Tabbabarka Shaqaalaha Cusub

Carewell SEIU 503 Training offers excellent training that will provide you with the tools you need to give your consumer the most impactful— and safest — support and care possible. Through a three-part training, you will learn about your role as a care provider and get an introduction to providing high-quality services to your consumer. You will start with a 4-hour Orientation, which you must complete before you are approved to work.

Orientation is followed by 4 hours of self-directed Online Core training and then a 4.5-hour, live Core Workshop webinar. You will need to complete the core training within the first 120 days of receiving your provider number.

Be sure to complete an application before you begin training. Applications can be found on the Oregon Home Care Commission (OHCC) Workforce application page.

 

 Carewell SEIU 503 Training Registration & User Guide (PDF) English, Spanish, Russian, Simplified Chinese, Vietnamese, Arabic, Somali
 New Worker Flyer, Steps for Success, and FAQ (PDF) English, Spanish, Russian, Simplified Chinese, Vietnamese, Arabic, Somali

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo Tabbabarka Shaqaalaha Cusub?

Horay Miyaad U Diiwaangashanayd?

Tababarka Wuxuu Ku Baxayaa 3 Qaybood:

1: Tabbabar Shaqo

Qaab

Onleen, Qofka Asagaa Iswado

}

Xeliga

4 saacadood

Goormaa

Ka hor shaqaaleysiinta

Tababarka wuxuu ku saabsan yahay

Tabbabarka shaqada waxaa lagu bartaa assaaska daryeel bixinta iyo sida loo bixiyo adeegyada ku saleysan shakhsiga. Mawduucyada waxaa kamid ah:

  • Xuquuqda macamiisha iyo qarsoodida
  • Bixinta adeegyada baaxadda leh
  • Sharciyadda, qaynuunada, iyo sida loo helo mushaharka
  • Maareynta daawada
  • Warbixinta qasabka ah iyo ka hortagga xadgudubyada
  • Badqabka
  • Faa’iidadaada

2: Tabbabarka Aasaasiga Onleenka ah

Qaab

Onleen, Qofka Asagaa Iswado

}

Xeliga

4 saacadood

Goormaa

120 maalmood gudahooda marki la helo lambarka bixiyaha

Tababarka wuxuu ku saabsan yahay

Tabbabarka Aasaasiga Onleenka ah wuxuu sii kabaa Tabbabarka Shaqada. Mawduucyada waxaa kamid ah:

  • Fikradaha taageera adeegyada ku saleysan shakhsiga
  • Badbaadada daryeel bixiyayaha
  • Badbaadada macmiilka
  • Nafaqada
  • Kor u qaadida dhaqamada nadaafada caafimaadka leh
  • Kor u qaadida ka qaybgelinta bulshada

3: Aqoon Isweydaarsiga Aassaasiga ah

Qaab

Onleen, Aqoon Kororsi Onleen Ah oo Toos Ah

}

Xeliga

4.5 saacadood

Goormaa

120 maalmood gudahooda marki la helo lambarka bixiyaha

Tababarka wuxuu ku saabsan yahay

Aqoon Isweydaarsiga Aassaasiga ah waxaa diirada lagu saaraa xoojinta wada xiriirka iyo xirfadaha dhibaato xalinta. Mawduucyada waxaa kamid ah:

  • Fahamitaanka qaabka isgaarsiinta
  • Dhisida xirfadaha wada-xiriirka
  • Dhagaysiga wanaagsan
  • Daalka naxariistu keento
  • Is-daryeelidda

Macluumaadka Gunnada

Ma inaan bixiyaa kharashka tabbabarka?

Maya. Tabbabarku waa u bilaash dhammaan daryeelka guriga iyo shaqaalaha taageerada shakhsi ahaaneed.

Miyaa la igu siin doonaa lacag gunno ah tabbbabarka aan qaato?

Haa. Waxaad lagu siin doonaa $65 gunno ah markaad si guul leh u bogto Tabbabarka Aasaasiga Onleenka ah iyo $65 gunno ah markaad xaadirto Aqoon Isweydaarsiga Aassaasiga ah. Wax gunno ah ma lahan xaadirida Tabbabarka Shaqada.

Sideen ku helaa gunnada?

Gunnooyinka kuwa dhammaystiray Tababarka Shaqaalaha Cusub ka hor 5/19/2022: 

Markaad si guul leh u dhammaysato koorsadaada u qalmida gunnada, waxaad iimayl ku heli doontaa kaarka Visa oo ay kujirto gunnadaada. Si aad u hesho gunnooyinka waqtiga saxda ah, fadlan xaqiiji in cinwaankaaga boostada iyo cinwaankaaga iimaylka ay ka saxan yihiin cinwaankaaga Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell) . Lacagta gunnada waxa la soo diraa laba jeer bishii, marka waxa ay qaadan kartaa dhawr toddobaad in gunnada laguu soo gaadhsiiyo. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan ka eeg Stipend Policy (Siyaasadda Gunnada). 

Fadlan la soco in haddii lagaa dhaafo shuruudaha tababarka dib-u-soo-kabashada ama haddii aad dhammaystirtay tababbarka dib-u-soo-kabashada ka dib wakhtiga kama danbeysta Juun 30, 2022, xaq umalihid helida gunno. Wixii macluumaad ah ee ku saabsan ka dhaafitaanada, fadlan eeg Su’aalaha Inta Badan La Iska Waydiiso (FAQ)ee ku saabsan ka dhaafitaanada.   

Gunnooyinka kuwa dhammaystiray Tababarka Shaqaalaha Cusub ka dib 5/19/2022: 

Markaad si guul leh u dhammaystirto koorsadaada u qalmida gunnada ee ugu horreysa, waxaad heli doontaa iimayl ka socda Bogga Intarnetka Waxbarashada ee Carewell kaasoo ku bari doona Routable, bixiyaha adeegga lacag bixinta. Dhowr toddobaad gudahooda ka dib, waa inaad ka heshaa iimayl Routable kaasoo kuu soo diri doona linki aad ku buuxiso xoogaa macluumaadka ah. Haddii aadan arkin iimaylka Routable, fadlan ka eeg galkaaga spam-ka. 

  • Waxay marka hore ku waydiin doontaa inaad buuxiso waxyaabaha la xidhiidha cashuurta sida ciwaankaada iyo lambarka Soshiyaal Sekiyuuritiga. 
    •  Xaqiiji inaad dooratid “individual”oo aanad dooran “business” marka ay ku waydiiso midka aad tahay.  
    • Guji “Save and continue” si aad ugu gudubto tallaabada xigta.  
  • Marka xigta waxay ku weydiin doontaa inaad jeclaan lahayd inaad gunnada ku hesho debaaji toos ah ama jeeg. 
    • Haddii aad doorato debaaji toos ah, waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso macluumaadka akoonkaaga bangiga si aad u hagaajiso lacag-bixinta.  

 Markaad macluumaadkaaga siiso Routable, waxaad ku arki doontaa gunnadaada 7-10 maalmaha la shaqeeyo gudahooda 

Sideen u furaa kaarkayga gunnada?

Kaarka OmniCard (gunnooyinka la bixiyay ka hor 3/1/22): Gal https://www.omnicard.com/cards/activate oo raac tilmaamaha ku jira websaydhka. Waxaad sidoo kale wici kartaa 1-877-357-4975 waxaadna riixaysaa 1.  

Kaarka Blackhawk (gunnooyinka la bixiyay ka dib 3/1/22): Gal https://www.myprepaidcenter.com/login/card oo raac tilmaamaha ku jira websaydhka. Waxaad sidoo kale wici kartaa 1-866-829-0707 waxaadna riixaysaa 1.  

Xageen ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kaarkayga gunnada?

Kaarka OmniCard (gunnooyinka la bixiyay ka hor 3/1/22): Si aad u hesho Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQ) ee la xiriira kaarkaaga gunnada, gal https://www.omnicard.com/cards/faq. 

Kaarka Blackhawk (gunnooyinka la bixiyay ka dib 3/1/22): Si aad u hesho Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQ) ee la xiriira kaarkaaga gunnada, gal https://www.myprepaidcenter.com/faq?type=generic 

Maxay gunnadayda u qaadatay wakhti dheer inay igu soo gaarto?

Gunnooyinka waxaa lagu bixiyaa iyada oo lagu salaynayo jadwalka hoose: 

 

Waxaa dhici kara dib u dhac haddii uu jiro qalad sida cinwaanka boostada oo qaldan ama akoono isku mid ah oo ku jira Bogga Intarnetka ee Barashada. Xaaladahan oo kale, waxay qaadan kartaa 3-4 toddobaad si dib loogu bixiyo kaarka gunnada. Wakhtiga soo safrinta sida caadiga ah waa 1-2 toddobaad. Fadlan hubi in cinwaankaaga boostada ee ku jira Bogga Intarnetka ee Barashada iyo midka gobalka uu hayo ay saxan yihiin si loo xaqiijiyo in si hufan looga shaqeeyo gunnada. 

Iyada oo ay ugu wacan tahay tirada gunnooyinka laga shaqaynayo oo aad u badan, waxaa jiri kara dib u dhac ilaa iyo 6 toddobaad ah ka hor inta aadan gunnooyinka helin. Waxaan kaga shaqaynaynaa gunnooyinka sida ugu dhakhsaha badan waxaana ku dadaalaynaa inaad si degdeg ah ku hesho gunnooyinkaaga.  

Si aad u cusboonaysiiso cinwaankaaga boostada, booqo Bogga Intarnetka ee Barashada oo guji sawir calaamadeedka qof ee buluug-guduudka ah ee jira dhinaca midig ee kore ee shaashada. Ka dib, guji “Edit Profile” (“Wax ka Beddel Cinwaanka”) si aad u baddesho cinwaankaaga iyo macluumaadka kale ee tirakoob. 

Macluumaadka Gelidda iyo Bogga Intarnetka Barashada

Sideen dib ugu baddelaa lambar sireedkayga?

Tag bogga gelitaanka. Meeshaas markaa joogto, haddii aadan aqoonin lambar sireedkaaga, waxaad gujin kartaa Forgot Password (Lambar Sireedka Ayaan Iloobay) taas oo markaas iimayl kuugu soo diri doonta xiriiriye aa ku saxato lambar sireedkaaga. Haddii aadan arkin iimaylka sixida lambar sireedka isla markaaba, fadlan ka eeg sanduuqaaga spam.

Ka waran haddii aan xusuusanin magacayga adeegsadaha?

Magacaaga adeegsadaha waa inuu ahaado cinwaankaaga iimaylka. Isku day inaad midkaas ku gasho. Haddii ay midan kuu shaqayn waydo, naga soo wac 844-503-7348 ama noogu soo dir iimayl CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.

Waxaan ka helayaa fariin cilad ama waxaan dhib ku qabaa bogga intarnetka ee barashada. Maxaan sameeyaa?

Haddii aad la kulanto dhib xaga bogga intarnetka barashada ah, sida farriin cilad, shaashad cadiin ku soo kacda, ciladaha maqalka, i.w.m., waa kuwan tallaabooyin aad isku dayi karto. 

  1. Fiiri intarnetkaaga shaqayntiisa.
  2. Ka tir cookies birowsarka. Haddii aadan hubin sida loo sameeyo midaas, ka raadi google sida cookies-ka looga tirtiro birowsarka.
  3. Dib u kici aaladaada (laptop, desktop, tablet, ama taleefon).
  4. Isku day birowsar cusub (Google Chrome, Mozilla Firefox, Microsoft Edge, Apple Safari) – La soco: bogga tabbabarka si wanaagsan uguma shaqeeyo Apple Safari.
  5. Xir boggaga iyo barnaamijyada kale inta aad ku shaqaynaysid bogga intarnetka ee barashada.
  6. Iimayl inoo soo dir waxaan ku siin karnaa taageero. Fadlan soo raaci macluumaadka soo socda haddii aad la soo xirrito kooxdeena taageerada:
    1. Nooca aalada aad isticmaalayso? (kombuyuutar, teleefanka gacanta, tablet-ka)
    2. Nooca birowsarka aad isticmaalayso? (Google Chrome, Mozilla Firefox, Microsoft Edge, Apple Safari)
    3. Dhibaatooyin noocee ah ayaad qabtaa? (ku dhagan magaca qaybta cashirka, boggag/hawl/muuqaal gaar ah, faahfaahinta ku saabsan dhibaatada, fariinta cillada, dhibaatooyinka maqalka)
Waxaan ku xayiranahay mid ka mid ah modhulada tababarka mana awoodo inaan horay u socdo. Maxaan sameeyaa?

Fadlan xaqiiji inaad dhammaystirtay dhammaan hawlaha ku jiraan modhulka. Dib uga eeg modhulka walxaha shaashadda saaran ee laga yaabo inaan weli la dooran. Marka dhammaan hawlaha la dhammeeyo, badhanka “Next” waa inuu soo muuqdaa.  

Haddii aadan weli awoodin inaad horay u socoto, fadlan kala xiriir Carewell taleefoonka 1-844-503-7348 ama iimayl u dir CarewellSEIU503training@RISEpartnership.com.

Waxaan kala kulmayaa dhib in aan ka galo bogga intarnetka barashada ee Carewell aaladaheyga IOS-ka (Apple) (sida iPhone-ka, iPad-ka, ama MacBook-ga). Maxaan sameeyaa?

Fadlan isku day inaad gasho bogga intarnetka barashada adoo isticmaalaya mid ka mid ah linkiyada soo socda: 

Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub

Diyaar maad u tahay inaad bilowdo? Booqo Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell) si aad isku diiwaangeliso maanta!

Fadlan eeg hagahan si lagaaga caawiyo boggaaga diiwaangelinta haddii luuqadda aad doorbideyso aysan haayn Ingiriis.

Markaad sii wado isticmaalka websaydhkan, waxaad oggolaatay isticmaalka cookies-ka. Macluumaad dheeraad ah

Hagaajinta cookies-ka ee websaydhkan waxaa loogu talagalay inay "oggolaadaan cookies-ka" si ay kuu siiyaan waayo-aragnimada sahminta ee ugu macquulsan. Haddii aad sii wado inaad isticmaasho websaydhkan adiga oo aan baddelin hagaajinta cookie-gaaga ama haddii aad gujiso "Accept" ("Aqbal") ee hoose markaas waxaad oggolaatay midan. Si aad wax badan uga barato siyaasadeena cookie-ga iyo sida aan u maareyno macluumaadka gaarka ah ee laga yaabo inaad ku soo gudbiso websaydhkan, fadlan arag Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah.

Xir