Tabbabarka Shaqaalaha Cusub
Adeeg-bixiyayaasha Ka Imaanaya Hay'ad
Waxaa jira faa'iidooyin badan oo ku aadan inaad noqoto PSW oo ay ku jiraan kaalmada kharashka daryeelka caafimaadka, wakhtiga fasaxa oo lacag leh, dheefta ilkaha, aragga, iyo barnaamijka caawinta shaqaalaha. Wax badan ka ogow.
Ka soo wareega hay'ad waxay noqon kartaa mid adag. Carewell waxay halkan u joogtaa inay kaa caawiso inaad ugu gudubto door cusub sida ugu macquulsan.
Waxaad ku bilaabi doontaa aqoon kororsiga onleenka ah ee Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub oo 6 saacadood, oo onleen ah, oo uu daadihiyo tabbabaraha. Waa inaad dhameystirto midaan ka hor inta aan laguu oggolaanin inaad shaqeyso.
Tabbabarka shaqada waxaa ku xigi doona 8 saacdood oo ah Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub, ee onleenka ah, ee qofka asaga isa siiyo. Waxaad u baahan doontaa inaad ku dhameystirto Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub 120-ka maalmood ugu horeysa gudahooda ka dib markaad hesho lambarkaaga adeeg bixiyaha.
Waxaad u baahan doontaa inaad samayso qiimayn ka dib qayb walbo oo tabbabarka ka mid ah.
Oo markaad hesho Carewell Kicks, dheef cusub oo laga helo Carewell SEIU 503, waxaad xaq u yeelan doontaa kabo cusub oo simbirixada reeba oo bilaash ah kadib markaad dhamaystirto Tabbabarka Shaqaalaha Cusub.

Hubso inaad dirto codsi ka hor inta aadan bilaabin tabbabarashada. Codsiyada waxaa laga heli karaa bogga codsiga ee Shaqaalaha Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon (Oregon Home Care Commission, OHCC).
New Worker Flyer (Warqadda Shaqaalaha Cusub) (PDF) 简体中文(Af-Shineeska (La fudeediyay)), Русский(Ruush), Español(Isbaanish), Tiếng Việt(Fiyatnaamiis), 한국어(Kuuriyaan), العربية(Carabi), Soomaali(Somali)
Diyaar ma u tahay inaad bilowdo Tabbabarka Shaqaalaha Cusub?
Horay miyaad isku diiwaangelisay?
Isku diiwaangeli luuqadda aad doorbidayso:
简体中文(Af-Shineeska (La fudeediyay)), Русский(Ruush), Español(Isbaanish), Tiếng Việt(Fiyatnaamiis), 한국어(Kuuriyaan), العربية(Carabi), Soomaali(Somali)
Tabbabarkaaga wuxuu ku baxayaa saddex qaybood:
1: Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub
Qaab
Onleen ah, Uu Daadihiyo Tabbabaraha
Muddada
6 saacadood
(Oo ay la socoto 30 daqiiqo oo ikhtiyaari ah oo lagu samaynayo qiimaynta)
Goormaa
Ka hor shaqaalaysiinta, 45 maalmood gudahooda ka dib markaad gudbiso codsiga
Qiimaynta?
Haa. Waa inaad ku gudubto 75% ama ka badan 3 isku day gudahooda.
Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay
Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub waxaa lagu bartaa assaaska daryeel bixinta iyo sida loo bixiyo adeegyada ku saleysan shakhsiga. Mawduucyada waxaa kamid ah:
- Xuquuqda macamiisha iyo qarsoodida
- Bixinta adeegyada baaxadda leh
- Sharciyadda, qaynuunada, iyo sida loo helo mushaharka
- Maareynta daawada
- Warbixinta qasabka ah iyo ka hortagga xadgudubyada
- Badqabka
- Faa'iidadaada
2: Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 1
Qaab
Onleen, Qofka Asagaa Iswado
Muddada
4 saacadood
Goormaa
120 maalmood gudahooda marki la helo lambarka bixiyaha
Qiimaynta?
Haa. Waa inaad ku gudubto 75% ama ka badan 3 isku day gudahooda.
Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay
Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 1 wuxuu siyaado ku yahay Tabbabarka Shaqada. Mawduucyada waxaa kamid ah:
- Fikradaha taageera adeegyada ku saleysan shakhsiga
- Badbaadada daryeel bixiyayaha
- Badbaadada macmiilka
- Nafaqada
- Kor u qaadida dhaqamada nadaafada caafimaadka leh
- Kor u qaadida ka qaybgelinta bulshada
3: Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 2
Qaab
Onleen, Qofka Asagaa Iswado
Muddada
4 saacadood
Goormaa
120 maalmood gudahooda marki la helo lambarka bixiyaha
Qiimaynta?
Haa. Waa inaad ku gudubto 75% ama ka badan 3 isku day gudahooda.
Tababarka Waxa Uu Ku Saabsan Yahay
Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 2 waxaa diirada lagu saaraa xoojinta wada xiriirka iyo xirfadaha dhibaato xalinta. Mawduucyada waxaa kamid ah:
- Fahamitaanka qaabka isgaarsiinta
- Dhisida xirfadaha wada-xiriirka
- Dhagaysiga wanaagsan
- Daalka naxariistu keento
- Is-daryeelidda
Faa'idada Noqoshada PSW
Miyaa lacag la igu siinayaa tabbabarka?
Haa. Daryeel bixiyeyaasha waxaa la siiyaa gunno kadib markay si buuxda u dhammaystiraan Tabbabarka Shaqaalaha Cusub. Tabbabarka Shaqaalaha Cusub wuxuu ka kooban yahay 3 koorso: Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub, Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 1, iyo Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 2.
Si xaq loogu yeesho lacagta gunnada ah, dhammaan koorsooyinka Tabbabarka Shaqaalaha Cusub waa in lagu bogaa 120 maalmood gudahooda ka dib marka lambarka adeeg bixiyaha laga helo Gobalka Oregon.
Gunnada hadda loo qoondeeyay Tababarka Shaqaalaha Cusub waa $273.
Ma jiraan faa’iidooyin kale oo loogu talagalay dhammaystirka tababarka?
Haa. Kadib markaad dhammayso dhammaan koorsooyinka Tababarka Shaqaalaha Cusub, waxaad xaq u leedahay joog kabo oo bilaash ah oo aan sambariiraxasho lahayn adoo u maraaya keena ah barnaamijka Carewell Kicks. Carewell Kicks waa bilaash 100%, waxay kugu ilaalinayaan inaad ku nabdoonaato goobta shaqada, waa kuwa raaxo leh oo sibiqsasho lahayn, waxaana laga heli karaa in ka badan 70 nooc summadaha ganacsi ee caanka ah sida Reebok iyo Sketchers.
Miyaan noqon karaa PSW anigoo weli bixiya adeegyada anoo u maraaya hay’ad DSP ahaan?
Haa! Waxaad qaadi kartaa tillaabooyinka si aad u noqoto PSW (dhameystir codsiga iyo shuruudaha tababarka) oo sii wad saacadaha shaqada adoo u sii maraya hay'ad haddii aad rabto. Dhammaystirka tillaabooyinkan wakhti hore waxay kuu oggolaan doontaa inaad si dhakhso leh u bilowdo shaqada ka ahaan PSW adoonan wax hakad ah gelineynin adeegga macmiilkaaga haddii ay u baahan yihiin ama ay doortaan inay ka baxaan wakaaladda oo ay adeegyo ka helaan gobolka.
Miyaan heli doonaa Wakhtiiga Fasaxa Lacagta leh (PTO) ka ahaan PSW?
Waan ognahay ka qaadashada fasax shaqada ay muhiim u tahay caafimaadka jirkaaga, maskaxdaada, iyo dareenkaaga! Taasi waa sababta ay Carewell SEIU 503 u siiso daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh ilaa iyo 48 saacadood oo dheefta PTO ah sanad walbo. Waxaad heli kartaa 1 saac oo PTO ah 20 saacadood oo kasta oo aad shaqayso, ilaa iyo ugu badnaan 4 saacadood oo ah saacadaha dheefta PTO bil walbo.
Ma heli doonaa dheefaha caafimaadka PSW ahaan?
-
You must enroll in a Carewell-approved individual medical plan purchased through the Marketplace or be enrolled in Medicare.
-
Providers transitioning from a private agency to become a PSW may use recent hours worked at the private agency to qualify for these benefits. You must have worked 40 hours or more in 2 of the last 3 months to be eligible (see other eligibility requirements and details for how to apply here).
Ka warran dheefaha kale?
PSW-yada waxa laga yaabaa inay u qalmaan dheefaha dheeraadka ah, oo ay ku jiraan:
- Ceymiska ilkaha. Ceymis lagu bixiyo Kaiser Permanente Dental oo bixiya lacagaha adeegyada assaasiga ah (sida sifaynta ama buuxinta) iyada oo aan lahayn khidmada ceymiska ee bil'laha ah. Waxaad sidoo kale leedahay ceymiska qayb ka mid ah adeegyada kale (sida xidid dilidda).
- Ceymiska Aragga iyo Maqalka. Dheefaha aragga iyo maqalka oo aan lahayn khidmada ceymiska ee bil'laha ah.
- Barnaamijka Caawinta Shaqaalaha. Caawinta iyo khayraadka—laga soo bilaabo ka caawinta canshuurahaaga ilaa iyo la-talin bilaash ah—ee la tacaalida arrimaha saameeya shaqada, guriga ama noolasha qoyska.
Sideen ku ogaan karaa haddii aan u qalmo dheefaha?
Adeeg bixiyeyaasha ka soo wareegayaan hay'ad gaarka ah si ay ugu shaqeeyaan PSW ahaan Gobolka Oregon, saacadaha goorihii dhawaa loo shaqeeyay hay'adda gaarka ah waxaa lagu xisaabin/meeleyn karaa shuruudaha u-qalmitaanka ee hoose. Waxaad u baahan doontaa inaad keento jeegaga lacag-bixineed oo muujinaya saacadaha la shaqeeyay 2-dii bilood ee la soo dhaafay.
Su'aalaha inta Badan La Iska Weydiiyo Tabbabarka
Ma jirtaa shuruud tababar? Maxaa dhacaya haddii aan horeba tababar uga qaatay hay’addayda?
Haa. PSW-yada waxaa looga baahan yahay inay qaataan Tababarka Shaqaallaha Cusub, waxa uuna ka kooban yahay mowduucyo muhiim ah, sida waqtigaaga loola socdo oona mushahar loo helo.
Wadarta muddada Tabbabarka Shaqaalaha Cusub qiyaastii waa 14 saacadood.
Tabbabarka Shaqaalaha ee Shaqaalaha Cusub ayaa loo heli karaa sidii onlayn ahaan ah, si ah koorso uu macalin dadka wax baro, ama koorsada oo loo soo xaadiraayo shaqsi ahaan, waxayna qaadataa ilaa 6 saacadood oo ay ku jiraan biririfyo. Sidoo kale waxaa jira kulan 30 daqiiqo ah oo ikhtiyaari ah ka gadaal Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub si loo sameeyo qiimaynta loo baahan yahay.
Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 1 iyo Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 2 mid kasta waa ku dhawaad 4 saacadood isku gayn ilaa iyo 8 saacadood oo ah cashiro uu qofka isa siiyo kuwaas oo aad ku dhammaystiri karto jadwal adiga kuugu fiican. Tabbabarka Aasaasiga ah Qaybta 1 iyo Qaybta 2 waa in lagu bogaa 120 maalmood gudahooda ka dib marka lambarka adeeg bixiyahaaga aad ka hesho Gobalka Oregon.
Sideen iskuugu diiwaangeliyaa tabbabarka?
- Iska diiwaangeli Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell).
- Sameyso cinwaan oona isku diiwaangeli Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub. Waxaad ka geli kartaa taleefan casri ah, tablet, ama kombuyuutar.
- Raac tilmaamaha bogga interneetka ee waxbarashada ee ku saabsan sida loo dhammaystiro tababarka.
*Fadlan la soco waxaad u baahan doontaa cinwaan iimayl oo shaqeynaya si aad u bilowdo.
Goormeen bilaabi karaa tabbabarka?
Waxaad bilaabi kartaa Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub ka dib markaad gudbiso codsiga. Waxaad bilaabi kartaa Qaybta 1 ee Tabbabarka Aasaasiga ee Shaqaalaha Cusub iyo Qaybta 2 ee Tabbabarka Aasaasiga ee Shaqaalaha Cusub kadib marka aad bogto Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub, aad marto baaritaanka taariikh dambiyeedka oo aad lambarkaaga daryeel bixiyaha ka hesho Department of Human Services (Waaxda Adeegyada Aadanaha) (DHS) ama Oregon Health Authority (Maamulka Caafimaadka ee Oregon) (OHA).
Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub Qaybta 1 iyo 2 waa in lagu bogaa 120 maalmood gudahooda ka dib markaad hesho lambarkaaga adeeg bixiyaha.
Ma bixisaan caawimaad xagga luqadda ah?
Haa. Waxaad iskuugu diiwaangelin kartaa tabbabarka luuqadaha soo socda:
- Isbaanish
- Ruush
- Fiyatnaamiis
- Af-Shiinees (qoraalka la fududeeyay, cod-saarayaasha Af-Mandarinka; cod-saarayaasha Af-Kantoniiska oo ah qoraal dhaqameed ayaa dhawaan soo socda)
- Carabi
- Kuuriyaan (Tabbabarka shaqada oo kaliya, Tabbabarka Aasaasiga ah ee Shaqaalaha Cusub ayaa dhawaan soo socda)
Markaad ku samaynayso Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub onlayn ahaan , waxaad midkood la kulmi doontaa tabbabare ku hadla mid ka mid ah luuqadahaan ama waxaad koorsada ku qaadan doontaa iyada oo turjumaan uu joogo iyo tabbabare ku hadla Ingiriisi.
Markii laguugu diiwangeliyo tabbabarka mid ka mid ah luuqadahaan, waxaad si ootomaatiga ah ku heli doontaa tabbabarka luuqadda aad doorbidayso.
Hadii luuqadda aad rabto aanan la heli karin, fadlan nala soo xiriir si aanu kuu caawino. Waxaan kaa caawin karnaa inaad hesho xal adiga kuu shaqeeya. Fadlan naga soo wac 1-971-801-8734 ama iimayl noogu soo dir CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com si aan u ogaano tabbabarka aad qaadaneyso iyo luuqada aad rabto.
Xageen ka heli karaa caawin?
Waxaan halkan u joognaa inaan ku caawino! Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah websaydkeena, CarewellSEIU503.org/transition ama iimayl noogu soo dir CarewellSEIU503Training@RISEpartnership.com. Waxaad naga soo wici kartaa lambarka 971-801-8734 halkaas oo wakiillada laga heli karo inta u dhexeysa 8am ilaa 6pm Isniin ilaa Jimce.
Tabbabarka Shaqada ee Shaqaalaha Cusub
Diyaar maad u tahay inaad bilowdo? Booqo Carewell Learning Portal (Bogga Intarnetka Barashada ee Carewell) si aad isku diiwaangeliso maanta!
Fadlan eeg hagahaan si lagaaga caawiyo boggaga diiwaangelinta haddii luuqadda aad doorbideyso aysan haayn Ingiriis.