Tabbabarka Xirfadaha Cusub ee Gobolka-uu uga baahan yahay Shaqaalaha Hadda Shaqeeya

Wakhtiga kama dambeyska ah ee tabbabarka waa la soo dhaafay.

Taariikhda kama dambeyska ah ee tabbabarka xirfadaha cusub ee uu gobalku faro waxay ahayd Juun 30. Haddii aad horay iskuugu diiwaangelisay tabbabarka, waad gali kartaa si aad horusocodkaaga uga aragto bogga intarnetka barashada ee hoose.

Haddii aadan isku diiwaangelinin tabbabarka xirfadaha cusub oo aad wali u baahan tahay inaad samayso, fadlan kala xidhiidh Xarunta Caawinta Xubnaha taleefon lambarka 1-844-503-7348 ama iimaylka CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com.

Kolhore ayaan isku diwaangeliyay tabbabarka

Gal

FAQ (Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo)

Macluumaadka Maalinta Kama Dambayska ah

Miyaan dhab ahaantii dhameeyay tabbabarka? Sideen ku ogaan karaa?

Waxaad gabagabaysay tabbabarka markaad bogto Tabbabarka Xirfadaha Cusub ee Onleenka ah, Aqoon Isweydaarsiga Xirfadaha Cusub, iyo xog-uruurin kasta oo la xiriirta mid kasta oo iyaga ka mid ah. Waxaad ku ogaan kartaa xaaladaada dhamaystirka inaa gasho bogga Intarnetka ee barashada. Tag “My Courses” (“Koorsooyinkeyga”.) Haddii aad bogtay Tabbabarka Xirfadaha Cusub, waa inaad aragto sanduuq cagaaran oo ku qoraya “completed” (“la bogay”) koorsooyinka “Tabbabarka Xirfadaha Cusub ee Onleenka ah” iyo “Aqoon Isweydaarsiga Xirfadaha Cusub” hoostooda. Haddii midkood koorsooyinka ay ku hoos qoran tahay “start” (“bilow”) ama “resume” (“dib u bilow”) oo ku jirta sanduuq buluug-guduud ah ama oranji ah, waxaad wali u baahan tahay inaad dhamaystirto qaybtaas tababarka. Waxaad sidoo kale ku arki kartaa tabbabarka PTC koorsooyinkaaga. Tani looma baahna.  

Markaad bogto qayb kasta oo ka mid ah tabbabarka, waa inaad sidoo kale shahaado ku hesho bogga Intarnetka ee barashada oo leh taariikhda aad dhamaysay. Waxaad ka heli kartaa shahaadooyin qaybta warqada natiijada ee bogga Intarnetka ee barashada.  

Maxaa dhacaya haddii aanan bogin tabbabarka marki la gaadho ama ka hor Juun 30?

Waad sii wadan kartaa. Inkastoo wakhtiga kama dambayska ah la soo dhaafay, Carewell ayaa wali laga sii heli karaa tabbabarka si aad markaas u bogto. Haddii aad ogaysiis shaqo joojin ka hesho gobalka, waxaad codsan kartaa dacwad dhagaysi. Haddii aad bogto tabbabarka xirfadaha cusub ka hor taariikhda dacwad dhagaysiga, waad sii haysan doontaa lambarkaaga adeeg bixiyaha.

Maxaan sameeyaa haddii aan warqad shaqo joojin ah ka helo gobalka? Sideen ku sii haysan karaa lambarkayga adeeg bixinta?

Haddii warqad joojin ah laguu soo diro, waxaad codsan kartaa dacwad dhagaysi si aad racfaan uga qaadato go’aanka. Haddii aad dacwad dhagaysi codsato oo aad dhamaystirto tabbabarka ka hor dacwad dhagaysiga, lambarkaaga adeeg bixiyaha ayaa sii shaqayn doona.  

Macluumaadka Gunnada

Ma inaan bixiyaa kharashka tabbabarka?

Maya. Tabbabarku waa u bilaash dhammaan daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shakhsi ahaaneed.

Mala isiin doonaa gunno kusaabsan tabbabarka aan qaato?

Shaqaalaha boga tabbabarka ka hor taariikhda kama danbayska ah waxaa lagu siin doonaa gunno wakhtiga lagu qaatay ka qaybqaadashada fadhiyada tabbabarka xirfadaha cusub ee loo baahan yahay. Waxa jira $135 gunno ah oo lagu dhammaystirayo Tabbabarka Xirfadaha Cusub ee Onleenka ah iyo $65 gunno ah oo loogu talagalay dhammaystirka Aqoon Isweydaarsiga Xirfadaha Cusub.

Fadlan la soco in haddii lagaa dhaafo shuruudaha tababarka xirfadaha cusub ama aad seegtay wakhtiga kama danbeysta Juun 30, 2022, xaq umalihid helida gunno.  Wixii macluumaad ah ee ku saabsan ka dhaafitaanada, fadlan eeg Su’aalaha Inta Badan La Iska Waydiiso (FAQ) ka dhaafitaanada.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gunnooyinka ayaa laga heli karaa Qaanuunka Gunnada.

Sideen ku helaa gunnada?

Markaad si guul leh u dhammaysato koorsadaada u qalmida gunnada, waxaad iimayl ku heli doontaa kaarka Visa oo ay kujirto gunnadaada.  Si aad u hesho gunnooyinka waqtiga saxda ah, fadlan xaqiiji in cinwaankaaga boostada iyo cinwaankaaga iimaylka ay ka saxan yihiin cinwaankaaga Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell). Lacagta gunnada waxa la soo diraa laba jeer bishii, marka waxa ay qaadan kartaa dhawr toddobaad in gunnada laguu soo gaadhsiiyo. Macluumaad dheeri ah, fadlan eegSiyaasadda Lacag-bixinta.

Fadlan ogoow, haddii lagaa dhaafay shuruuda Tabbabarka Xirfadaha Cusub, xaq uma lihid gunno.  Wixii macluumaad ah ee ku saabsan ka dhaafitaanada, fadlan eeg Su’aalaha Inta Badan La Iska Waydiiso (FAQ) ka dhaafitaanada.  

Sideen u furaa kaarkayga gunnada?

Kaarka OmniCard (gunnooyinka la bixiyay ka hor 3/1/22): Gal https://www.omnicard.com/cards/activate oo raac tilmaamaha ku jira websaydhka. Waxaad sidoo kale wici kartaa 1-877-357-4975 waxaadna riixaysaa 1.  

Kaarka Blackhawk (gunnooyinka la bixiyay ka dib 3/1/22): Gal https://www.myprepaidcenter.com/login/card oo raac tilmaamaha ku jira websaydhka. Waxaad sidoo kale wici kartaa 1-866-829-0707 waxaadna riixaysaa 1.  

Xageen ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kaarkayga gunnada?

Kaarka OmniCard (gunnooyinka la bixiyay ka hor 3/1/22): Si aad u hesho Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQ) ee la xiriira kaarkaaga gunnada, gal https://www.omnicard.com/cards/faq. 

Kaarka Blackhawk (gunnooyinka la bixiyay ka dib 3/1/22): Si aad u hesho Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQ) ee la xiriira kaarkaaga gunnada, gal https://www.myprepaidcenter.com/faq?type=generic 

Maxay gunnadayda u qaadatay wakhti dheer inay igu soo gaarto?

Gunnooyinka waxaa lagu bixiyaa iyada oo lagu salaynayo jadwalka hoose: 

Waxaa dhici kara dib u dhac haddii uu jiro qalad sida cinwaanka boostada oo qaldan ama akoono isku mid ah oo ku jira Bogga Intarnetka ee Barashada. Xaaladahan oo kale, waxay qaadan kartaa 3-4 toddobaad si dib loogu bixiyo kaarka gunnada. Wakhtiga soo safrinta sida caadiga ah waa 1-2 toddobaad. Fadlan hubi in cinwaankaaga boostada ee ku jira Bogga Intarnetka ee Barashada iyo midka gobalka uu hayo ay saxan yihiin si loo xaqiijiyo in si hufan looga shaqeeyo gunnada. 

Iyada oo ay ugu wacan tahay tirada gunnooyinka laga shaqaynayo oo aad u badan, waxaa jiri kara dib u dhac ilaa iyo 6 toddobaad ah ka hor inta aadan gunnooyinka helin. Waxaan kaga shaqaynaynaa gunnooyinka sida ugu dhakhsaha badan waxaana ku dadaalaynaa inaad si degdeg ah ku hesho gunnooyinkaaga.  

Si aad u cusboonaysiiso cinwaankaaga boostada, booqo Bogga Intarnetka ee Barashada oo guji sawir calaamadeedka qof ee buluug-guduudka ah ee jira dhinaca midig ee kore ee shaashada. Ka dib, guji “Edit Profile” (“Wax ka Beddel Cinwaanka”) si aad u baddesho cinwaankaaga iyo macluumaadka kale ee tirakoob. 

Macluumaadka Gelidda iyo Bogga Intarnetka Barashada

Sideen dib ugu baddelaa lambar sireedkayga?

Tag bogga gelitaanka. Meeshaas markaa joogto, haddii aadan aqoonin lambar sireedkaaga, waxaad gujin kartaa “Forgot Password (Lambar Sireedka Ayaan Iloobay)” taas oo markaas iimayl kuugu soo diri doonta xiriiriye aa ku saxato lambar sireedkaaga. Haddii aadan arkin iimaylka sixida lambar sireedka isla markaaba, fadlan ka eeg sanduuqaaga spam.

Ka waran haddii aan xusuusanin magacayga adeegsadaha?

Magacaaga adeegsadaha waa inuu ahaado cinwaankaaga iimaylka. Isku day inaad midkaas ku gasho. Haddii ay midan kuu shaqayn waydo, naga soo wac 844-503-7348 ama noogu soo dir iimayl CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.

Waxaan ka helayaa fariin cilad ama waxaan dhib ku qabaa bogga intarnetka ee barashada. Maxaan sameeyaa?

Haddii aad la kulanto dhib xaga bogga intarnetka barashada ah, sida farriin cilad, shaashad cadiin ku soo kacda, ciladaha maqalka, i.w.m., waa kuwan tallaabooyin aad isku dayi karto. 

  1. Fiiri intarnetkaaga shaqayntiisa.
  2. Ka tir cookies birowsarka. Haddii aadan hubin sida loo sameeyo midaas, ka raadi google sida cookies-ka looga tirtiro birowsarka.
  3. Dib u kici aaladaada (laptop, desktop, tablet, ama taleefon).
  4. Isku day birowsar cusub (Google Chrome, Mozilla Firefox, Microsoft Edge, Apple Safari) – La soco: bogga tabbabarka si wanaagsan uguma shaqeeyo Apple Safari.
  5. Xir boggaga iyo barnaamijyada kale inta aad ku shaqaynaysid bogga intarnetka ee barashada.
  6. Iimayl inoo soo dir waxaan ku siin karnaa taageero. Fadlan soo raaci macluumaadka soo socda haddii aad la soo xirrito kooxdeena taageerada:
    1. Nooca aalada aad isticmaalayso? (kombuyuutar, teleefanka gacanta, tablet-ka)
    2. Nooca birowsarka aad isticmaalayso? (Google Chrome, Mozilla Firefox, Microsoft Edge, Apple Safari)
    3. Dhibaatooyin noocee ah ayaad qabtaa? (ku dhagan magaca qaybta cashirka, boggag/hawl/muuqaal gaar ah, faahfaahinta ku saabsan dhibaatada, fariinta cillada, dhibaatooyinka maqalka)

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir