karaa joogeyga kabo ee xiga?

Haddii aad dhameystirtay shuruudaha tababarkaaga, waxaad dalban kartaa joog kabo oo kale maalinta kowaad ee bisha 1 sano kadib taariikhdii la soo dhoofiyay dalabkaagii ugu horreeyay. Ku gal SR Max iimaylkaaga iyo magacaaga dambe si aad u dalbato joogaaga kabo ee xiga.

Tusaale: Joogaagii ugu horreeyay waxa la soo dhoofiyay Abriil 15, 2024. Waxaad dalban kartaa joogaaga xiga markey tahay Abriil 1, 2025 haddii aad dhameystirtay tababarkaaga.

Tusaale: Joogaagii kabo ee ugu horreeyay waxa la soo dhoofiyay Luulyo 6, 2025. Waxaad dalban kartaa joogaaga kabo ee xiga markey tahay Luulyo 1, 2026 haddii aad dhameystirtay tababarkaaga.

FAQs (Su’aalaha Inta Badan La Iska Waydiiso) ee Dalbashada

Kabo noocee ah ayaa la heli karaa?

Waxaa jira in ka badan 70 nooc oo kabo ah oo la heli karo si loo kala doorto kuwaas oo ay ku jiraan shirkadaha sida Reebok iyo Sketchers. Noocyada kabaha waxaa kamid ah kabo isboorti, kabo buud, kabaha hoosta alwaaxa ka ah, buudka aan xariga lahayn, iyo kuwa kale oo badan.

Sideen u dalbadaa kabahayga?

Waxaad iimayl ka heli doontaa Carewell markaad xaq u yeelato kabaha Carewell Kicks. Raac tilmaamaha iimaylka si aad u gasho, kadibna ka dooro joog kabo ah daliil-hayaha onleenka ah si aad u bilowdo hannaanka dalabka.

Intaan tago miyaan ka soo qaadan karaa kabahayga tukaanka?

Maya. Hannaanka dalbashada ee Carewell Kicks gebi ahaanba waa onleen. Haddii aad kala kulanto cillado cabbirka ama la eekaanshaha, waad celin kartaa kabaha waxaadna dooran kartaa kabo kale si bilaash ah. 

Kabahaaga waxay la imaan doonaan sumadda soo celinta FedEx oo aad u isticmaali karto inaad ku celiso kabaha. Haddii aad lumiso sumadaas, waxaad la xidhiidhi kartaa SR Max waxayna kuu soo diri doonaan mid cusub. Waxaad kala xidhiidhi kartaa lambarka 1-833-599-9621 ama info@srmax.com

Sidee ayay u shaqeeyaan kabo celinta iyo kabo baddelashada?

Haddii sabab kastaba ay ku anfici waayaan kabaha aad soo qaadatay, waxaad ku soo celin kartaa si bilaash ah waxaadna dooran kartaa kuwa kale.

Kabahaaga waxay la imaan doonaan sumadda soo celinta FedEx oo aad u isticmaali karto inaad ku celiso kabaha. Haddii aad lumiso sumadaas, waxaad la xidhiidhi kartaa SR Max waxayna kuu soo diri doonaan mid cusub. Waxaad kala xidhiidhi kartaa lambarka 1-833-599-9621 ama info@srmax.com.

Sideen kula xidhiidhaa si la iiga taageero dalabkayga?

Wixii su’aalo ah ee khuseeya xaq u yeelashada, ka wac ama iimayl ugu dir Carewell lambarka 1-844-503-7348 ama CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com.

Wixii su’aalo ah ee khuseeya dalbashada ama isticmaalka websaydhka Carewell Kicks, kala xidhiidh SR Max lambarka 1-833-599-9621 ama info@srmax.com.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir