
Laga bilaabo Sebtembar 29, 2025, macaamiisha Oregon Medicaid iyo Oregon Project Independence (OPI) waxay awood u lahaan doonaan inay sameystaan akoon Carina iyaga oo isticmaalaya aqoonsiga macmiilkooda (Prime Number).
Horaantii, macaamiisha Oregon Medicaid iyo OPI ee daryeelka ku dhex bixiya guryaha waxay u baahnaan jireen koodh xaqiijin oo ay ka helaan maareeyaha kiisaska si ay ugu biiraan Carina, balse arrinku sidaas ma sii ahan.
Si aad uga taageerto macmiilka sameynta akoon kadib Sebtembar 29, 2025:
1. Aad carina.org/homecare/medicaid/oregon/
2. Guji “Join for Free (Ugu Soo biir si Bilaash ah).”
3. Dhammaystir isku-diiwaangelinta akoonka ka ahaan “Consumer (Macmiil)” adigoo gelinaaya aqoonsiga macmiilka (Prime Number) ee ku qoran kaarka Oregon Health ID (Aqoonsiga Caafimaadka ee Oregon) ee macmiilka.
4. Macaamiishu hadda waxay soo boosti-gareyn karaan shaqooyin waxayna fariimo u diri karaan adeeg-bixiyeyaasha la heli karo ee jooga meela u dhaw.
Haddii aad dhibaatooyin la kulanto, fadlan wac 1-855-796-0605 ama booqo carina.org/contactus.
Carina waa 100% waa bilaash iyada oo loo marayo iskaashi ka dhexeeya Carewell SEIU 503, barnaamijka RISE Partnership, iyo SEIU Local 503, iyo sidoo kale Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon (Oregon Home Care Commission, OHCC). Dhammaan adeegsadayaasha Carina waa la xaqiijiyey aqoonsigooda.