MyCarewell503
MyCarewell503 waxay adeegsataa Create Technology si laguugu sameeyo bog aad gasho oo aad ka isticmaasho kana maarayso dheefahaaga Carewell SEIU 503. MyCarewell503 waxaa lagu heli karaa Ingiriis wakhti xaadirkan.
Sideen iskuugu diiwaangeliyaa MyCarewell503?
Gal MyCarewell503.org/so oo raac tallaabooyinka hoose:
- Guji Register as a New User (Isku-diiwaangeli ka ahaan Isticmaale Cusub).
- Raac fariimaha shaashada soo koraya si aad u hagaajisato akoonkaaga. Geli lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga (SSN) oo riix Next (Xiga).
- Kadibna waxaad arkeysaa SSN-kaaga iyo magacaada. Xaqiiji iney labaduba sax yihiin. Geli ZIP Code-kaaga iyo Taariikhdaada Dhalashada kadibna riix Next (Xiga).
- Akhri Qodobadda iyo Shuruudaha. Hoos u bax oo haddii aad oggoshahay, dooro “I Accept Terms & Conditions (Waxaan Aqbalayaa Qodobada & Shuruudaha)” oo riix Next (Xiga).
- Sameyso oo xaqiiji lambar sireed, kadibna geli cinwaanka iimaylkaaga. Dooro su’aasha ammaanka & jawaab. Kadibna riix Next (Xiga).
- Ka dibna waxaa lagu waydiinayaa inaad geliso lambarka taleefonkaaga, cinwaanka iimaylka, iyo nooca wada-xiriirka ee aad doorbidayso. Markaad bogto, riix Save Communication (Keydi Isgaarsiinta) ama Continue Later (Hadhow Sii wad).
- Sifada astuurnaanta waxay u sahlaysaa adeegsadaha inuu doorto haddii uu rabo ama uusan rabin inuu la wadaago macluumaadkiisa dadka kale ee ku jira qorshihiisa caymis. Inaad furtid meeshan ayaa tilmaamayso inaadan rabin inaad macluumaadkaaga la wadaagto xubnaha kale ee ku jira qorshahaaga caymis. Riix Save Privacy (Keydi Asturnaanta) ama Continue Later (Hadhow Sii wad).
Inaad doorato Save Privacy (Keydi Asturnaanta) ayaa soo gabagabeyneysa hannaanka diiwaangelinta.
*Ogoow: meel ammaan ah ku kaydsato magacaaga adeegsadaha iyo lambar sireedkaaga si aad uga tixraacdo haddii aad iloowdo!
Talo! Waxaad ciinwaanka iimaylkaaga u isticmaali kartaa inaad ka dhigato magacaaga adeegsadaha si ay u fududaato inaad xasuusato.
Waxaan iloobay lambar sireedkayga iyo/ama magacayga adeegsadaha. Maxaan sameeyaa?
Miyaad Iloowday Lambar Sireedka
Bogga intarnetka ee gelitaanka ee MyCarewell503, ka guji gujo-raaca hoose “Forgot Password?” Raac tilmaamaha bogga xiga si aad u geliso magacaaga adeegsadaha iyo cinwaanka iimaylka. Kadibna gelina 4-ta lambar ugu danbeeya ee lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga, zip code-ka, oo geli lambar sireedkaaga cusub. Gujo-raaca aad ku saxdo lambar sireedkaaga ayaa laguugu soo dirayaa cinwanka iimaylka ee aan kaa hayno.
Miyaad Iloowday Magaca Adeegsadaha
Bogga intarnetka ee gelitaanka ee MyCarewell503, ka guji gujo-raaca hoose “Forgot Username?” Wuxuu ku gayneysaa bog kale halkaas oo aad gelineyso 4-ta lambar ugu danbeeya ee lambarkaaga Soshiyaal Sekiyuuritiga, taariikhdaada dhalashada, iyo zip code-kaaga si ay u xaqiijiyaan qofkaa tahay. Kadibna waxey ku waydiineysaa inaad ka jawaabto su’aashaada ammaanka. Magacaaga adeegsadaha ayaa lagu tusinayaa.
Sideen u dejistaa xaqiijinta labada tallaabo/hab ah?
Markaad isdiiwaangeliso ama aad gasho, waxaa lagu waydiin doonaa inaad doorato sida aad rabto inaad u xaqiijiso aqoonsigaaga.
Halkan waxaa ku qoran xulashooyinkaada:
- Iimaylka: Waxaad heli doontaa koodh halmar kuugu soo dhaco, oo lix-tiro iimaylkaaga. Koodhkani waxa uu dhacayaa 10 daqiiqo gudahood.
- Qoraal: Koodhka halka mar ah, lixda-tiro ah ayaa laguugu soo diri doonaa taleefankaaga fariin qoraal ahaan ah. Waxay sidoo kale ku dhacaysaa 10 daqiiqo gudahood.
- Wicitaanka taleefoon: Waxaad ku heli doontaa wicitaan otomaaig ah taleefankaaga. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad damiso setinadaada xannibaya wicitaannada aan la garanayn si aad u hesho wicitaanka. Raac tilmaamaha si aad u xaqiijiso aqoonsigaaga.
Kadib raac tilmaamaha tallaabo-tallaabada ah.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habka xaqiijinta labada tallaabo/hab ah ee MyCarewell503, guji halkan.
Waa maxay xaqiijinta labada tallaabo/hab ah?
Xaqiijinta labada-tallaabo ah (sidoo kale loo yaqaan xaqiijinta labada tallaabo/hab ah ama xaqiijinta leh tallaabooyinka/hababka badan/MFA) waxay kaa caawinaysaa ilaalinta macluumaadkaaga khaaska ah iyadoo xaqiijineyso inaad kaliya geli karto akoonkaaga. *Mar kasta oo aad si toos ah ugu soo gasho adigoo adeegsanaya eray sireedka websaydka ama abka MyCreateHealth, waxaa lagu weydiin doonaa inaad ku xaqiijiso aqoonsigaaga adoo isticmaalaya iimaylka, qoraal ama taleefoon, iyadoona uu la socdo eraygaaga sirta ah.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habka xaqiijinta labada tallaabo/hab ah ee MyCarewell503, guji halkan.
Taleefannada, bidix u riix shaashada si aad u aragto kolomka “Where to find (Halka laga helo)”.
| Waxyaabaha aad ka dhex samayn karto MyCarewell503 | Halka laga helo: |
| Ka eeg saacadahaaga shaqada ee aad soo gudbisay | Safka Liisaska Hoos U Baxa ee Ugu Wayn, guji Saacadaha Shaqada |
| Ka eeg xaaladaada lacag bixinta | Dhashboodhka (salka hoose ee bogga koowaad) |
| Ka buuxi Foomka Direct Deposit (Lacag Wareejinta Debaajiga) | Dhaashboodhka (bogga hore) guji View (Eeg) dhamaan foomamka (badhanka buluugga) |
| Ka buuxi foomka Benefit Designation of Beneficiary (Magacaabista Ka-faa'iidaystaha Dheefta) | Dhaashboodhka (bogga hore) guji View (Eeg) dhamaan foomamka (badhanka buluugga) |
| Tallaabooyinka la xidhiidhaan dheefta ee dheefta Wakhtiiga Fasaxa Lacagta leh (PTO): | |
| Ka eeg dheefahaaga Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh (PTO) ee aad heshay | Dhaashboodhka (bogga hore) |
| Ka codso dheefahaaga PTO | Dhashboodhka (bogga koowaad), Qaybta Haraagga Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh |
| Ka buuxi Form W-9 (Foomka W-9) | Dhaashboodhka (bogga hore) guji View (Eeg) dhamaan foomamka (badhanka buluugga) |
| Tallaabooyinka la xidhiidhaan dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka Barnaamijka Caawinta Shaqaalaha (EAP): | |
| Ka eeg caymiska caafimaad ee dheefahaaga Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha | Safka Liisaska Hoos U Baxa ee Ugu Wayn, Soo Koobida Caymiska |
| Tallaabooyinka la xidhiidhaan dheefta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka (HCA): | |
| Codso dheeftaada Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Medicare Qaybta B iyo/ama khidmada caymiska ee billaha loo bixiyo ee qorshayaasha Advantage, Supplement, ama Qaybta D (Rx) | Dhaashboodhka (bogga hore), guji linkiga Health Insurance Information (Macluumaadka Caymiska Caafimaadka) |
| Ka codso magdhawga khidmadaada caymiska bil'laha ah ee gaarka ah haddii aad ka diiwaangashan tahay caymiska qoyska | Dhaashboodhka (bogga hore), guji Request Payments and Reimbursements (Codso Lacag-bixinnada iyo Magdhawyadda) |
| Buuxi foomka Sixitaanka ee Canshuur Dhimista Khidmada Caymiska ee Hormariska ah | Dhaashboodhka (bogga hore), guji Request Payments and Reimbursements (Codso Lacag-bixinnada iyo Magdhawyadda), Premium Tax Credit Adjustments (Sixitaanka Canshuur Dhimista Khidmada Caymiska) |
| Maree Kaarkaada Dukaameysiga ee Dheefta (BCC) adoo u maraaya akoonkaada aad ku leedahay gudaha Ameriflex | Dhaashboodhka (bogga hore), guji My Ameriflex |
| Buuxi Warqadaha Sannadlaha ah ee Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka | Dhaashboodhka (bogga hore) guji View (Eeg) dhamaan foomamka (badhanka buluugga) |
| Tallaabooyinka setinka ee la xidhiidha akoonka iyo isagaarsiinta | |
| Sameyso ama cusbooneysii akoonkaada, Dookhyadaada Isgaarsiinta, iyo setinyada | Safka Liisaska Hoos U Baxa ee Ugu Muhiimsan, guji Account Settings (Setinka Akoonka) |
| Eeg dhamaan fariimahaaga | Dhaashboodhka (bogga hore) guji aykoonka bakhshad ahaanta ah |
Waxaan rajaynaynaa inuu kuu noqdo agabkan onleenka ah ee cusub mid habboon oo kuu sahlan inaad isticmaasho. Dabcan, waad na soo wici kartaa ama waxaad inoogu soo diri kartaa iimayl wixii su’aalo ah ama haddii aad u baahato taageero. Nagala soo xiriir lambarka 1-844-503-7348, Isniin – Jimce, 8 am – 6 pm PST ama iimayl noogu soo dir CarewellSEIU503Benefits@RISEpartnership.com.
Eeg boggan FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) haddii aad diyaar u tahay inaad sahmiso habkan cusub ee xiisaha badan si aad u hesho macluumaadkaaga Carewell SEIU 503.