Natiijooyinka Xaq U Yeelashada
Waxaan u baahanahay macluumaad dheeraad ah.
Iyada oo ku saleysan jawaabahaaga, waxaan u baahanahay macluumaad dheeraad ah si aan u go’aamino haddii aad xaq u yeelan karto dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka.
Waa tan tillaabadaada xigta
Haddii aad ka jawaabtay “caymiska aad u mareyso qofka ku qaba/aad qabto”:
Xaq uma lihid Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka haddii aad ka diwaangashan tahay qorshaha caymiska ee xaaskaaga/seygaaga.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto dheefaha Caawinta Kharashka Daryeelka Caafimaadka haddii aad doorato inaadan iska diwaangelin ceymiska xaaskaaga/ninkaada oo aa taa beddelkeedana:
-
- Iska diiwaangeliso qorshaha caymiska Goob-suuqeedka ee la ansaxiyay Inta lagu jiro muddada Isdiiwaangelinta Furan, ama
- Xaq u yeelo Muddada Diiwaangelinta Gaarka ah ee ka baxsan muddada Diiwaangelinta Furan
Haddi ay xaaladani kugu dabaqmeyso adiga, naga soo wac 1-844-503-7348, 8 subaxnimo-6 maqribnimo wakhtiga PST, Isniin-Jimce, si aad noogala hadasho u-qalmitaankaaga.
Xusuusin
- Ka dib markaad shaqeyso 40 ama in ka badan oo ah saacadaha caymiska leh 2 bilood oo isku xigta, waxaad u baahan doontaa inaad sugto 1 bil oo dheeraad ah ka dib markaad soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushahar bixinta inta uu Gobolku saacadaha aad shaqaysay u gudbinayo Carewell SEIU 503.
- Waxaad waayi doontaa xaq u yeelashadaada dheefaha haddii aad soo sheegto 0 saacadood oo shaqo ah 2 bilood oo isku xigta.
- Si aad xaq ugu yeelato dheefahan, Carewell SEIU 503 waa inay fayl ku hayso magacaaga, jinsigaaga, Lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga, taariikhdaada dhalashada iyo ciwaankaaga guri ee haddadan.
Xogtaada mar kasta ha ahaato midii ugu danbeysay.
Su’aalo miyaad qabtaa? Fadlan iimayl ahaan noogu soo dir iimaylkan CarewellSEIU503Benefits@RISEpartnership.com ama naga soo wac lanbarka 1-844-503-7348, 8 subaxnimo-6 maqribnimo wakhtiga PST, Isniin – Jimce.