Carina waa agab onleen ah oo bilaash ah oo laga helo Carewell SEIU 503 oo u sahlaya daryeel bixiyeyaasha inay isku beegaan macaamiisha daryeelka guriga ee Medicaid iyo Barnaamijka Dadka Waayeelka ah ee Oregon Lagu Taageero (OPI) ee u dhaw. Isticmaal Carina si aad ugu raadsato shaqooyinka daryeelka ee maalinta dhan ah, niska ah, iyo kuwa ku meel-gaadhka ee deegaankaaga.
Qalabka onlaynka ee Carina waxaa lagu heli karaa isagoo ku baxaya Af-Soomaali.
Dooro qayb si aad wax badan uga ogaato Carina
Sida shaqo looga helo Carina
FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Iska Waydiiso) ee Carina
Sida shaqo looga helo Carina
Su’aalaha Inta Badan Laiska Weeydiiyo Carina
Sideen iskuugu diiwaangeliyaa Carina?
Si aad u furato Carina daryeel bixiye ahaan waxaad u baahan doontaa lambarka adeeg bixiyaha ee haddadan shaqaynaya iyo cinwaankaaga iimaylka.
Si bilaash ah kaga soo biir Carina barta Carina.org.
Miyaad u baahan tahay caawin dheeraad ah? Daawo casharka muuqaalka ah ee hoose. Waxaad sidoo kale wici kartaa lambarka 1-855-796-0605 ama ka buuxin kartaa foomka caawinta barta carina.org/contactus.
Sidee ayuu macmiilka iskaga diiwaangelinyaa Carina?
Laga bilaabo Sebtembar 29, 2025, macaamiisha Oregon Medicaid iyo Oregon Project Independence (OPI) waxay awood u lahaan doonaan inay sameystaan akoon Carina iyaga oo isticmaalaya aqoonsiga macmiilkooda (Prime Number).
Horaantii, macaamiisha Oregon Medicaid iyo OPI ee daryeelka ku dhex bixiya guryaha waxay u baahnaan jireen koodh xaqiijin oo ay ka helaan maareeyaha kiisaska si ay ugu biiraan Carina, balse arrinku sidaas ma sii ahan.
Si aad uga taageerto macmiilka sameynta akoon kadib Sebtembar 29, 2025:
1. Aad carina.org/homecare/medicaid/oregon/
2. Guji “Join for Free (Ugu Soo biir si Bilaash ah).”
3. Dhammaystir isku-diiwaangelinta akoonka ka ahaan “Consumer (Macmiil)” adigoo gelinaaya aqoonsiga macmiilka (Prime Number) ee ku qoran kaarka Oregon Health ID (Aqoonsiga Caafimaadka ee Oregon) ee macmiilka.
4. Macaamiishu hadda waxay soo boosti-gareyn karaan shaqooyin waxayna fariimo u diri karaan adeeg-bixiyeyaasha la heli karo ee jooga meela u dhaw.
Haddii aad dhibaatooyin la kulanto, fadlan wac 1-855-796-0605 ama booqo carina.org/contactus.
Carina waa 100% waa bilaash iyada oo loo marayo iskaashi ka dhexeeya Carewell SEIU 503, barnaamijka RISE Partnership, iyo SEIU Local 503, iyo sidoo kale Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon (Oregon Home Care Commission, OHCC). Dhammaan adeegsadayaasha Carina waa la xaqiijiyey aqoonsigooda.
Miyaa la iiga baahan yahay inaan isticmaalo Carina?
Maya, inaad isticmaasho Carina si aad shaqo u hesho waa ikhtiyaari.
Sidee ayay Carewell SEIU 503 ku dooratay Carina?
Sanadka 2019-ki heshiiska gorgortanka lagu galay, Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon, iyo SEIU Local 503 ayaa isla qaatay inay mudnaan leedahay in la hirgeliyo diwaan cusub oo loogu talagalay macaamiisha iyo adeeg bixyeyaasha iyada iskaashi lagala yeelanayo Carewell SEIU 503. Sidaas darteed, Carina, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo diwaan daryeel oo magac leh ku leh Washington, ayay u dooratay Carewell SEIU 503 inay fuliso shaqadaas.
Iskaashi Lagu Bixinayo Daryeel Wanaagsan