Carina Ayaa Timid

Carina waa agab onleen ah oo bilaash ah oo laga helo Carewell SEIU 503 oo u sahlaya daryeel bixiyeyaasha inay isku beegaan macaamiisha daryeelka guriga ee Medicaid iyo Barnaamijka Dadka Waayeelka ah ee Oregon Lagu Taageero (OPI) ee u dhaw. Isticmaal Carina si aad ugu raadsato shaqooyinka maalinta dhan ah, niska ah, iyo daryeelka bukaanka muddada gaaban ee deegaankaaga. 

Ogoow: shaqooyinka la soo dhajiyo waxaa laga yaabaa inaan isla markaasba laga helin deegaankaaga.

Dooro qayb si aad wax badan uga ogaato Carina

Sida shaqo looga helo Carina
FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Iska Waydiiso) ee Carina
Nala Soo Xiriir

Sida shaqo looga helo Carina

Ogoow: wakhti xaadirkaan, agabka shaqo ku beegida onleenka ah ee Carina waxaa kaliya lagu heli karaa Ingiriis iyo Isbaanish. Carewell SEIU 503 ayaa kala shaqaynaysa Carina in lagu soo daro luuqadaha kale.

Su’aalaha Inta Badan Laiska Weeydiiyo Carina

Sideen iskuugu diiwaangeliyaa Carina?

Si aad u furato Carina daryeel bixiye ahaan waxaad u baahan doontaa lambarka adeeg bixiyaha ee haddadan shaqaynaya iyo cinwaankaaga iimaylka.

Si bilaash ah kaga soo biir Carina barta Carina.org.

Miyaad u baahan tahay caawin dheeraad ah? Daawo casharka muuqaalka ah ee hoose. Waxaad sidoo kale wici kartaa lambarka 1-855-796-0605 ama ka buuxin kartaa foomka caawinta barta carina.org/contactus. 

Maxaan looga soo dhejinin wax shaqooyin ah deegaankayga?

Carina waa agab onleen ah oo cusub oo laga helo Carewell SEIU 503, waxayna qaadan doontaa xoogaha wakhti ah ka hor inta aan shaqooyinka la soo dhejiyo laga helin gobalka oo dhan.

Hubi akoonkaaga had iyo jeer maadaama ay Carina ku soo darto macaamiil cusub oo la xaqiijiyay.

Sidee ayuu macmiilka iskaga diiwaangelinyaa Carina?

Si aad iskaga diiwaangeliso Carina sida macmiilka daryeelka guriga dhexdiisa ee Medicaid iyo Barnaamijka Dadka Waayeelka ah ee Oregon Lagu Taageero (OPI), waxaad u baahan doontaa inaad geliso lambarka xaqiijinta macmiilka ee hadda shaqeeya.

Lambarada iyo tilmaamaha la isku diiwaangeliyo waxaa ku siin doona maamulaha kiiskaaga, ama Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon (OHCC).

Maadama Carina ay ku cusub tahay Oregon, maamulayaasha kiiska ee degmooyin gaar ah ayaa laga yaabaa inaysan wali wadaagi karin lamarada.

Horay miyaad u sii haysatay lambarka xaqiijinta macmiilka? Macaamiisha waxay iska diiwaangelin karaan barta carina.org/homecare/medicaid/oregon.

Su’aalo miyaad qabtaa? La xiriir maamulaha kiiskaaga ama ka wac Carewell SEIU 503 lambarka 1-844-503-7348.

Miyaad ku isticmaali kartaa Carina luuqado aanan ka ahayn Ingiriis?

Wakhti xaadirkaan, agabka shaqo ku beegida onleenka ah ee Carina waxaa kaliya lagu heli karaa Ingiriis iyo Isbaanish. Carewell SEIU 503 ayaa kala shaqaynaysa Carina in lagu soo daro luuqadaha kale.

Miyaa la iiga baahan yahay inaan isticmaalo Carina?

Maya, inaad isticmaasho Carina si aad shaqo u hesho waa ikhtiyaari.

Waxaan haddadan ku jiraa Diiwaanka ay maamulaan Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon (OHCC). Miyay diiwaangelintayda si toos ah ugu soo wareegi doontaa Carina, misa waxaan u baahan doonaa inaan dib isku diiwaangeliyo?

Haa, xitaa haddii aad ku jirto Diiwaanka OHCC, waxaad u baahan doontaa inaad iska diiwaangeliso Carina haddii aad rabto inaad ku soo biirto.

Miyuu diiwaanka OHCC xirmi doonaa?

Waxaan filaynaa, waqti ka dib, Carina inay baddeli doonto diiwaanka jiray. Haddadaan la joogo uma u hayno waqti cayiman goorta uu xirmi doono diiwaanka OHCC.

Sidee ayay Carewell SEIU 503 ku dooratay Carina?

Sanadka 2019-ki heshiiska gorgortanka lagu galay, Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon, iyo SEIU Local 503 ayaa isla qaatay inay mudnaan leedahay in la hirgeliyo diwaan cusub oo loogu talagalay macaamiisha iyo adeeg bixyeyaasha iyada iskaashi lagala yeelanayo Carewell SEIU 503. Sidaas darteed, Carina, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo diwaan daryeel oo magac leh ku leh Washington, ayay u dooratay Carewell SEIU 503 inay fuliso shaqadaas. 

Nala Soo Xiriir

Iskaashi Lagu Bixinayo Daryeel Wanaagsan

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir