Isticmaalka Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta
Dulmarka
Dheefaha Kharashka Daryeelka Caafimaadku waxay daboolaan 100% khidmadahaaga caymiska ee saafiga ah ee billaha ah ee qorshahaaga caymiska shakhsi ahaaneed ee Goob-suuqeedka. Dheefahani waxay sidoo kale bixiyaan lacag loogu talagalay kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee codsiyada kharashka ay daboosho Medicare ama qorshahaaga caymiska Goob-suuqeedka ee la ansixiyay.
Waxaad ku maamushaa dheefahan Kaarkaaga Haboonaanta Dheefaha (BCC). BCC waa kaarka daynta oo Mastercard ah, oo laguu soo diro waxaana maamula Ameriflex.
Kaarkaaga BCC wuxuu u shaqeeyaa sida kiridhit kaarka caadiga ah, marka laag reebo in:
- Kaarkaagu wuxuu ku kooban yahay isticmaalka lacagaha khidmadaha billaha ah ee ceymiska Goob-suuqeedka iyo kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo. Kharashyada caafimaadka ee la daboolay waxaa kamid ah kuwa lacagaha laga jari karo mushaharkaaha, lacag bixinada wadaaga ah, iyo kharashyada caymiska wadaaga ah, sida daawooyinka la daboolay. Fadlan ka eeg Soo Koobitaanka Dheefaha ee qorshahaaga halkan.
- Maadaama BCC kaliya loogu talagalay kharashyada caafimaadka la daboolay, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad muujiso cadaynta kharashyadaada jeebka laga bixiyo. Fadlan hayso Sharaxaada Dheefaha (EOBs) iyo rasiidhada. Waa muhiim inaad hayso rasiidhadaada rijeetada aad shey-yeysatay maadaama kharashyada daawo qoristu laga yaabo ineysan kasoo muuqan EOB-yada shirkaddaada caymiska.
BCC looma isticmaali karo: Waxaa laga yaabaa inaad mas'uul ka noqoto dhaqaale ahaan dib u bixinta lacagaha Carewell SEIU 503 haddii kaarkaaga loo isticmaalo kharashyada aan la daboolin kharashyada caafimaadka.
Mid kamid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee ku saabsan BCC ayaa ah inaad dejisan karto lacag bixin ahaaneed oo aad hubiso in khidmadahaaga caymiska lagu bixiyo wakhtigii loogu talagalay bil kasta.
La xiriir shirkadaada caymiska si aad ugu hagaajiso lacag bixinta tooska ah Kaarkaaga Dukaamaysiga ee Dheefta:
- Kaysar: Booqo bogga intarnetka ee Kaiser Permanente.
- PacificSource: Booqo bogga intarnetka ee PacificSource.
- Moda: Ka wac adeegga macaamiisha Moda lambarka 1-503-243-3962 ama lambarka sida bilaashka ah loo wici karo 1-877-605-3229, u sheeg inaad tahay shaqaale guri, oo u sheeg inaad rabto inaad dejisato lacag-bixinno toos ah oo soo noqnoqoto.
- Providence: Ka wac biilasha Providence lambarka 1-503-574-5791 ama ku bixi khidmadaada bil’laha ee caymiska onleen ahaan — ee lacag bixinta khidmada ee ugu koowaad, isticmaal gujo-raacan oo dooro codsadayaasha shaqsiga iyo qoyska ee Cusub.
- Regence: Adeegga Macaamiisha 1-888-675-6570 / websaydka Regence / Si aad akoon u furato, tag www.regence.com/member/registration.
Maxaad u isticmaali kartaa Kaarka Dukaameysiga ee Dheefta?
Khidmada ceymiska ee bil’laha ah |
Kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyo* |
|
|---|---|---|
Qorshaha Ceymiska Goob-suuqeedka ee La Oggalyahay |
Khidmada ceymiska ee bil’laha ahHAA! [Waxyaabo ayaa ka reebanaan karo, hoos eeg] La xiriir shirakadaada ceymiska si aad u diyaariso kaarkaaga oo aad u sameyso bixinta khidmada ceymiska ee tooska ah. |
Kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyoHAA! Kharashyada caafimaadka ee la dabaro (ilaa iyo gunnada BCC ee sanadlaha ah): – Lacag jaristaada ceymiska Goob-suuqeedka ee la oggalyahay – Kharashaadka ceymis wadaaga go’an iyo ka caymis wadaaga boqolleyda, oo ay ku jiraan daawo qoritaanada dhakhtareed ee uu ceymsiku daboolo
|
Medicare |
Khidmada ceymiska ee bil’laha ahMAYA. Waxaad u baahan doontaa inaad isticmaasho hannaanka magdhawga ee khidmadahaaga ceymiska ee Medicare. Guji halkan wixii macluumaad dheeraad ah. |
Kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyo*HAA! Kharashyada caafimaadka ee la dabaro (ilaa iyo gunnada BCC ee sanadlaha ah): – Lacag jarista ceymiskaaaga Medicare – Kharashaadka ceymis wadaaga go’an iyo ka caymis wadaaga boqolleyda, oo ay ku jiraan daawo qoritaanada dhakhtareed ee uu ceymsiku daboolo |
*Akoonka BCC ee lacagta uu qofku jeebka ka baxiyo waxa kaliya oo loo isticmaali karaa shayada kor ku taxan. Sababtoo ah BCC-gaagu waxa uu daboolaa oo kaliya kharashaadka caafimaadka ee u-qalma, liiskani waxa uu ka duwanaan karaa isticmaalka kaadhka ee ku qoran websaydka Ameriflex ama ogeysiiska aad ka hesho Ameriflex marka aad hesho kaarkaaga. Tusaale ahaan, BCC looma isticmaali karo Bakhaarka FSA ama kharashaad kasta oo caafimaad oo aanu daboolin qorshahaaga caymiska. Haddii aad u isticmaasho BCC kharashaad kasta oo aan la oggolaanin, waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad dib ugu soo gudo Carewell SEIU 503 kharashaadkan.
Waxa ka reeban
- Haddii qoyskaagu uu ku jiro qorshahaaga ceymiska caafimaadka, ama
- Haddii aad hesho dheefta Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka
Labada xaaladoodba, waxaad wali BCC u isticmaali kartaa kharashyadaada shakhsi ahaaneed ee aad jeebka ka bixiso ee la daboolay. Sikastaba ha ahaatee, waa inaad si toos ah u siiso khidmadaada caymiska ee bil’laha ah shirkadaada ceymiska adiga oo isticmaalayo lacagahaaga gaarka ah kadibna aad Carewell SEIU 503 u gudbsio Foomka Sheegashada Magdhawga Khidmada Caymiska Bil’laha ah ee Caafimaadka. Marka laga shaqeeyo codsigaaga magdhawga, waxaa laguu soo diri doonaa jeeg wata cadadka khidmadaada caymiska ee bil’laha ah.
Meeqo ayaa ku jirto BCC?
Waxa ku jira labo akoon oo kala gaar ah BCC-gaaga: mid lagu bixinayo khidmadahaaga ceymiska (haddii ay jiraan), iyo mid kale oo loogu talagalay kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyo ee la dabaro.
Shaxdan waxay muujineysaa lacagta loo heli karo gunnada BCC (annual BCC allowance) ee sanadlaha ah ee kharashka uu qofka jaabkiisa ka bixiyo ee la dabaro ilaa iyo bilowga barnaamijkan.
U soo gudbi codsi magdhaw ah Ameriflex (Maamulaha BCC)
U soo gudbi codsi magdhaw ah Ameriflex:
-
- Kharashyada caafimaadka ee jeebka laga bixiyo ee caymiska leh haddii aad ka bixisay jeebkaaga.
- Kharashyada Medicare ee jeebka laga bixiyo ee caymiska leh haddii aad ka bixisay jeebkaaga.
- Khidmada caymiska caafimaadka ee billaha ah – lacagta safiga ah ee bilaha ah ee u qalmida qorshayaasha gaarka ah ee lagu soo gatay iyadoo loo maraayo Goob-suuqeedka (ma aha qorshaha qoyska, ma aha dib u soo celinta Kharashka Kaalmada Daryeelka Caafimaadka).
- Wixii ah magdhawga adeegyo aad qaadatay sanad hore, u gudbi foomka magdhawga Ameriflex adeegyada aad heshay ilaa iyo 12 bilood ee la soo dhaafay, haddii aad xaq u lahayd dheefaha Kaalmada Kharashka Daryeelka Caafimaadka.
- Wixii ah dhamaan kharashaadka BCC, waa inaad u soo gudbiso caddayn Ameriflex. Fadlan hayso Sharaxaada Dheefaha (EOBs). Waa muhiim sidoo kale inaad hayso rasiidhadaada rijeetada aad shey-yeysatay maadaama kharashyada daawo qoristu laga yaabo ineysan kasoo muuqan EOB-yada shirkaddaada caymiska. Haddii aadan u soo gudbinin cadeynta dhamaan kharashaad BCC Ameriflex, waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad dib ugu soo gudo Carewell SEIU 503 kharashaadkan.
Ku xirnoow Ameriflex!
Maareynta Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta ee ay bixisay Carewell SEIU 503 ayaa hadda fududaatay! Dhammaan adeeg kala baddelashadaada Ameriflex, waxaad akoon ka furan kartaa bogga Ameriflex. Waxaad isticmaali kartaa bogga intarnetka Ameriflex ee barta myameriflex.com si aad:
-
- u eegto haraaga ku jira Kaarkaaga Dukaameysiga ee Dheefta (BCC)
- u eegto taariikhdaada lacag bixinta
- ugu dirto sheegashooyinka onleen ahaan
- u aragto xaalada magdhawga
- u dalbato kaar baddel ah
3 tallaabo oo lagu fududeeyo maaraynta lacag bixinta BCC-gaaga
Furo Akoon
Ka furo akoonkaaga barta myameriflex.com.
Hagaajiso oo isticmaal MyPlanConnect.
Haddii aad isticmaasho BCC-gaaga, MyPlanConnect ayaa si toos ah u soo qabanaya Dukumiintiga Sharaxaadaha Dheefaha (EOB) ee adeeg kala baddelashadaada, mana u baahan doontid inaa dukumiinti dheeraad ah dirto.
Ka eeg faahfaahin iyo tilmaamo barta https://myameriflex.crunch.help/participants/Setting-Up-and-Using-MyPlanConnect.
Soo Dejiso App-ka
Marka aad hagaajisato akoonkaaga, kala soo deg app-ka MyAmeriflex barta myameriflex.com/participants/the-ameriflex-difference/mobile-app. App-ka Ameriflex wuxuu kuu oggolaanayaa inaad isticmaasho oo aad maamusho akoonkaaga isla markaasba!
Khayraadka Ameriflex
Isticmaalka bogga intarnetka ee Ameriflex iyo MyPlanConnect
Isticmaalka App-ka Taleefobnka ee Ameriflex
Khayraadka Kle ee Ameriflex
La xiriir Ameriflex
Wakiilada Ameriflex ayaa sidoo kale diyaar u ah inay kaa caawiyaan wicitaanka telefoonka Isniinta ilaa iyo Jimcaha 5am ilaa 6pm, iyo Sabtida 7am ilaa iyo 11am (PST) 1-888-868-3539.
