Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Ku meel-gaarka ah

Carewell SEIU 503 waxay bixisaa dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka (HCA).

Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka waxay ka caawiyaan daryeel-bixiyeyaasha u qalma inay bixiyaan:

  • Khidmadaha saafiga ah ee billaha ah ee caymiska qorshaha caafimaadka shaqsiga ah (caafimaadka) ee ay ansixisay Carewell oo lagu bixiyo Goob-suuqeedka caymiska caafimaadka federaalka ama kan gobolka.
  • Kharashyada caafimaadka ee uu qofka jeebkisa ka bixiyo ee u qalma illaa dhammaadka sanadka, ilaa $8,000 sanadka 2026.

Haddii aad rabto inaad iska diiwaangeliso qorshe kujira Goob-suuqeedka, badanaa waa inaad sugtaa Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Caymiska Caafimaadka) (1-da Nofeembar ilaa 15-ka Diseembar). Si kastaba ha ahaatee, waxa laga yaabaa inaad u qalanto Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee ku gaarka ah haddii:

  • Waxaad u-qalmeysaa dheefaha Carewell SEIU 503 (Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawinta Shaqaalaha) ka dib markay dhamaatay Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah) ee ugu danbaysay, OO
  • Aad ka diiwaanshan tahay caymis aan la oggolayn oo aad ka heshay Goob-suuqeedka caymiska caafimaadka.

Tani waxay ka dhigan tahay inaad heli karto lacag-celin bille ah oo loogu talagalay khidmadaha caymiska caafimaadka ilaa $728 bishii sanadkan 2026, iyo caawimaad ku aadan bixinta kharashyada caafimaadka ee aad jeebkaada kasii bixisay ee u qalma ilaa dhamaadka sanadka.

* Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 oo aadna dib ugu eegto liiska qorshayaasha la ansixiyay guji halkan.

Qorshayaasha caymis ee la oggolaaday ee sanadka soo socda waxaa lagu soo daabacaa boggeena intarnetka dhamaadka Oktoobar ama horaanta Noofeembar ee bilowga Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka).

Si aad u sii heysato dheefaha HCA ee Carewell SEIU 503 ka dib dhamaadka sanadka, waa inaad iska qortaa qorshe caymis oo ay ansixisay
Carewell fursadaada ugu horeysa ee aad hesho iyo ugu danbayn Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka)

Su’aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo

Immisa ka mid ah khidmadahayga caymiska ee bil'laha ah ayay dheeftan dabartaa?

Haddii aad xaq u leedahay, waxaad heleysaa magdhawga khidmadaada caymiska bil’alha ah ee saafiga ah ilaa iyo $728 bishiiba.

Sideen u bixiyaa?

Si aad u hesho magdhawyada khidmada caymiska ee bil’laha ah ee caafimaadka, waxaa qasab ah inaad soo gudbiso waxyaabahan soo socda bil kastaa:

  • Codsiga lacag-celinta khidmada caymiska caafimaadka ee billaha.
  • Caddaynta dabarida caymiska shakhsi ahaaneed ee caafimaadka oo ay ku jiraan magaca daryeel bixiyaha, khidimada caymiska bil’laha ah ee guud, Canshuur Celinta Khidmadaha ee Hormariska ah (APTC) haddii loo baahdo, khidmada caymiska bil’alha ah ee saafiga ah, taariikhda dhaqan galka ee qorshaha, iyo magaca qof walbo oo kale oo uu qorshahu dabaro.
  • Caddaynta iska-diiwaangelinta, sida qaansheegta lacag bixinta ee laga helay shirkadda caymiska.
Sidee ayay u shaqeeyaan magdhawyada khidmadaha caymiska ee bil'laha ah?

Bil kasta, waa inaad si toos ah ugu bixisaa khidmada caymiska shirkadaada caymiska si bille ah. Markaad hesho biilkaaga khidmada caymiska, u gudbi codsiga lacag-celinta khidmada caafimaadka Carewell SEIU 503 adigoo ku lifaaqaya nuqulka biilka iyo caddeynta iska-diiwaangelinta.

Waa inaad soo gudbisaa codsiga lacag-celinta caymiska caafimaadka ee billaha ah iyo dukumeentiyada loo baahan yahay bil walba. Ka dib marki laga shaqeeyo, oo la ansixiyo dhammaan dukumiintiyada loo baahan yahay, Carewell SEIU 503 ayaa ku soo diri doonta lacag-celinta khidmadaha caymiska ee bil'laha ah jeeg ahaan ama lacag wareejinta elektrooniga ahaan.

Isku diiwaangeli si aad ugu hesho magdhawyada khidmadaada caymsika ee bil'laha ah lacag wareejinta elektrooniga ah. Kani waa habka ugu degdegga badan uguna ammaan badan ee aad ku heli karto lacagtaada. Si aad iskuugu diiwaangeliso debaajiga tooska ah, ka buuxi foomka Debaajiga Tooska ah onlaynka barta CarewellSEIU503.org/so/deposit.

Sidee ayaan ku codsadaa lacag-celinta khidmada caymiska caafimaadka ee billaha?

Ka buuxi Foomka Sheegashada Magdhawga Khidmada Caymiska Bil'laha ah ee Caafimaadka onlaynka barta CarewellSEIU503.org/so/medicalpremium.

Ka waran kharashyada uu qofka jaabkiisa ka bixiyo?

Daryeel bixiyeyaasha la siiyo dheefaha HCA ayaa boostada loo so dhigi doonaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta (BCC) oo ka yimid Ameriflex. Iyadoo aadan u isticmaali karin kaarka BCC inaad ku bixiso khidmadaha caymiska ee bil’laha ah ilaa iyo aad iska diiwaangeliso qorshe caymis oo ay Carewell ansixisay, balse waxaad u isticmaali kartaa kaarka BCC kharashyada caafimaad ee uu qofka jaabkiisa ka bixiyo ee la dabaro, ilaa iyo $8,000 sanadka 2026. Kaarka BCC waxaa lagu isticmaali karaa xafiisyada dhakhaatiirta, farmashiyaasha, iyo goobaha kale adeeg bixiyaha caafimaadka si loogu bixiyo cadadka lagaaga yeeshay adeegyada lagu dabaro ceymiska sida hoos imaata qorshaha caymiska caafimaadka, sida:

  • Lacagaha la jaro
  • Khidmadaha caymiska ee go’an
  • Caymis waddaaga boqolleyda ah
  • Daawo qoritaannada dhakhtareed