Guddiga Maamulka ee Oregon Homecare Workers Supplemental Trust (Hay’adda Kaalmada Dheefaha Caafimaad ee Shaqaalaha Daryeelka Guriga ee Oregon) ayaa ku faraxsan inuu kugu wargeliyo cusboonaysiin muhiim ah oo ku saabsan dheefta kharashka caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee loogu talagalay bixiyeyaasha daryeelka ee ka diiwaangashan caymiska Veterans Administration (VA), CHAMPVA, ama TRICARE. Isbeddelkan wuxuu dhaqan galay Janaayo 1, 2026.
Dheefta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee hoos timaada Hay’adda Kaalmada ayaa loo cusbooneysiiyay sida soo socota:
- Bixiyeyaasha daryeelka ee ka diiwaangashan VA, CHAMPVA, ama TRICARE waxay u qalmi karaan inay helaan dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee jeebka laga bixiyo iyagoo loo maraayo Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta (BCC). Si ay ugu qalmaan, bixiyeyaasha daryeelka waa inay sidoo kale buuxiyaan shuruudda Carewell SEIU 503 ee ah inay shaqeeyaan 40 saacadood ama ka badan bishii. Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee VA, CHAMPVA, ama TRICARE waxay dhammaanayaan 1 bil kadib marka aad shaqayso wax ka yar 40 saacadood bishii muddo 2 bilood oo isku xiga.
- Dheefta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee bixiyeyaasha daryeelka ee ka diiwaangashan VA, CHAMPVA, ama TRICARE kuma jiraan dib u celinta lacagta khidmada ceymiska ee sida billaha ah loo bixiyo.
- Bixiyeyaasha daryeelka waxay soo gudbin karaan codsiyada magdhawga kharashaadka ay jeebkooda ka bixiyeen ee daboolan, laga bilaabo Janaayo 1, 2026 iyo wixii ka dambeeya, iyagoo u diraya Ameriflex, oo ah maamulaha BCC.
Macluumaad iyo ilo dheeraad ah
Waxaad ka heli kartaa Soo Koobida Wax Ka Baddelka Dhigaalada (SMM) ee 2026 wax ku saabsan cusbooneysiinta dheefta jeebka laga sii bixiyo kahor magadhaw ee HCA ee loogu talagalay halyeeyada gudaha qeybta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Hagaha Tabbabarka iyo Dheefaha ee SEIU 503 ee 2025.
Soo degso ama codso nuqulka Hagaha
Wax badan ka baro oo ku saabsan HCA-da loogu talagalay Dheefaha Dadka La Xidhiidha Militariga