Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh

Wakhtiga habeynta ee lacag-bixinada Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh (PTO) iyo kordhinta mushaharka

Waxaa mahadcelin leh qeybta gorgortanka ee SEIU 503, bixiyeyaasha daryeelka waxay helayaan mushahar kordhin laga bilaabo Janaayo 1, 2026! Haddii aad ku rabto in PTO-gaaga lagu bixiyo sicir cusub oo ka sare kii hore, waxaad u baahan doontaa inaad codsato PTO markay tahay ama ka dib Maarso 1, 2026. Tani waa sababtoo ah in sixitaanada PTO iyo sicirka mushaharka ee la helay hal bil aysan ka soo muuqan doonaan lacagahaada PTO ilaa iyo laga gaaro dhamaadka bisha soo socoto.

Madkaad hesho mushahaar kordhin, fadlan xisaabta ku darsato wakhtigan laga shaqeynayo dhammaan codsiyada dheefta PTO.

Waxay kaa caawinaysaa inaad fasax ka qaadato shaqada marka aad u baahan tahay.

Dheefta oo Kooban

Dheefta Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh (PTO) ee Carewell SEIU 503 waxay kaa caawineysaa inaad waqti fasax ah ka qaadato shaqada markaad u baahato.

Inaad fasax ka qaadato shaqada waxay muhiim u tahay caafimaadka jirkaaga, maskaxdaada, iyo dareenkaaga! Taasi waa sababta ay Carewell SEIU 503 u siiso daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh ilaa iyo 60 saacadood oo dheefta PTO ah sanad walbo. Waxaad heli kartaa 1 saac oo PTO ah 20 saacadood oo kasta oo aad shaqayso, ilaa iyo ugu badnaan 5 saacadood oo ah saacadaha dheefta PTO bil walbo.

Sannadka 2026, waxaad kasban kartaa 60 saacadood oo PTO ah sanad kasta!

Waa mahad leh kooxda gorgortanka ee SEIU 503, sanadka 2026, waxaad kasban kartaa ilaa 5 saacadood oo PTO ah bil kasta iyo 60 saacadood sannad kasta adoo u maraaya Carewell SEIU 503. Horaantii, bixiyeyaasha daryeelku waxay kasban kareen ugu badnaan 48 saacadood oo PTO ah sannad kasta.

r

Waxyaabaha muhiimka ah ee ay tahay in la ogaado

Buuxi Form W-9 (Foomka W-9)

  • Waa inaad buuxisaa Form W-9 (Foomka W-9) si aad xaq ugu yeelato dheefahaaga PTO. Haddii Carewell SEIU 503 aysan haynin faylkaaga Form W-9 (Foomkaaga W-9) oo u kaydsan, ma heli doontid dheefta PTO.
  • Wixii saacadaha dheefta PTO ah ee ka horeeya 12 bilood ayaa dhici doona waxaadna lumin doontaa saacadahan dheefta haddii Foomka W-9 (Foomka W-9) aanan la buuxinin oo aan loo dirin Carewell SEIU 503.
  • Haddii aan kaa hayno Form W-9 (Foomka W-9) oo noo fayl garaysan, waxaad kaydsan kartaa wax u dhigma ilaa iyo 24 bilood oo ah dheefahaaga PTO kahor inta aan lacag si toos ah laguugu soo dirin. Ama waxaad codsan kartaa inaad isticmaasho qaar kamid ah dheefahaaga PTO kahor inta aadan gaarin 24 bilood qaarka kalana aad u keydsato inaad gadaal ka isticmaasho.

Uma baahnid inaad raadiso qof ku baddela

  • Ma ahan mas’uuliyadaada inaad raadiso qof ku baddela markaad ka qaadato fasaxa lacagta leh macmiilkaaga loo-shaqeeyaha ah.

Form 1099 (Foomka 1099)

  • Dheefta Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh (PTO) waa dakhli la canshuuri karo. Haddii aad hesho $600 ama in ka badan oo ah dheeftaada PTO inta lagu jiro sanadka, waxaa laguugu soo diri doonaa Form 1099 (Foomka 1099) boostada. Foomkan ayaa la soo diraa marka dakhli la canshuuri karo aanan canshuur laga jarin balse wali ay IRS u tixgeliso in la canshuuri karo.
  • Xaqiiji inaad meel ammaan ah ku kaydsato Form 1099 (Foomka 1099) si aad u soo qaadato markaad xareynayso canshuurahaaga.
  • Dheefaha weli waa dakhli la canshuuri karo xitaa haddii aadan helin Form 1099 (Foomka 1099). La soco dhammaan dheefaha PTO ee aad codsato inta lagu jiro sanadka.

Sida marin loogu helo kaaga ah 1099

  • Booosto
    • Waxaad ku heli doontaa 1099 boosto ahaan cinwaanka aan ku hayno faylka guud ahaan qiyaastii Janaayo-Febraayo.
  • Ka soo dejiso onlayn ahaan MyCarewell503
    • Waxaad ka soo dejisan kartaa 1099 gudaha MyCarewell503 (hadda waxaa lagu heli karo isagoo ku qoran Af-Ingiriis). Waxaad iimeyl ka heleysaa la-hawlgalaheena Zenwork kaas oo wata tallaabooyinka sida marin loogu helo oona loogu daabaco Foomkaaga 1099 onlaynka. Haddii aad rabto inaad onlaynka gasho si aad u hesho 1099-kaaga ama haddii aad ku lumisay boostada, fadlan raac talaabooyinkan: CarewellSEIU503.org/so/access1099.

Eeg hadhaagaaga PTO

  • Kahor intaadan codsanin dheefahaaga PTO, eeg hadhaagaaga PTO iyo saacadahaaga shaqada ee aad soo gudbisay. Waxaad u baahan tahay 8 ama saacado dheefo PTO oo ka badan si aad u codsato dheefahaaga. Codsigaaga lama habeyn doono mana heli doontid lacag-bixin ilaa aad kasbato 8 ama saacado ka badan oo dheefo PTO ah.
  • Eeg hadhaagaaga PTO adigoo isticmaalaya MyCarewell503 (waxaa hadda lagu heli karaa Ingiriisi). Ama naga soo wac lambarka 1-844-503-7348.

Cusboonaysiinta ama eegida habkaada lacag bixinta ee aad door bidayso

  • Haddii aad u baahan tahay inaad eegto qaabka lacag-bixineed ee aad ku heysato faylkeena, isticmaal MyCarewell503 (waxaa hadda lagu heli karaa Ingiriisi). Ama naga soo wac lambarka 1-844-503-7348.
  • Haddii aad u baahan tahay inaad cusboonaysiiso macluumaadka koontadaada dabaajiga tooska lagu sameeyo, isticmaal MyCarewell503.

Sida Uu U Shaqeeyo

Daryeel bixiye beer-yarood ka shaqeenaya

Daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh waxay heli karaan 1 saac oo dheefaha PTO ah 20 saacadood oo kasta oo ay shaqeeyaan, ilaa iyo ugu badnaan 5 saacadood oo ah saacadaha dheefta PTO bil walbo.

Markay ugu yaraan kuu soo harto 8 saacadood oo ah dheefta PTO, waxaad codsan kartaa saacado, ama waxaad kaydsan kartaa saacadaha si aad u qaadato fasax dalxiis oo aad mutaysatay!

Xaq U Yeelashada Dheefaha PTO

Hoos ka akhri shuruudaha si aad u ogaato wax badan oo ku saabsan xaq u yeelashada dheefaha Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh ee Carewell SEIU 503.

Shuruudaha Xaq U Yeelashada

Si aad xaq ugu yeelato dheefaha wakhtiga fasaxa lacagta leh ee Carewell SEIU 503 waxaa qasab ah:

N

Inuu Form W-9 (Foom W-9) kuugu jiro fayl yaala Carewell SEIU 503 Benefits. Dheefta PTO waa dakhli la canshuuri karo. Ma heli doontid dheeftaada PTO haddii aanan kaa haynin Form W-9 (Foomkaaga W-9) oo faylka inoogu jiro.

N

Inaad shaqayso ugu yaraan 20 saacadood bishi si aad xaq ugu yeelato 1 saac oo dheefaha PTO ah. Haddii aad shaqayso wax ka yar 20 saacadood bishi, ma heli doontid saacadaha dheefta PTO bishaas. Waxaad u baahan tahay 8 ama saacado dheefo PTO oo ka badan si aad u awoodo inaad codsato dheeftan.

Saacadaha shaqada xaq leh

“Saacadaha shaqada” waxay ka dhigan yihiin saacadaha ay mushaharka ku bixiyaan Acumen, DHS, iyo/ama PPL iyagoo matalaya macaamiishaada.

Helidda Dheefaha PTO

Waxaad heli kartaa ilaa iyo 5 saacadood oo ah saacadaha dheefta PTO bil walbo.  

Tusaale: haddii aad shaqaysay 110 saacadood 1 bil, waxaad kasbatay 5 saacadood oo dheefaha PTO ah. Tani waxaa ugu wacan 20 saacadood oo shaqa ah waxay u dhigantaa 1 saac oo dheefaha PTO ah manakasban kartid wax ka badan 5 saacadood oo dheefta PTO ah bil walbo. 

Saacadaha 1 bil la shaqeeyay looma gayn karo saacadaha bil kale la shaqeeyay si loo helo saacadaha dheefaha PTO.

Tusaale: Haddii aad shaqaysay 10 saacadood bisha Maajo, oo aad shaqaysay 10 saacadood bisha Juun, iskuma gayn gartid saacadahaas si aad u hesho 1 saac ee dheefaha PTO ah.

Saacadaha dheefta PTO ee la kasbaday bisha ayaa lagu daraa haraaga dheefta PTO ee dhamaadka bisha xigta.  

Tusaale: Waxaad shaqaysay 100 saacadood Maajo adiga oo kasbaday 5 saacadood oo PTO ah. 5 saacadood ee PTO ee aad kasbatay waxaa lagu darayaa haraagaaga marka saacadaha la helo oo laga shaqeeyo dhamaadka Juun.

Haddii aad u shaqeyso shaqaalaha Daryeelka Guriga ama iyo shaqaalaha Taageerada Shaqsiyeed ahaan labaduba, dhammaan saacadaha la shaqeeyay bisha ayaa la isku gayn doonaa si loo xisaabiyo saacadaha dheefta PTO ee bishaas. 

Sida Loo Codsado PTO

Haddii aad shaqaysay tirada saacadaha ee loo baahan yahay si aad u hesho ugu yaraan 8 saacadood dheefaha PTO ah, waxaad ogaysiis ka heli doontaa Carewell SEIU 503. Waxaa ku jiri doona tilmaamo ku saabsan sida aad u codsan karto dheefahaaga PTO. Fadlan xaqiiji inaad eegto haraagaaga dheefaha PTO marka koowaad ka hor inta aadan codsanin dheefahaaga PTO.

Eeg hadhaagaaga PTO adigoo isticmaalaya MyCarewell503 (waxaa hadda lagu heli karaa Ingiriisi). Ama naga soo wac lambarka 1-844-503-7348.

r

Wakhtiga habeynta ee lacag-bixinada Wakhtiga Fasaxa Lacagta leh (PTO) iyo kordhinta mushaharka

Waxaa mahadcelin leh qeybta gorgortanka ee SEIU 503, bixiyeyaasha daryeelka waxay helayaan mushahar kordhin laga bilaabo Janaayo 1, 2026! Haddii aad ku rabto in PTO-gaaga lagu bixiyo sicir cusub oo ka sare kii hore, waxaad u baahan doontaa inaad codsato PTO markay tahay ama ka dib Maarso 1, 2026. Tani waa sababtoo ah in sixitaanada PTO iyo sicirka mushaharka ee la helay hal bil aysan ka soo muuqan doonaan lacagahaada PTO ilaa iyo laga gaaro dhamaadka bisha soo socoto.

Madkaad hesho mushahaar kordhin, fadlan xisaabta ku darsato wakhtigan laga shaqeynayo dhammaan codsiyada dheefta PTO.

Codso Dheefahaaga PTO

Isticmaal Foomka si aad u codsato PTO-gaaga.

Faahfaahinta Dheefaha

Hel Dheefahaaga PTO

Si aad u hesho dheefahaaga PTO, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso Form W-9 (Foomka W-9) haddii aadan horay u buuxinin. Haddii aadan buuxinin, wax lacag ah laguma siin doono, maadaama dheeftan ay tahay dakhli la canshuuri karo. Waxaad ku heli doontaa lacagtaada jeeg boostada laguugu soo diro marka laga reebo inaad dooratay in si toos ah laguugu shubo akoonkaaga bangiga.

Ku Hel Dheefahaaga PTO Lacag Wareejinta Elektrooniga ah

Lacag wareejinta elektrooniga ah ayaa ah habka ugu degdegga badan uguna ammaan badan ee aad ku heli karto dheftaada PTO! Buuxi Foomka Lacag Wareejinta Elektrooniga ah oo soo raaci nuqulka jeeg maran ee erayga ‘void’ ku qoran tahay ama macluumaadka akoonkaaga bangiga.

Waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso foomka Lacag Wareejinta Elektrooniga ah hal mar; annaga ayaa kaydsan doonaa doorbidintaankaaga lacag bixinada mustaqbalka. Ma isticmaali kartid qaabka lacag wareejinta elektrooniga ah haddii aanad lahayn akoon bangi.

Cusboonaysiinta ama eegida habkaada lacag bixinta ee aad door bidayso

  • Haddii aad u baahan tahay inaad eegto qaabka lacag-bixineed ee aad ku heysato faylkeena, isticmaal MyCarewell503 (waxaa hadda lagu heli karaa Ingiriisi). Ama naga soo wac lambarka 1-844-503-7348.
  • Haddii aad u baahan tahay inaad cusboonaysiiso macluumaadka koontadaada dabaajiga tooska lagu sameeyo, isticmaal MyCarewell503.

Buuxi Foomka Magacaabista Ka-faa'iidaystaha PTO

Markaad isticmaalayso dheefta PTO, waxaanu kugu boorinaynaa inaad buuxiso Foomka Magacaabista Ka-faa’iidaystaha si qofka aad doorato u helo lacagtaada PTO ee aadan sheegan haddii ay dhacdo geeridaada.

Macluumaadka Meesha Lagala Xidhiidho

Carewell SEIU 503 Benefits

1-844-503-7348, Isniin–Jimce, laga bilaabo 8 am–6 pm PST.

Sababaha lola xiriiro Carewell SEIU 503 Benefits:

  • Codso baaqigaaga PTO (inta saacadood ee kuu hartay)
  • Waxaad aaminsantahay in jeegaga PTO ee aad heshay ay tahay lacag khaldan
  • Su’aal walbo oo aad qabto oo ku geeraaran dheefaha PTO

Su’aalaha Inta Badan Laisweeydiiyo

Akhri su’aalaha guud ee ku saabsan dheefta Carewell PTO. Arag Su’aalaha Badanaa La Iska Weydiiyo wixii macluumaad dheeraad ah.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir