MyCarewell503 waxay adeegsataa Create Technology si laguugu sameeyo bog aad gasho oo aad ka isticmaasho kana maarayso dheefahaaga Carewell SEIU 503. MyCarewell503 waxaa lagu heli karaa Ingiriis wakhti xaadirkan.

Isticmaalayaasha foomamka Ingiriisiga, marki la gaadho Luulyo 1, 2024, noocyada foomamka ee soo socda kuma sii jiri doonaan CarewellSEIU503.org. Macluumaadka wuxuu u baahan doonaa in lagu gudbiyo MyCarewell503:

  • W-9 Form (Foomka W9)
  • Foomka Codsiga Wakhtiga Fasaxa Lacagta Leh (PTO)
  • Foomka Sheegashada Magdhawga Khidmada Caymiska Bil’laha ah ee Caafimaadka
  • Foomka Sheegashada Magdhawga Khidmada Caymiska Bil’laha ah ee Medicare
  • Foomka Sixitaanka ee Canshuur Dhimista Khidmada Caymiska ee Hormariska ah
  • Foomka Lacag Wareejinta Elektrooniga ah
  • Foomka Macluumaadka Dheefaha
  • Foomka Ka-faa’iidaystaha
  • Foomka Ka dhaafitaanka Dheefaha
Sideen iskuugu diiwaangeliyaa MyCarewell503?

Gal MyCarewell503.org oo raac tallaabooyinka hoose:

  1. Guji Register as a New User (Isku Diiwaangeli Adeegsade Cusub Ahaan).
  2. Raac fariimaha shaashada soo koraya si aad u hagaajisato akoonkaaga. Geli Lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga oo riix Xiga.
  3. Xaqiiji in Lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga uu saxan yahay. Waxaad sidoo kale arki doontaa magacaaga. Geli ZIP Code-kaaga iyo Taariikhdaada Dhalashada kadibna riix Xiga.
  4. Akhri Qodobadda iyo Shuruudaha. Hoos u bax oo haddii aad oggoshahay, dooro “Waan Aqbalay Qodobadda iyo Shuruudaha” oo riix Xiga.
  5. Sameyso oo xaqiiji lambar sireed, kadibna geli cinwaanka iimaylkaaga. Dooro su’aasha ammaanka & jawaab. Kadibna riix Xiga.
  6. Ka dibna waxaa lagu waydiin doonaa inaad geliso lambarka taleefonkaaga, cinwaanka iimaylka, iyo nooca wada-xiriirka ee aad doorbidayso. Markaad bogto, riix Save Communication (Kaydi Wada-xiriirka) ama Continue Later (Sii Wad Hadhoow).
  7. Sifada astuurnaanta waxay u sahlaysaa adeegsadaha inuu doorto haddii uu rabo ama uusan rabin inuu la wadaago macluumaadkiisa dadka kale ee ku jira qorshihiisa caymis. Inaad furtid meeshan ayaa tilmaamayso inaadan rabin inaad macluumaadkaaga la wadaagto xubnaha kale ee ku jira qorshahaaga caymis. Riix Save Privacy (Kaydi Astuurnaanta) ama Continue Later (Sii Wad Hadhoow).
    Inaad doorato Save Privacy (Kaydi Astuurnaanta) ayaa soo gabagabayn doonta hannaanka diiwaangelinta.

*Ogoow: xusuuso inaad meel ammaan ah ku kaydsato magacaaga adeegsadaha iyo lambar sireedkaaga si aad uga tixraacdo haddii aad iloowdo!

Talo! Waxaad ciinwaanka iimaylkaaga u isticmaali kartaa inaad ka dhigato magacaaga adeegsadaha si ay u fududaato inaad xasuusato.

Table Plugin

Waxaan rajaynaynaa inuu kuu noqdo agabkan onleenka ah ee cusub mid habboon oo kuu sahlan inaad isticmaasho. Dabcan, waad na soo wici kartaa ama waxaad inoogu soo diri kartaa iimayl wixii su’aalo ah ama haddii aad u baahato taageero. Nagala soo xiriir lambarka 1-844-503-7348, Isniin – Jimce, 8 am – 6 pm PST ama iimayl noogu soo dir CarewellSEIU503Benefits@RISEpartnership.com.

Eeg boggan FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) haddii aad diyaar u tahay inaad sahmiso habkan cusub ee xiisaha badan si aad u hesho macluumaadkaaga Carewell SEIU 503.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir