Natiijooyinka Xaq U Yeelashada

r

Waxaa laga yaabaa inaad xaq u leedahay!

Akhbaar wanaagsan! Iyada oo ku saleysan jawaabahaaga, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto inaad hesho dheeftan haddii aad is-diiwaangeliso oo aad sameyso lacag-bixinta(nada) ceymiska ee Medicare Qaybta B iyo/ama Medicare Qaybta D, qorshayaasha ceymis ee Supplement, ama Advantage.

Waa kuwan tillaabooyinkaaga xiga

Sannad kasta, waxaad codsaneysaa Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Medicare adoo soo gudbinaya dukumentiyadan loo baahan yahay:

  • Qaybta B: warqadaada Sooshiyaal Sekiyuuritiga ama Biilkaada Khidmada Caymiska Bil’laha ah ee Medicare.
  • Qaybta D, Supplement, iyo/ama qorshaha Advantage: biilkaada khidmadaha caymiska ee sida billaha ah loo bixiyo

Ka eeg muunadaha biilasha khidmadaha caymiska ee sida billaha ah loo bixiyo halkan.

Waxaad u sameyn kartaa tan 1 ka mid ah 2 siyaabood:

1. Soo gudbi Foomka Codsashada Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Medicare: Foomkan waxa loo isticmaalaa in lagu soo gudbiyo dukumeentiyada loo baahan yahay si loo codsado in dib laguugu soo celiyo qayb ka mid ah khidmadaha caymiska sida billaha ah loo bixiyo ee Medicare oona loogu helo deeqo lacag kharashaadka caafimaadka ee uu qofka jeebkiisa ka bixiyo.

2. Si sugan u gal MyCarewell503.org (oo hadda lagu heli karo Ingiriis):

  • Guji “View or Update health Info (Eeg ama Cusbooneysii Macluumaadka Caafimaadka)” ama “policy (qandaraas caymis)” ee ku hoos qoran Medical Insurance Info (Macluumaadka Caymiska Caafimaadka) ee bogga Dhaashboodhka
  • Guji “add health insurance (ku dar caymis caafimaad)” ama “add another policy (ku dar qandaraas caymis oo kale)”
  • Haddii aad horeyba u lahayd qandaraas caymis, waxaad u baahan tahay inaad “Terminate this policy (Joojiso qandaraaskan caymis)” taariikhda ka horraysa wakhtiga uu bilaabmayo Medicare-kaaga ama maalinta u dambaysa ee bisha hadda lagu jiro oona gujisaa “Save (Keydi)” ka hor intaadan gujin “Add Another Policy (Ku dar Qandaraas Caymis oo Kale)”
  • Gudaha tusmada hoos u dhaadhaca “Policy Type (Nooca Qandaraaska Caymis)”, dooro waxaad ugu baahan tahay inaad cusboonaysiiso:
    • “Medicare B”; ama
    • “Medicare Part D, Advantage, ama qorshaha Supplement”
    • Geli taariikhda iyo qadarka khidmada caymiska ee sida billaha ah loo bixiyo

Haddii aad uga baahan tahay caawimo wakiilada caymiska ee la-hawlgalayaasheena jooga Valley Insurance Professionals (VIP) kaaga ah qorshaha Medicare, Supplement ama Advantage, buuxi Warqaddaha VIP ee Medicare. Foomamkani waxay siinayaan Valley Insurance Professionals ogolaansho sharci ah si ay kaaga caawiyaan cilmi-baaris ku samaynta, diiwaangelinta, iyo sii heysashada qorshahaaga caymiska ee Medicare Qaybta D, Supplement, ama Advantage. Si aad ballan u qabsato, naga soo wac lambarka 1-844-503-7348, 8am-6pm P ST, Isniin-Jimce.

Xusuusin

  • Ka dib marka aad shaqeyso 40 ama in ka badan oo saacadood oo caymisan 2 bilood oo isku xigta oo aadna soo gudbisay xaashiyahaaga wakhtiga, waxa aad haysataa 1 bilood oo sugitaan ah ka hor inta aysan dheefahaagu bilaaban.. Inta lagu jiro wakhtigan, Gobalka ayaa u soo gudbin doona saacadahaaga shaqada Carewell SEIU 503.
  • Waxaad waayeysaa xaq u yeelashadaada dheefaha haddii aad soo sheegto 0 saacadood oo shaqo ah 2 bilood oo isku xigta. Xeerarka u-qalmitaanka waxeey is-beddelayaan Oktoobar 1, 2025. Wax badan ka baro halkan.
  • Si aad xaq ugu yeelato dheefahan, Carewell SEIU 503 waa inay fayl ku hayso magacaaga, jinsigaaga, Lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga, taariikhdaada dhalashada iyo ciwaankaaga guri ee haddadan.

Xogtaada mar kasta ha ahaato midii ugu danbeysay.

Su’aalo miyaad qabtaa? Fadlan iimayl ahaan noogu soo dir iimaylkan CarewellSEIU503Benefits@RISEpartnership.com ama naga soo wac lanbarka 1-844-503-7348, 8 subaxnimo-6 maqribnimo wakhtiga PST, Isniin – Jimce.

Xaq miyaad u leedahay Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka?

Xaq miyaad u leedahay Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo EAP?

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir