Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka

Hel daryeelka aad u baahan tahay si aad u noolaato.

Dheefta oo Kooban

Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 waxay ka dhigaan qorshayaasha ceymiska gaarka ah kuwo ay awoodi karaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee Oregon kuwaas oo aan qaab kale ceymis ku heli karin. Tusalayaasha qaababka kale waxaa ka mid ah Oregon Health Plan, ceymiska loo-shaqeeyaha, ama xaaska/seyga ee kale.

Dheeftan waxaa heli kara shaqaalaha daryeelka guriga iyo taageerada shaqsiyeed ee leh Medicare ama iska diiwaangeliyay ceymis la aqoonsan yahay iyaga oo ka haley Goob-suuqeedka Ceymiska Caafimaadka. Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka waxay dabartaa ilaa iyo $7,165 oo ah kharashyada jeebka laga bixiyo ee caafimaadka ee sheegashooyinka ay dabarto Medicare ama ceymiskaaga Goob-suuqeedka la ansixiyay ee 2024. Waxay sidoo kale dabartaa 100% kharashka khidmadaada ceymiska ee bil’laha ah ee ceymiskaaga Goob-suuqeedka gaarka ah, ama qayb ka mid ah khidmadahaaga Medicare.

Haddii aad xaq u leedahay Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka, waxaad heli doontaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta (kiridhit kaarka Mastercard) si aad ugu bixiso khidmadahaaga caymiska bil’laha ah (inaad Medicare leedahay ma ahane) iyo kharashyada caafimaadka jeebka laga bixiyo ee ceymiska leh. Kaarku waxa uu ka iman doonaa Ameriflex (Maamulaha Habboon ee Faa’iidooyinka).

Macluumaadka dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee shaqaalaha taageerada

  • ee ka diiwaangashan Medicare ayaa laga heli karaa halkaan;
  • ee ka diiwaangashan ceymisyada Goob-suuqeedka ee la aqoonsan yahay ayaa laga heli karaa halkaan.
Waxyaabaha Muhiimka ah ee ay Tahay in la Ogaado
  • Dheeftan ayaa bixineysa khidmadaada bil’laha ee saafiga ah (tusaale, khidmadaada ka dib marka canshuuraha laga jaro) ee ceymisyada shaqsiyadeed ee xaqa leh ee laga iibsaday Goob-suuqeedka ama Medicare. Waxay sido kale ka dabartaa ilaa iyo $7,165 sanadka 2024 kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee sheegashooyinka ay dabaraan ceymiskaaga gaarka ah ee la aqoonsan yahay ama Medicare. Dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee Carewell SEIU 503 ma ahan mid uu kafaalo qaado loo-shaqeeyaha ama ceymis kooxeed.
  • Si aad uga faa’iideysato dheeftan, waxaad u baahan doontaa inaad iska diiwaangeliso ceymiska la aqoonsan yahay ee Goob-suuqeedka Ceymiska Caafimaadka ama Medicare. Naga soo wac — 1-844-503-7348 — waxaan halkan u joognaa inaan kaa caawino inaan ku fahansiino hannaanka!
  • Xaaladaha badankood, waxaad u baahan tahay inaad sugto ilaa iyo Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka si aad isku diiwaangeliso. Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) ee Goob-Suuqeedka federaalka waxay u dhaxaysaa sida caadiga ah Noofeembar 1 iyo Diseembar 15 ee sanadka soo socda. Waxaa jira waxyaabo ka reeban oo xaq kuugu yeeli kara inaad iska diiwaangeliso Muddo Diiwaangelin oo Qaas ah. Arag Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
  • Bisha Abriil 2023, Maamulka Caafimaadka Oregon (OHA) wuxuu bilaabay inuu dib u qiimeeyo xaq u yeelashada Oregon Health Plan (OHP). Dib u qiimaynta waa marka OHA uu dib u eego macluumaadkaaga si loo ogaado haddii aad wali xaq u leedahay Oregon Health Plan (OHP).  

    Haddii aad ku jirto OHP, Apple Health (ee Washington), ama qorshaha caymiska Medicaid ee kale, waxaa laga yaabaa in laguu soo diro warqad ku ogaysiinaysa in dheefahaaga caafimaadka ay soo af-jarmayaan. Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan warqadaan, habka ugu degdegga badan uguna wanaagsan ee aad kaalmo ku heli karto waa inaad wacdo lambarka taeefonka ee ku qoran warqada. 

    Sikastaba ha ahaatee, waxaa jira habab badan oo aad ku cusboonaysiin karto macluumaadka meesha lagaagala soo xiriirayo, oo ay ku jirto:

    • Onleen ahaan barta: benefits.oregon.gov ama oregon.gov/or-benefit-changes.
    • Inaad ka samayso ururadaada daryeelka ee Isku xidhan (CCO). Xubnaha waxay ku heli karaan macluumaadkooda meesha lagala xidhiido ee CCO inay booqdaan: Qorshaha Ceymiska CCO.
    • Booosto ahaan barta: ONE Customer Service Center, PO Box 14015, Salem, OR 97309.
    • Taleefon ahaan lambarka: 1-800-699-9075 ama TTY 711. Khadadka taleefonka waxay furan yihiin Isniin ilaa Jimce 7 a.m. ilaa 6 p.m. PST. Wakhtiyada sugitaanka waxay yar yihiin subixi laga bilaabo 7 a.m. ilaa 8 a.m.
    • Inaad wacdo khadka luuqadaha ee wicitaanka bilaashka ah. Turjubaano ayaa lagu heli karaa 16 luuqadood.

Haddii qorshahaaga caymis uu soo gabagaboobayo, waxaa laga yaabaa inaan kaa caawino inaad isku diiwaangeliso qorshe caymis oo laga helo Goob-suuqeedka Caymiska Caafimaadka (Healthcare.gov). Haddii aad xaq u leedahay, waxaan awoodi karnaa inaan kuu diiwaangelino dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee laga helo Carewell—kuwaas oo bixin doona khidmadaada caymiska ee bil’laha ah iyo ilaa iyo $7,165 oo ah kharashyada jeebka laga bixiyo. Fadlan soo wac 1-844-503-7348, Isniin—Jimce, 8am—6pm PST si aad noo soo wargeliso inaad tahay daryeel bixiye wayni rabo dheefaha caafimaadka. 

Xaq u yeelashada

Si aad isla markiiba u ogaato xaq u yeelashadaada, ka jawaab dhawr su’aalood oo ku saabsan xog uruurinta xaq u yeelashada. 

Fadlan u akhri si taxadar leh shuruudaha xaq u yeelashada ee hoose.

Shuruudaha Xaq U Yeelashada

Waxaa suuragal ah inaad xaq u yeelato dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka haddii aad:

N

Ka shaqeysay ugu yaraan 40 saacadood oo ah saacado shaqo oo xaq leh 2 bilood oo isku xiga si aad xaq ugu yeelato dheefahan. Marka aad ka soo baxdo shuruudan, waxaa jiri doonta muddo 1 bil oo sugitaan ah ka dib marka aad soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushhaharka. Inta lagu jiro muddadan sugitaanka, Gobalka, Acumen ama PPL ayaa u soo gudbin doona saacadahaaga shaqada Carewell SEIU 503. 

Representación gráfica del cronograma de elegibilidad y del período de espera de un mes
N

Si joogta ah u soo gudbiso warqadahaaga saacadaha la shaqeeyay iyo/ama foojarada mushaharka.

N

Ay kaaga fayl gareysan yihiin magacaaga, jinsigaaga, lambarkaaga Soshiyaal Sekuyuritiga, taariikhdaada dhalashada iyo ciwaankaaga guriga ee haddadan Carewell SEIU 503. Guji halkan si aad u cusbooneysiiso macluumaadkaaga haddadan.

N

Haysato ceymiska caafimaadka oo aad ka hesho Medicare ama ceymiska Goob-suuqeedka la aqoonsan yahay. Ka eeg FAQ wixii macluumaad dheeraad ah.

Shuruudahan xaq u yeelashada waa iskuugu mid dheefaha Ilkaha, Aragga + Maqalka, iyo Barnaamijka Caawimaadda Shaqaalaha (DVE). 

* Saacadaha shaqada ee xaq yeelashada

Tirada saacadaha shaqada ee aad u baahan tahay si aad ugu qalanto dheefaha Carewell waa saacadaha shaqada ee ay bixiyaan Acumen, DHS, iyo/ama PPL iyaga oo matalaya macaamiishaada.

Luminta xaq yeelashada

Haddii ay ku moodo 2 bilood oo xidhiidh ah adiga oo aan shaqayn saacado shaqo oo xaq leh — ama haddii soo sheegto saacadaha shaqada oo 0 ah, ka dib muddo kordhin 1 bil ah xaq uma sii lahaan doontid dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka. Si aad dib ugu hesho xaq u yeelashadaada dheefaha Carewell SEIU 503 waa inaad dhameystirto tallaabooyinka kore.

Inaad lumiso dheefaha Carewell SEIU 503 kama dhigno inaad luminayso ceymiskaaga caafimaadka! Balse dhamaadka bishaada muddo kordhinta, Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta (BCC) ayaa la xiri doonaa waxaadna bilaabi doontaa inaad iskaa u bixiso khidmadahaaga caymiska ee bil’laha iyo kharashyada caafimaadka ee jaabka laga bixiyo.

Ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ay dabarto Medicare

Wax badan ka baro Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ay dabarto Medicare.

Loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee leh ceymisyada la ansixiyay

Wax badan ka baro Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka ee loogu talagalay shaqaalaha xaqa u leh ee ka qaatay ceymisyada caafimaadka shaqsiyadeed ee la ansixiyay Goob-suuqeedyada Caymiska Caafimaadka.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir