Ku Saabsan Rahaanada

Carewell SEIU 503 waa qoyska tabbabarka iyo dheefaha ay sida adag u hanteen shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee SEIU 503 si ay u hormariyaan noolashooda. Ka akhriso wax badan oo ku saabsan taariikhda Carewell iyo Hay'adaha kuwaas oo ka dhigaya wax walba macquul.

Carewell SEIU 503

Dheefaha

Sannadkii 2013, mid ka mid ah afartiiba shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed Oregon ma lahayn caymis daryeel caafimaad. Taasi waa sababta xubnaha SEIU 503 ay si adag ugu dagaallameen guusha 2013-2015 ee qandaraaska daryeelka guriga ee Gobolka Oregon, kaas oo hirgeliyay qaab cusub oo daryeel caafimaad kaas oo ka caawiya shaqaalaha daryeelka guriga ee Oregon iyo taageerada shakhsi ahaaneed ee xaqa u leh inay helaan caymis daryeel caafimaad oo la awoodi karo.

Sannadkaas, ururku wuxuu u oggalaaday laba hay'adood oo maaraynta shaqada ah: Hay'ada Kabitaanka Shaqaalaha Daryeelka Guriga ee Oregon, taas oo bixisa dheefaha Caawinta Kharashka Daryeelka Caafimaadka Carewell SEIU 503, iyoHay'ada Dheefaha Shaqaalaha Daryeelka Guriga ee Oregon, oo bixisa dheefaha Ilkaha, Aragga, Maqalka, Barnaamijka Caawinta Shaqaalaha, iyo Fasaxa lacagta Wato ee Carewell SEIU 503.

Carewell SEIU 503

Tabbabar

Muddo sanado ah, bixiyeyaasha daryeelka guriga waxay ogaayeen in habka ugu wanaagsan ee lagu hubin karo badbaado, daryeel tayo sare leh oo loogu talagalay dhammaan macaamiisha-iyo dariiqa shaqo ee dhammaan bixiyeyaasha—ay ahayd in lagu qalabeeyo daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shakhsi ahaaneed tababar caalami ah.

Sannadka 2018, shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee Oregon waxay isku yimaadeen shuraakada bulshada si ay gacan uga geystaan gudbinta sharciga Senate-ka 1534. Xeerkani wuxuu heerar u dejiyaa dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee Oregon si loo hubiyo inay leeyihiin xirfadaha, aqoonta, iyo karti ay ku bixiyaan daryeel iyo taageerooyin tayo leh. Sannadkii 2019, shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ayaa raadiyay inay aasaasaan Iskaashiga Tababarka ee SEIU 503, hay'ada maamulka shaqada ee bixisa Tabbabarka Carewell.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir