Daliil-hayaha Waxbarashadda Dadka Wawayn

Daliil-hayaha Koorsada Waxbarashadda Dadka Wawayn

Baro wax badan oo ku saabsan koorso bixitaannada Carewell ee looga baahan yahay shuruudaada CE.

Koorsooyinka Loo Baahan Yahay
wadar ahaan 4 saacadood – Waa in loo qaataa dhamaan habraaca hoos loogu qoray.           

Magaca Koorsada Nooca Mudddada Sharaxaadda
Dib u eegista Xuduudaha Xirfadeed (ENMQ01) Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 15 daqiiqo Koorsadan waxay dib u eegaysaa xuduudaha xirfadeed, sababta ay muhiim u yihiin, iyo waxa dhici kara haddii aadan ilaalin xuduudaha xirfadeed ee aad la leedahay macmiilka.
Dib u eegista Kasoo Warbixinta Xadgudubka iyo Dayaca (ENMQ02) Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 35 daqiiqo Koorsadan waxay dib u eegaysaa waxa ay ka dhigan tahay in la noqdo soo warbixye waajib ah, xaaladaha u baahan warbixin waajib ah, iyo dulmarka ku saabsan noocyada iyo calaamadaha digniinta ee xadgudubka iyo dayaca.
Dib u eegista Ka hortagga Khiyaanada Medicaid (ENMQ03) Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 10 daqiiqo Koorsadan waxay dib u eegaysaa waxa loo arko khiyaanada Medicaid iyo doorkaaga ka bixiye daryeel ahaan sida aad uga hortageyso.
Wacyigelinta Dhaqaneed (ENIC01) Aqoon Kororsiga Onleenka ah ee Uu Daadihiyo Macalinka 2 saacadood iyo 15 daqiiqo Koorsadani waxay u oggolaanaysaa bartayaasha inay sahamiyaan eexdooda, caqiidooyinkooda, iyo dhaqankooda iyagoo la sahminaya tababare Carewell iyo koox asaagooda ah.

Mawduucyada waxaa kamid ah:

• Sahminta qiiyaamyada shaqsiyeed iyo midka dhaqameed, eexda, nacaybka, iyo aragtiyada.
• Aqoonsashada siyaabaha dhaqanku u qaabeeyo caqiidooyinka, dhaqamada, iyo qiyaamyada.
• Wargelinta in ay jiraan waxyaabo ay iskugu mid yihiin oo ayna ku kala duwan yihiin dhaqamada dhexdooda.
• Aqoonsashada dhaqankeena(madeena), oo ay ku jiraan dhaqanka urureed.
• Aqoonsashada afarta marxaladood ee wacyigelinta dhaqanka.
Xirfadaha Dhaqameed (ENMC02) Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo Koorsadani waxay soo bandhigeysaa afar xirfadood oo dhaqameed waxayna sharaxeysaa muhiimadooda ku aaddan is-dhexgalka dhaqan ee wanaagsan.

Wax diirad-saarka dheeraadka ah ee koorsadani waxaa ka mid ah sida:

• Loo qiimeeyo xirfadahaaga isdhexgalka dhaqamada kala duwan, heerkaaga raaxo ku dareenka, koboca, iyo horumarka.
• Loo awoodo in la aqoonsado oona si furan looga hadlo kala duwanaanshaha dhaqameed iyo arrimaha la xiriira, iyadoo sidoo kale laga soo qaadanayo fikrado iyo macluumaad cusub dadka kale.
• Loo tixgeliyo fikrado iyo macluumaad cusub si loo kasbato oona loogu muujiyo ixtiraam dadka dhaqan ahaan aad kala duwan tihiin.
• Loo sameeyo qorshe waxqabad oo ku saabsan sida loo kordhiyo wacyigaaga dhaqan, xirfadahaaga, iyo kartidaada.
• Loo fahmo sida niyaddu iyo wacyigelintu ay ugu muhiimsan yihiin adeegsiga xirfadaha dhaqanka.

Koorsadani waxaa lagu soo celcelin doonaa inta lagu jiro geedi-socodka xirfaddeed ee adeeg-bixiyeyaasha si ay weligood u sii wadaan qiimeynta korriinka xirfaddooda ku aaddan kartida dhaqameed iyo inay go’aamiyaan meelaha ay doonayaan inay xoogga saaraan si ay u sii koraan.
Table Plugin

↑ Dib ugu laabo qeybta sare ee bogga

Koorsooyinka la kala doorto

Koorsooyinka la kala doorto waxay u oggolaanayaan bixiyeyaasha daryeelka inay doortaan mowduucyada ugu habboon uguna xiisaha badan si ay u horumariyaan cilmigooda iyo awooddooda ay ku siiyaan macaamiisha daryeel tayo leh. Liiskan koorsooyinka laka la doorto ayaa sii wadi doona inuu sii kordhi si loogu soo daro mowduucyo badan.

Qaybaha koorsooyinka waa sidan soo socota:

  • ADL: Hawqabashada Noolaansho Maalmeedka, oo ay ku jiraan nadiifinta iyo hawl ka qabashada guriga
  • CCE: Aqoon Dhaqameedka La Dooran Karo
  • COM: Xirfaddaha Isgaarsiinta iyo Hab-dhaqamada Shakhsi ahaaneed
  • IDD: Naafonimooyinka Xiska iyo Korriinka
  • MED: Eray-bixinta Caafimaadka, mawduucyada caafimaadka, iyo nidaamyada jidhka
  • MNT: Wacyigelinta iyo Xanuunada Caafimaadka Dhimirka
  • SFT: Badqabka iyo Kahortagga Caabuqa
  • SLF: Is-daryeelka iyo Maareynta Walbahaarka

Haddii aadan hubin meesha aad ka bilaabayso, eeg Raadraacida Qeybaha Daruuriga ah si aad u hesho koorsooyin la dooran karo ee lagu taliyay.

*Waxay muujineysaa koorsada Raadraacida Qeybaha Daruuriga ah ee lagu taliyay.

Magaca Koorsada iyo Qeybta Nooca Mudddada Sharaxaadda
Xeeladaha Cunto Karinta ee Aasaasiga ah (SOM630), ADL Onleenka ah ee Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Koorsadani waxay diiradda saareysaa xirfadaha iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah wax karinta wax ku oolka leh, oo ay ku jiraan:
• Qalabyada iyo agabyada jikada
• Diyaarinta cuntada iyo farsamooyinka jarjarida
• Hababka wax ku karinta kuleylka qallalan iyo midka qoyan
Nidaamyada Jirka 1 (SOM211), MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Cutubkan wuxuu daryeel bixiyaha u soo bandhigayaa jirka aadanaha. Habdhis kasta oo jireed, qaybaha jirka iyo shaqadooda, dhibaatooyinka caamka ah, iyo cilladaha ayaa lagu daboolayaa. Habdhiska jirka ee ku jira cutubkan waxaa ka mid ah:
• Habdhiska muruq-lafeedka
• Habdhiska wareegga dhiigga
• Habdhiska dheefshiidka
• Habdhiska neefsashada
• Habdhiska neerfaha
• Habdhiska lakabka kore ee difaaca jirka

Marka lagu daro, mawduucyada soo socdaan ayaa la daboolayaa:
• U-kuur-gelida iyo kasoo warbixinta
• Xaaladaha degdega ah ee caafimaad
Nidaamyada Jirka 2 (SOM212), MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Cutubkan wuxuu daryeel bixiyaha u soo bandhigayaa jirka aadanaha. Habdhis kasta oo jireed, qaybaha jirka iyo shaqadooda, dhibaatooyinka caamka ah, iyo cilladaha ayaa lagu daboolayaa. Habdhiska jirka ee ku jira cutubkan waxaa ka mid ah:
• Habdhiska taranka
• Habdhiyada dheecaannada difaaca jirka and kan difaaca jirka
• Habdhiska hormoonnada
• Habdhiska kaadi-mareenka

Badqabka Cuntada (SOM401)*, SFT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo Xanuunada ka dhasha cuntada waa kuwo aad raaxo darro laga dareemo, mararka qaarkoodna waxay ku sababi karaan dhimasho quutayaal badan. Si loo bixiyo taageero badqab leh oona tayo leh, bixiyeyaasha daryeelka waa inay awoodaan inay ku dhaqmaan habraacyada badbaadada cuntada xaalad kasta oo la xiriirta maaraynta cuntada. Xaaladahani waxaa ka mid ah soo iibinta, kaydinta, nadiifinta, iyo diyaarinta cuntada.

Cutubkan waxaan ku qaadan doonaa waxyaabaha soo socda:
• Sharaxida muhiimadda badqabka cuntada
• Falanqeeynta sida caafimaadka iyo nadaafaddu door muhiim ah ugu leeyihiin diyaarinta cuntada.
• Qeexidda xanuunada ka dhasha cuntada iyo sida looga hortago.
• Go’aaminta waxa uu yahay wasakhowga iyo wasakhowga isdhaafka ah.
• Aqoonsashada heerkullada lagu taliyay si loogu dillo jeermiska keena cudurrada iyo sida looga fogaado aagga khatarta ah.
• Ugu danbeyntiina, waxaan go’aamin doonaa talooyinka nadiifinta iyo jeermis-dilidda si adiga iyo macaamiishu aad u ahaataan kuwo badqaba.
Dhaqamada Ugu Wanaagsan ee Guri Hagaajinta (SOM610)*, ADL Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo Ku ilaalinta guriga si nadiifsan waa qayb muhiim ah oo ka mid ah ku ilaalinta dadka badqab iyo caafimaad-qab. Koorsadani waxay diiradda saari doontaa liis dhammaystiran oo ah hawlaha guriga ee laga yaabo inay ka soo muuqdaan liiska shaqada ama heshiiska adeegga marka adeeg-bixiyuhu uu la shaqeynayo macmiil jooga gurigooda. Agabyada waxaa ku jiri doona macluumaad iyo hababka ugu wanaagsan ee nadiifinta, jeermis-dilida, abaabulida, alaab kala hagaajinta guriga, iyo sida loogu wajaho dhammaan hawlahan si qofku uu u dub-dhexaad ugu yahay.
Wax Ka Barashada Waxa Ku Saabsan Cillada Xanuunka Ootisimka (SOM011), IDD Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadu waxay u soo bandhigaysaa bixiyeyaasha daryeelka Cillada Xanuunka Ootisimka. Waxaa lagu bartaa sababaha caamka ah, calaamadaha iyo astaamaha, daawaynta suurtagalka ah, iyo tusaalooyinka adeegyada iyo taageerada caadiga ah ee loo baahan yahay.

Koorsadani waa qayb ka mid ah taxane.
Barashada Wax Ku Saabsan Cudurka Down Syndrome-ka (SOM012), IDD Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadu waxay u soo bandhigaysaa bixiyeyaasha daryeelka Cuddurka Down Syndrome-ka. Waxaa lagu bartaa sababaha caamka ah, calaamadaha iyo astaamaha, daawaynta suurtagalka ah, iyo tusaalooyinka adeegyada iyo taageerada caadiga ah ee loo baahan yahay.

Koorsadani waa qayb ka mid ah taxane.
Barashada Wax Ku Saabsan Xanuunka Khamriga ee Uurjiifta (SOM013), IDD Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadu waxay u soo bandhigaysaa bixiyeyaasha daryeelka Xanuunka Khamriga ee Uurjiifta. Waxaa lagu bartaa sababaha caamka ah, calaamadaha iyo astaamaha, daawaynta suurtagalka ah, iyo tusaalooyinka adeegyada iyo taageerada caadiga ah ee loo baahan yahay.

Koorsadani waa qayb ka mid ah taxane.
Barashada Wax Ku Saabsan Cillada Hiddo-sidaha (SOM014), IDD Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadu waxay u soo bandhigaysaa bixiyeyaasha daryeelka Cillada Hiddo-sidaha. Waxaa lagu bartaa sababaha caamka ah, calaamadaha iyo astaamaha, daawaynta suurtagalka ah, iyo tusaalooyinka adeegyada iyo taageerada caadiga ah ee loo baahan yahay.

Koorsadani waa qayb ka mid ah taxane.
Barashada Wax Ku Saabsan Naafooyinka Xiska iyo Korriinka (SOM001), IDD Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo Cutubkan wuxuu qeexi doonaa IDD wuxuuna sahmin doonaa waxa aan ka naqaanno naafonimada xiska iyo korriinka ee aan lahayn wax cuddur-oggaansho gaar ah. Cutubkan waxaan ku baran doonaa sababaha la tuhunsan yahay iney ka danbeeyaan, calaamadaha iyo astaamaha, daaweynta suurtagalka ah, iyo tusaalooyinka adeegyada iyo taageerada caadiga ah ee loo baahan yahay.

Koorsadani waa qayb ka mid ah taxane.
Barashada Wax Ku Saabsan Cillada Hiddo-sidaha ee Jidhka Asiibta (SOM015), IDD Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadu waxay u soo bandhigaysaa bixiyeyaasha daryeelka Cillada Hiddo-sidaha ee Jidhka Asiibta. Waxaa lagu bartaa sababaha caamka ah, calaamadaha iyo astaamaha, daawaynta suurtagalka ah, iyo tusaalooyinka adeegyada iyo taageerada caadiga ah ee loo baahan yahay.

Koorsadani waa qayb ka mid ah taxane.
Barashada Wax Ku Saabsan Cillada Hiddo-sidaha ee Asiibta Korriinka Maxkaxda (SOM016), IDD Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadu waxay u soo bandhigaysaa bixiyeyaasha daryeelka Cillada Hiddo-sidaha ee Asiibta Korriinka Maxkaxda. Waxaa lagu bartaa sababaha caamka ah, calaamadaha iyo astaamaha, daawaynta suurtagalka ah, iyo tusaalooyinka adeegyada iyo taageerada caadiga ah ee loo baahan yahay.

Koorsadani waa qayb ka mid ah taxane.
Barashada Wax Ku Saabsan Dhaawac Jahwareereedka Maskaxeed (TBI) (SOM017), IDD Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadu waxay u soo bandhigaysaa bixiyeyaasha daryeelka Dhaawac Jahwareereedka Maskaxeed (TBI). Waxaa lagu bartaa sababaha caamka ah, calaamadaha iyo astaamaha, daawaynta suurtagalka ah, iyo tusaalooyinka adeegyada iyo taageerada caadiga ah ee loo baahan yahay.

Koorsadani waa qayb ka mid ah taxane.
Eray Bixinta Caafimaadka ee loogu talagalay Daryeel Bixiyayaasha (SOM220)*, MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Bixiyeyaasha daryeelka waxay taageeraan oo ka caawiyaan macaamiisha hawlo badan oo ku lug leh ereybixinta caafimaadka. Fahmidda ereybixinta caafimaad ee aalaaba la adeegsado waxay ka dhigaysaa shaqada bixiyaha daryeelka mid fudud waxayna ka caawisaa inay bixiyaan daryeel ammaan badan leh. Koorsadani waxay dabooli doontaa ereybixin caafimaad oo aalaaba la adeegsado oo la xiriira daryeelka dadka waaweyn, macaamiisha la kulma naafonimada xiska iyo korriinka, iyo macaamiisha la kulma xanuunka dhimirka.

Fiiro gaar ah ayaa la siin doona magac soo gaabinada iyo tilmaamaha inta badan lagu dul arko daawooyinka.

• Kala qeybinta iyo isku darka ereyada iyadoo la adeegsanayo qeybta ugu mihiimsan ee erayga, horgalayaasha, iyo dibgalayaasha.
• Qaab-dhismeedka iyo habdhiska jirka.
• Eray-bixinnada daawada ee aalaaba la adeegsado.
• Isku-dubaridka dhammaanteed iyo hubinta aqoonta.
• Siyaabaha loogu tababar-qaato waxbarashada.
Si Xun U Isticmaalida Daawada Dhakhtarku Qoro (SOM221), MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Daawooyinka dhakhtarka qoro iyo walxaha daaweynta badanaa waa la iska indhatiraa inay yihiin walxo qabatin leh.

Koorsadani waxay sahmineysaa:
• Taariikhda daawooyinka sida khaldan loo qaato.
• Daawooyin dakhtarka qoro iyo walxaha gaar ah ee sida weyn u noqon kara kuwo qabatin leh.
• Macluumaad loogu talagalay bixiyaha daryeelka si uu si wanaagsan ugu qalabeysnaado inuu garto calaamadaha iyo astaamaha si khaldan u cunista daawooyinka iyo isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooyinka.
Isticmaalka Habboon ee PPE (SOM402)*, SFT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadan waxeey dabooleysaa kuwan soo socda:
• Noocyo kala duwan ee qalabka ilaalinta shakhsi ahaaneed (PPE).
• Goorta iyo sida loo isticmaalo nooc kasta oo shay.
• Habka saxda ah ee loo xidho la iskagana siibo PPE-ga.
• Halka laga heli karo PPE.
• Xeerarka hadda jira ee la xiriira PPE.
Adeegyada Ku Saleysan Meelaha Uu Qofku Ku Xooggan Yahay –Qeybta 1 (SOM310)*, COM Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Yoolka koorsadan waa in la soo bandhigo falsafadda adeegyada ku salaysan halka uu qofku xoog badan yahay iyo in la bilaabo dhisidda faham ku saabsan sida loo bixiyo adeegyada iyadoo lala jaanqaadayo aragtida ku salaysan xoogga. Waxay dabooli doontaa meelaha uu qof kastaa ku xooggan yahay, iyo sida loogu adeegsado meelahaas uu ku xoogan yahay in lagu dhiso xirfado. Waxaa la xoojiyay hal-abuurka lagu aqoonsanayo meelaha uu qofku ka xooggan yahay iyo la dhisidda xiriirka macaamiisha iyo qoysaskooda. Koorsadu waxay soo bandhigeysaa dhowr xaaladood si loo bixiyo fursado loogu tababar-qaato isticmaalka luqadda koowaad ee qofka iyo ku tababar-qaadashada beddelidda aragtida iyadoo laga soo guurayo maskaxda ku saleysan tabar-darrada loona guurayo maskax ku saleysan meelaha uu qofku ku xoog iyo karti badan yahay.
Adeegyada Ku Saleysan Meelaha Uu Qofku Ku Xooggan Yahay –Qeybta 2 (SOI311)*, COM Aqoon Kororsiga Onleenka ah ee Uu Daadihiyo Macalinka 3 saacadood Yoolka koorsadan waa in si dheeraad ah loo sii sahmiyaa falsafadda adeegyada ku salaysan halka uu qofku xoog badan yahay iyo in la bilaabo dhisidda faham ku saabsan sida loo bixiyo adeegyada iyadoo lala jaanqaadayo aragtida ku salaysan xoogga. Koorsadan waxeey sahmineysaa sida daaha looga rogo meelaha uu qof kastaa ku xooggan yahay, iyo sida loogu adeegsado meelahaas uu ku xoogan yahay in lagu dhiso xirfado. Waxaa la xoojiyay hal-abuurka lagu aqoonsanayo meelaha uu qofku ka xooggan yahay iyo la dhisidda xiriirka macaamiisha iyo qoysaskooda. Koorsadu waxay bixineysaa fursado loogu tababar-qaato isticmaalka luqadda koowaad ee qofka iyo ku tababar-qaadashada beddelidda aragtida iyadoo laga soo guurayo maskaxda ku saleysan tabar-darrada loona guurayo maskax ku saleysan meelaha uu qofku ku xoog iyo karti badan yahay. Adeegyada Ku Saleysan Meelaha Uu Qofku Ku Xooggan Yahay – Qeybta 1 waa in la qaataa ka hor inta aan la qaadan koorsadan.
Maareynta Walbahaarka ee Daryeel Bixiyayaasha (SOM503)*, SLF Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo Koorsadani waxay siineysaa bartaha macluumaad ku saabsan walbahaarka, sida loo aqoonsado, iyo sida loo horumariyo hab-dhaqamo fudud si loola socdo loona maareeyo heerarka walbahaarka si ay isugu ilaaliyaan kuwo caafimaadsan.

Dhammaadka koorsadan, ardaydu waxay awoodi doonaan inay:
• Qeexaan walbahaarka oo ayna fahmaan fikradda maaraynta walbahaarka.
• Aqoonsadaan sababaha suurtagalka ah iyo waxyaabaha kiciya walbahaarka.
• Aqoonsadaan calaamadaha iyo astaamaha walbahaarka oona fahmaan xiriirka uu la lahaan karo caafimaadka guud.
• Aqoonsadaan farsamooyinka maaraynta walbahaarka iyadoo la adeegsanayo hawlaha yareeya walbahaarka.
• Dib ugu soo xasuustan qalabyada iyo hab-dhaqamada ugu wanaagsan ee lagu dari karo qorshaha maaraynta walbahaarka ee caafimaadka.
Waa Maxay Aqoonsigu? (SOM112)*, CCE Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 15 daqiiqo Koorsadani waxay siisaa qofka waxbaranaya macluumaad ku saabsan aqoonsiyada iyo isku-darka qeybaha aqoonsiga ee qofka, iyo sida aqoonta ku saabsan arrimahan ay u saameyn karto bixinta daryeel uu qofku u-dub-dhexaadka ka yahay iyo aragtiyada ku saleysan meelaha uu qofku ka xoogan yahay oona ku karti leeyahay.

Mawduucyada la daboolay waxaa kamid ah:
• Waa maxay aqoonsigu?
• Waa maxay kooxaha aqoonsiga/bulshada?
• Waa maxay ogaanshaha wax ku saabsan muhiimada aqoonsiga?
Waa maxay isku-darka qeybaha aqoonsiga ee qofka? (SOM113), CCE Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 15 daqiiqo Koorsadani waxay siisaa bartaha macluumaad ku saabsan aqoonsiga, mudnaan-siinta, gacan bidixeynta, iyo isku-darka qeybaha aqoonsiga ee qofka maadaama ay khuseeyaan macaamiisha iyo bixinta daryeelka. Waxeey kale oo ay sharaxeysaa sida aqoonta iyo wacyigelinta ku aadan isku-darka qeybaha aqoonsiga ee qofka ay wax uga qaban karaan daryeelka qofka uu u-dub-dhexaadka ka yahay iyo aragtida ku salaysan awoodaha.

Mawduucyada la daboolay waxaa kamid ah:
• Waa maxay aqoonsigu?
• Waa maxay mudnaan-siinta iyo gacan bidixeynta?
• Waa maxay caqabadaha ay qaar ka mid ah kooxaha la gacan bidixeeyo la kulmaan markey raadsanayaan daryeelka caafimaadka?
• Waa maxay isku-darka qeybaha aqoonsiga ee qofka, oo waa maxay sabab in la ogaado ay muhiim u tahay?
La shaqaynta Macaamiisha Aanan Hadlin (SOM325), COM Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Koorsadani waxay sahamin doontaa sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo macaamiisha xidhiidhka ku sameysa sida aan hadalka ahayn. Mowduucyada qaar waxaa ka mid ah:
• Taageerada iyo hab-dhaqamada caamka ah ee ka jira bulshada dhexdeeda.
• Hab-dhaqamada ugu wanaagsan ee loogu taageerayo qofka aanan hadal ahaanta ku xidhiidhi karin ee ku sugan goobaha dadweynaha.
• Siyaabaha kala duwan ee macaamiisha aan hadal ahaanta ku xidhiidhi karin ay ku xiriiri karaan, oo ay ku jiraan xulashooyinka tignoolajiyada ee la heli karo.
Table Plugin

↑ Dib ugu laabo qeybta sare ee bogga

Raadraacida Qeybaha Daruuriga ah
Hab-doorashadan koorsooyinka waxbarashadda dadka wawayn ah waxaa lagu bixiyaa mowduucyo kala duwan oo ku habboon dhammaan daryeel bixiyeyaasha waxayna buuxiyaan shuruudda 8-da saacadood ah ee loogu talagalay koorsooyinka la doorto.

Aad qeybta Koorsooyinka La Kala Doorto si aad wax badan uga akhriso koorso walbaa.

Magaca Koorsada Qeybta Nooca Mudddada
Badqabka Cuntada (ENM401) SFT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo
Dhaqamada Ugu Wanaagsan ee Guri Hagaajinta (ENM610) ADL Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo
Eray Bixinta Caafimaadka ee loogu talagalay Daryeel Bixiyayaasha (ENM220) MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo
Si Xun U Isticmaalida Daawada Dhakhtarku Qoro (ENM221) MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo
Isticmaalka Habboon ee PPE (ENM402) SFT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo
Adeegyada Ku Saleysan Meelaha Uu Qofku Ku Xooggan Yahay- Qeybta 1 (ENM310) COM Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad
Adeegyada Ku Saleysan Meelaha Uu Qofku Ku Xooggan Yahay- Qeybta 2 (ENI311) COM Aqoon Kororsiga Onleenka ah ee Uu Daadihiyo Macalinka 3 saacadood
Maareynta Walbahaarka ee Daryeel Bixiyayaasha (ENM503) SLF Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo
Waa Maxay Aqoonsigu? (ENM112) CCE Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 15 daqiiqo
Table Plugin

↑ Dib ugu laabo qeybta sare ee bogga

Koorsooyinka Cusub ee Dhawaan Soo Socda
Halkan waxaa ku qoran hordhaca koorsooyinka soo socda dhawaan. Wali ma ahan kuwo la heli karo, laakiin waxaa lagu dari doonaa liiska Koorsiinka La Kala Dooran Karo markey noqdaan kuwo la heli karo.

Labiska iyo hagaajinta nadaafadda shakhsi ahaaneed (SOM620), ADL Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 45 daqiiqo Koorsadani waxay ka hadlaysaa sida looga caawiyo bixinta adeegyada labbiska iyo hagaajinta nadaafadda shakhsi ahaaneed ee macaamiisha. Mawduucyada waxaa ka mid ah sida loo adeegsado daryeel uu qofku u dub-dhexaad u yahay, hababka looga wada hadlo arrimaha asturnaanta iyo xishoodka, xirfadaha isgaarsiinta, farsamooyinka dhaqdhaqaaqa jirka, talooyin muuqaal ahaan ah oo ku saabsan sida loogu labbiso qaybaha sare iyo hoose ee jirka macaamiisha, iyo hababka ugu wanaagsan ee loo qaadan karo caadooyinka daryeelka nadaafadda shakhsi ahaaneed ee qofka iyo sida loo tixgeliyo doorbidooda ku aadan badeecooyinka ay isticmaalayaan iyo habka daryeelka ay rabaaan.
Daryeelka Daba-dhamaadka Nolosha (SOM730), ADL Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadani waxay sharaxaysaa fikradda Daryeelka Lagu Wanaajiyo Tayada Nolosha, aragtiyaha la xiriira dhimashada, marxaladaha dhimashada, geerida iyo murugada, iyadoo sidoo kale aqoonsaneysa oo ixtiraameysa nidaamyada taageerada iyo rabitaanka qofka ee ku aadan dhammaadka nolosha.
Kahortagga Dhicitaanka iyo Caawinta (SOM420), SFT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadani waxay sharaxeysaa xeeladaha ka hortagga dhicitaanka iyo sababaha caamka ah ee ka danbeeya dhaawacyada soo gaara macmilka iyo bixiyaha daryeelka. Mawduucyada waxaa kamid ah: Fahmida sida dhicitaanadu u dhacaan, cidda halista ugu jirta dhicista, iyo tababar-qaadashada daryeelka uu qofku u-dub-dhexaadka u yahay marka laga caawinayo qof ka hortaggida dhicitaanka.
Badqabka Dabka iyo Koronta (SOM430), SFT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 15 daqiiqo Koorsadani waxay ka hadlaysaa khataraha dabka iyo korontada ee ka dhici kara guriga, iyo sida loola xiriiro macmiilka si loo xaqiijiyo inay badqabaan isla markaana si wanaagsan loogu daryeelo gurigooda dhexdiisa. Mawduucyada waxaa ka mid ah talooyin muhiim ah oo la raaco xilliyada lagu jiro xaaladaha degdegga ah, khataraha caamka ah ee ka dhasha dabka iyo korontada, sida loo isticmaalo qalabka dab-demiska, iyo habraacyada looga hortago loona daaweeyo gubashooyinka fudud.
Koritaanka & Horumarka 1: Xilliga Carruurnimada ilaa Qaangaarnimada (SOM231), MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Koorsadani waxay diiradda saareysaa qaybta koowaad ee koritaanka iyo horumarka aadanaha: laga bilaabo xilliga carruurnimada ilaa heerarka nolosha ee ilmanimada, xilliga socod-baradka, da’da dugsiga xanaanada, da’da dugsiga, iyo xilliga qaangaarnimada. Waxaan sharxi doonaa habka iyo marxaladaha horumarka iyo sababta ay noogu tahay muhiim annaga ka ahaan bixiyeyaasha daryeelka. Sidoo kale eeg: Kobritaanka iyo Horumarka 2: Habka Gabowga.
Koritaanka & Horumarka 2: Habka Gabowga (SOM232), MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Koorsadani waxay diiradda saareysaa qaybta labaad ee koritaanka iyo horumarka aadanaha: habka gabowga. Waxaan sharxi doonaa marxaladaha horumarka dadka waayeelka ah iyo sababta ay tani muhiim noogu tahay annaga ka ahaan bixiyeyaasha daryeelka. Sidoo kale eeg: Kobritaanka iyo Horumarka 1: Xilliga carruurnimada ilaa Qaangaarnimada.
Cuntooyinka Caalamiga ah (SOM631), ADL Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadan waxay daboolaysaa cuntooyinka iyo hababka cunto karinada kala duwan ee ka kala jira daafaha adduunka waxayna sharxeysaa sida juqraafi ahaan iyo dhaqan diimeed iyo mid dhaqameed ahaanba ay u saameeyeen hababkeena cunto karinta iyo cuntooyinka aan ka karsano guryaheenna. Waxaan ku dareynaa sifooyin xiiso leh oo ku saabsan hababka cunto karinta oo caalami ah iyo habraacyada cunto karinta ee loogu talagalay in lagu kariyo qaar ka mid ah cuntooyinka caanka ah ee kasoo kala jeeda gobollo kala duwan oo caalamka ka mid ah.
Hordhaca Cillada Xagga Luuqadda (SOM250), MED Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Koorsadan waxay ka hadlaysaa cillada uu qofku ka lahaan karo isku-tacaburida luqadda. Mowduucyada la daboolay waxaa ka mid ah waxa keena cillada xagga luuqadda, calaamadaha iyo astaamaha, iyo noocyada cilladaha xagga luuqadda. Waxaan sidoo kale sahminaa nolol maalmeedka qofka qaba xanuunka cillada xagga ku hadalka luuqadda iyo sida ugu wanaagsan ee bixiyaha daryeelka uu u taageeri karo.
Hordhac xanuunka Asaasaqa (SOM720), MNT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Koorsadani waxay daboolaysaa noocyada xanuunka asaasaqa iyo sida calaamadaha cudurka asaasaqu u horumaraan. Mawduucyada waxaa ka mid ah: habdhaqamada iyo astaamaha caamka ah ee lagu arko dadka qaba xanuunka asaasaqa; walxaha nawaaxiga deegaanka ee ammaanka ah taageerana leh ee loogu talagalay shakhsiyaadka qaba xanuunka asaasaqa; iyo siyaabaha qofka uu u-dub-dhexaadka u yahay ee diiradda saaraya sida loola hadlo loolana xiriiro dadka qaba xanuunka asaasaqa si loogu lug yeelo ADL-yadooda iyo daryeelkooda.
Wada Xiriirka Aan Hadalka Ahayn (SOM320), COM Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Wada xiriirka aan hadalka ahayn meel kasta ayay ka jirtaa—mararka qaarkood si cad ayay u muuqataa, mararka kalena ma sahlano in la ogaado. Koorsadani waxay ku siinaysaa habab wax ku ool ah oo aad ku garan karto tilmaamaha aan hadalka ahayn isla markaana aad u bixin karto daryeel uu qofku u dub-dhexaad u yahay. Waxaad sahmin doontaa saddex hab oo muhiim ah—macnaha guud, is-waafajinta, iyo isku-geynta tilmaamaha—si aad u fasirto tilmaamaha una aragto sawirka oo dhammaystiran, adigoo ku tabbabar-qaadanayo feejignaan, hamuun-qab, iyo xasaasi ahaanta dhaqameed. Sidoo kale waxaad baran doontaa xeelado isgaarsiin oo dhisa kalsoonida isla markaana xoojiya xiriirrada. Markaad adeegsato xirfadahan, kaliya isgaarsiin masameeneysid—waxaad abuureysaa waqtiyo kalsooni iyo karaamo leh oo si dhab ah maalin kasta isbeddel u sameeya.
Badqabka iyo U Diyaargarowga Xaaladaha Degdegga ah (SOM410), SFT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 1 saacad Koorsadani waxay daboolaysaa macluumaadka aasaasiga ah ee adiga, qoyskaaga, iyo macaamiishaadu aad ugu baahan tihiin si aad diyaar ugu noqotaan xaaladaha degdegga ah iyo masiibooyinka deegaanka marka aad ka shaqeyneyso gudaha Oregon. Iyadoo diiradda la saarayo sida loo xaqiijiyo badqabka macaamiisha, waxaan bixin doonnaa dulmar guud oo ku saabsan tilmaamaha badbaadada aasaasiga ah iyo kuwa xaaladaha degdegga ah, oo ay ku jiraan u diyaargarowga musiibooyinka, sameynta Qorshaha Diyaargarowga Xaaladaha Degdegga ah, iyo talooyin ku saabsan habdhaqamada ugu wanaagsan marka masiibo dhacdo.
Fahmida Walaaca (SOM717), MNT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadan, oo qayb ka ah taxanaha caafimaadkeena dhimirka, waxaa loogu talagalay inay kaa caawiso inaad dareento kalsooni dheeraad ah isla markaana aad si wanaagsan ugu diyaargarowdo adigoo sameenayo habab fudud oo maalinle ah oo aad ku taageereyso macaamiisha marka ay wajahaan waqtiyo adag, si ay u dareemaan ixtiraam, quwadeyn oona shucuur ahaan loo taageerayo. Haddii aad daryeesho dadka leh naafonimada xiska iyo korriinka, baahiyaha la xiriira gabowga, ama caqabado hab-dhaqameed iyo kuwo caafimaad dhimireed, waxaa suurtagal ah inaad la kulantay sida wlaacu u saameyn karo hawlaha maalinlaha ah. Mawduucyada waxaa ka mid ah aqoonsashada waxa uu walaacu yahay iyo sida uu u saameyn karo shakhsiyaadka aad taageerto, ka aqoonsashada calaamadaha caamka ah ee walwalka marka lagu jiro xaaladaha daryeel bixinta, iyo aqoonsashada mabaadi’da aasaasiga ah ee daryeelka uu qofku u dub-dhexaadka u yahay iyo daryeelka tixgeliya waayo'aragnimo nafsiyeed cabsida ay ku dheehan tahay si loo taageero dadka marka ay la kulmayaan wakhtiyo walaac leh.
Fahmida Niyad-jabka (SOM716), MNT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadan, oo qayb ka ah taxanaha caafimaadkeena dhimirka, waxay kaa caawineysaa inaad fahanto niyad-jabka isla markaana aad si wanaagsan ugu diyaar garowdo inaad daryeesho dadka la kulmaya saameynta ay leedahay. Waxaad baran doontaa waxa uu yahay niyad-jabku, calaamadaha iyo astaamaha ugu waaweyn, iyo noocyada kala duwan ee xanuunka niyad-jabka. Koorsadani sidoo kale waxay sahmisaa hababka daryeelka uu qofku u dub-dhexaadka u yahay iyo kuwa tixgeliya waayo'aragnimo nafsiyeedka cabsida ku dheehan, xulashooyinka daaweynta ee caamka ah, iyo xeelado wax ku ool ah oo lagu taageerayo dadka kale adigoo sidoo kale daryeelaya naftaada. Haddii aad daryeesho dadka leh naafonimada xiska iyo korriinka, baahiyaha la xiriira gabowga, ama caqabado hab-dhaqameed iyo kuwo caafimaad dhimireed, waxaa suurtagal ah inaad la kulantay sida niyad-jabku u saameyn karo hawlaha maalinlaha ah.
Fahmida PTSD (SOM715), MNT Onlaynka Uu Qofka Isa Siiyo 30 daqiiqo Koorsadani waxay ka hadlaysaa sida hab wax ku ool ah loogu taageero macaamiisha la nool Cudurka Jahwareerka Maskaxeedka ee ka dhasha Naxdinta (PTSD), iyadoo siineysa dhammaan noocyada bixiyeyaasha daryeelka ku bixiya guriga dhexdiisa faham dhammaystiran oo ku saabsan xanuunka. Koorsadani waxay qeexaysaa PTSD, waxay bixisaa taariikh kooban oo ku saabsan PTSD, waxay sahmisaa calaamadaha iyo astaamaha kala duwan ee PTSD, sidoo kalena waxeey sahmisaa xulashooyinka daaweynta ee caamka ah, waxayna ku baraysaa siyaabaha aad isugu diyaarin karto si aad u taageerto qof qaba PTSD. Koorsadani waa qayb ka mid ah taxanaha ku saabsan fahmida iyo taageerida dadka leh caqabadaha iyo cudurrada caafimaadka dhimirka.