Learn & Connect (Baro & Ku Xidho)
Taageerooyinka iyo waxbarashada ee dheefaha Carewell SEIU 503
Baro wax ku saabsan oona faham adduunka Dheefaha Carewell.
Nagula soo biir kulanka Dheefaha Carewell: Learn & Connect (Baro & Ku Xidho)!
Inta lagu jiro sanadka oo dhan, waxaan bixinnaa kullamo xog-isweydaarsi oo onlaynka ka dhaca oo aadna uga qaybqaadan karto adigoo ku sugan raaxada gurigaaga. Sidoo kale, inta lagu jiro xilliga Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) ee Goob-suuqeedka, kooxdayada iyo la-hawlgalayaasha dheefaha waxay u safraan magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Oregon si ay u bixiyaan waxbarasho fool ka fool ah iyo taageero loogu talagalay bixiyeyaasha daryeelka ee doorbida xiriir fool-ka-fool ah.
La xiriir kooxda Dheefaha iyo bixiyeyaasha kale ee daryeelka!
Xog-isweydaarsiyadan sida onlaynka ah ku dhaca iyo dhacdooyinkani waxay bixiyaan fursado wanaagsan oo aad:
- Ku barato dheefaha kala duwan ee ay Carewell bixiso
- Ugu hesho jawaabo su’aalahaaga ku saabsan dheefaha Carewell iyo in dhibaatooyinka lagu xalliyo si fool ka fool ah
- Kula xiriirto bixiyeyaasha kale ee daryeelka
- Ku hesho tababar iyo taageero ku saabsan isticmaalka qalabkeenna iyo foomamka onlaynka ah
Hubi inaad si joogto ah u booqato boggan si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyay!
Xog Is-weydaarsiyada Tooska ah ee Onlaynka ee Soo socda
Munaasabo badan ayaa lagu bixin doonaa luuqada Isbaanish, Ruush, Fiyatnaamiis, Shiine, iyo Ingiriis. Si joogto ah dib ugu eeg boggan si aad u hesho macluumaadkii ugu dambeeyay! Dhanka bidix u soco markaad isticmaalayso taleefonada casriga ah si aad u aragto mawduucyada kale ee aan bixino.
- Warbixinada Dheefaha iyo Su'aalaha iyo Jawaabaha Bil'laha ah
- Medicare iyo Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka 101 Waxbarashada
Yay tahay inuu ku soo biiro? — Dhammaan Shaqaalaha Daryeelka Guriga, Shaqaalaha Taageerada Shaqsiyeed, iyo Bixiyeyaasha Daryeelka Shaqsiyadeed
Maxay ku saaban tahay? — Carewell SEIU 503 waxay bixisaa dheefaha kala duwan oo ay ka mid yihiin Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, Fasaxa Mushaharka leh (PTO), Daryeelka Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Kaalmada Shaqaalaha. Baro wax badan oo ku saabsan dheefahan, hel wixii warar soo kordha oo ku saabsan shuruudaha u-qalmitaanka iyo adeegyada la bixiyo, una hel jawaabo su’aalahaaga.
Jadwalka (Dhanka bidix u soco si aad ugu eegto taleefonka casriga ah)
Yay tahay inuu ku soo biiro? —Shaqaalaha Daryeelka Guriga, Shaqaalaha Taageerada Shaqsiyeed, Shaqaalaha Daryeelka Shakhsiyeed, iyo xubnaha qoyskooda ee qorshaysanaya ama isku diyaarinayo inay iska diiwaangeliyaan Medicare ama kolhore iska diiwaangeliyay Medicare.
Maxay ku saaban tahay? —Kooxda Dheefaha ee Carewell iyo hay’addaha caymiska ee nala-hawlgalo, Valley Insurance Professionals, ayaa eegi doona waxyabaaha aasaasiga u ah Medicare iyo sida ka qaybgalayaasha xaqa u leh Medicare ay u isticmaali karaan dheefta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka.
Jadwalka (Dhanka bidix u soco si aad ugu eegto taleefonka casriga ah)
| Taariikh | Waqtiga | Luuqada | Linkiga Diwaangelinta | Taleefoon Lambarka ZOOM | Aqoonsiga ZOOM |
| Jimce, Juun 5 | 10-11 subaxnimo wakhtiga PST | Ingiriis | XIRIIRIYE | 1-253-215-8782 | 885 8254 7061 |
Sida loogu Biiro Xog Is-weydaarsiga Onlaynka ee Zoom
Haddii aad wax dhib ah kala kulantid ku soo biirida aqoon kororsiga onlaynka ah, fadlan soo wac 1-844-503-7348.
Taleefonka (maqal kaliya):
- Garaac lambarka taleefonka ee Zoom oo geli lambarka Aqoonsiga zoom
- Maskaxda ku haay in taleefon lambarada Zoom aysn ahayn kuwo bilaash lagu waco. Haddii aad isticmaasho lambarka la wacayo, adeeg biixiyaha taleefonkaaga ayaa kugu dalici doona khidmada sida wicitaanka taleefonka caadiga ah. Ka ogoow wax ku saabsan midan halkan.
Kumbuyuutar ama tablet ahaan:
- Si aad u daawato sida loo gashto looguna isticmaalo Zoom kombuyuutarkaaga ama tablet, tag halkan.
- Haddiiaad kolhoraba isku diiwaangelisay oo aad leedahay cinwaan iimayl:
-
-
- Tag iimaylka xaqiijinta ee kaaga yimid Carewell oo guji xiriiriyaha aqoon kororsiga onleenka ah si aad ugu soo biirto
-
- Haddiiaadan isdiiwaangelinin amaaadan lahayn cinwaan iimayl:
-
-
- Tag zoom.us, guji “Join A Meeting” (“Ku Biir Kulan”)
- Geli lambarka Aqooonisha Kulanka
- Guji badhanka “launch Zoom” (“Bilow Zoom”)
-
Taleefonka casriga ahaan:
- Tallaabada 1: Xaqiiji inaad ls oo degtayapp-ka Zoom ka hor inta aadan ku biirin aqoon kororsiga onleenka ah:
- Si aad u daawato sida loo gashto looguna isticmaalo Zoom taleefankaaga casriga ah, tag halkan.
- Si aad u daawato sida loo gashto looguna isticmaalo Zoom taleefankaaga casriga ah, tag halkan.
- Tallaabada 2:
- Haddii aad kolhoraba isku diiwaangelisay oo aad leedahay cinwaan iimay:
- Tag iimaylka xaqiijinta ee kaaga yimid Carewell oo guji xiriiriyaha aqoon kororsiga onleenka ah si aad ugu soo biirto
- Haddiiaadan isdiiwaangelinin amaaadan lahayn cinwaan iimayl:
-
- Tag zoom.us, guji “Join A Meeting” (“Ku Biir Kulan”)
- Geli lambarka Aqooonisha Kulanka
- Guji badhanka “launch Zoom” (“Bilow Zoom”)
-
- Haddii aad kolhoraba isku diiwaangelisay oo aad leedahay cinwaan iimay:
Miyaad raadinaysaa siyaabo kale oo aad wax uga barato mowduucyada la xiriira shaqada, dheefaha, iyo tababarka?
Kuwani waa kulammo bille ah oo hal saac soconaya oo ay martigeliso Oregon Home Care Commission (OHCC) iyadoo kaashanaysa Carewell SEIU 503. Isku-diiwaangeli inaad ka qeybgasho mid ka mid ah dhacdooyinka si aad u maqasho wargelinno muhiim ah, u hesho kheyraad, una weydiiso su’aalahaaga.
Ma loo baahan yahay Kulamada Waxbarashada Waxtarka leh ee Halka Saac soconaya?
Maya. Kulamada Waxbarashada Waxtarka leh ee Halka Saac ma aha tababar qasab ah, ka qaybqaadashaduna laguma xisaabinayo wax shuruudo tababar ah.
Ma la igu mushahar siinayaa haddii aan ka qaybqaato Kulanka Waxbarashada Waxtarka leh ee Halka Saac?
Maya.
Sideen u hagaajiyaa setinka luqadda?
Waxaa jira tilmaamo ku saabsan sida loo hagaajisto setinka luqadda oo ku qoran Ingiriisi, iyadoo turjubaan la heli karo, bilowga kulan kasta.
Maxaa dhacaya haddii aanan ka qaybqaadan karin dhacdada aan xiisaynayo?
Wax duubitaannada dhacdooyinka Kulanka Waxbarashada Waxtarka leh ee Halka Saac oo ayna la socdaan nuqullada soo-bandhigyada waxaa la soo geliyaa bogga OHCC dhowr toddobaad kadib dhacdada. Eeg boggan si aad u hesho agabyo. Fadlan ogow in duubista lagu heli karo oo keliya Ingiriisi.