Waxbarashadda Dadka Wawayn
Waxbarashada dadka wawayn waxay kaa caawinaysaa inaad la socoto dhaqamada ugu fiican ee shaqadaada. Waxay kaa caawinaysaa inaad sii wadato inaad kobciso xirfadaha aad ka siyaadsato wakhti ka dib shaqadaada. Waxaad u baahan doontaa inaad qaadato 12 saacadood oo waxbarashadda dadka wawayn ah 2-di sanaba mar si aad dib shahaado aqoonsi ugu hesho shaqaalaha daryeelka guriga, shaqaalaha taageerada shaqsiga, ama bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed ahaan. Waxa jira koorsooyin badan oo aad kala dooran karto marka aad dhammaynayso waxbarashaddaada dadka wawayn.
Oo markaad hesho Carewell Kicks, dheef cusub oo laga helo Carewell SEIU 503, waxaad xaq u yeelan doontaa kabo cusub oo simbirixada reeba oo bilaash ah kadib markaad dhamaystirto waxbarashada dadka wawayn.
Diyaar ma u tahay inaad bilowdo waxbarashadda dadka wawayn?
Waxbarashadda Dadka Wawayn
Qaab
Onleen ah
Muddada
Way kala duwan yihiin iyada oo la tixgelinaayo daraasada
Goormaa
12 saacadood 2 sano kasta
Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay
Waxbarashadda dadka wawayn waxay ka kooban tahay 4 saacadood oo ah tabbabarka la isfaro iyo 8 saacadood oo kuwa la doorto ah. Waxaa jira koorsooyin kala duwan oo aad kala dooran karto si aad u hesho tabbabarka sida ugu wanaagsan ugu habboon baahiyahaaga iyo danahaaga.
Waxaa jira 1 saac oo ah tabbabarka la is faro oo loo gooni yeelay:
- Xuduudaha xirfadeed
- Soo Wargelinta xadgudubka iyo dayacaada
- Khayaanaada Medicaid iyo Medicare
Waxaa sidoo kale jira 3 saacadood oo ah koorsooyinka la is faro ee tabbabarka aqoonta dhaqameed oo ka kooban:
- Wacyigelinta dhaqaneed (aqoon kororsi onleen ah)
- Xirfadaha dhaqameed
Waxaa jira noocya badan oo ah koorsooyinka la doorto oo ay tahay in lagu dhamaystiro 8-da saacadood ee hartay ee waxbarashadda dadka wawayn. Waa kuwan qaar ka mid ah noocyada la heli karo:
- Badqabka cuntada
- Wax ka barashada cudur ogaanshaha I/DD ee caadiga ah
- Dhaqamada ugu wanaagsan ee guri hagaajinta
- Kor wax u qaadida iyo qaab-joogsiga
- Wareejinta iyo qalabyada caawinta
- Maaraynta walbahaarka ee daryeel bixiyeyaasha
- Waa maxay aqoonsigu?
- Waa maxay is-dhexgalka noocyada bulshada iyo nidaamyada?
- Xirashada iyo iska bixinta PPE
- Si xun u isticmaalida daawada dhakhtarku qoro
- Eray bixinta caafimaadka ee daryeel bixiyeyaasha
- Nidaamyada jirka 1 iyo 2
- La shaqaynta macaamiisha aanan hadlin
- Bixinta adeegyada awoodda ku salaysan
Waxaad sidoo kale ka eegi kartaa daliil-hayaha koorsada halkaan.
FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) ee Waxbarashadda Dadka Wawayn
Goormee ayaan u baahanahay inaan bogo waxbarashadda dadka wawayn? Sideen ku ogaan karaa taariikhdayda kama danbaysta ah ee waxbarashadda dadka wawayn?
Laga bilaabo Maarso 31, 2026, continuing education (waxbarashadda dadka wawayn) ayaa loo baahan yahay si aad u hesho 2-da sano ee cusboonaysiinta ee lambarkaaga adeeg bixiyaha. Taariikhdaada kama danbaysta ee gaarka ah waxay noqon kartaa ka gadaal Maarso 31, 2026 iyadoo ku xiran goorta aad shaqada bilowday.
Mudda kama dambaysta ah ee ay tahay in lagu dhamaystiro waxbarashada dadka waaweyn waxay la jaanqaadaysaa taariikhda uu dhacayo baaritaanka sal-taariikheedkaaga. Haddii aad heysato lambaro adeeg-bixiyeyaal oo badan, mudda kama dambaysta ahi waxay la mid noqon doontaa taariikhda uu dhacayo baaritaanka sal-taariikheedka ee lambar-ka adeeg bixiyaha aad muddada ugu dheer haysatay.
- Shaqaalaha daryeelka ku bixiya guryaha iyo kaaliyayaasha daryeelka shaqsi ahaaneed waxay taariikhdan ku arki karaan warbixinnada xawillaada lacagahooda marka la mushaar-siiyo. Waxeey kaloo ku jiri doontaa ogeysiisyada xusuusinta ee ay ka helaan gobolka 120, 90, iyo 60 maalmood ka hor inta aan lambarka adeeg-bixiyahooda uu dhicin.
- Shaqaalaha taageerada shaqsi ahaaneed waxay taariikhdan ku arki karaan gudaha eXPRS. Shaqaalaha taageerada shaqsi ahaaneed waxa kale oo ay heli doonaan ogeysiisyo iimayl ah ka hor inta uusan lambarka adeeg-bixiyahooda uusan dhicin.
Sidee ayay dhibcaha/wakhtiga u shaqeeyaan?
Halkeen ka eegi karaa faahfaahinta fasalka?
Miyaan u baahanahay inaan sameeyo dhammaan 29-ka qaybood ee koorsada?
Miyay jiraan ka reebitaano loogu talagalay waxbarashadda dadka wawayn?
- Shahaadada Horumarinta Xirfada (Professional Development Certification, PDC)
- Shahaadada Daryeel Lagu Bixiyo Guriga oo La Hormariyay (Enhanced Homecare) ama Shahaadada Shaqaalaha Taageerada Shakhsiyeed (Personal Support Worker)
- Shahaadada Gaarka ah ee Daryeel Lagu Bixiyo Guriga (Exceptional Homecare) ama Shahaadada Shaqaalaha Taageerada Shakhsiyeed (Personal Support Worker)
- Shahaadada Naafadda Afar-adimoodka Dhaqdhaqaaq ee Ku Tiirsan Hawo-siiyaha (Ventilator Dependent Quadriplegia, VDQ)
- Shahaadada Shaqaalaha Caafimaadka ee Dhaqameed (Traditional Health Worker)
Intee in le'eg ayay shahaadadeyda waxbarashada dadka waaweyn sii shaqeeneysaa? Haddii shuruuda cusboonaysiintayda ay iman waydo in muddo ah, maxaa dhacaya markaan qaato CE hadda?
Shuruuda waxbarasho dadka waaweyn ma dhaqan galeyso illaa Maarso 31, 2026. Shahaadadaada waxbarashada dadka waaweyn waxay shaqeyn doontaa ilaa wakhtigaaga kale ee lagaaga baahan yahay dib u cusboonaysiinta kadib wakhtiga kama danbeysta ah ee Maarso 31, 2026.
Tusaale: Waxaad dhammaystireysaa CE Oktoobar 2025 taariikhdaada cusboonaysiinta ee xigtana waa Abriil 2026. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha dib u cusbooneysiintaada Abriil 2026. Marka xigta ee aad u baahan doonto inaad dhammaystirto tababbarka CE waxay noqon doontaa cusbooneysiintaada Abriil 2028.
Tusaale: Waxaad dhammaystireysaa Diseembar 2024 taariikhdaada cusboonaysiinta ee xigtana waa Janaayo 2025. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha cusboonaysiintaada ee xigta Janaayo 2027. Marka xigta ee aad u baahan doonto inaad dhammaystirto tababbarka CE waxay noqon doontaa cusbooneysiintaada Janaayo 2029.
Tusaale: Waxaad dhammaystireysaa Febraayo 2026 taariikhdaada cusboonaysiinta ee xigtana waa Maarso 2026. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha dib u cusbooneysiintaada Maarso 2026. Marka xigta ee aad u baahan doonto inaad dhammaystirto tababbarka CE waxay noqon doontaa cusbooneysiintaada Maarso 2028.
Tusaale: Waxaad Maarso 2026 taariikhdaada cusboonaysiinta ee xigtana waa Juun 2026. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha dib u cusbooneysiintaada Juun 2026. Marka xigta ee aad u baahan doonto inaad dhammaystirto tababbarka CE waxay noqon doontaa cusbooneysiintaada Juun 2028.
Miyaan tabbabarka ku qaadan karaa offleen ahaan? Waa maxay luuqadaha la heli karo?
Haa. Waxbarashada dadka waaweyn waxa loo heli karaa nooca ofleenka ah oo ku qoran Af-Ingiriisi keliya. Si aad u codsato nooca ofleenka ah ee CE (Continuing education, Waxbarashada dadka waaweyn), kala xiriir Carewell adigoo wacaya 1-844-503-7348, Isniin–Jimce, 8 am–6 pm PST, ama iimayl ugu dir CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com.
Haddadaan ma hayno noocyada tabbabarka ee offleen ahaanta ah oo lagu heli karo luuqadaha kale. Haddii aad u baahato intarnet misa kumbiyuutar aad isticmaasho, waxaan ku talinaa inaad tagto maktabad ama xarunta WorkSource si aad u dhamaystirto tabbabarka. Haddii aad u baahato in lagaa caawiyo inaad goob hesho, waxaad naga soo wici karaa lambarka 1-844-503-7348.
FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo) ee Gunnada
Ma inaan bixiyaa kharashka tabbabarka?
Maya. Tabbabarku waa u bilaash dhammaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shaqsiyeed iyo bixiyeyaasha daryeelka shaqsiyadeed.
Miyaa la igu siin doonaa lacag gunno ah tabbbabarka aan qaato?
Haa. Waxaa lagu siin doonaa gunno u dhiganta cadad ahaan sicirka tallaabada 3 ee mushaharka doorkaada shaqada ee 12 saacadood oo shaqada koorsada ah, loona wareejiyay cadadka doolarka buuxa ee ugu dhaw. Si aad u ogaato waxa uu yahay kala sicirka mushaharka doorkaada shaqada, fadlan eeg Heshiiska Gorgortanka Lagu Galay ee Shaqaalaha Daryeelka Guriga ee Oregon.
- Tusaale ahaan, haddii sicirka tallaabada 3 ee mushaharka doorkaada shaqada uu yahay $22, gunnadaada waxay noqon doontaa $22 x 12 saacadood= $264.
Gunnada waxaa lagu soo diraa lacag wareejinta elektrooniga ah ee Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta.
- Haddii aad ku rabto jeeg ahaan gunnadaada, fadlan kula xidhiidh iimayl ahaan ama wicitaan telefoonka: studentsupportstipend@RISEpartnership.com ama 1-844-503-7348 (Isniin-Jimce, 8am – 6pm PST).
- Ku dar magacaaga sharciga ah iyo ciwaankaada boostada gudaha iimaylka.
Fadlan la soco in doorashada jeega ay dib u dhigi doonto inay ku soo gaarto gunnadaada 2-3 toddobaad.
Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka.
Sideen ku helaa gunnada?
- Waxay marka hore ku waydiin doontaa inaad buuxiso waxyaabaha la xidhiidha cashuurta sida ciwaankaada iyo lambarka Soshiyaal Sekiyuuritiga.
- Guji “Save and continue” si aad ugu gudubto tallaabada xigta.
- Xaqiiji inaad dooratid “individual”oo aanad dooran “business” marka ay ku waydiiso midka aad tahay.
- Waxay marka xigta ku weydiin doontaa inaad buuxiso macluumaadka akoonkaaga bangiga si aad u hagaajisato lacag wareejinta elektrooniga ah.
- Inaad gasho nidaamka onleenka ah ee bangigaaga waa habka ugu fudud ee midan loo hagaajisto.
Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda.
Haddii aad ku rabto jeeg ahaan gunnadaada, fadlan kula xidhiidh iimayl ahaan ama wicitaan telefoonka: studentsupportstipend@RISEpartnership.com ama 1-844-503-7348 (Isniin-Jimce, 8am – 6pm PST).
- Ku dar magacaaga sharciga ah iyo ciwaankaaga boostada iimaylka.
- Fadlan la soco in doorashada jeega ay dib u dhigi doonto inay ku soo gaarto gunnadaada 2-3 toddobaad.
Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda.
Fadlan eeg qaanuunka gunnada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka.
Waxaan ogaysiis ka helay Carewell SEIU 503 kaas oo ku saabsan hanti aan la sheegan. Maxeey taasi ka macno tahay?
Diiwaanadeena waxay muujiyeen inaan lacag-bixinta gunnada kuu soo dirnay, balse aanan wali la soo sheegan. Marka jeega aan lacag cadaan ah lagu baddelanin ka dib muddo cayiman, wuxuu noqonayaa jeeg aan la sheeganin, ama jeeg “raagay lix bilood ka badan”. Waxaa na looga baahan yahay inaan u soo gudbino jeegaga aan la sheeganin Khasnadda Oregon.
Waa maxay hantida aan la sheegan?
Hantida aan la sheegan waa qadar kasta oo lacag ah oo aan la siin ama aan dib loogu celin shakhsi.
Caadi ahaan, hantida aan la sheegan waxay dhacdaa marka:
- Uu qofka lumiyo ama ilooba inuu lacageesto jeeg.
- Ciwaanka qofka uu is beddelo oo boosta ku diristu ay dhammaato.
- Qofka akoonka leh uusan la sameyn wax macaamilo lacageed ah ama xidhiidh bangigooda ugu yaraan 2 sano, gaar ahaan dhigaalada tooska ah.
Sharciga gobolku wuxuu u baahan yahay inay Carewell SEIU 503 si joogto ah ugu wargeliso Khasnajiga Gobolka Oregon wixii hanti ah ee aan la soo sheegan, oo ay ku jiraan jeegaga aan lacagtooda la bixinin ama dhigaalada tooska ah.
- Wixii ah tallaabooyinka ku saabsan sida loo sheegto hanti aan la sheegan, halkan guji.
- Haddii aad qabto su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan hantida aan la sheegan, halkan guji.
- Si aad u eegto xaalka sheegashadaada, halkan guji.
Haddii aadan lacag-bixintaada helin, waxaad kala xiriir kartaa Carewell lambarka 1-844-503-7348, Isniin–Jimce, 8 am–6 pm PST, ama iimayl inoogu soo dir: CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com. Haddii aad jeega haysato, fadlan lacag cadaan ah u baddelo ama gasho akoonkaaga bangiga.